Maxaabiis Iraan u dhashay oo Xabsiyada Soomaaliya laga siidaayay

0
Monday March 25, 2024 - 20:12:03 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaabiis Iraan u dhashay oo Xabsiyada Soomaaliya laga siidaayay

    Iran ayaa sheegtay in maxaabiis kaga xirnaa Soomaaliya ay dib u heleen xorriyaddooda 33 kaluumaysato iyo badmaaxiin u dhashay dalka Iran oo ku xirnaa xabsiyada dalka Soomaaliya ayaa la sii daayay, waxaana ay dib ugu laabanayaan dalka Iran iyagoo diy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iran ayaa sheegtay in maxaabiis kaga xirnaa Soomaaliya ay dib u heleen xorriyaddooda 33 kaluumaysato iyo badmaaxiin u dhashay dalka Iran oo ku xirnaa xabsiyada dalka Soomaaliya ayaa la sii daayay, waxaana ay dib ugu laabanayaan dalka Iran iyagoo diyaarad lasoo saarayo sida ay ku waraantay warbaahinta Irna ee Iran. Cali Maxamed Cumar Balcad oo ah kusimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ku wargeliyay in 33-kaluumeysato iyo badmaaxiin u dhashay dalka Iran oo ku xirnaa xabsiyada Soomaaliya la sii daayay, kuwaasi oo dib ugu soo laabanaya dalkooda, sida uu ku dhawaaqay Safiirka Iran u fadhiya Kenya Ali Gholampour. Gholampour oo sidoo kale ah Safiirka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran u fadhiya Soomaaliya ayaa intaa ku daray in mas'uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya ay shaaciyeen in ay diyaar u yihiin in loo gudbo hannaanka dib u soo nooleynta xiriirka labada dal oo go'ay dhowr sano ka hor.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip