Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo ka qayb galay Banaanbax ka dhacay Muqdisho

0
Monday March 25, 2024 - 20:09:02 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo ka qayb galay Banaanbax ka dhacay Muqdisho

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kumanaan ka tirsan Shacabka Gobolka Banaadir ee Caasimadda Muqdisho kala qeyb-galay Banaanbax ay ku taageerayaan Dhameystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Fed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kumanaan ka tirsan Shacabka Gobolka Banaadir ee Caasimadda Muqdisho kala qeyb-galay Banaanbax ay ku taageerayaan Dhameystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Shacabka oo watay boorar ay ku xar-dhan yihiin in la dhameystiro Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu baaqeen in ay Ansixiyaan Dhameystirka Dastuurka. Iyagoona Madaxwaynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ku taageeray ka dhabeynta balan-qaadkiisa ahaa in uu dhameystirayo Dastuurka dalka. Xubno ay ka mid yihiin Guddoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, xubno ka tirsan Hormuudka Haweenka, Dhalinyaradda iyo Culumada, oo halkaasi kula hadlay kumanaanka shacab ee isugu yimid barxada Taalada Daljirka Dahsoon, ayaa codkooda ku biiriyay taageerada Dhameystir Dastuurka, Isla markaana kuwa diidan ugu baaqay in ay ka hor leexdaan masiirka Ummadda Soomaaliyeed. Ugu danbeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in dhameystirka Dastuurka uu yahay mid muqadis ah, si loo helo xuquuqda ka maqan kumanaanka shacab ee ku nool Gobolka Banaadir, isla markaana loo cadeeyo Maqaamka Caasimadda Muqdisho, Asigoona ugu baaqay xubnaha xildhibaanada labada Aqal in ay Ansixiyaan dhameystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip