Xuutiyiinta oo Gantaalo ku weerartay Markab Shidaal oo marayay badda Cas

0
Sunday March 24, 2024 - 17:46:04 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuutiyiinta oo Gantaalo ku weerartay Markab Shidaal oo marayay badda Cas

    Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa shan gantaal oo nooca ballistic-ga ah ku weerarray markabka shidaalka qaada ee M/V Huang Pu, xilli uu marayay badda cas, kaaso ku socdaalayay calanka Panama, balse laga leeyahay Shiinaha. Sida lagu sheegay war-saxaafa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa shan gantaal oo nooca ballistic-ga ah ku weerarray markabka shidaalka qaada ee M/V Huang Pu, xilli uu marayay badda cas, kaaso ku socdaalayay calanka Panama, balse laga leeyahay Shiinaha. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay baahiyeen taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka, Markabka ayaa la sheegay mid ka mid ah gantaalada inuu ku dhacay kaaso dhaliyay dab ka kacay qayb ka mid ah markabka, oo si dhaqso ah loogu guuleystay in la damiyo, wuxuuna sii watay socdaalkiisa, sida warbixinta lagu sheegay. Weerarka markabkan la sheegay in laga leeyahay Shiinaha ayaa ku soo aaday , xilli la sheegay Xuutiyiinta inay heshiis caalami ah la gaareen Ruushka iyo Shiinaha. Heshiiskaasi ayaa higayay inaysan weerarrin maraakiibta labada dal laga leeyahay iyo kuwa xiriirka la leh oo dekedahooda ku socda , halka Xuutiyiinta ay ka helayaan taageerro caalami ah labadan dal ee codka qayaxan ku leh Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip