Kulan looga hadlay sare u qaadista wax-soo-saarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka oo qabsoomay

0
Sunday March 24, 2024 - 17:40:14 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan looga hadlay sare u qaadista wax-soo-saarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka oo qabsoomay

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey sidii kor loogu qaadi lahaa wax-soo-saarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, taas oo ku saleysan qorshaha Xukuumadda DanQa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey sidii kor loogu qaadi lahaa wax-soo-saarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, taas oo ku saleysan qorshaha Xukuumadda DanQaran ee casriyeynta dowladnimada Soomaaliya. Ra'iisul Wasaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradaha wax-soo-saarka looga fadhiyo sidii ay dalka u gaarsiin lahaayeen isku filnaansho dhaqaale, isaga oo kula dardaarmay in ay yeeshaan wada-shaqeyn dhow, si wadajir loogu xaqiijiyo hadafka Xukuumadda ee la xiriira isku-filnaansho dhaqaale oo ay Soomaaliya gaarto. Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira, barnaamijka istiraatijiyadeed ee Bangiga horumarinta Afrika iyo qorshaha isbeddelka Qaranka iyo Labs'ka Wasaaradaha wax-soo-saara dalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip