Shacabka Dalka Senigal oo maanta u dareerray goobbaha cod bixinta

0
Sunday March 24, 2024 - 17:28:40 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Dalka Senigal oo maanta u dareerray goobbaha cod bixinta

    Maanta oo Axada ayaa lagu wadaa in dadka reer Senegal doortaan Madaxweynihii shanaad ee dal kaasi, kaddib isku dayo dib loogu dhigayay doorashada oo abuurtay rabshado. Sagaal iyo toban murashax ayaa doonaya in ay badallaan Madaxweyne Macky Sall, isa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta oo Axada ayaa lagu wadaa in dadka reer Senegal doortaan Madaxweynihii shanaad ee dal kaasi, kaddib isku dayo dib loogu dhigayay doorashada oo abuurtay rabshado. Sagaal iyo toban murashax ayaa doonaya in ay badallaan Madaxweyne Macky Sall, isagoo dhamaystay labadii xili ee dastuurku u ogolaa in uu u tartamo jagada Madaxweynaha, waxana laga doonayaa mid kasta oo kamid ah murashaxiinta tartamaysa, in uu boqol kiiba konton kor u dhaafo si looga fogaado doorasho ku celis ah oo lagu kala baxo. Xisbiga talada haya ayaa sharaxay Ra'isul Wasaarihii hore ee wadan kaasi Amadou Ba oo ah 62 jir. Ku dhawaad 7.3 milyan oo qof ayaa isu diiwan galiyay in ay codeeyaan doorashada maanta, waxayna goobbaha cod bixintu furmi doonaan sideedda subaxnimo xiliga dal kaasi, waxayna xirmi doonaan, lixda maqrib kii. Tirinta codadka ayaa horey ka bilaaban doonta, marka la xiro goobbaha cod bixinta, waxana natiijada la filayaa in lagu dhawaaqo 26 bishan Maarso


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip