Hay'adaha Amniga oo soo qabtay shaqsiyaad lagu Eedeeyay Weerarkii Hotel SYL

0
Sunday March 24, 2024 - 17:21:07 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 129
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adaha Amniga oo soo qabtay shaqsiyaad lagu Eedeeyay Weerarkii Hotel SYL

    Hay'adaha Amniga ee dowladda oo gacanta ku haya galbaariseedka weerarkii Alshabaab ay ka gaysteen Hotel SYL waxa ay gacanta ku dhigeen 16 eedeysane oo ku lug lahaa weerarkaas. Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa ku g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adaha Amniga ee dowladda oo gacanta ku haya galbaariseedka weerarkii Alshabaab ay ka gaysteen Hotel SYL waxa ay gacanta ku dhigeen 16 eedeysane oo ku lug lahaa weerarkaas. Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa ku guulaysatay in ay soo qabato Abdinasir Daahir Nuur oo ahaa shaqsigii suurta-galiyay in magaalada Muqdisho ay soo galaan Gawaarida falka argagixiso lagu gaystay. Sidoo kale dadka la qabtay waxaa ka mid ah illaa iyo Afar eedeysane oo ku diiwaan gashan milkiyadda labada Gaari ee Alshabaab u adeegsatay weerarka Hotelka SYL. Waxaa kale oo baaris ay ku socotaa Shan xubnood oo ka tirsan ciidanka ammaanka dowladda kuwaas oo ka shaqaynayay baraha baaris ee Alshabaab ay ka soo gudbeen. Shacabka Soomaaliyeed waxaa lala wadaagi doonaa caddaymo dhammaystiran kuwaas oo muujinaya dhagarta Shabakaddan Alshabaab ka tirsan iyo gungaarka hay'adaha baarista. Dhammaan Shabakadda Alshabaabka ka ah ee la qabtay iyo eedeysaneyaasha kale ee loo haysto kiiskan waxaa loo gudbin doonaa Maxkamadda shaqada ku leh, waxaana ay hortagi doonaan cadaaladda ayaa lahu yiri' warkan ka soo baxay Dawlada Soomaaliya .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip