Soomaaliya iyo Finland oo ka wada hadlay Arrimo muhiim u ah labada dal

0
Tuesday March 19, 2024 - 12:36:19 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya iyo Finland oo ka wada hadlay Arrimo muhiim u ah labada dal

    Dowladaha Soomaaliya iyo Finland ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan xiriirka labada dal. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladaha Soomaaliya iyo Finland ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan xiriirka labada dal. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay safiirka Finland ee Soomaaliya. Kulankaan dhexmaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Amb. Pirkka Tapiola ayaa diiradda laga saaray waxyaabo dhowr ah oo ku aaddan cilaaqaadka ka dhexeeya labada waddan ee Soomaaliya iyo Dowladda Finland. Waxaana intii uu kulanku socday lagaga wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen Xaaladda gobolka iyo sidoo kale howlo ay ka mid yihiin; Xasillinta, Dowladaha hoose iyo dadaallada Dib u heshiisiinta. Finland ayaa ka mid ah dowladaha Xiriirka fiican la leh dowladda Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip