Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo diiday Wax ka bedelka Dastuurka

0
Tuesday March 19, 2024 - 13:32:27 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo diiday Wax ka bedelka Dastuurka

    Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay shir ku teeshay 71 Xildhibaan oo ka kala tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya , kuwaas oo diiday wax ka bedelka Dastuurka' iyagoo sheegay in qorshaha socda dadka iyo dalka lagu kala fogeynayo. Xild

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay shir ku teeshay 71 Xildhibaan oo ka kala tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya , kuwaas oo diiday wax ka bedelka Dastuurka' iyagoo sheegay in qorshaha socda dadka iyo dalka lagu kala fogeynayo. Xildhibaanada iyo Senatorrada xalay shiray ayaa muujiyay in Hawsha socota ee wax ka bedelka dastuurka aysan qeyb ka noqon doonin, iyagoo ka digay sida ay wax ku socdaan farriinta u diray madaxweynaha, xukuumadda iyo guddoonka baarlamaanka. Warsaxaafadeed ka soo baxay shirka xildhibaanada ayaa lagu sheegay in heshiiskii lagu go'aamiyey in dastuurka wax laga bedelo ee golaha wadatashiga qaranka uu ahaa mid aan loo dhameyn oo Puntiland ay ka maqantahay. Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad iyo Senitor Maxamed yuusuf Gaagaab oo Hogaaminayay Xildhibaanada shirka ku yeeshay Muqdisho ayaa ka hadlay kulanka ,iyagoo sheegay in aysan ku taageereyn madaxweyne Xasan Sheekh, Wax ka bedelka Dastuurka waxayna ugu baaqeen in uu ka leexdo wada uu ku socdo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip