Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 30 Shabaab ah lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellada Hoose

0
Tuesday March 19, 2024 - 13:30:07 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 30 Shabaab ah lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellada Hoose

    Sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya, in ka badan 30 dagaalame oo katirsan Shabaab ah ayaa lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamka, kaasi oo ka dhacay Baqdaad iyo Baldooska oo hoos taga degmada Afgooye ee gobo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya, in ka badan 30 dagaalame oo katirsan Shabaab ah ayaa lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamka, kaasi oo ka dhacay Baqdaad iyo Baldooska oo hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Hawlgalkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ciidanka dowladda ay heleen xog sheegaysay in Alshabaab ay isku aruursanayeen deegaannadaas kuwaasi oo waday abaabul weerar sida ay sheegtay dowladda. Warsaxaafadeedka dowladda waxaa lagu sheegay, in deegaanka Baldooska lagu dilay 24 Shabaab ah, halka 15 kale lagu dilay duqayn ka dhacday deegaanka Baqdaad. Sidoo kale Shabaabkii ku dhaawacmay hawlgalladan ayay Shabaabku geeyeen deegaannada Farsoolay iyo Buulo Fulay. Howlgalladan ayay dowladdu sheegtay inay daba socdaan howlgallo maalmihii ugu danbeeyay ka socday degaano dhowr ah oo ku yaala dhanka xeebta Muqdisho ilaa iyo magaalada, halkaas oo ay dowladda sheegtay in Shaaabku si dhuumaalaysi ah ku soo galaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip