Wasiir Juxa: Akoonadii hay'daha mashaariicda nala fulin jiray waa maran yihii

0
Monday March 18, 2024 - 12:04:57 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 69
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Juxa: Akoonadii hay'daha mashaariicda nala fulin jiray waa maran yihii

    Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay in ay maran yihiin akoonada hay'adaha mashaariicda ka fulin jiray Puntland. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa muujiyay rajo xumo weyn oo ku saabsan helitaanka taageeradii ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay in ay maran yihiin akoonada hay'adaha mashaariicda ka fulin jiray Puntland. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa muujiyay rajo xumo weyn oo ku saabsan helitaanka taageeradii ay Puntland ka heli jiray hay'adaha caalamiga ah. Juxa wuxuu sheegay dowladda federaalka in ay masuul ka tahay in ay hoos u dhacaan mashaariicdii Puntland ka socon jirtay, isagoo sheegay inay kusoo rogtay cuqabateyn dhinaca walba leh "Innagu siyaasad baanu isku haynay, iyagu waxay galiyeen qalinkii iyo daawadii, raashinkii, wixii basic-ga ahaa ee aanu xaqa u lahayn. Marka mashaariicda istaagtay qeyb waxaaa ka ah khilaafka annaga iyo federaalka naga dhaxeeya," ayuu yiri wasiir Juxa. Wasiirka arrimaha gudaha wuxuu sheegay, Puntland in ay isku tashanayso oo ay dib boorka uga jafayso kaabayaasheeda dhaqaalaha si ay isugu filnaanto, ugana maaranto taageerada hay'aduhu bixin jireen.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip