Soomaaliya oo qeyb ka ah shir ka dhacay UK kaas looga hadlay arrimaha gargaarka

0
Monday March 18, 2024 - 12:59:36 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 73
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo qeyb ka ah shir ka dhacay UK kaas looga hadlay arrimaha gargaarka

    Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dalka UK kaga qeyb galay shir ku saabsan sidii wadajir looga shaqayn lahaa dhisidda u adkeysiga cimilada ee xaaladaha jilicsan iyo kuwa colaaduhu saameeyee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dalka UK kaga qeyb galay shir ku saabsan sidii wadajir looga shaqayn lahaa dhisidda u adkeysiga cimilada ee xaaladaha jilicsan iyo kuwa colaaduhu saameeyeen oo ka dhacay Wilton Park. Shirkaan oo la isugu keenay samafalayaasha bini'aadannimada, khubarada isbeddelka cimilada, u dhaqdhaqaaqayaasha nabadda iyo hawl-wadeennada horumarinta oo ka kala yimid caalamka ayaa looga dooday sidii xal waara loogu heli lahaa khataraha is-daba-joogga ah ee ay ku jiraan u nuglaanta isbeddelka cimilada ee ay wajahayaan bulshooyinka ay saameeyeen jilicsanaanta iyo rabshadaha. Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macallin ayaa madasha la wadaagay xaaladaha bani'aadannimo ee dalka iyo sida ay lama huraaan u tahay in maalgalin loo helo mashaariicda dhiseysa adkeysiga bulshada, si loo dhimo khatartaha kala duwan ee ay wajahayaan dadka nugul.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip