Sida WhatsApp badbaado ugu noqday haween tahriibay oo kadibna lagu qasbay in jirkooda laga ganacsado

0
Monday March 18, 2024 - 14:50:52 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 77
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sida WhatsApp badbaado ugu noqday haween tahriibay oo kadibna lagu qasbay in jirkooda laga ganacsado

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xuuraan BBC ay samaysay

Digniin:Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay faahfaahin sheekadan u arkaan mid murugo leh oo taabata dareenkooda.

Haweeneey 32 sanno jir ah ayaa ilmada qubtay markii ay dib u milicsatay tacadiyadii ay martay xilli ay nolol fiican u raadsatay dalka Cumaan oo ay jaariyad ka noqotay.

Georgina, oo sida dhammaan dumarka la tahriibiyo ee ay BBC-du warraysato waxay dooratay in magaceeda koobaad uun ay isticmaasho, waxay aamintay in loo shaqaalaysiiyay in ay darawal ahaan uga shaqayso Dubai.

Waxay ganacsi yar oo ay maamulaysay ku lahayd magaalada Lilongwe, caasimadda dalka Malawi. Kadib waxaa lasoo xidhiidhay qof u sheegay in ay lacag badan ka samayn karto Bariga Dhexe.

Waxay yaqiinsaday in la khayaamay markii ay cago-dhigatay diyaaraddii ay la socotay Muscat, caasimadda dalka Cumaan. Iyadoo loo go’odoomiyay qoys ku shaqaalaysiiyay saacaddo daran in ay jaarid u ahaato, todobada maalin ee todobaadkiiba.

"Waxaan gaadhay heer aana qaadan karin,” ayay tidhi, iyada oo faahfaahinaysa siday xitaa hurdadeeda u yaraatay una noqotay laba saacad oo qudha.

Ma’aysan sii joogin shaqadaas wakhti badan kadib markii ninkii ay u shaqaynaysay uu bilaabay in uu ku qasbo in uu u galmoodo, isaga oo ugu hanjabaya in uu toogan doono haddii ay juuq dhahdo.

"Keligii ma’ahayn,” ayay tidhi, "Saxiibadii ayuu keeni jiray, lacag ayuuna ka qaadan jiray kadibna.” "Si xun baan u dhaawacay, aad baana u walbahaaray.”

Qiyaastii labo milyan oo shaqaale dumar ah ah ayaa ka shaqeeya wadamada Gacanka Carbeed.

Baadhitaan lagu sameeyay 400 oo dumar ah oo Cumaan ka shaqeeya oo ay samaysay ha’yadda socdaalka iyo samalka ee ‘Do Bold’ oo lagu daabacay 2023 Xarunta Warbixinnada Tahriibinta Dadka ee Maraykanka, waxaa lagu ogaaday badidood haweenkaas in ay ahaayeen dhibanayaal lasoo tahriibiyay.

Afartaas boqol kudhawaad 300 boqol oo kamidda ayaa sheegay in loo gaystay tacadiyo galmo, halka qayb kamida ay sheegeen tacadiyo gacanqaad ah iyo takoor.

Todobaadyo badan kadib, Georgina waxay noqotay mid aad u nugul iyada oo qoraal ay kusoo daabacday Facebook ku bariday qof caawiya.

Kumanaan kiiloomitir meel ka fog iyada, Pilliana Mombe Nyone oo ah 38 jir ku nool Maraykanka ahna mid ka ol’oleeya baraha bulshada ayaa arkay farriinteeda bilaabayna in xuuraan sameeyo.

Waa lala soo xiriiray iyada oo qoraalkii Facebook ka saartay, amaankeeda darteed; laakiin lambarkeeda WhatsApp ayay baahisay si loola soo xiriiro. Waxay ogaatay in dhibaatadu tahay mid baahday.

"Georgina waxay ahayd dhibanahii koobaad, kadibna hal gabadh, labo gabdh, saddex gabdh,” ayay BBC-da u sheegtay "Waana markaan dhahay: "Waa in aan sameeyo [WhatsApp] Group sababtoo ah tani waxay u egtahay Bini’aadan Tahriibin.

In kabadan 50 dumar ah oo u dhashay dalka Malawi oo shaqaale ka ah Cumaan ayaa kusoo biiray Groupka.

Waxyar kadib waxaa buux dhaafiyay farriimo cod ah iyo muuqaalo.

Waxyaabaha qaar waa kuwo aan la daawan karin, waxayna muujinayaan xaaladda murugta ah ee dumarku u adkaysanayeen.

Kuwo badan ayaa laga qaaday baasabooradooda isla markii ay imaadeenba taas oo ka xanibaysay in ay tagaan.

Kuwa qaar ayaa sheegay in ay musqulaha isku soo xidheen si ay farriimaha usoo diraan.

"Waxaan dareemay in aan xabsi ku jiro.. aana waligeen ka baxsan karin,” midbaa tidhi. "Noloshaydu runtii halis bay ku sugan tahay,” mid kalaa tidhi.

Nyoni ayaa bilowday in ay la hadasho hay’addaha samafalka ee dad tahriibinta ee gudaha Malawi ka shaqeeya, waxayna is barteen Ekaterina Poras Sivolobova oo ah aas’aasaha ‘Do Bold’ oo saldhigeeddu yahay dalka Greece.

Hay’adda ‘Do Bold’ waxay la shaqaysaa bulshooyinka soogalootiga ah ee wadamada Khaliijka iyaga oo baadha dhibanayaasha lasoo tahriibiyay iyo shaqaalenimada qasabka ah iyadoo hay’addu wada hadal la gasho shaqaysiiyaha si looga furfuro dhibanaha.

"Dadka loo shaqaynaayo waxay la xidhiidhaan wakiil keena shaqaalaha soo galootiga ah. Mid kamida caqabahada ugu weyn ee aan wajahno ayaa ah in shaqaalaysiiyaha iyo wakiilkuba uu dhaho lacagtaydii in la iisoo celiyo baan rabaa kadibna gurigeeda way aadi kartaa,” ayay marwo Sivolobova u sheegtay in BBC-da "Sharciyada ka jira [Cumaan] waxay xarimayaan qofka shaqaalaha ahi in uu ka tago qofka shaqaalaysiiyay. Ma beddeli karto shaqada wadankana kama bixi karto – si walba oo loola dhaqmo.”

‘‘Markaan caawiyay Gerogina, waxaan dareemay murugo, aad baana u xanaaqay,” ayay tidhi Nyoni. Arrinta Georgina waxay u ogolaatay haweenayda lagu magacaabo Nyoni in ay dowladda digniino Malawi digniino gaadhaan kuna cadaadiso arrinka in ay soo farageliso.
Qoraalka sawirka,

‘‘Markaan caawiyay Gerogina, waxaan dareemay murugo, aad baana u xanaaqay,” ayay tidhi Nyoni. Arrinta Georgina waxay u ogolaatay haweenayda lagu magacaabo Nyoni in ay dowladda Malawi digniino gaadhaan kuna cadaadiso arrinka in ay soo farageliso.

Tani waa waxa Bariga Dhexe looga yaqaanno ‘Kafala’ oo ah nidaam shaqaalenimo, taas oo shaqaalaha ku xidhaysa qofka shaqaalaysiiyay mudada heshiiska. Golaha Qaran ee La-Dagaalanka Dad Tahriibinta ee dalka Cumaan ayaa BBC-da u sheegay in xidhiidhka ka dhexeeya shaqaalaysiiyaha iyo shaqaalaha soo galootiga ah uu yahay mid lagu heshiiyo muranada aan la xalinna maxkamad ayaa laysla tegi karaa muddo toddobaad ah.

Waxayna ku dareen, in aan la ogolayn ‘in lagu soo rogo nooc walba oo shaqaalenimo qasab ah, in aan laga qaadi karin shaqaalaha baasabooradooda iyo dikumiintiyadooda gaarka ah ogolaansho qoran la’aantood.”

Kadib mudo 3 bilood ah oo ay ku sugnayd Georgina Muscat, iyada oo caawinaad ka helaysa marwo Nyoni iyo qof kale oo Cumaan ku sugan Georgina waxay ku noqotay Malawi June 2021.

‘‘Markaan caawiyay Gerogina, waxaan dareemay murugo, aad baana u xanaaqay,” ayay tidhi Nyoni.

Arrinta Georgina waxay u ogolaatay haweenayda lagu magacaabo Nyoni in ay dowladda Malawi digniino gaadhaan kuna cadaadiso arrinka in ay soo farageliso.

Xarunta Dimuqraadiyaradda iyo mashruuca samafalka ee Horumarka Dhaqaalaha ee Malawi waxay ol’ole badbaadin ah ka bilowday Cumaan iyaga oo dowladda ka codsanaya in ay haweenka dalka kusoo celiyaan.

Blessings waa haweeneey kale oo ku jirta kooxda WhatsApp oo 39-jir ah. Waxay u safartay Muscat bishii Diseembar 2022, iyadoo kaga tagtay afarteeda caruur walaasheed, Stevelia, magaalada Lilongwe. Waxaa si xun ugu gubatay jikada guriga ay ka shaqaynaysay, laakiin loo shaqeeyaha ayaa u diiday inay ku noqoto Malawi.

"Heerka gubashada, i aamina, waxaan arkay walaashay oo wayday nafteeda," Stevelia ayaa u sheegtay BBC.

"Waxaan xasuustaa in walaashay ay tiri: "Walaashay, waxaan halkan u imid sababtoo ah waxaan rabay nolol ka fiican, laakiin haddii aan dhinto, fadlan xannaanee caruurteyda." Taasi way i dhaawacday."

kulan qiiro leh oo ka dhacay gegida dayuuradaha ee Lilongwe oo dhexmaray Blessings iyo qoyskeeda bishii Oktoobar ee la soo dhaafay
Qoraalka sawirka,

kulan qiiro leh oo ka dhacay gegida dayuuradaha ee Lilongwe oo dhexmaray Blessings iyo qoyskeeda bishii Oktoobar ee la soo dhaafay

Waxay ahayd kulan qiiro leh oo ka dhacay gegida dayuuradaha ee Lilongwe oo dhexmaray Blessings iyo qoyskeeda bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Stevelia waxay bilawday u ololaynta walaasheed in guriga la keeno. Markii hore wakiilka ayaa si caro leh qoyska ugu sheegay in Blessings ay dhimatay, balse taasi run ma aheyn, waxayna ugu dambeyntii soo laabatay bishii October ee lasoo dhaafay, iyadoo gacan ka heleysa dowladda Malawi.

"Weligay uma malaynayn inay iman doonto wakhti aan mar kale arki doono qoyskayga, carruurtayda," Blessings ayaa sidaas u sheegtay BBC wax yar ka dib.

"Wax feker ah kama haysan in ay jiraan dad adduunka ku nool oo ula dhaqma dadka kale sida addoommada."

Dowladda Malawi, oo sidoo kale la shaqeysa Do Bold, ayaa sheegtay inay ku bixisay in ka badan $160,000 (£125,000) si ay 54 haween ah uga soo celiso Cumaan.

Laakin Aida Chiwalo oo 23 jir ah ayaa gurigeeda ku soo laabatay iyadoo ku jirta naxash. Ma jirin wax baaritaan ah oo lagu sameeyay meydkeeda ama baaritaan lagu sameeyay Cumaan dhimashadeeda kadib.

Maamulka Cumaan ayaa sheegay in wasaaradda shaqadu aysan wax cabasho ah ka helin shaqaalaha guryaha ee u dhashay Malawi ah sanadka 2022 iyo laakiin hal cabasho oo kaliya ayaa soo gaartay sanadkii 2023-kii, kaas oo la xaliyay.

"Inta badan haweenkan waa la sii daayay sababtoo ah lacag ayaa la siiyay loo shaqeeyaha, min $1,000 ilaa $2,000," ayay tiri Ms Sivolobova. "Marka asal ahaan, xorriyaddooda waa in la iibsadaa. Taasina waa waxa i dhibaya. Sideed u iibsan kartaa xorriyadda qof kale?"

Afhayeen u hadlay dowladda Malawi ayaa BBC-da u sheegay in ay sameynayaan shuruuc lagu hubinayo socdaalka badbaadada, habsamida leh iyo socdaalka joogtada ah inay faa'iido u leeyihiin muhaajiriinta, qoysaskooda iyo guud ahaan dalka.

Georgina waxay xasillooni ka heshaa inay aaddo iskana soo daawato harada Malawi
Qoraalka sawirka,

Georgina waxay xasillooni ka heshaa inay aaddo iskana soo daawato harada Malawi

Georgina waxay hadda xasillooni ka heshaa inay aaddo iskana soo daawato harada Malawi.

Laakiin Nyoni, oo kooxdeeda WhatsApp ay hadda u tahay gole taageero oo loogu talagalay dadka soo laabanaya, ayaa sheegtay in arrinta ku saabsan shaqaalaha guryaha ee loo tahriibiyo Cumaan ay muujinayso dhibaatada ka weyn Malawi - taas oo ah saboolnimada iyo shaqo la'aanta.

"Haddii gabdhaha da'da yar ay fursad u helaan inay shaqo ka helaan Malawi, maku dhacayaan dabin, waxaan u baahanahay inaan hagaajino qaranka si dhalinyaradan aysan waligood sidan oo kale u qabsan."

Georgina, dhibka soo gaaray in dhaafto way adkayd Waxay xasillooni ka raadisaa hadda in ay hoos ugu dhaadhacdo daawatana harada Malawi, mid ka mid ah harooyinka ugu weyn Afrika.

"Markaan daawado mowjadaha, waxay i xasuusinaysaa in wax noloshu aysan weligeed sii jiri doonin. Maalin maalmaha ka mid ah waxaas oo dhan waxay noqon doonaan taariikh," ayay tiri.

"Anigu waxaan helaa nabad, waxaana naftayda ku dhiirigeliyaa inaan ku laaban doono sidii aan ahaan jiray – Georgina-dii hore, oo madaxbannaan."

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip