HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 18-KA MAARSO 2024-KA

0
Monday March 18, 2024 - 08:31:33 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 18-KA MAARSO 2024-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dorraad gaaray dalka Ereteriya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka So omaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dorraadsafar shaqo ugu ku gaaray dalka Eret eriya oo ay tababar ku qaadanayaan qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Eriteriya ay booqasho labo maalin ah uga bilaabata y ayaa kula kulmi doono dhiggiisa dalkaas Isaias Afwerki, kaas oo ay ka wada hadli doonaan iska ashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya

Aadan Madobe oo la kulmay wakiilka cusub ee UNHCR

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Dorraad xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka cusub ee UNHCR ee Soomaaliya Mudane Charles Mballa.

Kulanka Gudoomiyaha iyo Wakiilka UNHCR ayaa ku saabsanaa isbarasho iyo is xog-wareeysi maadaama wakiilka dhowaan la soo magacabay. Md. Charles ayaa ka mahadceliyay ansixinta Hind ise Sharciyeedka Qaxootiga Soomaliya oo Baar lamaanka meel mariyay, kaas oo muhiim u ah dalka iyo guud ahaan qaxootiga iyo barakac ayaasha

R/wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan looga hadlayey amniga dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriya dda Federaalka Soomaaliya Md. Xamsa Cabdi Bar re, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey amni ga guud ee dalka, ciribtirka Khaw aarijta iyo sidii loo sii adkeyn lahaa ammaanka caasimadda.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Gaashaandhigga, Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha, Talisyada Ciidamada Xoogga Dalka, Bool iska iyo Nabad Sugidda, Xeer Ilaali yaha Guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha Gobo lka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga, gaar ahaan xilligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan oo koox aha Khawaarijtu ay caadey steen in ay dhibaat eeyaan shacabka Soomaa liyeed ee cibaade ysanaya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa adkeeyey muhii madda ay leedahay in hey’adaha amnigu ay la yim aadaan feejignaan dheeri ah, si Khawaarijtu aanay fursad ugu helin dhibaateynta dadka Soomaaliyeed ee cibaadada Alle ku jira.

Waxa uu hoosta ka xariiqay Ra’iisul Wasaare Xamsa sida ay mudnaanta koowaad ugu leedahay Xukuumaddiisa ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee baneystay nafta iyo maalka bulshada Soom aaliyeed.

Wasiiro,Saraakiil iyo duqa Muqdisho oo Xalay ku wada afureen Degmada Dayniile

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Wasiirka Was aaradda Cadaalada & Dastuurka XFS, Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda G/Banaadir iyo Taliyeyaasha Laamaha Amniga ayaa kulan afur wadareed ah kaga qeyb galay duleedka Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir, xubn aha Wasiirada iyo Saraakiisha Amniga ayaa kor meer ku sameeyay qeybo ka mid ah Degmada Day niile, si ay ugu kuur-galaan xaaladaha Amniga iyo midka nololeed, iyagoona shacabka ku amaanay sida ay ugu heelan yihiin la-shaqeynta laamaha Am niga, waxa ayna ugu baaqeen in la dar-dargeliyo sugida Amniga si loogu hortago dhagaraha cadowga.

Wasiirada iyo Duqa Muqdisho waxay ka wada mahadceliyeen afurka iyo casuumada uu fidiyay Maamulka Degmada Dayniile oo uu hor kacatyo Gudoomiyahooda Abdishakur Abuukar Macalin (Rooble). —DHAMAAD—

Madaxweynaha JFS oo Sagotiyey dhaa wacyadii Hotel SYL oo loo qaaday Turkiye

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa garoonka diyaaradaha ee Aaddan Cadde ku sii sagootiyey mas’uuliyiin iyo muwaadiniintii Soom aaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarkii khawaarijta al shabab ku qaadeen Hotelka SYL, kuwaas oo xaaladdooda caafimaad lagu soo daaweynayo dalka dibaddiisa,Muwaadiniinta la qaaday ayaa tiradooda gaaraysaa 19 qof.

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in dhaawacyadan loo qaaday dalka Turkiga halkaasna dabiibid caaf imaad loogu sameyn doono.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababbar ku qaadanayaan qaar ka mid ah Ciid amada Qalabka Sida, isaga oo dhiggiisa dalkaas kala hadli doono iskaashiga ka dhaxe eya Soomaaliya iyo Ereteriya.

R/w. ku xigeenka XFS ayaa qaabil ay danjir aha Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Md. Saa lax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadh iya Soomaaliya, Mudane Axmed Binu Muxumed Al-Mawlid, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaa laha ah . Mudane Saalax ayaa uga mahadceliyey Boqortooyada Sucuudiga taageerada ay siiso So omaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, hor umarinta adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka

Deni oo kulan la yeeshay Madaxda iyo Wakiil lada Hay’adaha Q/Midoobey

Madaxweynaha dowlad Gob oleedka Puntland Siciid Cabdulla ahi Deni, oo uu weheliyo Madax weyne Ku-xigeenka Ilyaas Cisma an Lugatoor , ayaa kulan la qaat ay Madaxda iyo Wakiillada Hay’ adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Puntland.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Hay’ad aha Qaramada Midoobey, Qorshaha 5-ta sano ee Dow ladda oo qeyb ka tahay siyaasadda horumari nta Puntland.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa usoo jeediyay Hay’adaha Qaramada Midoobey in loo baahanya hay iswaafijinta qorshaha Maamulka iyo Mashaa riicda ay Hay’aduhu Dalka ka fullinayaan.

Hawlgallo ka dhan ah Alshabaab oo ka socda gobolka Jubada Hoose

CiidamadaXoogga dalka gaar ahaan Kuma andooska Danab iyo kuwa DaraawiishtaJub baland oo is kaashanaya ayaa ho wlgallo ka dhan ah Al-sha baab ka wada deegaa no ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidankan ayaa howlga llada ka wada tuulooyinka hoostaga magaalada Kis maayo iyo deegaanka Janaay Cabdale ee gobolk aas.

Howlgalada ayaa la tilmaamay in ciidamada ay kuso qabqabteen dad u badan dhalinyaro oo ay la xariirinayaan iney ka tirsan Al-shabaab ee ka dagaalanta deegaanadaas.

Saraakiil ka tirsan Ciidamadaan iskaasha naya ayaa sheegay in ujeedka howlgalkooda uu yahay ka hortaga weerarada kooxdu ay kasoo abaabusho deegaanada hoost aga Kismaayo iyo Janaay Cabdale.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axm ed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe iyo ku xigeen kiisa ayaa Dhawaan waxa ay socdaal ku tagay dee gaano ciidamada Jubland ay ka fuliyeen howlgalo xiriir ahaa dhowr maalmood Halkaas ka socday isal amarkaana Saraakiisha Ciidanka Jubland ay sheegeen in khasaare xooggan ay ku gaarsiiyeenAl-shabaab.

Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir oo la hor keenay Saraakiil loo haysto musuq maasuq

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa Dorraad u fariisatay Dacwad loo haysto sara akiil loo haysto Eedaymo Musuq maasuq, Saraakiishan ayaa hore Maxkamadda Gobolka Ban aadir uga soo saartay xukun ah in lagu waa yay eeday mihii loo soo jeediyey xoriya dood ana dib ugu celisay balse Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka ayaa ka qaatay Racfaan.

Eeda ysanayaashan ayaa ka tirsanaa wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshadda iyadoo laba ka mid ahi u kala dambeeyaan xilka Agaasimihii guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulsha da,halka Sarkaalka saddexaad yahay sarkaal ka tirsan shaqaalaha wasaaradda. Dowladda ayaa dagaal adag ku qaaday la dagaalanka musuq maasuqa iyo dabar goyntiisa iyadoo muddooyinkii u dambeeyey ay si daahfuran uga socdeen Maxka maddaha dalka Saraakiil loo haysto Musuq Maa suq.

‘Lix jeer ayaan ka badbaaday qarax, waxaa iigu xanuun badnaa kan HOTEL SYL oo…’

Waxay u ahayd mid ka mida habeenadii ugu naxdinta badnaa in ka badan shan jeer oo hore ugu badbaaday weeraro qaraxyo ku bilowday daba deedna ay xigeen in rag hubaysan oo gudaha u galay goob uu ku sugnaa.

Habeenkii jimcuhu soo gal ayey, Faysal Cara ale Afrax waxay u ahayd habeen uu welwel iyo dadaal badan uu ku bixiyey sidii isaga iyo wiilkiisa oo toban sano jira ay ugu badbaadi lahayeen weerarkii ka dhacay hotel SYL oo ku yaal agagaarka mada xtooyada Soomaaliya, kaas oo ay qaraxyo iyo wee raro ku qaadeen rag hubaysan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

‘‘Jugtu markay dhacday, wiilkayga waa booday isagoo cararay. Waa soo qabtay waxaana ku iri aabe fariiso, ka dibna waxaan isku dayey sidii an nafaheena u maarayno. Naftaada waad maareeyn kartaa laakin mid kale oo waliba ilmahaaga ah waa ka sii welwel badan tahay waana ka sii naxdib bad an tahay’’ ayuu BBC da u sheegay Faysal Caraale.

Feysal oo ah Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir aya sheegay sheegay in markii qaraxu dhacay uu ku sugnaa qaybta barxada ee hotelka SYL isagoo markaas ka soo baxay salaada taraawiixda.

‘‘Aniga wiilkayga waxaan ka wada boodnay darbiga, waxaa aad ii caawiyey laba ka mid ahaa ilaaladayda, dhaawac fudud ayaa i gaaray laakiin wixii ay dadkii an waxba Dorraadsan ay gaarsiiyeen Khawaariijtu waxy ahayd wax naxdin leh” ayuu intaas ku daray xoghaye Faysal.

Faysal, wuxuu BBC-da u sheegay in xilligaas uu qofkasta doonayey in naftiisa badbaadsado oo aysan jirin cid eegaysay wax kale, basle qofkasta uu xooga saarayey inuu isagu noqdo kan ugu hore eye ee ka samatabaxa.

Weeraradii hore ee Faysal ka badbaaday

Faysal Caraale Afrax Xoghayaha guud ee maamul ka gobolka Banaadir ayaa BBC-da u sheegay in tiro ka badan shan jeer uu ka badbaaday weeraro halis leh oo dad badani ku dhinteen oo ay Al-shabaab la eegteen goobo oo ku sugnaa.

Qaraxii ugu horeeyey ayuu la kulmay sanadkii 2013-kii isagoo ku sugan magaalada Buulabarde ee gobolka Hiiraan kaas oo dhaawac ka soo gaaray.

Sanadihii 2017 kii,2018 kii, 2022 kii, 2023 kii iyo kii ugu danbeeyey ee sanadkan oo ka kala dhacay Baladweyne iyo Muqdisho ayuu Faysal ka badbaaday wallow kuwa ka mida weeraradaas ay dad badani oo masuuliyiin isaga la mid ahaa ay ku geeriyoodeen.

Wuxuuse si gaara u xusay qaraxii sanadkii 2023-dii ku qabsaday xaruntiisa shaqo ee gobolka Banaadir kaas oo dablay hubaysan ay gudaha u galeen xarunta

"Xiligaas waxaa ku sugnaa xafiiskayga waana iska difaacnay nimankii na soo weeraray gaar aha ana ilaa afartan daqiiqo ayaan iska difaacaynay aniga ilaaladaydu” ayuu yiri Faysal Caraale.

Isagoo ka jawaabayey waxaa ku soo dhaca maskaxdiisa markasta oo qarax iyo weerar ka bad baado ayuu sheegay "Markasta in Illaahay i jecel yahay”. Isha: BBC



Xog: Kiiska taliyihii dilka loo heystay ee bool iska Heliwaa oo sii adkaaday iyo tallaabo la qaaday

Waxaa sii adkaanaya kiiska Taliyihii booliska degmada Heliwaa Cabdifitaax Qoslaaye oo loo hey sto dilka wiil ganacsade ahaa, waxaana la xiran oo kiiskaan kula eedeysan ilaaladiisii iyo xubno kale.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa xilkii laga qaa day Taliye Cabdifitaax Qoslaaye, isagoo xabsi ku jira muddo seddax toddo baad ah, waxaana lagu wadaa in dhawaan maxk amadda ciidamada lasoo taago.

Sarkaal lagu maga caabo Maxamed Cabdira xmaan Qalinle ayaa loo magacaabay taliyaha bool iska degmada Heliwaa, iyadoo xabsiga iu ku jiro taliyihii isaga ka horeeyey Dhamme Cabdifitaax Qoslaaye.

Taliye Qoslaaye, afar askari oo ilaalo u ahaa iyo labo nin oo shacab ah, waxaa loo heystaa dilka gan acsade Abuukar Axmed Kaabax.

Allaha u naxariistee Abuukar Kaabax ayaa goor habeen ah laga afduubtay degmada Heliwaa, isa goo u hoyaadaya xaafadiisa, waxaana isla habee nimo lagu dilay deegaanka Garasbaaley.

Maalintii ayaa meydkiisa laga soo qaaday halkii lagu dilay, sidoo kale goob kale ayaa laga helay gaarigii uu wetay, intaas kadibna waxaa la samee yey baaritaan, waxaana deg deg loo helay xogta kiiskaas dilka ah oo ragaan 7-da ah loo soo xiray.

Maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa in ma xkamadda ciidamada lasoo taago raggaan dilkii Abuukar Kaabax loo heysto, waxaana xog ku helay inay soo dhamaadeen baaritaanadii socday.

Abuukar Axmed Kaabax wuxuu ahaa wiil aqoo nyahan ah, dalka dibadiisa wax ku soo bartay, kuna qanacsan inuu dalkiisa ka shaqeyso oo joogo.

Wuxuu ka shaqey jiray sarifka lacagaha online-ka ah, ragga dilka kula eedeysan taliyaha iyo aska rtiisa ayey ninkaas ahaayeen isku shaqo, waxaana la tuhmayaa inay iyagu shirqooleen oo ciidankaan ku dalbadeen.

Dadka reer Muqdisho ayaa aad uga naxay arrin taan, maadaama uu taliye dhan oo degmo ku lugy eeshay dilkii ganacsadaha, sisoo kale qoyska Abuukar ayaa dowladda ka dalbaday, kana sugaya in kiiskaan cadaaladda la marsiiyo.

Xogta sarkaalka loo haysto weerarkii lagu dilay Tuure & ‘baycadii uu la galay’ Shabaab

Waxaa Dorraad Maxkamadda Ciidamada Qalab ka Sida ee magaalada Muqdisho kasoo muuqday Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasu ge, oo ah sarkaale sare oo ka tirsan Kumaandooska DANAB.

Ninkan ayaa ah Laba Xidigle ka tirsanaa ciida mada uu tababaray Mareykanka ee DAN AB, wuxuuna ku eedeysan yahay inuu la shaq eyn jiray kooxda Al-Shabaab.

Mucaawiye Waasuge ay aa la sheegay in kooxda Al-Shabaab u ballan-qaaday xilka Waal iga gobolka Hiiraan, uuna sidaas kula shaqeyn ayay, isagoo ah aa basaas ku dhex jira ciidanka Soomaaliya kuw ooda ugu tayada wanaagsan ee DANAB, sida ay xafiiska xeer ilaalinta ka hor sheegtay maxka madda.

Mucaawiye ayaa ka dambeeyay fududeynta we erarkii lagu dilay Gaashaanle Xasan Tuure, waxa yna Dorraad maxkamadeyntiisu ka bilaa batay magaalada Muqdisho.

Mucaawiye Waasuge ayaa wajahay eedeymo argagixiso oo waaweyn sida; dhabar jabinta saaxii bbadiisa DANAB, basaasida goobaha ciidanka iyo talisyada iyo weliba shirqoolka iyo soo gaabinta cimriga taliyahaashiisii hore.

Taliye Xasan Tuure oo ninkaan loo haysto wee rarkii lagu khaarajiyay ayaa waxa uu ku dhintay da gaal qaraxyo ku billowday oo ka dhacay Galcad ee gobolka Galgaduud.

Xoogaga Danab oo ka tirsan ciidanka xoogga Dalka ayaa waxaa tababara Mareykanka, iyaga oo saldhigooda ugu weyn ku leh Garoonka Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

     DANAB waa ciidan lugta oo tababar gaar ahi qaba, waxayna fuliyaan hawl-galada qorsheysan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waana ciidanka sida gaarka ah ula hawl-gala Ciidamada Marey kanka ee Villa Somalia ka taageera weerarada dhinaca cirka ee lagu bartilmaameedsado mad axda iyo maleeshiyada Shabaabka.

Xigasho:- Caasimadda.Net


Imaaraatka Carabta oo dhisaya ciidamo caloo shood u shaqeystayaal si uu ugu xoojiso awo oddiisa militari ee Yemen iyo Soomaaliya

Imaaraatka Carabta (UAE) ayaa lagu soo war amayaa inay dhisayaan ciidamo cusub oo militari ah oo u eg ciidamada shisheeye ee Fara nsiiska, sida laga soo xigtay falanqeeyayaasha difaaca caal amiga ah Intelligence Online.

Ciidamadan ayaa ka koobnaan doona ugu yara an 3,000 oo ajaanib ah oo la qorayo waxa yna ujee dadoodu tahay in ay xoojiyaan awoodda milatari ee Imaaraadka.

Sarkaal hore oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Faransiiska ayaa hogaaminaya hindisaha, wax aana qorista la qorsheeyay inta u dhaxaysa bartam aha 2024 iyo 2025.

Habka qorista oo ay maamulayso shirkad Abu Dhabi ah, ayaa u ballan qaadaysa shaqooyin mush ahar fiican leh oo la siinayo ragga dhallinyarada ah ee loo qorayo shaqada. waxayna muujinaysaa isb eddel muuqda oo ku yimid istaraatiijiyadda difaaca Imaaraadka Carabta.

Ciidamadan cusub oo loogu magac daray "Legio n Foreign Legion” ee Imaaraadka ayaa la she egay in la geyn doono dalalka Yemen iyo Soomaaliya, halkaasoo Imaaraadka uu dano gaar ah ka leey ahay, balse ay caqabado amni oo badan kala kulm aan.

Hawlgalka Imaaraadku ka wado Bariga Afrika, gaar ahaan dhinaca milateriga iyo dhaqa alaha, wa xa uu bud-dhig u ahaa siyaasaddiisa arrimaha dib adda. Imaaraatka Carabta ayaa horey ugu lug lah aa tababarida askarta Soomaa liya iyo sameynta saldhigyo ciidan iyo ka qeyb qaadashada mashaarii cda bani’aadanimo iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in qorshuhu uu la jaan qaadayo hadafka ballaaran ee Imaara adku leeyahay ee ah inuu awood ku sameeyo gob olka iyo ka hortagga khataraha gobolka, gaar aha an kooxaha taabacsan Iran sida dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen iyo kooxa ha sida Al Shabaab ee Soomaaliya.

Imaaraatka Carabta ayaa dhawaanahan waxaa lagu dhaleeceeyay taageerada ay siiso ciidamada Sudan ee RSF, dagaalka ay kula jiraan ciidamada Sudan.

Imaaraatka Carabta ayaa si adag u been iyay in ay hubeynayaan kooxda RSF inkastoo warbixin sir ah oo Qaramada Midoobay ay soo saartay ay ku sheegtay in ay hayaan cadeymo lagu kalsoonaan karo.

Aasaaska Kooxda Ajnabiga ah ee Imaaraa tka waxay sidoo kale dhalinaysaa su'aalo ku saa bsan qaabka isbeddelka ee iskaashiga milata riga caal amiga ah iyo qandaraasyada milatari ee gaarka ah. Qorista ay dawladda Imaaraadku si toos ah ugu qoranayso askarta ajaanibka ah muddo aan la cayimin waxa ay ka dhigan tahay dhaqdhaqaaqyo cusub oo dhanka xidhiidhka difaaca caalamiga ah iyo dhaqamada calooshood u shaqeystayaal ah.

Israel oo dishay 12 ruux iyo Woqooyiga Gaza oo la geeyay gargaar

Ciidamada Israel ayaa woqooyiga Gaza ku dlay 12 ruux oo gargaar doon ah,xilli gawaari kolonyo ah oo sidday shixnad mucaawino ah la gaarsiiyay bar tamaha.

Dilka ama weerarka lagu fuliyay dadkaasi rayid ka ah,gaar ahaan haween iyo carruur sugaayey sahay gaegaar ayaa ka dhacay deegaanka Deir el-Balah oo ku taalla bartamaha Qaza.

Sida laga soo xigtay muuqaallo iyo goob-joo gayaal ayaa tilmaamaya in ay jiraan tiro badan oo dhaawac ah oo ay geysteen ciidamada Israel,kadib kolkii ay weeraro ku qaadeen Deir el-Balah.

Saddex iyo toban baabuur oo ah kuwa xam uulka qaada ayaa si nabad ah ku gaaray Jabalia iyo magaalada Gaza, kuwaas oo calaamad u ah kolanyadii ugu horreeyay ee ka socdaalay koonfu rta una gudbay waqooyiga Marinka Qasa iyada oo aan wax shil ah dhicin kadib afar bilood.

Dhinaca kale, wadahadallada xabbad-joojinta ayaa suurtagal ah in manta ay dib uga bilowdaan Dalka Qatar, iyadoo wafdi Israa’iili ah oo uu hoggaaminayo madaxa sirdoonka Mossad la filayo inay Hamas kala hadlaan qorshe saddex marxalad ood ah oo lagu soo afjarayo dagaalka.

Ugu yaraan 31,553 falastiiniyiin ah ayaa la dilay 73,546 waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israel ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.

Tirada dhimashada Israa’iil ee weerarkii Xam aas ee Oktoobar 7 ayaa mareysa 1,139 iyada oo ay jiraan tiro badan oo maxaabiis ah oo la heysto.

Masar Ma Ogolaan Doonto In Falastiiniyiinta

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ay aa sheegay in dalkiisu uusan ogolaan doonin baraki cinta qasabka ah ee Falastiiniyiinta laga wado Gaza, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay afhayeenkiisa.

Hadalkan ayuu ka sheegay mar uu la kulmay Ursula von der Leyen oo ah madaxa guddiga reer Yurub.

Sisi waxa uu carabka ku adkeeyay sida ay lag ama maarmaan u tahay in xabad joojin laga gaaro marinka Qaza waxa uuna xaqiijiyay in Masar ay diiday barakicinta qasabka ah ee ay Falastiiniyiinta ku hayaan meel ka baxsan dhulkooda.

Waa maxay sababta Masar aysan u dooneyn in Falastiiniyiinta Gaza ay ka gudbaan xadka

Iyadoo ay sii kordhayaan duqeymaha lagu hayo Qaza, taasoo ku qasabtay Falastiiniyiinta inay ka cararaan guryahooda, ayaa militariga Israel waxa ay u jiheynayaan dhanka gobolka Rafah ee koonf urta halkaasi. Halkaa, oo ay isku koobeen ciidamada Israa’iil iyo badda Mediterranean-ka, Falastiiniy iintu waxay u muuqdaan inay haystaan ​​hal meel oo ay aadaan – iyada oo laga sii gudbayo xudduudda Masar ee saxaraha Siinay.

Masar ayaa diiday in Qaza ay ka soo qulqul aan, sababo la xiriira walaaca ay ka qabaan barakicinta Falastiiniyiinta iyo arrimaha ammaanka gobolka.

Laakiin waa ikhtiyaar ay Israa’iil sida muuqata tixgelisay. "Warqad fikradeed” oo ay diyaariyeen sir doonka Israa’iil wax yar ka dib bilawgii daga alka bishii Oktoobar ayaa soo jeedinaysa in Falast iiniyiinta loo raro marinka Gaza ee xerooyinka teen dhada ee waqooyiga Sinai ka dibna la dhiso magaalooyin joogto ah.

Si kastaba ha ahaatee, xafiiska ra’iisul wasaa raha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in warbixintu ay tahay kaliya layli mala awaal ah.

Laakin waxaa caad in wadamada Carabta aay ku fiirsanayaan xasuuqa Reer Qaza iyagoo ka uuri naayo aqwaanu muslimiin oo marnaba laga doone ynin wadamada carabta qaarkood.

Mudug: Dhakhtar Kenya u dhashay oo arrin cajiib ah ka sameeyey magaalada Galdogob

Nin dhakhtar ah oo u dhashay dalka Kenya, ka na shaqeeya isbitaal ku yaalla magaalada Gald ogob ee gobolka Mudug ayaa ku guuleystay isku day cajiib ah, kadib markii halkaas ka sameystay be er weyn.

Ninkaan ayaa codsaday in lasiiyo dhul, waxaana duleedka Galgodob dhul laga siiyey uu ku abuuray Qare, markii uu kasoo baxo shaqadiisa isbitaalka wuxuu ka howlgeli jiray beertiisa.

Hadda waxaa soo go’day beertii, waxaana laga guray Qare aad u badan oo qurx badan, kana waa weyn qaraha ka baxa qeybo badan oo Soomaaliya ka mid ah.

Sawirro laga soo qaaday dhakhtarkaas Keny aanka ah ayaa Dorraad qabsaday baraha bulsh ada Soomaalida, iyadoo aad loo falanqey nayo sida Mudug oo ka mid ah gobollada ugu dhulka adag Soomaaliya wax looga soo saari karo.

Arrinta cajiibka ah, waa in meel u muuqata Galdogob ay ku dagaalayaan beelo walaalo ah oo halkaas wada dega, kuwaas oo isku heysta dhul daaqsimeed iyo waxyaabo kale aan macna laheyn, halka dhakhtarka Kenyaanka ah uu dhaqaale badan ka sameynayo deegaankooda.

Dad badan ayey iska dilaan beelaha ku dagaa lamaya aagga Galdogob, caqabadaha ugu horeeya ee dadka Soomaaliyeed isku dira waa kamid ah dhaqaale la’aanta, balse iyagoo is dilaya ayuu nink aan ajanebi ah si fudud dhaqaale uga sameeyey deegaankooda.

Dorraad Qarihii quruxda badnaa ee beerta uga soo go’ay dhakhtarka ayaa loo iib-geeyey magaa looyinka kale ee Galmudug iyo Puntland, waxaana halkaas laga raray dhowr gaari oo kuwa xamuulka qaada ah, taas oo muujineysa tirada Qaraha beer taaa ka soo go’ay.

Soomaaliya waxaa la sheegaa in dhulkeedu qani yahay, laakiin dadka Soomaaliyeed waxay ku jiraan dadka ugu saboolsan dunida, sidoo kale waa dad aad isku dila, waxaana dhiigooda ka sii dhalatay carada rabbi.

Iceland oo xaalad degdeg ah looga dhawaaqay

Sida BBC-du sheegtay Koonfurta Iceland waxaa looga dhawaaqay Xaalad degdeg ahkadib foolka ano mar kale qaraxday.

Foolanadaan danbe ayaa ka dhacday Jasiiradda Reykjanes taas oo ah tii afraad tan iyo bishii Desembar.

Dabka iyo qaraxa uu sababay foolanahan ayaa laga dareemayaa koonfurta Iceeland sida aad sawirada ku arki karto.

Lavaga ayaa gaaray difaacyada bari ee ku hareeraysan

MagaaladaGrindavik ayaa laga saaray dadkii deganaa si looga badbaadiyo dabka ka dhashay foolkanaha oo u muuqda inuu fidayo.

Sidoo kale waxaa dadka laga raray halka caanka ah ee loo dalxiis tago waana dhacdooyinka mid ka mida waxyaabaha keenay in xaalad degdeg ah dalkaasi looga dhawaaqo.

Shacabka Xamar kuma qancayaan ilaa Dowladu cadeyso, soona xirto cidii fududeysay weerarkii SYL Hotel

Bulshada Soomaaliyeed ayaa wali dhagta waxay u taagayaan talaabo u qalanta in Dowladu qaado marka la eego cidii ka danbeysay weerarkii habeen hore lagu qaaday SYL Hotel ee sababay dhimashada,dhaawaca iyo burburka hantiyeed.

Wararka horu dhaca ah ee sheegaya in la xirey qaar ka mida ciidamada ilaalada jag-boyntiyada laga soo galo madaxtooyada ma aha wax shacabka soomaaliyeed aqbali karaan.

Sida wax u dhaceen marka la eego qiyaasta muuqata in dad masuuliyiin ah fududeeyeen ma aha wax shacabku ku qanci karaan in ciidan kaliya loo soo xiro madaama ay ku dhaqeeyaam amarka taliyayaashooda, sidoo kale taliyayaasha xitaa amarka madaxda sare ayay ku shaqeeyaan.

Shacabka Muqdihso oo marqaati ka ah gaari qarax wada iyo gaari caadiya iska daaye xitaa ineysan halkaasi tagi karin qof lugeynaya oo aan la ogeyn wuxuu yahay ayaa taasi keeneysaa shakiga ah in taliye sare ama masuul inuu ka danbeeyo dhacadadaasi niyad jabka ku ah shacabka Soomaaliyeed.

hadaba maxay shacabku ku qanci karaan.

Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Mu qdisho waxay ku qanci karaan kaliya waa in kiisk aan ugu horeyn eedeysanayaal ay ka noqdaan taliyayaasha NISA,Booliiska iyo kuwa ma daxtooyada .

Waxakale ee shacabku ku qanci karaan waa in talaabo degdeg ah dowladu qaado oo masuuliyada cida leh ay soo xirto sida taliye sare ama Xildhibaan ama Wasiir. WAXAA QOREY WARIYE SUUD-MA QAATE



RAMADAAN: SIDA AAD ISAGA ILAALIN KARTO GAAJADA IYO OONKA MARKA AAD SOOMANTAHAY?

Xilli la gudo galay bisha barakeysan ee Ramadaan, muslimiinta ku nool guud ahaan dunida ayaa bilaabay inay soomaan maadama soonka uu kamid yahay tiirarka diinta Islaamka, waxaana qofka soomaan laga doonaya in uu ka fogaado cuntada iyo cabista xilliga maalintii ah.

Inkasta soonka laga helo faa'iidooyin caafimaad, haddana waxa laga yaabaa in dadka qaarkood ay ku adkaato in ay la qabsadaan isbeddelka ku yimi hab-nololeedkooda bishan, ama waxaa laga yaabaa in qofka uu dareemo daal daran maadama uu ka go'ay cabitaankii iyo cuntadii, inkasta dadka qaar ay la qabsadaan soonka, dadka qaar waxay la daalaa dhacayaan xanuunada sida sokorowga iyo dhiig karka.

Waxaan halakn idiin kuugu soo gudbineynaa talooyinka muhiimka ah ay bixiyaan khuburrada caafimaadka si aan u ilaalino caafimaadkeena anaga oo soomaan.

BBC-da, qeybta Carabiga oo la hadashay tiro dad ah ayaa sharraxeysaa waaya-aragnimadooda shakhsi ahaaneed ee laga yaabo inay dad badani ka faa'iidaystaan ​​inay qorsheeyaan sida ay wakhtigooda ugu qaataan bisha Ramadaan, iyo sidoo kale khubarada dhinaca nafaqada si ay u iftiimiyaan hababka ugu waxtarka badan iyo hababka loo maro ilaalinta caafimaadkaaga xilliga soonka.

Cuntooyin kala duwan oo lagu af-furayo

Cuntooyin kala duwan oo lagu af-furayo

Cuntooyinka aad u baahan tahay in aan cunto suxuurta iyo kuwa aadan u baaheyn

Suxuurta ayaa ah waxa uu qofka ku bilaabo maalintiisa soonka, suxuurta ayaa lagu ogaanayaa in uu daal, haraad iyo gaajo dareemayo inta uu sooman yahay iyo in kale.

Faadi Cabbaas oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga nafaqada ayaa ku taliyay in dadka ay raacaan talooyinka soo socda, kuwaas oo uu aaminsan yahay in ay fududeynayaan soonka ka hortaggayaan fuuqbaxa jirka iyo in laga helayo faa'iidooyin caafimaad oo badan.

Cabbaas ayaa BBC-da u sheegay: "Suxuurta waa in qofka uu cabbo biyo badan, cuntada waa in qofka uu bilaabo saxan khudaarta cagaaran ah sida Ansalaato, cuntada waa in aysan ku badneyn milixda iyo saliidda dufanka leh, haddii kale saacado ka dib waxaad u baahan doontaa in biyo badan aad cabtid"

Fadi Cabbaas wuxuu ku takhasusay arrimaha nafaqada

Fadi Cabbaas wuxuu ku takhasusay arrimaha nafaqada

Waxa uu intaa ku daray "Qaadashada cuntooyinka iyo cabitaanka sokorta leh waa muhiim balse waxaa kasii fiican in qofka uu badsado khudaarta biyaha leh, sida qaraha, liinta iyo rumaanka, kadiba qofka uu biyo badan cabbo".

Laanta adeegga caafimaadka qaran ee Ingiriiska waxay dadka kula talinaysaa inay iska ilaaliyaan shaaha iyo kafeega sababtoo waxaa ku jiraa maaddada caffeine gaar ahaan dad qabo xanuunada ku dhaca kaadi mareenka.

Fuuq baxa jirka wuxuu horseedaa xaalad caafimaad darro ah sida madax xanuun, in dhiigga uu hoos usoo dego, kelyo xanuun iyo cudurro kale.

Waxaa lagula taliyay dadka soomaan inay qaataan cunto isku dheelitiran

Qoraalka sawirka,

Waxaa lagula taliyay dadka soomaan inay qaataan cunto isku dheelitiran

Haddaba, sidee looga hortagi karaa dhibaatadan?

Xilligga af-furka dadka waxay cunaan cuntooyin kala duwan, qofka waxaa laga yaabaa in si xad dhaaf ah uu cuntada u qaato maadaama uu maalintii oo idil uu gaajeysnaa, af-furka kadib waxaa laga yaabaa in qofka uu dareemo calool xanuun, dibiro, caajisnimo, hurdo, dadka qaar, dhibaatadu waxay noqon kartaa mid aad u daran, gaar ahaan dadka qabo dhiig karka ama sonkorta.

Maalmaha ugu horreeya ee soonka ayaa ah kuwa ugu adag "sababtoo jirka wuxuu u baahan yahay tamar" sida uu sheegay Fadi Cabbaas.

Qoys ku sugan dalka Urddun oo af-furayo

Qoys ku sugan dalka Urddun oo af-furayo

Cabbaas wuxuu leeyahay waa in afurka loo qaybiyaa saddex marxaladood isla markaana uu qofka uu kala dhexeeysiiyo saddex daqiiqo.

Waxa uu intaa ku daray "Waxa lagu talinayaa in aad cabto koob biyo ah, lix daqiiqo ka dibna waxa aad bilaabaysaa in aad cunto timirta ama cabitaanka laga sameeyay khudradda, lix daqiiq kadib qofka waa in uu qaato khudradda cagaaran iyo cuntooyinka kale ee leh tamarta iyo Protein-ka"

Dhakhtarka wuxuu ku talinayaa dadka Soomaan marka ay af-furayaan inay qaataan cuntooyin isku dheelitiran sida, baradhada, bariiska, baastada, ukunta, digirta ama caanaha.

Inkasta uu jirka u baahan yahay biyo badan, qofka soomaan waxaa lagu talinayaa in biyo badan uusan cabbin maadama ay saameyn ku yeelaan karaan kelyahiisa ama mindhicirada, tusaale ahaan qofka waa in uusan cabbin wax ka badan labo koob oo biyo ah kadib af-furka, qofka waa in saacad saacad kadib uu biyaha u cabbaa.

Muxuu yahay xiriirka ka dhaxeeya nooca dhigga qofka iyo u adkeysiga gaajada?

Gabdhaha soomaaliyeed oo aad u hadal haya ninka xaaskiisa cuntada u kariya

Sidee bedqab loogu soomi karaa inta lagu jiro Coronavirus

Maxamed Fayed, waa khabiir u dhashay Morocco oo ku takhasusay cilmiga cuntada iyo nafaqeynta

XIGASHADA SAWIRKA,MOHAMED FAID

Qoraalka sawirka,

Maxamed Fayed, waa khabiir u dhashay Morocco oo ku takhasusay cilmiga cuntada iyo nafaqeynta

Dumarka miyaa ragga uga adkeysi badan soonka?

BBC-da waxay wareysatay Saciid iyo Cismaan oo ah labo wiil oo walaalo ah oo ku sugan magaalada Xalab ee Suuriya isla markaana ka shaqeeya dhismaha guryaha, waxay ka shekeynayaan sida ay ugu adkeystaan soonka maadaama ay shaqo culus qabtaan.

Siciid waxa uu yiri: "In kasta oo aan aniga ogyahay in aan ballaariyo maskaxdeyda bisha soon, haddana waxaan noqdaa qof ay ka lunto dabeecadda gaar ahaan xilliga duhurka, oo maan xakameeyo hab-dhaqankayga oo aan ku qayliyo shaqaalaha, Si degdeg ah ayaan uga qoomameynayaa taas, waanan ka raali gelinayaa iyaga, Laakiin xaaladdan wax badan ayay igu soo laa laabtay."

Walaalkii Cismaan waxa uu yiri "Gaajo waan u adkaysan karaa maalmaha ugu horreeya, laakiin toddobaad ka dib, waxaan dareemaa haraad aad u daran, taasna waxay igu keentaa madax-xanuun, waxaanan noqday qof aan dulqaad laheyn laakiin ma xakameyn karo dareenkayga."

Dhanka kale, Maxamed Faayid oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga cuntada iyo nafaqeynta oo ku sugan dalka Marooko ayaa yiri: "Guud ahaan dumarku waxay ragga way kaga awood badan yihiin in ay u adkeystaan ​​soonka, sababtoo ah dufanka ku jira jirka haweeneyda ayaa ka badan tan ku jirta jirka ragga iyo ragga oo ka muruqyo waaweyn dumarka".

Sida uu qabo Fayed, waxaa jira sababo cilmiyeed oo arrintan ka dambeeya, kuwaas oo ah in ay jiraan hormoonno firfircoon oo ku jira jirka haweenka.

"Hormoonka Estrogen-ku waxa uu ka caawiyaa haweenka in ay gaajada u adkaystaan ​​oo ay niyadda dejistaan ilaa iyo inta suurtogalka ah, taas oo ka caawisa in ay la dagaallamaan shucuurta iyo dareenka walaaca leh halka testosterone ee ragga uu kiciyo dareenka xanaaqa ah, welwelka iyo buuq.".

Hormoonka Estrogen wuxuu ka caawiyaa dumarka inay ku adkeystaan gaajada

Qoralka sawirka,

Hormoonka Estrogen wuxuu ka caawiyaa dumarka inay ku adkeystaan gaajada

Haweenka shaqeeya

Ragga ayaa aad ugu dhaq-dhaqaaqa badan dumarka, waxaana sabab u ah mas'uuliyadda ka saaran inay masruufaan qoyska, waxay taas keeneysaa inay lumiyaan tamar badan marka loo barbardhigo dumarka inkasta oo ay jiraan dumar badan oo shaqeeyo oo wajahaya culeyso badan oo uga imaanayo daryeelka carruurta iyo guriga.

Fayed waxa uu aaminsan yahay in nooca cunto ee uu qofku cuno ay saamayn ku yeelato niyadiisa,maadaama dadka aadka u cuna hilibka ay aad uga xanaaq badan yihiin kuwa khudradda cuna.

Waxa uu sheegay in haweeneyda cunta hilib iyo farmaajada la mid ah xaddiga uu cunay qof rag ah inay xanaaqi karto sida ragga.

JimicsigaSalaadda taraawiixda kuma filna jimicsiga

si jirka looga saaro Calorirs-ka xad-dhaafka ah, sida ay dadka qaar aaminsan yihiin, sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in la sameeyo jimicsiga qaarkii ee kordhin kara garaaca wadnaha, sida ay ku talisay khabiirka ku takhasustay nafaqa darrada ee ku sugan London, Aison Kfang.

Aison Kfang wuxuu kula talisay qofka soomaan in uu jimicsi sameyn karo saddex saacadood kadib marka uu af-furo. XIGASHO:-BBC



SUCAAD OO KANSAR KA BADBAADAY WAXAY DOONAYSAA IN AY DADKEEDA BADBAADISO IYADA OO XABKO ISTICMAALEYSA


Sucaad Maxamuud Cali, Aas'aasaha 'Dhulkii Luu baanta' Article information Author,Abdishukri Hayb eRole,BBC, Nairobi, Twitter,@Abdishukrihay be

Goob dad aan badnayn oo aja aniib iyo Soomaali isugu jira ay ku xoonsanyahiin ayaa waxaa dhex taagan gabadh Soomaaliy eed oo alaab ay kusoo samay say dalkeeda hooyo ku soo ban dhigeysa meel dukaan kale hortiis ah. Alaabo ayaa la tijaabinayaa lagana iibsanayaa gabadha. "Mi dkaan waxaa loo isticamaalaa kareen ahaan” ayay leedahay iyada oo u sharaxaysa gabadh Shiineys ah oo magaalada Nairobi safar ku timid.

Dadka meesha wax ka iibsanaya iyo kuwa dheg gaysanaya sida ay u sharraxayso badeecada ay ha yso intuba si ashqaraarleh ayay madaxa u ruxay aan iyaga oo ka helaya habka dhiirran ee ay gaba dhu wax u sharaxayso iyo alaabta ay gadayso dad kana barayso. Gabadhu waa Sucaad - hooyo Soo maaliyeed oo qurbaha ku noolayd muddo dheer, re jo iyo fekerka weyna kulasoo noqotay dalkeedii ho oyo. Waxay hal abuurtay agab lagu daryeelo maqa arka bani'aadamka oo ay ka sameyso xabagta ka baxda miyiga Soomaaliya.

Sucaad oo inta badan nolosheeda ku soo qaada tay dalka Canada, ayaa ku soo laabtatay Soomaa liya lix sano ka hor, kadib markii uu ku dhacay xanu un ku sigay in ay rejo beel ka noqoto nolosha. Wax aa laga sheegay Kansarka ku dhaca dheefmareen ka ee loo yaqaan "esophageal cancer" in kasta oo ay markii dambe ka soo kabatay.

Waxay sheegtay in markuu kansarku ku dhacay ay qarka u fuushay in ay rejo dhigto.

Sucaad in kasta oo ay ka kabsatay kansarka, ha dana wuxuu nolosheedana kaga tagay cabsi ah in kansarku mar labaad nolosheeda kusoo ku noqdo. Si ay cabsidaas ugu xorrowdo waxay sheegtay in ay u soo dhaqaaqday Soomaaliya si ay u samayso cilmi-baadhis ku aadan waxyaabaha dabiiciga ah ee dalka Soomaaliya qaniga ku tahay sida fooxa, lu ubaanta iyo xabagta, kuwaas oo cilmibaarisyo hore oo la sameeyay ay tilmaameen in ay ka joojin kara an unugyada kansarka in ay fidaan.

Sucaad oo ah farsamo yaqaan sheybaar ayaa wa xay sheegtay in cilmibaaristeedii kadib ayay bilow day in ay isticmaasho waxsoosaarka xabkaha, si ay uga faa'iideysato si shaqsi ah.

Alaabaha kala duwan ee ay sucaad ka samayso dhirtaQoraalka sawirka,

Alaabaha kala duwan ee ay sucaad ka samayso dhirta

"2017-kii ayaa waxaan bilaabay in aan ogaado faa’iidada ay luubaantu u leedahay kansarka, waxii aan la dagaalamaayayna waxay ahayd in kansarka ka hortag aan ku sameeyo oo mardanbe uusan igu soo noqonin”.

Sucaad Maxamuud Cali - 57 jir hooyo u ah shan carruur ah ayaa sidoo kale waxay ka fekertay in ay samayso waxyaabo badal u noqda alaabaha loo isti cmaalo daryeelka jidhka ee dalka dibadiisa laga ke eno iyada oo ka faa’iidaysanaysa xabkaha kala du wan ee dalka laga heli karo iyada oo ka sameyne ysa is qurxin dabiici ah.Magaalada Garowe ayay ka bilowdaya ganacsiga alaabo dhif ku ah dalka lag ana sameeyay dhirtii dalka.

"Dhammaan waxyaabaha aan samayno waa ku wo bilaa Kiim iko ah oo dabiici ah haddana qofkii wa xtaraya,” ayay tidhi Sucaad oo ka hadlaysa sal iida ha iyo kareemyada ay ka samaysay dhirta dal ka Soomaaliya ka baxda.

Sucaad oo gabadh u sharax aysaa nooc mid ka mid alaaba ha ay samaysoQoraalka sawirk a, caad oo gabadh u sharaxaysaa nooc mid kamid alaaba ha ay samaysoWaxyaabaha guryaha lagu buufi yo ee udugga leh, saliido iyo kareemo ay ka sameysa xabagta, ayay Sucaad geysaa suuqa oo ay dadka usoo bandhigtaa, iyada oo u sheegeysa muhiimadd a ay leedahay alaabtani.

"Xaruntii koobaad ee aan alaabtan ku iibinaynay waxaan ka furay magaalada Garowe, bilowgii koob aad waxay noqatay dadka in aan ku wacyi gelinno ahmiyadda ay u leedahay alaabtana iyo siday uga maarmi karaan waxyaabaha kiimikida leh ee caaf imaadkoodada wax u dhimaya,” ayay BBC da u she egtay Sucaad."Nasiib wanaag da dkii koobaad ee alaabta nag a iib saday aad bay uga heleen waxa yna noqotay in ay aamini waaya an in waxsoosaar kan dalka gudahiisa laga heli ka ro laguna samayn karo”, ayay hadalkeeda sii raac isay.

Waxay wadaa qorshe ka fekerkeeda ku balaadhin eyso iyada oo dalka Kenya u timid in ay xafiis cus ub ka furto oo ay ku iibiso alaabtan ay samayso. Waxay sidoo kale u dhoofisaa dalka Canada oo ah halk ay ka timid Sucaad. "Alaabtii meelo badan bay gaartay... waa laga faa’iiday aad baana looga helay natiijadii aan rab nay way keentay," ayay tiri Suca ad oo farxad ka muujineysa sida qorshaheedii u hir galay. Waxa kale oo ay sheegtay in ay dhaqaalo ka hesho.

Saliidaha iyo kareenada ay samayso

Saliidaha iyo kareenada ay samayso Sucaad wa xay aaminsantahay in Soomaaliya tahay "dhulkii da awada” waxyaabaha dalka ka baxa sida xabagta, malmalka, hadiga, cadaadda iyo luubaantana looga faa’iidaysan karo siyaabo kala duwan oo wax tar u leh caafimaadka qofka aad amiga ah.Waxay sheeg tay in dumar badan ay ku dhaashan karaan alaabta ay soo saarto, halkii ay isticmaali lahaayeen kare emada ay isku caddeey aan.

"Gabdho badan baa waxay marsadeen wajiga ka haleeyay, haddana way quusteen wax usoo celi naya jidhkoodii hore ma jiro. Annagana hadda wax aan helnay xitaa qofkii wajigu ka fiiqmay wax usoo celinaaya jidhkii dabiiciga ahaa.”

Sucaad, 1989-kii ayay Soomaaliya oo burbura ysaa dalka ka baxday iyada oo tagtay qurbaha si ay u he sho nolol dhaanta tii ay ka jirtay dalkeeda Soo maal iya, waxay dhibane u noqotay xanuunka kans arka 10 sano kadib markii ay qaxday, iyada oo ku dhaw aatay quus. Hadda waxay joogtaa dalkeeda hooyo iyada oo dooneysa in ay tusaale u noqoto ga bdha ha Soomaaliyeed iyo dadka la dhiban xanu unka kansarka ee laga yaabo in ay nolosha quus ka istaa gaan. XIGASHO:-BBC

Ceelkii Uu Nabi Muxamad Nnkh Timirta Ku Beeray Oo Sanadkan Dib Loogu Furay Xujeyda

Ceelka Salmaan Faarsi Maamulka Sucuudiga ayaa dib u furay ceelka taarii khiga ah ee 'Al-Faqiir' ee ku yaal magaalada Madiina si loogu soo booqdo kadib dib u habayn dhammaystiran oo lagu sameeyay.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Su cuudiga, goobtan taariikhiga ah ayaa jirta in ka ba dan 14 qarni. Waa daliil nool oo samafal iyo caawin isla markaana uu sameeyay Nabi Muxammad NNKH.

Ceelkan oo ku yaalla deegaanka Al-caaliya ee magaalada Madiina ayaa waxaa ku hareereysan beero aad u qurxoon iyo meelo kale oo taariikhi ah oo la xiriira noloshii Nebiga NNKH.

Waagii hore ayaa biyaha laga soo saari jiray ceelkan oo ballaciisu yahay saddex mitir iyadoo la adeegsan jiray aaladaha dhaqanka, balse markii dambe maamulka Sacuudiga ayaa ku rakibay mato orrada biyaha. Hadda, maamulka iyo gacan ku haynta ceelkan ayaa waxa ay hoos imanayaan 'Maamulka Horumarinta Gobolka ee Al-Madinah'.

Biyaha ceelkan waxay si dabiici ah uga yimaadaan wabiga Wadi-e-Bathan.

Wakaalada wararka Sacuudiga ayaa sidoo kale baahisay sawirada goobtan taariikhiga ah ee dhaw aan lagu sameeyay dib u dayactirka. Inta lagu guda jiro dayactirka goobtan ayaa waxaa ceelka iyo wad dooyinka soo gala lagu rakibay dayr bir ah oo dhere rkiisu yahay hal mitir. Albaabka weyn ee wadada hormarta iyo marin biyoodyada halkan ayaa lagu xoojiyay dhagxaan culus. Intii la dayactirayay goob ta ceelka waxaa mudnaanta ayaa la siiyay in la ilaa liyo qaabka asalka ah ee goobta iyo ceelkaba.

Ceelka Salmaan Faarsi

Geedo cusub oo timir ah ay aa lagu soo kordhiyey goobta si doo kale dhismaha barxadda gudaha la saaray iyo kuraas dhagax ah oo la dhigay si ay u gu raaxaystaan dadka soo boo qda.

Boorka macluumaadka ee iridda ceelka ayaa faahfaahin ka bixinaya taariikhda ceelka iyo xiriirka uu la leeyahay Nebi Muxamad NNKH.

Waxaa xusid mudan in mas’uuliyiinta Sacuud iga ay bishii Oktoobar ee sanadkii 2022-kii bilaab een mashruuc lagu qurxinayo ku dhawaad 100 goo bood oo taariikhi ah iyo kuwo barakeysan oo ku yaa lla Madiina oo uu ceelkan taariikhiga ah kujiro. Ku dhawaad 100 ka mid ah goobahan ayaa lagu wa daa in lagu dayactiro mashruucan oo socon doona muddo saddex sano ah, waxaana mashruucan la soo gabagabeyn doonaa sanadka 2025-ka. Meel ahaas waxaa ka mid ah meelo badan oo barakeys an oo ay ku jiraan masaajid iyo goobo kale. Max aa loogu bixiyay Ceelka Salmaan Faarisi?

Sida uu qabo cilmi-baare lagu magacaabo Waq ar Mustafa, ereyga ‘Al-Faqiir’ waxa uu ka yimid erey ga Carabiga ee ‘Faqiir’, Faqiirna waa dhul loo qoday beerista timirta.

Waxaa la og yahay in ceelkan agtiisa uu ka sha qayn jiray Salmaan Farsi oo ahaa saxaabigii Neb iga NNKH. Nabigu waxa uu ceelkan agtiisa ku beer ay geedo timireed oo badan, kuwaas oo dhamm aan miro dhalay, geedahaasina ay ka soo baxeen wax ka badan intii la filayey sannadkii dambe.

Salmaan Farsi waxa uu ka tirsanaan jiray Faaris iintii Iran ka hor inta uusan islaamin.

Waxaa buugaagta taariikhda laga og yahay in Salmaan Farsi uu markii hore ka tagay diintiisii hore oo uu qaatay diinta masiixiga. Markii uu aabbihii ogaaday, waxa lagu xiray guriga, balse waxa u suur ta gashay in uu baxsado oo uu ka soo safray Sha am isagoo usoo socdaalay Mosul ooh adda ah (Cir aaq), halkaas oo uu uga sii gudbay Nusaybin ooh adda ah (Turkiga) ka dibna u aaday Amuuriya.

Ceelka Salmaan Faarsi

Xiligaas ayay ahayd markii saf ar ka tirsan qabiilka banuu Qa lb ay soo mareen camuriya, sal maan farsi ayaa ku biiray safar kii, balse safarkii ayaa Salm aan Farsi looga iibiyay nin yahuudi ah oo ku sug naa waadi al-Qura.

Markii uu la shaqaynayay Yahuudigan, waxa uu ogaaday martiqaadka Islaamka, wuuna aqbalay Islaamka, laakiin addoonsiga awgeed, ma uusan gu dan karin waajibaad diineed, sidaas darteed ma uu san ka qayb qaadan karin dagaalkii Badar iyo dagaalkii Uxud.

Sida ku cad kitaabka shareecada islaamka, Sal maan waxa uu sidoo kale ka mid ahaa saxaab adii ugu dhawaa Nabiga. Waxa ay ahaayeen koox rume ysan kaliya cibaadada rabaaniga ah iyo weh elnim ada Nebiga NNKH in ay tahay natiijada nolo shoo da.XIGASHO:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip