Hay'adda Duulista iyo ICAO oo ka wada-hadlay sidii loo dardargelin lahaa qorshayaasha horumarinta leh

0
Saturday March 16, 2024 - 12:05:28 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Duulista iyo ICAO oo ka wada-hadlay sidii loo dardargelin lahaa qorshayaasha horumarinta leh

    Maareeyaha Guud ee Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa la kulmay hoggaanka sare ee xafiiska bariga iyo koonfurta Afrika (ESAF) ee Hay'adda duulista Adduunka ee ICAO,iyagoo ka wada-hadlay qorshashayaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Guud ee Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa la kulmay hoggaanka sare ee xafiiska bariga iyo koonfurta Afrika (ESAF) ee Hay'adda duulista Adduunka ee ICAO,iyagoo ka wada-hadlay qorshashayaasha horumarinta u leh Soomaaliya. Kulanka inta uu socday ayaa la boggaadiyay horumarada ay sida dhaqsada leh u gaartay Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, halkaa oo sidoo kale lagu soo bandhigay warbixintii u dambeeysay ee qorsheynta iyo horumarinta Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliya. " Natiijada kullamadan , waa inan gaarna hiigsiga u sarreeya ee ah horumarka Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed inuu noqdo mid wax u tara qarankeenna iyo guud ahaan qaaradda iyo caalamka ," ayuu yiri Maareeyaha guud ee Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Axmed Macallin Xasan. Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , waxaa kalo ay soo bandhigtay qorshaheeda dhow ee horumarinta qalabka iyo howlwadeennada oo gacan ka gaysanaya dardargelinta qorshaha guud.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip