Mid ka mid ah Engineerada Markabkii la qafaashay oo cafis ka dalbaday Hooyadiisa

0
Wednesday March 13, 2024 - 10:28:30 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 44
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid ka mid ah Engineerada Markabkii la qafaashay oo cafis ka dalbaday Hooyadiisa

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Eng. Md. Towfiiqul Islaam oo ah Engineerka labaad ee markabka xamuulka ee Bangladesh ee MV Abdullah ayaa la hadlay hooyadiisa iyo xaaskiisa, isagoo u sheegay inay qafaasheen burcad-baddeed Soomaali ah , xilli ay marayeen Badweynta Hindiya.

Hooyada Engineerkaasi oo lagu magacaabo Dil Afroza ayaa sheegtay inuu wiilkeeda la soo hadlay Dorraad galab oo Talaado ahayd, una sheegay inay Burcad-baddeed qafaasheen, isaga iyo Badmaaxiinta reer Bangladesh ee la socday Markabka xamuulka ee MV Abdullah.

Hooyada oo la hadashay warbaahinta maxaliga ee dalkaasi waxay sheegtay in hadalkii ugu dambeeyey ee wiilkeeda Towfiiqul Islaam ahaa "Hooyo, I Cafi !!!?”. Hooyada waxay xustay iyadoo wiilkeeda la hadlayo ay Burcad-baddeedii ka qaadeen telefoon-gacmeedkiisa, kadibna la damiyey.

Waxay xustay inaysan awoodi karin inay wiilkeeda Towfiiqul Islam la xiriirto iyo inaysan ogeyn xaalladda uu ku sugan yahay.

 

Dhanka kale, Jobaida Noma oo ah xaaska Eng. Towfiiqul Islam ayaa sheegtay inuu saygeeda la soo hadlay 5-tii galabnimo ee shalay oo Talaado ahayd, una sheegay in isaga iyo dhammaan Badmaaxiinta afduub ahaan loogu haysto xeebaha Soomaaliya.

Dhanka kale, Shirkaadda lagu magacaabo Kabir Steel Re-Rolling Mills oo leh Markabka xamuulka ee MV Abdullah ayaa sheegtay inay socdaan dadaalo lagu samata-bixinayo 23-ka Badmaax iyo Markabka lagu qafaashay Badweynta Hindiya, gaar ahaan Xeebaha Somalia.

Mid ka mid ah Engineerada Markabkii la qafaashay oo cafis ka dalbaday Hooyadiisa | Allbanaadir.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip