Caalamka oo muddo kadib taageeray tallaabo ay qaaday Somaliland (war-saxaafadeed)

0
Wednesday March 13, 2024 - 12:17:19 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 77
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka oo muddo kadib taageeray tallaabo ay qaaday Somaliland (war-saxaafadeed)

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Inta badan waddamada Somaliland ka taageera arrimaha dimuqraadiyada iyo doorashooyinka ayaa soo dhaweeyay meel-marinta xeerarka doorashooyinka Somaliland.

Waddamadan oo kala ah Ingiriiska, Denmark, Finland, Norway iyo Sweden ayaa guul wayn ku tilmaamay tallaabadan ay qaaday Somaliland ee dhameystirka xeerarka doorashooyinka maamulka.

Bayaan wada-jir ah oo ay soo saareen dalalka beesha caalamka ee taageerta dimuqraadiyadda Somaliland ayaa waxaa lagu yiri "waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka dimuqraadiyada, uuna dhabaha u xaarayo qabashada doorashooyinka.”

 

"Waxaanu u aragnaa saxeexa xeerka doorashooyinku inay tahay dib u xaqiijinta ka go’naanshaha Somaliland ee qabashada doorashooyinka,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaankan.

Sidoo kale waxay ku booriyeen in dhammaan daneeyayaasha doorashooyinka ay si wada-jir ah u xaqiijiyaan inay u dhan yihiin sidii doorasho xor iyo xalaal ah uga qabsoomi lahayd Somaliland waqtigii loo cayimay ee 13-ka November 2024-ka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan qalinka ku duugay xeerka doorashooyinka, kadib markii ay meel-mariyen golayaasha baarlamaanka. Xeerarkan ayaa lagu sameeyay wax ka beddel, kadib muddo badan oo uu muran ka taagan.

 

 

Tallaabadan ayaa la filayaa in meesha ka saarto khilaafkii doorashooyinka, ayna gudaha Somaliland daba-yaaqada sanadkaan ay ka qabsoomaan doorashooyinka isa saaran ee Madaxtooyada iyo ururada.

Caalamka oo muddo kadib taageeray tallaabo ay qaaday Somaliland ( war-saxaafadeed)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip