Darawal Soomaali ah oo lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay dalka Koonfurta Suudaan

0
Wednesday March 13, 2024 - 11:24:36 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 61
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Darawal Soomaali ah oo lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay dalka Koonfurta Suudaan

    Muwaadin Soomaaliyeed oo Darawalnimada uga shaqeynsan jiray dalka Koonfurta Suudaan, ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay kooxo hubeysan ku qaadeen gobolka Jonglei ee Koonfurta Sudan. Elizabeth Nyadak John, oo ah wasiirka warfaafinta ee gobolka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muwaadin Soomaaliyeed oo Darawalnimada uga shaqeynsan jiray dalka Koonfurta Suudaan, ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay kooxo hubeysan ku qaadeen gobolka Jonglei ee Koonfurta Sudan. Elizabeth Nyadak John, oo ah wasiirka warfaafinta ee gobolka, ayaa sheegtay in muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay uu kamid ahaa kolonyo gaadiid ah oo raashin gargaar ah u waday degmada Uror oo ku taal Gobolka Jonglei. "Kolonyo 10 baabuur ah ayaa ka baxay caasimadda gobolka Bor si ay raashin gargaar ah u gaarsiiyaan waqooyiga gobolka. Nasiib darro, 10-kii baabuur ee ugu dambeeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday Duk Panyang Payam oo ay weerareen kooxihii weerarka geystay, darawalkiina waxaa lagu toogtay isla goobta ," ayay tiri Elizabeth Nyadak John. Wasiir Nyadak ayaa dhaleeceeysay dhacdadan, waxayna sheegtay in weerarka uu ahaa mid qorsheysan oo lagu doonayay in lagu hor istaago raashin la gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan. "Gawaarida xamuulka ah lama dhicin sida xogta aan ku hayno. Waxay beegsadeen gaarigii ugu dambeeyay ee siday raashinka WFP iyagoo rasaas ku furay gaariga kadibna madaxa ayay ka toogteen darawalkii, ayay hadalkeeda ku dartay. "Sababta waxaan uga shakisannahay inay tahay in aysan doonayn dadkayaga soo laabtay ee ka soo laabtay Suudaan iyo Itoobiya inay helaan cunto," ayay raacisay hadalkeeda. Guddoomiyaha gobolka Duk, Peter Latjor Chuol ayaa sidoo kale xaqiijiyay dhacdadan, wuxuuna sheegay in aaan wali la aaasin meydka darawalkii la dilay. Soomaali badan ayaa dalka Koonfurta Suudaan uga shaqeysta shaqooyinka darawalnimada gaadiidka xamuulka qaada. Weli safaaraadda Soomaaliya ee Koonfurta Suudaan war rasmi ah kamasoo saarin dilka muwaadinka Soomaaliyeed. Darawal Soomaali ah oo lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay dalka Koonfurta Suudaan. - Kaab TV



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip