Beesha Caalamka oo soo dhawaysay meel marinta xeerarka doorashooyinka Somaliland

0
Thursday March 14, 2024 - 11:23:05 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 83
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamka oo soo dhawaysay meel marinta xeerarka doorashooyinka Somaliland

    Waddamada Somaliland ka taageera geedi socodka dimuquraadiyada ayaa guul wayn ku tilmaamay meel marinta xeerarka doorashooyinka Somaliland. Qoraal wadajir ah oo kasoo baxay waddamada Ingiriiska, Norwey, Denmark, Finland iyo Sweden, ayay waddamadu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waddamada Somaliland ka taageera geedi socodka dimuquraadiyada ayaa guul wayn ku tilmaamay meel marinta xeerarka doorashooyinka Somaliland. Qoraal wadajir ah oo kasoo baxay waddamada Ingiriiska, Norwey, Denmark, Finland iyo Sweden, ayay waddamadu kusoo dhaweeyeen dhamaystirka xeerarka doorashooyinka Somaliland iyaga oo sheegay in ay tahay talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca dimuquraadiyada. "Meelmarinta xeerarka waxaanu u aragnaa in ay dib u xaqiininayso ka go'anaanshaha Somaliland ee qabashada doorashooyinka, waxa aanu kala shaqayn doonaa dhamaan daneeyayaasha sidii loo qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo dhacda 13, November, 2024" ayaa lagu yidhi qoraalka. Waxa kale oo qoraalka lagu sheegay in ay sidookale aad muhiim u tahay in dhamaan daneeyayaasha dooraahooyinku ay isku wada raaceen wakhti cayiman oo lagu qaban doono doorashooyinka. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhawaan qalinka ku duugay wax ka badal lagu sameeyay xeerka doorashooyinka, oo mudo badan uu muran ka taagnaa, kadib markii ay meel mariyen golayaasha baarlamaanku. Kadib meel marinta xeerarka waxa la rajaynayaa in doorashooyinka isa saaran ee madaxtooyada iyo ururadu ay Somaliland ka qabsoomaan dabayaaqada sannadkan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip