HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 13-KA MAARSO 2024-KA

0
Wednesday March 13, 2024 - 08:47:49 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 13-KA MAARSO 2024-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xasan oo Villa Somalia ku qaabilay Danab, kana dalbaday hal arrin oo xasaasi ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madax tooyada Qaranka kulan casho ah kula qaatay ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidankaan ayaa maalmo ka hor dalka Kenya uga qayb galay dhoola-tus Millatari oo ciidamo ka socday 23 waddan ay ku sameey een, wax ayna halkaas Danab ka dhigtay wacdare ka ya abiyey ciidamadii wadamada kale ee ka qeyb galay dhoolatuska.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ku boga ad iyey kartida, aqoonta, xirfadaha sare oo ay soo bandhigeen iyo sumacadda ay usoo hooy een Qarankooda Soomaaliya oo u baahnaa in laga gudbiyo maqal wanaagsan, maadaama waayo b adan uu dalkani ku jiray burbur.

Madaxweyne Xasan ayaa ciidan Danab kula dardaarmay in ay u dhaqaaqaan waajibka qaran nimo ee ka saaran xoreynta dalka oo ay qeybto oda ka qaataan dardargalinta hawlgall ada ciribt irka Khawaarijta.

Xasan Sheekh soo hadal-qaaday dagaa lka ka socda gobollada dhexe, wuxuu sheegay in na tiijo fiican laga gaaray, balse dhul badan uu weli ku jiro gacanta cadowga.

Wuxuu sheegay in Muqdisho ilaa Gaalka cyo dhulka laamiga ah iyo Muqdisho ilaa Xara rdhee re dhulka xeebta ay ciidamada qaranku ka xoree yeen Khawaarijta, hadana loo baahan yahay in deg deg loo dhameystiro howlgalka ka socda Hir Shabeelle iyo Galmudug.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidanka qaranka markii ay guud ahaan gobollada dhe xe ka xoreeyaan argagixisada lagu wareeji yo doo no saldhigyada ku yaalla gobollada koon furta ee ciidamada ATMIS ay baneynayaan gabagabada sanadkaan.

Madaxweynuhu sooma hadal qaadin deeg aanada gobolka Mudug ee maalmihii lasoo dha afay ay ciidanku ka baxeen, balse wuxuu sheeg ay in dhulkaas lagu waayey dad qaali ah, hada na loo baahan yahay in Danab ay hoggamiso howlaglka.

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay wasii rada arrimaha gudaha dowlad goboleed yada

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda FS mudane Xamse Cabdi Barre ayaa qaabilay wasiirrada arr imaha gudaha dowlad goboleedyada dalka oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u hes hiisiinta XFS mudane Axme d Macalom Fiqi.

Wasiirrada la kulmay Ra’isul wasaare Xamse Bare waxa ka mid ahaa Md.Maxamed Ibraahim Oogle Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jubbaland, Mudane Cabdi Maxamad Jaamac Waayeel Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Galmudug, Mudane Maxamuud Axmed Gacal Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha ee Hirshab elle iyo Cabdisahal Jaamac Maxamed oo ah Wa siirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Kumeel gaarka ah ee SSC Khaatumo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Md. Axmed Fiqi ayaa saddexdii maalin ee ta gtay shir guddoominayay "Madasha Wadatash iga Wasiirrada ee Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose Wadajir” taasi oo ay goobjoog ka aha ayeen Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Kumeelgaarka ah ee SSC Khaatumo, iyo weliba Agaasime yaasha Guud ee Wasaaradahaasi iyaga oo isafgarad ka yee shay howlo badan oo hortabin u leh, laguna hor marinayo dowladaha hoose.

Beesha caalamka oo soo faro-gelisay wax ka beddalka dastuurka

Kulan u dhexeeyay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wakiilada beesha caalamka ayaa Dorraad ka qabsoom ay magaalada Muq di sho, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Xubnaha beesha caalamka oo la shiray Ax med Madoobe ayaa waxaa hoggaaminayay Ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM Soo maaliya Raisedon Zenenga, ayada oo labada dhinac ay isla soo hadal qaadeen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha dastuurka.

Inta uu socday shirka ayaa waxaa diiradda la gu saaray wax-ka bedelka dib u eegista Dastu urka KMG ah oo haatan uu ku howlan yahay baa rlamaanka Soomaaliya, xilli ay diidan yihiin xubn aha mucaaradka oo saluug ka muujinayo qaab ka ay wax u socdaan/

Wakiilada beesha caalamka ayaa si i weyn usoo dhoweeyay hanaanka dib u eegista dastuur ka iyo in dalka uu yeesho dastuur rasmi ah oo sugaya afti dadweyne.

Sidoo kale waxa Baarlamaanka Soomaaliy eed ku taageereen dadaalka xoogan ee ay ugu jiraan in dalka uu yeesho sharci hagaya dalka, dadka iyo dowladda.

Waxaa dhinaca kale kulanka lagu soo hadla qaaday xaalada guud ee dalka, gaar ahaan xooji nta ammaanka iyo la-dagaallanka Kooxda Al-Shabaab

Doodda dastuurka ayaa haatan mareysa me el xasasaasi ah, waxayna xildhibaannadu had da ka doodayaan cutubka 4-aad ee dastuu rka KMG ah ee Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa doodaha socda si weyn uga soo horjeeda Puntland iyo siyaasiyiinta mu caaradka oo ay hoggaaminayaan madax weynayaashii hore Shiriif iyo Farmaajo.

Hay’adda SoDMA iyo Imaaraadka oo ka wad a hadlay sidii dib u habayn loogu samayn lah aa biya xireenka Sabuun ee D/Jowhar

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda maa re ynta musiboyinka Qaranka ee SoDMA Dr; Ax med Cabdi Aadan, ayaa Dorraad la kulmay Safiir ku xigeenka Safaaradda Imaaradka Carabta Md. Seyf Cali Al-rashaash.

Kulankaan ayaa looga hadlay sidii Dowladda Imaaradka Carabta hay’adda SoDMA ay uga ca awin lahayd dib u hab aynta biya xireenka Sab uun ee duleedka deg mada Jowhar, oo mu ddo aan helin wax dib u dayactir ah muhiimna u ah beeralayda ku nool Gobolka Shabeellada dhexe.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada had lay sidii gargaar dowladda Imaaradka Car abta u garsiin lahayd meelaha fog-fog ee dalka , gaar ahaan maamullada K/Galbeed iyo Jubbaland iyo sii xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dhinac. Guddoomiye Axmed ayaa dowladda Imaarad ka Carabta uga mahadceliyey sida hagar la,aan ta ah ee ay u garab taagan yihiin shacabka Soom aaliyed iyo dowladdooda.

Maxaa ka soo baxay shirka Gudiga joogtada Aqalka sare

Waxaa Dorraad Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshsu Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare baarlamaanka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa ahaa kula nka lixaad kalfadh ga 4-aad ee gudiga joogtada aqalka sare waxaana shir gudoomin ayay Ku simaha Guddoo miy aha Aqalka Sare ahna guddoomiye ku xigeen ka 1aad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeen ka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde)

Shirkaan waxaa looga hadlay ka baaraan deg ista iyo dardar gelinta arrimaha hortebinta u leh Golaha. Waxaa si gaar ah loo soo hadal qaaa day dhammaystirka Dastuurka, xoojinta wada shaqaynta Aqalka Sare iyo Dowlad Gobol eedy ada dalka iyo kor joogteynta isla xisaa btanka.

Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay wafdi ka socda hay’adda MSF

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Md.Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa qaabbilay wafdi uu hoggaa minayay madaxa ugu Sarre eya hay’adda MSF Tamm aam Aloudat.

Madaxweyne Laftagar een iyo madaxa hay’a dda MSF ayaa kulankooda la isaga xog-warays tay ma shaariicda socda ee hay’a ddu ay ka waddo guud aha an deegannada Koonfur Galbe ed dhinacyada horumarinta adeegyada Caafima adka, kaalmaynta dadka barakacayaa sha ah iyo sidii loo xoojin lahaa mashaariicda.

Kulanka waxaa Madaxweynaha kala qeyb galay agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafim aadka Md.Cabdi Cali Dogey.

Mdaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo la kulmay qaar ka mid ah hay’adaha samafalka ee QM

Ku-simaha madaxweynaha ahna madaxwe yne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa Dorraad shir-guddoomiyay kulan u dhaxeeyay maamulka Hirshabeelle iyo hay’addaha UN-ka ee ka shaqeeyo arrimaha garg aarka bini’aada nimo.

Shirkan waxaa goobj oog ahaa Wasiirrada Do wladda Hirshabe elle ee wada shaqeynta la leh hay’addaha UNOCHA iyo WFP, guddoomiy aha cusub ee gobalka Sha beellada dhexe iyo guddo omiyaha degmada Jow har, waxana kulan ka diir adda lagu saaray sidii ay dhinacyada u dardarge lin lahaayeen howlaha wadajirka ee ka dhaxeeyo.

"Dhankeenna wada shaqeyn hufan ayaa na ga diyaar ah, waxaan rajeynayaa in kulankan ka dib si wadajir ah loo wajaho howlaha dhamm aanteen hor-tebinta inoo leh, mana aqbali karno in shaqadda ay dhaqaaqi weyso.” Ku-simaha ma daxweynaha ayaa bogaadiyay masuuliyiinta ka kala socotay UNOCHA & WFP kuwaas oo Jow

har u tagay shirka 2da dhinac.


Hormuud Salaam Foundation oo Dorraad daah-furtay Mashruuca Afurinta Bisha Ram adaan

Hay’adda Samafalka Hormuud Salaam Foun dation ayaa Dorraad daah-furtay Mashruuca Af uri nta Bisha Ramadaan oo ay soon qaad kas ta deeqo cunno iyo lacago isugu darto ka gaar siiso dad danyarta oo gaaraya 7,000 oo mudan in la taakuleeyo.

Hay’adda oo mashruuc an fulinaysa sannadkii 12ᵃᵃᵈ oo xiriir ah ayaa ku daahf urt ay in ay deeq lacageedsii so 120 haween oo danyar ah oo ka tirsan Ururka Haw eenka Gobolka Banaadir.

Inta mashruucu socdo, waxaa deeqo la gaa rsiin doonaa bukaannada qaba xanuunada dhim irka ee ku jira isbitaallada Dr. Xabeeb iyo Laza reti, Maxaabiista ku jirta Xabsiga Dhexe, Naaf ada Isbitaalka Martiini, qaxootiga Yamani yiinta, ardayda ku xareysan xarunta dhaqancel inta carr uurta darbijiifka ah ee Maamo Ugaaso, iyo arda yda dhigata iskuulka Indhoolay aasha Al-Nuur iyo iskuulka Dhagoolayaasha Gobolka Ban aadir.

Waxaa sidoo kale mashruucan ka faa’iidey san doono dadka danyarta ah ee ay gacanta ku hayaan xarumaha Save Somali Women and Chi ldren (SSWC), Somali Women Organization, So mali Women Development Center (SWDC), iyo Somali Humanitarian Education and Develop ment Association (SOHEDA).

Mashruucan sannadlaha ah ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah oo aan uga qeybqaa dan ayno samatabixinta iyo taakuleynta dadkee nna danyarta ah.

Aabe 80 jir ah oo gacantiisa ku dilay wiil uu dhalay

Warar dheeraad ayaa kasoo baxay dil naxdin leh oo Habeen hore ka dhacay degmada Kaara an ee magaalada Muqdisho, kadib markii Aabe 80 jir ah uu gacantiisa ku dilay wiilkiisii.

Aabaha 80 jirka ee dilka u geystay wiilkiisa ay aa yimid, kadib markii ay dagaalameen isaga iyo wiilkiisa, waxaana la sheegay in odaga wiilkiisa uu ku dilay toogasho.

Aabaha dilay wiilkiisii ay aa magaciisa lagu soo koo bay Qadar , iyadoo wiilkii sana lagu magacaabi jiray Maxamuud Qadar, waxaa la sheegay in khilaaf mudo soo jiray uu ka dhax eeyey odaga iyo wiilkiisa khilaafkaas ayaana sab abay in wiilkii uu Toorey u soo qaato Aabihiis, ha yeeshee odaga ayaa qori guriga u yaalay ku toogtay wiilkiisa, sida ay warbaahinta gudaha u xaqiijiyeen dad daris lahaa qoyskaan.

Dilkaan argagaxa leh ayaa dhacay Salaadii Maqrib kadib xiligaas oo ay dadka intooda badan Afurayeen maalinta koowaad ee bisha Ram adaan, waxaana dhacdadaan aad uga argaga xay ehelka qoyska reer Qadar iyo shacabka ku nool degmada Kaaraan oo Dorraad dhacdadaan si weyn u hadal haayo.

Aabaha dilay wiilkiisa ayaa isaga baxsaday goobta, waxaana haatan baadi goobaya ciidamada amaanka oo shacabka reer Muqdisho ugu baaqay in ciidanka ka gacan siiyaan soo qa bashada Aabaha dilay wiilkiisii.

Dhacdadaan ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo bishii dhamaatay Muqdisho ay ka dhaceen dha cdooyin noocaan oo kale ah oo ka dhex dhacay dad isku qoys ahaa.

Ciidanka Jubland oo Hawlgal ku soo qabt ay shaqsi lagu Eedeeyay in Alshabaab uu ka tirsan yahay

Ciidanka Booliska degmada Dhoobley oo ho wlgal amni Sugid ah ka sameeyeen xaafad aha degmadaasi ayaa gacanta kusoo dhigay Xasan Ibraahim oo la sheegay in uu ku biiray Al-shab aab. Shaqsigaan ka tirsan Al shab aab ayaa la she egay in muddo badan ay ku da ba ay la soc deen laamaha amma anka Jubb aland, isa goo hadba deegaan ga baadsanayay, ugu dambeyna su uro gashay in ciidamada Booli ska Jubbaland ay gacanta ku soo dhig aan.

Hay’adaha amniga Jubbaland ayaa sheeg ay a in iyagoo kaashanaya sirdoonka Qaranka ee NISA hore magaalada Muqdisho ka soo qabtaan labadii kale oo hadda ku xiran magaa lada Kismaayo.

Xasan Ibraahim iyo labda nin eekale ayaa horay Maamulka Jubbaland ugala baxsa day ga ari Land Cruiser Hardtop ah, waxayna la galeen al shabaab sida ay sheegeen saraakiisha Amn iga Jublabd .

Maamulka Caasimada Galmudug oo deeq Raashin ah lagu wareejiyay

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musii boyinka Galmudug ayaa Dorraad waxeey deeq gaargaar ah ku wareejisay maamulka caasimada Galmudug ee Dhusamareb iyadoo isla markiiba deeqdaas raashinka la gaarsiiyay dadka nugul ee ku nool caadimada sida Bara kacayaasha, da dka danyarta ah iyo hawe enka.

Deeqdaan Garg aarka ah oo ah Qamadi ama sareen ayaa wa xaa la raiaynayaa inay wax ka tari doonto baahida dhanka cuntada ah mudada lagu jiro bisha barakeeysan ee Ram adan.

Deeqdaan raashinka ah Dorraad la gaarsii yay caasimadda Galmudug ayaa qeeyb ka ah dadaalo ay waddo wasaaradda oo gargaarka la gu gaarsiinayo qeeybo badan oo ka mid ah de eganada Galmudug inta lagu guda jiro Bisha ba rakeysan ee Ramadan.

Raashinka ayaa waxaa loo qeeybiyay si nab ad gelyo ah iyada oo ay wasaaraddu korjo ogtee yneeysay habsami u socodka hawsha.

Dagaal beeleed lagu hoobtay oo ka dhacay gobolka Mudug

Faahfaahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed lagu hoobtay oo Dorraad ka dha cay bariga gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi.

Dagaalka oo ka dhacay deeg aano hoostaga magaalada Afbarwaaqo ayaa yi mid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay la ba qof oo xoolo dhaqato ahaa ku dileen halkaasi.

Dilka labada qof ayaa salka ku hayay aano qabiil oo ka taagan deegaanada dhaca bariga go bolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.

Intaas kadib waxaa dagaal toos ah uu ka qar xay goobta, kaas oo u dhexeeyay labada dhinac, waxaana uu qaatay saddex saacado od oo xiriir ah, sida ay sheegeen goobjoo gayaal. Inta la xa qiijiyay waxaa dagaalkan ku dhin tay ugu yaraan 10 qof oo labada dhinac ah, halka ay ku dhawa acmeen tiro kale oo inta as ka badan.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq -dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareem ayaa qaybo badan oo gobolka kamid ah, gaar ahaan aagga lagu dagaalamay.

     Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi sababay khasaaraha dhima shada iyo dhaawaca.

Xiisadda haatan soo cusboonaatay ayaa ku soo aadeyso, ayada oo sanadkii hore ee 2023-kii beelaha dagaalamaya lagala dhex dhigay hesh iis, balse haatan u muuqda mid burburay.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa marar badan ku soo laa laabtay dagaal beeleedyada, kuwaas oo saameyn ugu badan ku yeesha dadka shac abka ah ee ku dhaqan Galgaduud iyo Mudug.

Ma soomayaal lagu soo qabqabtay Degmooy inka Shangaani,Xamar-weyne iyo C/casiis.

Ciidamada ilaalada deegaanka ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Dorraad sameeyay how g al ka dhan ah ma soomayaasha.

Ciidamada ayaa gacanta ku soo dhigay Dorra ad ma soomayaal isticmaalayay daroogo iyo raa shin. Cabsi-bilayaal u gaar ah Ciidamada deega anka Xamar ayaa lagu soo daabulay kooxaha ma soomayaasha ah ee la soo qabtay iyagoo in dhaha ka xiran.

      Xeebta liido ee Deg mada C/casi is oo ka mi da meelaha laga soo qabtay ma soomayaa sha ayaa la sheegay inay la galeen daroogada gee do dhexdood. Ciidamada howlgalka fuliyay wax aa hogaaminayqy Taliyaha howlgalinta ciida mada deegaanka Xamar Sharmaake Caddow Tu uryarre. Talaabadaan dadka lagu soo xirey ay aa imaaneysa kadib amar ka soo baxay duqa Muqdisho Yuusuf Madaale.

Wiil Soomaali ah oo si arxan darro ah loogu dilay dalka UK

Booliska gobolka Yorkshire ee dalka UK ayaa xaqiijiyey dilka wiil Soom aali ah oo lagu dilay mag aalada Sheffield ee gobo lkaas.Booliska ayaa magaca wiilka la dilay ku sheegay Sacad Cali, wuxuuna ahaa 24-sano jir sida qoyska wiilka laga soo xigtay.

Booliska ayaa sheegay in wiilka la dilay korkiisa ay ka muuqdeen dhaawacyo toorey ah oo aad loola dhacay.

Ilaa hadda lama ogaan cidda dishay wiilkaas Soomaaliga ahaa, waxaana socda baaritaan cusub oo boolisku ay wadaan.

Sarkaal sare oo ka tirsan booliska Ingiriiska ayaa la wareegay feylka baaritaanka kiiska dilka ah ee wiilkaas loo geystay.

Sarkaalka oo faahfaahin ka bixiyey kiiskaan ayaa sheegay inay kaliya ogaadeen in Sacad la gu dilay Toorey, balse aan la ogaan cidda dish ay, isla markaana ay socdaan baaritaano ay ku dabagelayaan dambiilayaasha.

Sidoo kale booliska ayaa dadka degan mag aalada uu dilkaas ka dhacay waxay ka dalbad een inay booliska la soo wadaagaan wixii mac luumaad ah oo ay ka hayaan ama ka helaan dilka Sacad. Qoyska uu ka dhashay wiilka Soo maaliga ah ee la dilay ayaa booliska ku cada adi naya in lasoo qabtodembiilayaasha, waxaa na bilowday iskaashi lagu baadi goobayo dadkii dilay Sacad Cali.

Burcad badeedda Soomaalida oo qafaash ay Markab ganacsi oo laga leeyahay Bangladesh

Markab laga leeyahay dalka Bangaladesh ayaa waxaa gacanta ku dhigay kooxo burcad badeed Soomaali ah xilli uu ku socdaalayay badweynta Hindiya ee ku dhow xeeba ha Soomaaliya. Mar kabkan oo lagu magacaabo "MV Abdul lah" ayaa ku wajahnaa dalka Isu-tagga Imaara adka Carabta (UAE) isagoo ka yimid dalka Moza mbique ee Afrika ku yaalla.

Markabka waxaa iska leh shirkadda KSRM, ta asoo ogaatay in markabka ay qabteen kooxo burc ad badeed ah. Waxaa saarnaa 23 badmaax oo u dhashay dalka Bangladesh. Dhammaantood waa la qafaa shay, sida ay sheegeen milkiilayaasha mark abka. Muddooyinkii ugu dambeeyay, kooxaha bur cad badeedda Soomaalida ayaa dib usoo noole eyay weerrarada ay ku hayaan maraakii bta ganac siga ee isticmaala Badweynta Hind iya.

Haatan, xeebaha Puntland waxaa weli lagu haystaa Markab ganacsi oo kooxaha afduubtay ay doonayaan inay ka qaataan madax furasho.

Nin Mareykanka ku dilay wadaad Soomaali yeed oo la xukumay

Nin afduubtay, dhacay ka dibna diley wadaad caan ka dhex ahaa bulshada Sooma aliyeed ee ku dhaqan magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka ayaa lagu xuku may in uu xabsi ku qaato cimrigiisa inta ka dhiman.

Dilaaga oo lagu magacaabo John Wooden Jr. oo 48 sano jir ah ayaa sidoo kale laga mam nuucay in ay aan cafislagu siid eyn karin muddo 73 sano ah, ka dib markii lagu helay dhammaan dambiyadii loo haystay.

Guddi xeerbeegti ah oo Khamiistii la soo dha afay fariistay maxakamad cabshooyinka gu ud dhe geysata oo ku taal degmada Franklin ee maga alada Columbus ayaa Mr. Wooden ku he lay in uu afduubtay, dhacay ka dibna diley Mar xuum Maxamed Xasan Adam bishii Disember 2021.

Sheekh Maxamed Xasan Adam oo markii la diley 48 sano jir ahaa, wuxuu Iimaam ka ahaa mas jidka Abu Hurayra oo ku yaal Waqooyiga Bari ee Columbus. Xukunkanina wuxuu soo xiray bog tiiraanyo leh oo muddo labo sano ka badan furnaa.

Galmudug oo ku dhawaaqday Howlgal cusub oo ka dhan ah Al Shabaab xilli ciidanka ay…

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid oo Shir gudomiyay shir deg deg ah oo lo oga hadlayay amniga Galmudug, waxaana shir kan Warbixino kala duwan ka dhagaystay saraakiisha kala duwan hay’addaha amniga Galmu dug iyo ATMIS.

Shirka ayaa intii uu socd ay looga hadlay dar dar-galin ta howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee ka soc da deegaanno iyo degmooyin katirsan Galm udug iyo sare u qaadida amniga ma gaaloyinka Galmudug.

Cali Ciidayaa saraakiisha iyo ciidamada uga mahad celiyey dadaalkooda naf hurnimada leh ee ay ugu jiraan bad-baadinta nafta iyo maalka Shaca bka Soomaaliyeed, waxaana u faray u diyaar garoo baan howlgalo baaxad weyn oo ka bilaabanaya Galmudug. Shirkan ayaa imaanaya xilli ciidamada dowlad da iyo kuwa deegaanka kasoo baxeen deeg aan ada Caad, Camaara iyo Bacaadweyn oo horey Al Shabaab looga saaray dagaallo dhiig badan ku daateen.

Wasiirkii Maaliyada Puntland oo xilka ku wareejiyay wasiirka cusub

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntla nd Mudane Hon Ilyas Osman Lugatoor , ayaa Dorraad ka qeybgalay Munaasabadda xilwareejin ta Wasi irka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Mudane Maxamed Cabdiraxm aan Dhabanacad, oo ay weheliyaan Wasiir Ku-xigee nnadii iyo Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaar adda Maaliyadda Puntland.

Agaasimaha guud ee Wasaa radda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle, ayaa munaasaba dda kusoo bandhigay waxqabadka Wasaaradda, horumarada laga sameeyay xagga maaliyadda Puntland ee uu Wasa aradda ku hoggaamiyey Wasiirkii hore Mudane Maxamed Dhabanacad iyo qorsheyaasha dhow iyo Kuwa fog ee ay Wasaaradu hiigsanayso.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Puntl and Mudane Maxamed Dhabanacad ayaa Mad axweyne Ku-xigeenka iyo madashaba la wadaagay Waxyaabaha u qabsoomay intuu xilka hayey, isagoo uga mahadceliyay Masuuliyiinta Wasaar adda Sidii wanaagsaneyd ee ay usoo wada shaqee yeen intuu xafiiska joogay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntl and Md Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa bog ga adiyay Wasiirka cusub Wasaaradda Maaliy adda Md.Ma xamed Faarax Maxamuud, Sidoo kalena waxaa uu dadaalkiisii shaqo uga mahad celiyay Wasiirkii hore Maxamed Cabdiraxmaan Dhabana cad. Madaxw eyne Ku-xigeenka ayaa sheegay in qorshaha Dowl adda ee 5-tan sano ay ku jiraan horumar badan in laga sameeyo dhinaca adeega bulshada loo hayo, sidaasi darteed Wasaaradda looga baahanyahay in ay sii dardargeliso kor u qaadista dakhliga si Dowl addu awood ugu yeelato fullinta qorsheyaasheeda.

Munaasabadda waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Musuuliyiinta cusub ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Masuuliyiintii hore ee Wasaaradda, Guddiga xilwareejinta Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Saraakiil Madaxtooyo, Madaxda Maal iyadda heer Gobol, degmo iyo dhammaan Shaqa alaha Wasaaradda iyo marti sharaf kale.  –DHAMMAAD-

Ciidanka Jabuuti oo isaga guuray fariisima hii ay ku lahayeen bartamaha Baledweyne

Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ee ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa Dorraad isaga baxay fariisamahii ay ku lahayeen xarumaha maamulka gobolka iyo kan degmada Baledweyne.

Ciidamada Jabuuti ayaa mudo aad u dheer oo ka ba dan 10 sano ku sugna fari isim aha ay Dorraad isaga guureen oo ay ka ilaalin jireen amniga maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baledweyne. Wali si rasmi ah looma oga sababta keent ay in ciidanka Jabuuti ay isaga guureen fariisi mahii ay ku lahayeen bartamaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiira an.Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in goobahaan ay uga guureen ciidanka Jabuuti nidaam daro baahsan oo ka dhalatay in xaruma haan ay ku wada sugan yihiin ciidamo farabadan oo kala taacbacsan Hirshabeelle iyo Hiiraan State. Xigasho:-hiiraan.com

Midowga Afrika iyo Q/Midoobay oo bilaabay wajigii saddexaad ee dhimista ciidanka ATMIS

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Qaramada Midoobay ayaa bilaabay kulamo looga wadashanayo wajiga saddexaad ee dhimista ciidanka ATMIS ee ku sugan gudaha Soomaa liya.Souef Mohamed Ela mine oo ah madaxa ATMIS iyo ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaab ilsan Soomaaliya Raisedon Zenenga, ayaa kawada hadlay fulinta Wajigii 3-aad ee dhimista iyo wareej inta mas’uuliyadda amniga ee ciidamada Sooma aliya.Waxay sahamiyeen xeeladaha lagu xaqiiji nayo iyo xasilloonida Soomaaliya ka dib ATMIS, iyagoo xoogga saarayay muhiimadda ay leedahay wad ashaqeynta Dowladda Federaalka iyo saaxiibada caalamiga ah.

       Iyadoo ATMIS ay isku diyaarineyso wejiga 3-aad ee dhimista, waxaa diiradda la saarayaa xooj inta ciidamada Soomaaliya iyo xaqiijinta hab isku xiran oo lagu wajaho amniga iyo dib u habeynta dowladnimada, taasoo muhiim u ah waddada Soomaaliya ee dib u soo kabashada iyo horumarka waara sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.Wada-hada lladan ayaa kusoo beegmay, xilli Ciidamada xoog ga dalka Soomaaliyeed shaki laga muujinayo awo oddooda la wareegidda masuuliyadda amniga ee dalka, iyadoo ay xusid mudan tahay in kooxda Alshabaab ay dib ula wareegeen qaar kamid ah degaanadii laga saaray sanadkii hore.

Koonfurta Mudug oo ah meelihii Alshab aab si adag loogula dagaalamay, oo ay boqo laal askari iyo saraakiil ciidan u geeriyoodeen difaaca dalka, ayay ciidamada isaga baxeen, waxaana dib u qabsaday Alshabaab.

Arrintan ayaa niyad jab weyn ku noqotay howgalladi socday ku dhawaaad labo sano, kuwaas oo ay dowladdu ku xorayso degaano badan oo kuyaala Hirshabeelle iyo Galmudug.

Somaliland oo dhaliishay sida Waddamada Reer Galbeedku uga jawaabeen xiisada Badda Cas

Somaliland ayaa sheegtay in sida ay wadd am ada Reer Galbeedku uga jawaabeen xiisada Badda Cas anay ahayn mid xal lagu ga adhi karo. Wasiirka Warfaafinta Somalila nd Cali Xasan Maxamed 'Cali Mare exaan' ayaa she egay in jawaabta Waddmada Reer Galbeedka ee xiisada amaan ee kataagan Badda Cas ay tahay mid xaalada uga sii daraysa uun.

"Xiisada ka taagan Badda Cas iyo Gacan ka Berbera (Gacanka Cadmeed), lagu ma xalin karo in madaafiic layskaga tuur tuuro goobo aan cayinayn" Ayuu Wasiir Cali Mareex aan ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa X. Waxa uu yidhi "Waa in arrinta lagala tash adaa waddamada jaarka sida Somaliland oo kale, hadii daacad laga yahay in xiisada Bad da Cas iyo Gacanka Cadmeed xal loo helo".Qoraal uu Wasiir Cali Mareexaan ku baahiyay isla bartiisa X 12 January ayuu ku sheegay in Som aliland ay gacanta ku hayso xeeb dherer keedu leegyahay 850 killomitir oo amaan ah, islamarka ana ay sugto amaanka ganacsiga caalamiga ah. Waxa uu intaa ku daray in loo bahanyahay in So maliland ay qayb ka noqoto dadaalada lagu dajin ayo xiisada, madaama oo ay qayb wayn ka qaa dato ilaalinta biyaha Badda Cas.

Booliiska dalka Kenya oo baadigoob ugu jira nin iska dhigi jiray wax uusan aheyn !

Maxkamad kutaalla dalka Kenya ayaa waa ran soo qabasho ah u jartay nin lagu eedeey ay in uu is ka dhigi jiray qareen , isaga oon aheyn qareen si doo kale aan heysan shahaadada laga rabo dadka noqda qareenka.

Ururka qareennada ee Law Society of Ken ya (LSK) ayaa sheegay in ninkan booliiska ba adigoobayaan uu iska dhi gay qareen , isaga oon u qal min in uu noqdo qareen ama aan hey sanba sharciyad.

Saraakiisha dhinaca sharciga u qaabilsan dowladda Kenya ayaa ku booriyay ciidamada boo liiska in ay soo qabtaan ninkan oo ku shaq eysan ayay magaca beenta ah uu leeyahay qareen kale "Brian Mwenda”.

Ninkan Kenyanka ah ee booliiska raadina yaan ayaa lagu sheegay in uu yahay nin iska dhige qare en "Masquerade”, waxaana ninkan lagu eedeeyay in uu xaday aqoonsiga qareen ka dhabta ah, oo lagu magacaabo Brian Mwenda Ntwiga.aha

 




RAMADAANKU WAA FURSADA CUMRIGA


(Dersiga Labaad) Waxaa uu illaah (cw) noo sharciyeeyay inaan Soono Bish aan Barakeysan ee Ramadaan asagoo ula jeedada Soonkana ku sheegay in ay tahay inaan ka kororsano Taqwo(alle ka cabsi) iyo aadaabta oo la toosiyo ee ula jeedada Soonku ma aha inaan gaa joono ama haraadno sida dad badan oo cilmi laheyn u heestaan, taasoo keentay in ay ka dhowri waayaan Soonkooda wax yaabihii wax u dhimayay ulajeedadiisa ama in ay ka dhawri waayaan waxyaabi hii gebi ahaanba Soonka burinayay, sidaa darteed waxaan soo gudbinayaa gaf af ay haboon tahay inuu ka digtoonaado ruuxa sooman ee doonayo inuu Soon kiisu noqdaa mid maalinta Qiyaame uu ku baxsado oo uu uga

badbaado Cadaabka Naarata hadii illaa u aqbalo, waxaana ka mid ah gafaf kaas:-

1-in aysan dadka qaar ku baraarugsaneyn fadliga weyn iyo faaiidooyinka Soonku leeyahay,taasoo aad ka arkeyso sida aysan ugu faraxsaneyn Bilashada Bisha Ramadaan ama sida ay u soo dhaweynayaan oo ah in ay ku soo dhaweeyaan diyaarinta noocyada Cunada iyo Cabitaanada kala duwan ama in ay ku soo dhaweeyaan abuubulo ku saabsan kubad iyo turub iwm, halkii looga baahnaa in ay ku soo dhaweeyaan dadaal xaga Cibaadada ah sidii uu sameyn jiray Nabigeena (scw) oo ah inuu la yimaado dadaal dheeraad oo uusan la imaan jirin bilaha kasoo hara Ramadaanka.

2-Waxaa ka mid ah gafafka dadka qaar ka dhaca in aysan ku farxin Bila shada Bishaan oo ay ka murgoodaan ayagoo u heesta in ay tahay Ciqaab lagu soo rogay, taasoo keeneysa in ay dhamaadka Bisha ku sugaan Sabar la’aan kuna farxaan inuu ka dhamaaday ee aysan ku faraxsaneyn in ay dhameesteen.

Dadka noocaas ah ma macaansadaan Cibaadaadka ku dhex jira Bishaan mana ka faaiiideystaan maalmaha iyo Saacada bisha Ramadaan taasoo macna heedu yahay in kuwaaasu ka khadeen nicmooyinkii iyo faaiidooyinkii Bishan xambaarsaneyd ayagoo ay dhici karto in ay ka soomeen Cunadii iyo Cabidii.

3-Waxaa kaloo gafafka ka mid ah dadka qaar ku dhacaan in aysan baranin Axkaamta Bishaan Ramadaan ama aysan su’aalo ka weydiin kuwa Cilmiga leh, taasoo ah in ay Cibaadeestaan ayagoon Cilmi ulaheyn kuna dhacaan gaabis iyo gafaf badan.

Marka waxaa ku waajib ah ruuxa u xilhaya Diinkiisa inuu waxa uu ku Ciabaadeysanayo Cilmi u yeesho si uusan Maalinta Qiyaame ula kulmin wax aan farax galin.

4-Waxaa ka mid ah qaladaadka ku dhex dhaca Bishaan in dadka qaar ayssan ka dhowrsan gafafka

taasoo ka dhigtay soonkoodii mid uun ah ka tagid Cuno iyo Cabid, ee uusan soonka ku xambaarin in ay xuDorraad ka tagaan, nabigeena Suuban (scw) waxaa uu sheegay in Soonka aan loo jeediynin ka tagida Cunada iyo Cabida kaliya.

( من لم يدع قول الزور والعمل به فليس لله حاجة في أن يدع طعامه وشرابه ) رواه البخاري .

5-Gafafka dadka qaar ku dhacaan Bishaan Ramadaan waxaa ka mid ah in ay ka tagaan Sunooyinka qaar sida:-sandaarsiga marka la weyso qaadanayo ayagoo ka baqaayo in ay Biyaha ka galaan Gudaha jirka, laakiin arintaas sax ma aha oo waa la saandaarsadaa lana luqluqdaa marka la sooman yahay hadii aanan lagu xeel dheeraan.

( أسبغ الوضوء، وخلل بين الأصابع، وبالغ في الاستنشاق إلا أن تكون صائماً ) رواه الترمذي وغيره.

Xadiiskaan waxa uu tusayaa in marka la weeso qaadanayo in sanka qeybtiisa hore biyaha lagu nadiifiyo ayadoo aan lagu fogeyneynin gudaha Sanka, waxaana kaas la mid ah ka tagitaanka Cadayga galinka dambe maalmaha Soonka, maxaa yeelay mar walba Cadaygu waa Sunno.

6- Waxaa kaloo ka mid ah gafafka dadka Sooman qaarkood ku dhacaan inay ka dhowraan afkooda wax Cundhuuf ah in ay ku soo dhacdo ama dhuunto odaba gaarto taasoo noqoneysa inuu Ciqaabo ruuxaas naftiisa maadaama aysan suuro gal aheyn in laga dhowrsado Candhuufta ama aysan suuro gal aheyn in Candhuuftaas laga dhowro in ay dhuunta gaarto.

7-Waxaa kaloo kamid ah gafafka in aysan Soonka Habeenkii niyada ku qa ban taasoo ka hor imaaneynysaa Xadiiskii u Nabiga (scw) ku sheegay inuusan Soomin ruuxii aan habeenkii niyeeysan Soonkiisa.

( من لم يبيت الصيام من الليل فلا صيام له ) رواه النسائي

وفي رواية: ( من لم يبيت الصيام قبل الفجر فلا صيام له

Waxaana iga xasuusin ah in Niyada aysan aheyn mid lagu dhawaaqo sida ay sameeyaan dadka qaar, maadaama uusan Nabiga Niyada la jahrin marka Xajka la joogo maahane.

8-Gafafka dhaca waxaa ka mid ah Cinitaanka cunada marka la Adimo ka dib Aadaanka Fajarka(salaada lagu dkado) ama inta uu socdo Aadaa nka.waxaa haboon ruuxa doonaya Saxuurtaa inuu ka tigtoonaado in lagu dul Aadaamo oo uu ka hor ka faro xasho.

9-Waxaa kaloo ka mid ah qaladaadka dadka qaar ku dhacaan Bishaan Bara keysan in ay moodaan hadii ruuxa lagu dul Adimo asagoo Janaabo qaba inuus an soomi Karin maadaama uusan Daahir aheyn, laakiin waa arin qaldan maxaa yeelay Soonka Shuraadihiisa ka mid ma aha in uu Daahir ahaado ruuxa Soomaya, waxaana Nabiga Suuban laga soo sheegay inuu Soomi jiray ayadoo uu waaga u baryay asagoo Janaabadii uu reerkiisa kula kulmay qaba.

10-Waxaa gafafka dadka Sooma qaarkood ku dhacaan Dabeecada oo ka xumaata marka ay Soomaan oo gaajada qabato, taasoo ka hor imaaneysa dantii laga lahaa Soonka oo ah in uu toosiyo Aaadaabta kan sooma uu ku barto Dulqaad, waxaana la amray kan Sooman hadii la aflagaadeeyo ama lala dagaalo inuu yiraahdo waan Soomanahay waan Soomanahay!!

فإذا كان يوم صوم أحدكم فلا يرفث، ولا يصخب، فإن سابه أحد أو شاتمه فليقل: إني صائم رواه البخاري و مسلم

11-Waxa kaloo gafafka dadka qaar ka dhaca waxaa ka mid ah in ay daadaal badan muujiyaan biloowga Bisha kadibna Caajisaan oo ku dhameestaan hurdo iyo sheeko, laakiin waxaa habooneyd in dadaalka la badiyo maalmaha dhama adka Bisha lagaaro oo uu qofka Sooman Jibaaro Cibaadada sida uu sameyn jiray Nabiga Suuban(scw) oo kale .

Waxaa Diyaariyay Calinuur Xoogsade calixoogsade@hotmail.com Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: calinuur, ramadaan     LA SOCO QEYBO KALE ..


WAR GELIN:-

Maamulka Sare ee Wargeyskan wuxuu Macaami shiisa iyo Akgrista yaashiisaba ku wargeinayaa Dhammaanba walaalayaalshe ena Qiim aha badan ininta ay socoto Bisha Bar akeysan ee Ramad aan ay wargeyskan uu usoo gudbin doono Daruus Diini ah oo la xirii rta Fadaa’iishaay Xanbaarsan tahay Bishan.

Haddaba waxan ka codsaneynaa inay ka ilaaliyaan in ay meelo aan ku habbooneyn inay dhigaan ama ku tuuraan Nuqullada joornaalk an ee Daruusta ku Qoran tahay Marka walaalayaal Alle ha idinXafi dee ka ilaaliya meelaha wasqeysan eedhiga meel wanaagsan ee

sareysa Mahadsanid


Maxay uga dhigan tahay Maraykanka geer ida Hogaamiyihii Alqaacida ee

 dalka yemen

Hoggaamiyihii Al-Qaacida ee Yemen ayaa geeriyooday, waxaa sidaas ku dhowaaqay Saraakiisha Al-Qacida ee dalka Yemen, ayada oo aan bixin wax faah-faahin ah. Khalid al-Batarfi ayaa waxaa madaxiisa dul saarnaa abaal-marin ah $5 milyan, oo uu ballan-qaaday Mareykanka, sababo la xiriira hoggaamintiisa Al-Qacidada Jasiirad u yaalka Carbeed.

Inkasta oo la rumeysan yahay in sanadihii dhowaa ay daciiftay sababo la xiriira dagaal dhexdeeda ah iyo duqeymo diyaaradeed oo Mareykanka uu ku dilay dhowr ka mid ah hoggaankeeda, haddana kooxdan oo loo yaqaan AQAP ayaa loo arkaa laanta ugu halista badan ee Al-Qacida. Al-Qaacida ayaa sii day say muuqaal muu jinaya al-Batarfi oo ay ku duuban tahay karfan cad iyo calanka madowga iyo caddaanka ah ee kooxda.

Al-Qacidaayaan shaacin sababta dhimas hadiisa, mana jirin wax calaam ad dhaawac oo laga arki karay wejigiisa. Al-Batarfi ayaa la rumeysan yahay inuu ku jiray da’da 40 maadka. Sidoo kale Al-Qaacida ayaa geerida Al-Batarfi ku dhowaaqday habeenkii koowaad ee Ramadanka,uu ka bilowday dalka Yemen iyo caalamka Islaamka.

Al-Batarfi ayaa la wareegay hoggaanka Al-Qaacida ee Yemen bishii Febr aayo ee 2020. Waxa uu beddelay Qassim al-Rimi oo la gu dilay oo weerar drone ah ay fuliyeen ciida mada Mareykanka, kaasi oo uu amray mada xwey nihii xilligaas Donald Trump.

Kenya hakisay qorshe ay ciidamo booliis ah ugu diri lahaayeen dal uu khalalaase ka jira

Dowladda Kenya ayaa hakisay qorshe ay ku doonayeen in ciidamo booliis nabad ilaalin ah ugu diraan dalka Haiti, oo xilligan ka jiraan khal alaase xooggan ay ka dambeeyaan kooxo burcad hubey san ah. Sargaal katirsan wasaaradda arrimaha dibad da ee Kenya ayaa sheegay in la hakiyay qorshi hii Kenya ay ciidamada Booliiska ugu diri laheyd dalka Haiti, kaddiv markii Ra’isul Wasaaraha dal kaasi ku dhawaaqay in xilka baneenayo.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Haiti Ariel Henry ayaa dowladiisa ku guul dareesatay wax ka qaba shada xaalada amni ee dalkaasi, waxaana dhaw aan la sheegay in uu dalka isaga baxsaday ka dib markii xaalad amni darro lasoo daristay. Xoghayaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya Korir Sing’oei, ayaa shee gay in maamul la’aanta siyaasadeed ee ka jirta dalka Haiti, ay keeni karto in la hakiyo ciidankii Kenya dalkaasi u diri laheyd.

Dowladda Kenya ayaa qorsheysay in kun askari oo booliis nabad ilaalin ah u dirto dalka Haiti oo xaalad hubinta la’ana ah ka jirto, waxaa na dirista ciidankaasi hadda dib u dhigi kartaa katagista xilka Ra’isul Wasaar dalka Haiti

oo xaalad cabsi ah lasoo daristay.

 


SIDA FACEBOOK IYO TIKTOK KHATAR U GELIN KARAAN SOONKAAGA, IYO


 WAXYAABAHA AY TAHAY IN AAD KA FOGAATID


Baraha Bulshada iyo saameynta ay ku leeyihiin Baraha Bulshada iyo saameynta ay ku leeyihiin soonka

Tobankii sano ee u dambeeyay dunidu way isbedeshay, gaar aha an dhinaca farsamada, waxaana wakhtigan horumarkani keenay in inta badan dadka dunida ku nool ay helaan moobil casri ah oo lagu adeegsado internet-ka.

Waxay tani horseeday, dunida maanta uu isticmaalka baraha bulsh ada noqdo qayb ka mid ah nolol maalmeedka. Baraha bulshadu ku wa da xiriirto ayaa noqday waxyaalaha aynu ku samayno hawlo badan oo nolosha ah iyo nooca adeegsigu nolosheena saameeya.

Saamaynta ay goobahaasi ku leeyihiin nolosheenna awgeed, waxa loo baahan yahay in la go’aamiyo sida looga faa’iidaysan karo soonka Ramadaanta si looga fogaado caasinnimada Ilaahay iyo dembiyada waxyeeleyn kara soonkeenna.

Qoraalka sawirka,

Sheekh Cabdixayi, Imaamka Masjidka Cumar Bin Khadaab ee Muqdisho

Sheekh Cabdixayi Sheekh Aadan, waa Imaamka masjidka Cumar Bin Khadaab ee Muqdisho. Waxa uu BBC Somali u faahfaahiyay siyaabaha ay tahay in dadka muslimiinta ah ee isticmaala baraha bulshada inay u dhaqmaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Sheekh Cabdixayi waxa uu sheegay in micnaha soonka uu yahay in laga fogaado wax kasta oo qofka u horseedaya gaf iyo aflagaado.

"Xitaa haddii qofka is xajin jiray ka hor inta uusan soomin, waa in uu ku dadaalaa xilliga soonka si uusan ugu dhicin fitno, balaayo ama dembi,” ayuu yiri Sheekh Cabdixayi.

Waxyaalaha uu Sheekh Cabdixayi ku taliyay inay dadka Soomaalida ee sooman iska ilaaliyaan waxaa ka mid ah.

• Daawashada muusiga iyo qoob ka ciyaarka

• Fiirinta qaawanaanta dumarka

• Samaynta faallooyin aan faa'iido lahayn

• Faafinta iyo daabacaada war been abuur ah

• Daawashada filimada iyo sawirada Sheekh Cabdixayi waxa uu yiri "Waa nasiib darro haddii aad Youtube-ka gasho oo aad aragto waxyaabo lagu dembaabi karo, qofka muslimka ah ee sooman yaanu daawan waxaas."

"Waxyaabaha lagu sameeyo TikTok, waa inaan ka taxadarnaa, wa xyaabaha qaar xitaa haddii aad aragto, waxaa khatar ah inay baabi'iso ajarkaaga soonka," ayuu yiri Sheekh Cabdixayi, Imaamka Masjidka Cumar bin khadaab.

Waxa uu sheegay in dadka sooman ay ka fogaadaan adeegsiga TikTok,Instagram-ka iyo Youtube-ka hadii aysan u adeegsanaynin wax diin ahaan anfacaya ama waxbarasho,hadii ay rabaanna in soonka uu u hagaagsanaado.

Sheekh Cabdixayi waxa uu sheegay in soonku uusan ahayn afka oo la xakameeyo iyo cuntada oo laga dhowrsado oo keliya, laakiin in sidoo kale loo baahan yahay la dhowro dhegaha, indhaha, sanka si la mid ah cunista, cabbitaanka iyo la macaamilka waxyaabaha xaaraanta ah.

Waxa uu dadku sooman kula taliyay inay ku dedaalaan akhrinta Qur’aanka iyo dhegeysiga taraawiixda, tahajudka, iyo inay ducada bart aan oo ay si wanaagsan uga faa’iideystaan telfoonada gacanta iyo inter netka ay isticmaalaan.

"Haddii arrimahan la sameeyo, waxay gacan ka geysan doonaan ilaalinta soonkaaga iyo ka fogaashiyaha danuunta," ayuu yiri Sheekh Cabdixayi.

Maxaa la sameeyaa si aad ajar badan uga hesho baraha bulshada xilliga soonka

Baraha Bulshada

Sheekh Cabdixayi Sheekh Aadan ayaa sheegay in barahan casriga ah ee isgaarsiineed ay waqti ku luminayaan dadka muslimiinta ah oo laga hor istaagayo akhrinta Qur’aanka kariimka, digriga iyo ducada iyo dhageysiga muxaadarooyinka.

Sidaas darteed ayuu sheegay in ay jiraan waxyaabo ay waajib tahay in dadka muslimiinta ah ay sameeyaan ama ay faafiyaan xilliga soonka si ay ajar badan u helaan bisha barakeysan. Waxyaalaha uu Sheekhu sheegay in ay dadka muslimiinta ahi ku badan yihiin xilliga soonka waxa ka mid ah.

• Faafi tafsiir Qur’aanka: Wuxuu yiri meel kasta oo tafsiir lagu sameeyo dadka waa in ay u gudbiyaan muslimiinta kale.

• Faafi akhrinta Qur’aanka: Wuxuu sheegay in Muslimiintu ay inta badan u diraan qaraabadooda si ay u akhriyaan ama u akhriyaan bogagga Al-Qur’aanka.

• Daawo oo sii faafi waxyaalaha wanaagsan, kana fogow daawashada waxyaabaha xun xun

Imaamka Masjidka Cumar Bin Khadaab ayaa sheegay in sidoo kale saxaafadu ay ku leedahay kaalinteeda xiliyada soonka, gaar ahaan in ay culimada ugu yeeraan in ay khudbad ama fatwo ka jeediyaan wax yaabaha soonka afura, ajarka soonkana badiya, isaga oo sheegay in ay fadliga badan leeyihiin.

Oogidda salaadaha Taraawiixda iyo Tahajudka, iyo barnaamijyo ka hadlaya muhimadda ay leedahay quudinta iyo u gargaaridda masaakiinta.

Waxa kale oo uu sheegay in dowladaha lagu dhiiri-galiyo inay dadka u fududayso iyo siyaabaha ay ganacsatadu u horumarin lahaayeen ganacsigooda, isla markaana ay u fududayn lahaayeen dadka danyarta ah iibsiga, isagoo ugu baaqay dadka wax haysta inay u gurmadaan dadka tabaalaysan iyo kuwa kale. 

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip