Hay'adda SoDMA iyo Imaaraadka oo ka wada hadlay sidii dib u habayn loogu samayn lahaa biya xireenka Sabuun ee degmada Jowhar

0
Tuesday March 12, 2024 - 12:19:14 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 56
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda SoDMA iyo Imaaraadka oo ka wada hadlay sidii dib u habayn loogu samayn lahaa biya xireenka Sabuun ee degmada Jowhar

    Guddoomiye ku xigeenka hay'adda maareynta musiboyinka Qaranka ee SoDMA Dr; Axmed Cabdi Aadan, ayaa maanta la kulmay Safiir ku xigeenka Safaaradda Imaaradka Carabta Md. Seyf Cali Al-rashaash. Kulankaan ayaa looga hadlay sidii Dowladda Imaaradk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye ku xigeenka hay'adda maareynta musiboyinka Qaranka ee SoDMA Dr; Axmed Cabdi Aadan, ayaa maanta la kulmay Safiir ku xigeenka Safaaradda Imaaradka Carabta Md. Seyf Cali Al-rashaash. Kulankaan ayaa looga hadlay sidii Dowladda Imaaradka Carabta hay'adda SoDMA ay uga caawin lahayd dib u habaynta biya xireenka Sabuun ee duleedka degmada Jowhar, oo muddo aan helin wax dib u dayactir ah muhiimna u ah beeralayda ku nool Gobolka Shabeellada dhexe. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii gargaar dowladda Imaaradka Carabta u garsiin lahayd meelaha fog-fog ee dalka , gaar ahaan maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyo sii xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dhinac. Guddoomiye Axmed ayaa dowladda Imaaradka Carabta uga mahadceliyey sida hagar la,aanta ah ee ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyed iyo dowladdooda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip