Ra'iisul wasaare Xamse oo qaabilay wasiirada arrimaha gudaha dowlad goboleedyada

0
Tuesday March 12, 2024 - 13:16:24 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 64
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul wasaare Xamse oo qaabilay wasiirada arrimaha gudaha dowlad goboleedyada

    Ra'iisul wasaaraha xukuumadda FS mudane Xamse Cabdi Barre ayaa qaabilay wasiirrada arrimaha gudaha dowlad goboleedyada dalka oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macalom Fiqi. Wasiirr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda FS mudane Xamse Cabdi Barre ayaa qaabilay wasiirrada arrimaha gudaha dowlad goboleedyada dalka oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macalom Fiqi. Wasiirrada la kulmay Ra'isul wasaare Xamse Bare waxa ka mid ahaa mudane Maxamed Ibraahim Oogle Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jubbaland, Mudane Cabdi Maxamad Jaamac Waayeel Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Galmudug, Mudane Maxamuud Axmed Gacal Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha ee Hirshabelle iyo Cabdisahal Jaamac Maxamed oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Kumeelgaarka ah ee SSC Khaatumo. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Fiqi ayaa saddexdii maalin ee tagtay shir guddoominayay "Madasha Wadatashiga Wasiirrada ee Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose Wadajir" taasi oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Kumeelgaarka ah ee SSC Khaatumo, iyo weliba Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradahaasi iyaga oo isafgarad ka yeeshay howlo badan oo hortabin u leh, laguna hormarinayo dowladaha hoose.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip