Nin Mareykanka ku dilay wadaad Soomaaliyeed oo la xukumay

0
Tuesday March 12, 2024 - 12:52:19 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 54
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Mareykanka ku dilay wadaad Soomaaliyeed oo la xukumay

    Nin afduubtay, dhacay ka dibna diley wadaad caan ka dhex ahaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka ayaa lagu xukumay in uu xabsi ku qaato cimrigiisa inta ka dhiman. Dilaaga oo lagu magacaabo John Wooden J

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin afduubtay, dhacay ka dibna diley wadaad caan ka dhex ahaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka ayaa lagu xukumay in uu xabsi ku qaato cimrigiisa inta ka dhiman. Dilaaga oo lagu magacaabo John Wooden Jr. oo 48 sano jir ah ayaa sidoo kale laga mamnuucay in ay aan cafislagu siideyn karin muddo 73 sano ah, ka dib markii lagu helay dhammaan dambiyadii loo haystay. Guddi xeerbeegti ah oo Khamiistii la soo dhaafay fariistay maxakamad cabshooyinka guud dhegeysata oo ku taal degmada Franklin ee magaalada Columbus ayaa Mr. Wooden ku helay in uu afduubtay, dhacay ka dibna diley Marxuum Maxamed Xasan Adam bishii Disember 2021. Sheekh Maxamed Xasan Adam oo markii la diley 48 sano jir ahaa, wuxuu Iimaam ka ahaa masjidka Abu Hurayra oo ku yaal Waqooyiga Bari ee Columbus. Xukunkanina wuxuu soo xiray bog tiiraanyo leh oo muddo labo sano ka bdan furnaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip