Hormuud Salaam Foundation oo maanta daah-furtay Mashruuca Afurinta Bisha Ramadaan

0
Tuesday March 12, 2024 - 10:49:37 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 59
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hormuud Salaam Foundation oo maanta daah-furtay Mashruuca Afurinta Bisha Ramadaan

    Hay'adda Samafalka Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta daah-furtay Mashruuca Afurinta Bisha Ramadaan oo ay soon qaad kasta deeqo cunno iyo lacago isugu darto ka gaarsiiso dad danyarta oo gaaraya 7,000 oo mudan in la taakuleeyo. Hay'add

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Samafalka Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta daah-furtay Mashruuca Afurinta Bisha Ramadaan oo ay soon qaad kasta deeqo cunno iyo lacago isugu darto ka gaarsiiso dad danyarta oo gaaraya 7,000 oo mudan in la taakuleeyo. Hay'adda oo mashruucan fulinaysa sannadkii 12ᵃᵃᵈ oo xiriir ah ayaa ku daahfurtay in ay deeq lacageed siiso 120 haween oo danyar ah oo ka tirsan Ururka Haweenka Gobolka Banaadir. Inta mashruucu socdo, waxaa deeqo la gaarsiin doonaa bukaannada qaba xanuunada dhimirka ee ku jira isbitaallada Dr. Xabeeb iyo Lazareti, Maxaabiista ku jirta Xabsiga Dhexe, Naafada Isbitaalka Martiini, qaxootiga Yamaniyiinta, ardayda ku xareysan xarunta dhaqancelinta carruurta darbijiifka ah ee Maamo Ugaaso, iyo ardayda dhigata iskuulka Indhoolayaasha Al-Nuur iyo iskuulka Dhagoolayaasha Gobolka Banaadir. Waxaa sidoo kale mashruucan ka faa'iideysan doono dadka danyarta ah ee ay gacanta ku hayaan xarumaha Save Somali Women and Children (SSWC), Somali Women Organization, Somali Women Development Center (SWDC), iyo Somali Humanitarian Education and Development Association (SOHEDA). Mashruucan sannadlaha ah ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah oo aan uga qeybqaadanayno samatabixinta iyo taakuleynta dadkeenna danyarta ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip