Sawirro: Madaale oo qaaday tallaabo xasaasi ah oo la xiriirta doodda dastuurka

0
Tuesday March 05, 2024 - 11:25:27 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 52
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Madaale oo qaaday tallaabo xasaasi ah oo la xiriirta doodda dastuurka

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa maanta furay kulan ku saabsan soo jeedinta ku aadan dhameystirka Dastuurka ee 4-ta cutub ee ugu horeeyso, kaasi oo ay ka doodayaan guddi uu dhawaan magacaabay guddoomiyaha gobolka

Guddigaan ayaa waxay sidoo kale ka shaqeyn doonaan soo diyaarinta xulashada ugu wanaagsan ee ku haboon magaalo madaxda dalka ee Muqdisho, ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay maamulka gobolka.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in shaqada guddigaan qeyb ka tahay in bulshada gobolka Banaadir loo bandhigo soo jeedinta ku aadan dhameystirka Dastuurka ee 4-ta cutub ee ugu horeeyo, si talooyinkooda ugu biiriyaan.

 

Natiijada ka soo baxdo doodaha farsamo ee guddigaani iyo talooyinka laga soo aruurin doono shacabka caasimadda ayaa lala wadaagi doonaa guddiyada dastuurka iyo guddoonka labada Aqal, si ay ugu saleeyaan go’aan ka gaarista dhameystirka dastuurka.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli xasaasi ah, islamarkaana ay dood xoogan ka taagan tahay dhameystirka dastuurka oo uu ku howlan yahay baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxay kusoo aadeysa xilli uu muran xooggan ka taagan yahay arrimaha wax ka beddelka dastuurka, islamarkaan ay diidan yihiin inta badan xubnaha mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka.

 

 

Si kastaba, bishii May ee sanadkii hore ayay aheyd markii Golaha Wadatashiga Qaranka ku heshiiyeen in laga guuro nidaamka hadda jira, ayada oo meesha laga saarayo xilka ra’iisul wasaaraha, si ay Soomaaliya markii ugu horreysay u yeelato madaxweyne iyo ku-xigeen, waana mid kamid ah qodobbada ugu adag ee la isku hayo xilligaan meel-marintiisa.

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip