Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo kulan mira dhal ah la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Tiiceey

0
Tuesday March 05, 2024 - 13:05:59 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 86
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo kulan mira dhal ah la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Tiiceey

    Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Daa'uud Aweys Jama ayaa magaalada Daresalam kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Tanzania, Mudane January Makamba. Labada wasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Daa'uud Aweys Jama ayaa magaalada Daresalam kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Tanzania, Mudane January Makamba. Labada wasiir ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo baahida loo qabo in la abuuro nidaam iskaashi oo dhinacyo badan leh. Mudane Daa'uud Aweiys Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa Dowladda Tanzania uga mahadceliyay doorka ay ka cayaartey ansixinta xubinnimada Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC, iyo tallaabada ay ugu tanaasushey in Soomaaliya ay noqoto xubinta keliya ee Bariga Afrika ka socda ee u tartamaysa kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Tanzania, Mudane January Makamba ayaa uga mahad celiyay Dowladda iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud sida ay ugula tiiraanyoodeen geeridii Madaxweynihii hore ee Tanzania Al Xaaji Sheikh Cali Xasan Mwinyi, wafdina u direen Tanzania sii uu uga qeybgalo aaska iyo tacsida hoggaamiyahaasi hore. Mudane Makamba ayaa sidoo kale Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay dhameystirka hannaanka ku biirista Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC), isagoo dhanka kalena ballanqaadey in dowladdiisa ay garab istaagi doonto sidii ay Soomaaliya ula qabsan lahayd hawlaha iyo adeegyada kala duwan ee EAC. Waxaa sidoo kale uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Tanzania xusay in dowladdiisa ay si buuxda u taageersan tahay qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Labada Wasiir ayaa ugu dambeyn ku baaqey in laga wada shaqeeyo xasiloonida gobolka, si diiradda loo saaro horumarka iyo haqabtirka adeegyada muhiimka ah ee shacabka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip