Dawladaha Soomaaliya iyo Hindi oo Heshiis is Afgarad ah gaaray

0
Tuesday March 05, 2024 - 10:02:37 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 58
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladaha Soomaaliya iyo Hindi oo Heshiis is Afgarad ah gaaray

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqii ayaa la kulmay wafdi sare oo ka socday dalka Hindiya, oo uu horkacayay Dr. Sureh Kumar oo ah Xogheyaha wadaagga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Hindiya. Labada mas'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqii ayaa la kulmay wafdi sare oo ka socday dalka Hindiya, oo uu horkacayay Dr. Sureh Kumar oo ah Xogheyaha wadaagga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Hindiya. Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan iyada oo si gaar ah looga hadlay horumarrrada ay ku tillaabsatay Soomaaliya ee dhanka amniga iyo dhinacyada kale . Kulankan oo ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen safiirka Soomaaliya ee dalka India Axmed Cali Daahhir iyo xubno ka socday wasaaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa aad loogu falanqeeyey dhibaatada muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku qabaan visaha dalka Hindiya oo ay u aadaan dalalka deriska. Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin ayaa ku baaqay adeegga visaha loosoo dhoweeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee caafimaadka iyo waxbarashada dalkaas u aada, loona keeno magaalada qunsuliyad ay ka dalbadaan visaha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip