Halis ku soo wajahan qeyb ka mid ah badda Soomaaliya

0
Tuesday March 05, 2024 - 08:35:37 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halis ku soo wajahan qeyb ka mid ah badda Soomaaliya

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Waxaa isa soo taraya digniinaha laga bixinayo cawaaqibka uu deegaanka ku yeelan karo markabkii Ingiriiska laga lahaa ee habeenkii Jimcaha ku quusay Badda Cas, kadib weerarkii Xuuthiyiinta Yemen.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa xoojiyay digniinta Dowladda Yemen ee caalamka uu aqoonsan yahay, oo Sabtidii ka digtay masiibo deegaan amaba waxyeelo xagga deegaanka ah.

Markabka Rubymar ayaa la sheegay inuu siday shixnad gaareysa 41,000 oo tan oo isugu jirta bacrimin iyo saliid, taasoo la sheegayo in dhibaato weyn ku yeelan karto deegaanka.

 

Wararka ayaa sheegaya in markabka uu sahayda saliidda ee saaran ku sii deynayo koonfurta Badda Cas, isla-markaana ay waxyeelo ba’an u gaysan karto marin biyoodka muhiimka ah, kalluunka iyo dhirta ay quutaan iyo xitaa biyaha la cabo.

Warbaahinta caalamiga ah oo soo xiganeysa badmaaxiinta iyo dadka bartay cilmiga badda ayaa sheegeysa in tani ay sidoo kale saamayn doonto isu socodka maraakiibta iyo xeebaha ka durugsan goobta uu haatan markabka ku kiiday.

Khatarta kiimikada iyo walxaha sunta ah ee markabka saaran ayaa lagu sheegay mid aad u sarreyso, iyadoona Xuuthiyiinta lagu eedeeyay in ay hortaagan yihiin wax ka qabashada saliidda qubaneysa.

Khubarada ayaa sheegay in ay jiraan habab gaar oo caalami ah oo lagaga jawaabo, marka ay masiibada ceynkani oo kale ah ay dhacdo, taasoo ay ugu horreyso ka hortagga in saliidda ay gaarto xeebta.

 

Markabka dhex fadhiya gunta hoose ee badda ayaa la qiyaasaya inaanu sii deynin inta badan saliidda saaran, waana caalamad muujineysa in weli ay jirto rajo lagu xakameyn karo masiibada.

Caqabadda ayaase ka taagan, iyadoo Xuuthiyiinta ay ka horyimaadeen in shirkadda markabka iska leh ay kormeerto goobta uu markabku ku degay, si ay u cilad bixiso amaba ay u jiidato, balse Xuuthiyiinta ayaa shuruud kaga dhigay in marka hore gargaarka bani’aadantinimo loo ogolaado Marinka Gaza.

Toddobaadkii hore koox ka socota Dowladda Yemen ee caalamka uu aqoonsan yahay ayaa awood u yeelatay inay kormeerto markabkaasi, maadaama ay Xuuthiyiinta kula jiraan heshiis nabadeed. Xuuthiyiinta ayaana weerarin kooxdaasi, si aanu u fashilmin heshiiska xabad joojinta ee labada dhinac.

 

Kooxda kormeerka sameysay ayaa xilligaasi sheegtay in qayb ahaan uu qarqoomay markabka, isla-markaana uu degi karo dhowr maalmood gudahood.

Markabka nooca xamuulka ee Ingiriiska ayaa siday nooc acid oo suntu ay ku badan tahay, waxaana loo adeegsadaa soo saarista bacriminta.

"Marka laga soo tago shixnaddeeda halista ah, tani waxay xiriir la leedahay sifooyinka gaarka ah ee Badda Cas,” ayuu yiri Ian Ralby, aasaasaha Shirkadda Amniga Badda ee I.R. Consilium.

 

Ralby ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in masiibo weyn ay dhacdo, haddii aan la qaadin tallaabooyinka lagama maarmaanka ah.

Walaaca sii kordhaya ayaa qayb ka ah qaababka biyaha wareegga ee Badda Cas, oo asal ahaan u shaqeeya sida haro weyn oo xilliga jiilaalka u socdaan Kanaalka Suweys iyo xagaaga oo ay u socdaan dhinaca Gacanka Cadmeed, tani oo ka dhigan in saamaynta aynaan ku koobnaan doonin Badda Cas oo qura.

Gaadiidka badda ayaa ah laf dhabarta marinada ganacsiga ee Shiinaha iyo Midowga Yurub, oo 90% ka ah ganacsigooda, iyadoo carqaladeynta marin biyoodka Badda Cas illaa Kanaalka Suweys ay sidoo kale kala dhantaaleyso ganacsiga Yurub.

Halis ku soo wajahan qeyb ka mid ah badda Soomaaliya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip