Halka ay Soomaaliya kaga jirto liiska dalalka ay dadka ugu buuran iyo ku ugu caatasan ku nooliyihiin

0
Monday March 04, 2024 - 17:15:17 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 69
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halka ay Soomaaliya kaga jirto liiska dalalka ay dadka ugu buuran iyo ku ugu caatasan ku nooliyihiin

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Cayilka

Waxaa la shaaciyay liiska wadamada ay ku nool yihiin dadka ugu cayilan caalamka iyo kuwa ay ku nool yihiin dadka ugu caatasan ama miisaankoodu hooseeyo.

In ka badan hal bilyan oo qof ayaa la nool cayilka guud ahaan caalamka, sida ku cad qiyaas lagu daabacay ee lagu daabacay The Lancet show.

Waxaa ku jira tiradan ilaa 880 milyan oo dad waaweyn ah iyo 159 milyan oo carruur ah, marka loo eego xogta 2022.

Tirooyinka ugu badan ee cayilka ayaa laga diwaan geliyey jasiiradaha Tonga iyo American Samoa marka ay joogto dhanka dumarka, halka dhanka ragga y ugu badan tahay Nauru. jasiiradahan ayaa dadka ku nool 70-80% ay yihiin dad cayilan.

Daraasadda oo laga sameyay 190 waddan, UK waxay ku jirtaa kaalinta 55aad ee ugu sarreeya ragga iyo kaalinta 87aad ee dhanka haweenka.

Kooxda caalamiga ah ee saynisyahanada ayaa sheegay in si degdeg ah loogu baahan yahay hanaan lagu sameyo isbadal ballaaran oo ku aadan qaabka loola tacaalo cayilka.

Cayilka wuxuu kordhin karaa halist in qofka ay ku dhacaan xanuuno badan oo halis ah, oo ay ku jiraan cudurrada wadnaha, nooca 2aad ee sonkorowga iyo qaar ka mid ah noocyada kansarrada.

Qiimaynta caalamiga ah ee heerarka buurnaanta ama cayilka ayaa waxaa la eegay tirada guud ee dadka iyada ka dib-na la qiimeeyay kala duwanaashiyaha dhanka da'da waxayna cilmibaarayaasha ay ogaadeen.

Mareykanka ayaa ku jira kaalinta 10-aad ee ugu sarreeya dhanka ragga iyo 36-aad ee ugu sarreeya dhanka dumarka.

Hindiya waxay ku jirtaa kaalinta 19-aad ee ugu hooseeya dumarka iyo 21-aad ee ugu hooseeysa ragga

Dalka Shiinaha ayaa kaalinta 11-aad kaga jira dhanka dumarka ugu hooseeya halka 52-aad uu ugu hooseeyo ragga

Cilmi baare sare Prof Majid Ezzati, oo ka tirsan Imperial College London, ayaa u sheegay BBC: "In badan oo ka mid ah wadamada jasiiradahaan ayaa waxaa hooseeya helitaanka cunto caafimaad leh islamarkana cuntoyiinak ay cunaan ay yihiin kuwa aan caafimaad ahaan wanaagsaneyn.

Liiska wadamada ay ku nool yihiin dadka miisaankoodu aad u hooseeyo

Wadamada ay ku nool yihiin dadka uu miisaankoodu aad u hooseeyo ayaa waxaa u badan kuwa qaaradda afrika.

Dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka dadka ku nool uu miisaankoodu aad u hooseeyo.

liiska dalalka dadka ku nool ay caatada yihiin
Cuntooyinka fudud ayaa kaalin wayn ku leh cayilka xad dhaafka ah

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Cuntooyinka fudud ayaa kaalin wayn ku leh cayilka xad dha

Warbixinta, oo socotay 1990 iyo 2022, ayaa lagu ogaaday in heerka buurnida uu afar jibaarmay carruurta iyo dhallinyarada. Dhanka kale dadka waaweyn, heerka in ka badan labanlaabmay dumarka iyo halka dhanka ragga ku dhawaad uu ​​saddex laabmay.

Agaasimaha guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa yiri: "Daraasaddan cusub waxay muujineysaa muhiimadda ay leedahay ka hortagga iyo maaraynta cayilka laga bilaabo marka uu qofka yaryahay ilaa marka uu weynaado, iyadoo loo marayo cunidda cunto isu dheelitiran, Jimicsiga, iyo qofka oo is daryeel.

Waxa uu intaa ku daray in loo baahan yahay iskaashi dhexmara dowladaha iyo dadweynaha islamarkana"muhiim ay tahay iskaashiga shirkadaha gaarka loo leeyahay, si wax soo saarkoodu u noqdo mid caafimaad leh.

Qoraaga daraasadda Dr Guha Pradeepa, oo ka tirsan Mu'asasada Cilmi-baarista Macaanka ee Madras, ayaa sheegaysa in arrimaha ugu waaweyn ee caalamka ay halis ugu jiraan inay ka sii daraan nafaqo-xumada ay keento buurnida iyo miisaanka oo yaraada labadaba.

Waxay tiri: "Saameynta arrimaha sida isbeddelka cimilada, dhibaatada uu keenay feyriska Covid-19 iyo dagaalka Ukraine waxay halis ugu jiraan inay ka sii daraan heerka buurnaanta iyo dadka miisaankoodu hoosaadyo labadaba, iyadoo kordhinaysa faqriga iyo qiimaha lagu iibsado cuntooyinka nafaqada leh.

Daraasadda oo ay iska kaashadeen 1,500 cilmi-baarayaal, oo kaashanaya WHO, ayaa falanqeeyay cabbirada dhererka iyo miisaanka ilaa 220 milyan oo qof oo da'doodu tahay shan iyo wixii ka weyn.

Waxay khubaradan isticmaaleen cabbir loo yaqaan 'body mass index'

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip