Tallaabada siyaasadeed ee uu qaaday DENI oo kulmisay saddex arrin oo xasaasi ah

0
Monday March 04, 2024 - 13:24:26 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 59
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tallaabada siyaasadeed ee uu qaaday DENI oo kulmisay saddex arrin oo xasaasi ah

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Hoggaamiyaha dib loo doortay ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan soo dhisay xukuumad ka kooban 21 Wasiir.

Saciid Deni ayaa dib iskaga dhigay magacaabista ku-xigeennada iyo wasiiru-dowlayaasha, kuwaasi oo la sheegay in weli muran badan ka taagan yahay.

Saddex dhinac ayaa ka eegayna xukuumadda uu dhisay Saciid Deni,kuwasi oo kala ah;

 

 

1. Abaal-marin

Deni markii uu ku jiray dagaal siyaasadeed waxaa jiray xubno si weyn isku garab taagay, mid kamid ah waa Cabdi Faarax Saciid Juxa. Deni wuxuu markale Juxa kusoo celiyay kursiga Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Puntland.

Si lamid ah Wasiirka Warfaafinta ayuu markale kusoo celiyay Maxamuud Caydiid Dirir, oo Saciid Deni dartiis dagaal ba’an u galay intii lagu jiray doorashada.

 

 

Sheekada kale ee xiisaha leh ee qeybtan ku jirta ah waa Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo kamid ahaa musharaxiintii u taagneyd hoggaanka maamulka Puntland, kaasi oo kasoo muuqday Golaha Wasiirrada ee cusub ee maamulka Puntland.

 

Intii ololaha doorashada lagu jiray ayaa waxaa soo baxday in qoyska reer Faroole la heshiiyeen Saciid Deni, taas oo hadda laga dhex akhristay dhismaha xukuumadda.

 

 

Maxamed Faroole waxaa laga dhigay Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

2. Inkiraadda Khaatumo

Dhinaca labaad ee laga eegay xukuumadda Saciid Deni waa reerka dhistay maamulka la yiraahdo Khaatumo.

 

 

Horey iyada oo dhaqanka Khaatumo ay u sheegeen inay toos uga baxeen maamulka Puntland, oo aanay Xildhibaannadii ay maamulkaasi ku lahaayeen soo xuli doonin ayuu Saciid Deni isagu qortay 17-kii Xildhibaan ee beeshaasi ku laheyd baarlamaanka Puntland.

Markalena Saciid Deni wuu sii inkiray maamulka Khaatumo, isaga oo soo magacaabay dhamaan wasiiradii reerkaasi ku lahaan jireen maamulka Puntland.

Waxay ka dhigan tahay in uusan Saciid Deni weli laqin wax la yiraahdo Khaatumo.

 

 

3. Indho-federaal

Dhinaca saddexaad ee xukuumadda Saciid Deni leedahay waa xubnaha heer federaal soo noqday ee haddana xukuumaddiisa qeybta ka noqday.

Juxa horey ayuuba u haystay, haddana wuxuu soo qaatay Saciid Qorsheel oo uu ka dhigay wasiirka caafimaadka, Cabdullaahi Bille oo uu ka dhigay wasiirka duulista hawada iyo Daa’uud Bisinle oo uu ka dhigay wasiirka qorsheynta.

 

 

Saddexdaan xubnood ayaa dhamaan horey wasiiro uga soo noqday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Galmudug iyo HirShabelle ayaa sidan oo kale waxay kal hore xubno ka yimid federaalka ka dhigeen wasiiro maamul goboleed.

Xubnaha soo noqday heerka federaalka ee hadda uu Saciid Deni kusoo daray Golahiisa Wasiiradda ayaa ka sakow inay macno u yeelayaan golihiisa, waxay dhinaca kale leeyihiin diiwaan shaqo oo wanaagsan oo wax u tari karta Puntland, keenistoodana waa mid mudan in lagu bogaadiyo Saciid Deni.

Tallaabada siyaasadeed ee uu qaaday DENI oo kulmisay saddex arrin oo xasaasi ah




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip