20-qof oo gaajo ugu geeriyootay gobolka Amxaarada ee Itoobiya

0
Monday March 04, 2024 - 13:53:06 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 56
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    20-qof oo gaajo ugu geeriyootay gobolka Amxaarada ee Itoobiya

    Dagaalada ka socda gobolka Amxaarada ee itoobiya ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 20 qof oo gaajo u geeriyooday, xilli abaaro ba'an ay ka jiraan gobolka, waxaana xirmay goobaha waxbarashada. Wararka laga helayo gobolka ayaa sheegaya in abaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalada ka socda gobolka Amxaarada ee itoobiya ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 20 qof oo gaajo u geeriyooday, xilli abaaro ba'an ay ka jiraan gobolka, waxaana xirmay goobaha waxbarashada. Wararka laga helayo gobolka ayaa sheegaya in abaar ba'an ay ka jirto oo saameeysay guud ahaan gobolka, waxaana kiisaska geeridu ka dhaceen degmooyinka Sehala iyo Janamora ee gobolka Amxaraada, sida ay qortay warbaahinta Addis-Standard. In ka badan 2.6 milyan oo arday ayaa waxbarasho la'aan ah, iyadoo 3,000 oo dugsi oo ku yaala guud ahaan gobolka Amxaarada ay weli xiranyihiin sababa la xiriira walaaca amni ee sababay dagaalada daba dheeraaday ee u dhaxeeya ciidamada dowladda Itoobiya iyo jabhadda Fano ee gobolka Amxaarada. Iyadoo uu wali socdo dagaalka jabhadda Fano iyo ciidamada dowladda itoobiya, ayaa maamulka Abiy Ahmed waxa lagu eedeynaya in uu xasuuq ka geystay gobolka Amxaarada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip