Sida xisaab yar oo qaldantay u abuurtay sanadka dhammaan waayay ee ugu dheer dunida

0
Monday March 04, 2024 - 14:54:56 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sida xisaab yar oo qaldantay u abuurtay sanadka dhammaan waayay ee ugu dheer dunida

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Sanadkii ay maalmaha ku kordheen

Sanadkii ay maalmaha ku kordheen

Waxay ahayd xilli uu xukunka boqornimada Roomaanka uu hayay Julius Ceaser, kaas oo bilo ku daray, kuwa na ka reebay. Ujeedku waxa uu ahaa in sanadka rejo-la'aanta ah hadda isku dhexyaacsan ee Kalenderka Roomaanka la saxo.

Laakiin qorshaha oo dhan waxaa hareeyay mashaakil ka dhashay qalad dhanka xisaabta iyo tiriska ah, taas oo horseeday tacabka beeraha.

Waxay ahayd mid jahwareer ah marka dabaaldegyada goosashada la gaadho ee gu’ga badhtankiisa la joogo.

Waxay ahayd qarnigii 1aad ee taariikhda milaadiga, sida caadada ah waxay ahayd in ay jiraan khudaar bislaatay oo diyaar u ah in la gurto.

Laakiin beeralayda mid walbaayi beertiisa fiirinaayo waxaa u cadaatay in ay jiri doonto bilo ka badan kuwii goosashada.

Julius Caesar, Boqorkii Room

Julius Caesar, Boqorkii Room

Dhibtu waxay ahayd kallandarkii hore ee Roomaanka, kaas oo noqday mid qalafsan xafladaha muhiimka ah ee sanadkuna dhashaan iyagoon inaba waxba ka metalayn adduunka dhabta waxa ka socda.

Nidaamkan waxuu ahaa mid Julius rabay in uu wax ka hagaajiyo, wax yarna ma’ahayn midaas oo howshu waxay ahayd ahayd in Boqortooyada Roomaanka kor loo qaado jadwal la jaanqaadaya wareegga dhulka dhidibkiisa maalineed, iyo warreegiisa qoraxda ee sanad.

Qorshaha Caeser waxay ina siisay sanadkii ugu dheeraa taariikhda, bilana waxay ku dartay kallanderka, horeyna way u waday, waxayna kallanderka ku nabtay xilliyada.

Waxay tani ahayd mashruuc aad u weyn, waxaana tani aad ugu dhawaatay in ay weeciso xisaabta cajiibka ah ee Roomaanka.

Ku soo dhawoow 46BC, oo loo yaqaan sanadka jaahwareerka

Maalmahii soonka, ciidaha iyo taariikhaha kale ee Roomaanka

Qoraalka sawirka,

Maalmahii soonka, ciidaha iyo taariikhaha kale ee Roomaanka

Waxa laga yaabaa inay ahayd sannad adag, laakiin maaha mid u adag sidii hore, ayay tidhi Helen Parish, Borofeesarad dhanka taariikhda ah ee Jaamacadda Reading, ee dalka UK.

Kalandarka hore ee Roomaanka waxaa go'aaminaayay wareegyada Dayaxa iyo wareegyada sanadka beeraha.

Markaad ku eegto jadwalkan indho casri ah, waxa laga yaabaa inaad dareento isbedel yaroo gaaban.

Waxaa ku jira toban bilood oo qudha, waxay ka bilaabmayaan bisha March ee gu’ga ku jirta bisha tobnaad iyo bisha ugu danbaysa ee sanadka waa tan aan u naqaanno December.

Lix kamid ah bilahaas waxay lahaayeen 30 berri, afarna waxay lahaayeen 31 berri. – Taasoo ka dhigaysa wadar ahaan 304 maalmood. Inta kale ka warran?

"Labada bilood ee sanadka marka aysan jirin wax shaqo ah oo laga qabanayo goobta [beeraha], kaliya lama xisaabiyo," ayuu yiri Parish.

Qorraxdu way soo baxdaa wayna dhacdaa, laakiin, marka loo eego kalandarka Roomaanka ee hore, ma jirto maalin si rasmi ah u dhaaftay.

"Taas oo ah meesha ay caqabadaha ka bilowdaan."

Sannadkii 731BC, boqorkii labaad ee Rome, Numa Pompilius, wuxuu go'aansaday inuu hagaajiyo kalandarka isagoo soo bandhigay bilo dheeraad ah si loo daboolo xilliga jiilaalka.

"Sababtoo ah waa maxay faa'iidada jadwalka oo daboolaya qayb ka mid ah sanadka?,"Parish ayaa tidhi.

Jawaabta Pompilius waxay ahayd inuu ku daro 51 maalmood kallandarka, taas oo abuurtay waxa aan hadda u yeerno Janaayo iyo Febraayo.

Kordhintaasi waxay ka dhigtay sanadka kalandarka ilaa 355 maalmood.

Haddii 355 maalmood ay u eg yihiin lambar aan caadi ahayn Pompilius si uu u hiigsado, taasi waxay ahayd ulajeedka.

Tiradu waxay tixraacaysaa sanadka dayaxa (12 bilood), oo dhererkiisu yahay 354 maalmood.

Si kastaba ha ahaatee, "sababtoo ah khuraafaadka Roomaanka ee ku saabsan xitaa tirooyinka, maalin dheeraad ah ayaa lagu daraa si loo sameeyo 355", ayay yidhi Parish.

Dib-u-habayntan, bilaha ayaa loo habeeyey si ay dhammaan u noqdaan tirooyin maalmo oo kinsi ah, marka laga reebo Febraayo, oo leh 28.

"Sidaa darteed waxaa loo arkaa hoodo-darran iyo wakhtiga nadiifinta bulshada, dhaqanka iyo siyaasadda," ayay tidhi Parish.

Waa horumar wanaagsan, ayay tidhi Parish, laakiin wali waxay ku dhow dahay 11 maalmood marka loo eego sanadka Qorraxda ee 365 [iyo maalmo yaroo dheeri ah].

"Xitaa kalandarkan la aslay [naashnaashay] ee laga soo bilaabo Pompilius, aad bay u fududahay jadwalka in uu ka baxo isku-sidkanaanta xilliyada."

Qiyaastii 200BC arrimuhu aad bay u xumaadeen in wadarta guud ee qorrax-madoobaadka lagu arkay Rome waxa aan hadda u qaadan karno 14-ka Maarso, laakiin waxaa la diiwaangeliyay inuu dhacay 11 Luulyo.

Sababtoo ah kalandarka ayaa meeshan ka baxay "si musiibo leh u khaldan", Parish ayaa dhahaysa, Boqorkii iyo wadaaddadii Rome waxay bilaabeen inay galiyaan bil dheeraad ah.

Qoraaga qadiimiga ah iyo taariikhyahan Suetonius ayaa ka cawday in " dayacaadda wadaadadu ay muddo dheerayd tan iyo markii ay khalkhal galiyeen [kalandarka], iyaga oo ka faa’iidaysanaya mudnaantooda ay ku dari karaan bilo ama maalmo raaxaysi, in xafladaha beergooyska aysan iman xagaaga ama kuwa miraha dayrta".

Sannadkii 46BC ayaa mar hore la qorsheeyay Mercedonius, laakiin la taliyaha Kaysar Sosigenes, oo ah cirbixiyeen ka yimid Alexandria, oo ku taal xeebta Mediterranean ee Masar, ayaa sheegay in Mercedonius aanu ku filnayn wakhtigan.

Taladii Sosigenes, Kaysar wuxuu ku daray laba bilood oo kale oo aan waligood hore loo arag sanadka 46BC, mid ka mid ah 33 maalmood iyo hal 34, si uu u keeno jadwalka taariikhda.

Kordhintan ayaana ka dhigtay sanadka ugu dheer taariikhda 445 maalmood, oo leh 15 bilood.

Ka dib 46BC, labada bilood ee cusub, Mercedonius iyo ku dhaqanka bilaha dhexgeliska ah guud ahaan waa la dayacay, maxaa yeelay, dhammaan way wanaagsan yihiin, ma jiri doonto baahi dambe oo loo qabo.

"Marka waxaan ku soo laabannay jadwal u eg kan aan aqoonsannahay," ayay tidhi Parish. "Waana mid cajiib ah! Una muuqataa mid la yaqaan."

Dhacdooyinka beerashada iyo dabaaldegyada diinta ayaa si dhow isugu xidhnaa xilligii Roomaanka

Qoraalka sawirka,

Dhacdooyinka beerashada iyo dabaaldegyada diinta ayaa si dhow isugu xidhnaa xilligii Roomaanka

Nasiib darro, helista kalandarka si uu ula socdo Qorraxda waa hal shay, laakiin in sidaas loo ilaaliyo waa mid kale.

Arrintu waxay ka dhalataa xaqiiqada aan habboonayn ee ah in aanay jirin tiro wareeg ah oo qurux badan oo maalmo ah (wareegga dhulka) sannadkii (dulmeeridda dhulka ee qoraxda).

"Taasi waa meesha dhibaatada oo dhami ay ka bilaabato," ayuu yiri Daniel Brown, oo cirbixiyeen ah kana tirsan Jaamacadda Nottingham Trent, UK.

Taas macnaheedu waa dhulku wuxuu ku habboon yahay ku dhawaad rubuc-wareeg dheeri ah mar kasta oo ay si buuxda u wareegto qorraxda.

Markaa ku darista maalin dheeraad ah afartii sanaba mar - bisha Febraayo - waxay gacan ka geysan doontaa hagaajinta is-maandhaafka, Sosigenes uu xisaabiyay.

Waxayna si fiican u shaqayn lahayd, ugu yaraan in muddo ah, haddaanay jirin dhibka habka doqonnimada ah ee Roomaanku u tirinayeen sannadaha.

"Waxay eegaan sanadaha waxayna tiriyaan, hal, laba, saddex, afar," ayay tidhi Parish. "Ka dibna waxay bilaabaan inay tirinta mar labaad afar - si ay u tiriyaan afar, shan, lix, toddoba.

Markaas waxay bilaabaan toddoba - si toddoba, siddeed, sagaal, 10. Markaa waxay si lama filaan ah labanlaaban tirinta hal sannadahaas mar kasta.

Ma qaadanayso waqti dheer in la ogaado in simbiriirixasho ay bilaabanayso inay dhacdo."

Tani waa la saxay boqortooyadii Augustus oo sannadaha [Leap Years] waxay dhaceen afartii sanoba mar halkii ay ka ahaan lahaayeen saddex sanaba mar, ka dibna jadwalka Julian ayaa si fiican u socday.

"Julius Caesar wuxuu ku dhow yahay inuu ku sii socdo meesha jadwalka loo baahan yahay," ayay tidhi Parish.

Waxay noqon kartaa jadwalka kaliya ee loo baahan yahay shaqada, haddii dhulku run ahaantii sameeyo rubuc dheeraad ah oo sax ah sannad kasta. Laakiin waa wax aad u gaaban - ilaa 11 daqiiqo.

"Taasi waxay la macno tahay si tartiib tartiib ah, laakiin waxaa hubaal ah inaan wali ka dhamaanayno isku xidhnaantii," Brown ayaa yidhi.

Waxaa la iskudayay in la iswaafajiyo socodka Kalendarka iyo wareegga qoraxda ee dhulka

Qoraalka sawirka,

Waxaa la iskudayay in la iswaafajiyo socodka Kalendarka iyo wareegga qoraxda ee dhulka

Xalku wuxuu yimid wax badan ka dib, 1582 markii Pope Gregory uu sameeyay isbeddelo yar oo dheeraad ah.

"Taasi waa waxa dib-u-habaynta kalandarka Gregorian-ka dib loo saxay - iyada oo la tixgelinayo tan iyo la qabsiga jadwalkaas wax yar ka badan, hubinta in aysan ahayn kaliya afartii sanaba mar, laakiin 100kii sano ee kasta waxay hubiyaan inay ka boodaan qaanuunka," Brown ayaa yidhi.

"Laakin markaas waxay xuseen in taasi aysan si buuxda u isu qaban – Waxaa haysataa wakthi badan oo dheeri. Markaa 400 oo sano kasta, [waxba] kama boodid.”

Taasins waa sababta, tusaale ahaan, sanadka 2000 wuxuu ahaa sanad[Leap Year]: sababtoo ah waxaa loo qaybin karaa 100 iyo 400 labadaba.

"Taasi waxay u egtahay mid hagaagsan oo toosan," ayay tidhi Parish - laakiin tani waa halka ay siyaasaddu ka bilaabeyso qaabeynta muddada.

"Waa kalandarka kaas oo lagu hirgeliyey wareegtadii Papal oo dhab ahaantii aan awood u lahayn meel ka baxsan kaniisadda iyo meel ka baxsan baadariga Rome."

Waxaa jiray dad ka cawday in Pope-ku si wax ku ool ah u xaday 10 ama 11 maalmood oo wakhtigooda ah iyagoo hagaajinaya jadwalka, ayay tidhi Parish

. Si kastaba ha ahaatee, qarniyadii la soo dhaafay ayaa dalal aad u badan ayaa qaatay kalandarka Gregorian.

"Laakiin, si sharaf leh, dhammaantood isku mar kuma wada sameeyaan," ayay tidhi Parish.

"Sidaas darteed waxaad hagaajisay jadwalka, laakiin hadda waxaad heshay jadwallo dalal kala duwan oo ku shaqeeya noocyo aad u kala duwan."

Kala duwanaanshiyahan awgeed, "Waxaad heli kartaa xaaladda ugu yaabka badan marka jawaabta Ingiriiska lagu qoray warqad ka timid Isbaanishka ay u ekaan karto in la soo diray ka hor intaan warqaddii ugu horreysay ee Isbaanishka iman," ayay tidhi Parish.

"Maxaa yeelay England ayaa ka horreysa Spain marka loo eego jadwalka."

Markii jadwalka Gregorian si weyn loo ansixiyay oo caalami ahaan la mideeyay, waxay lahayd dhowr kun oo sano oo sax ah oo la dhisay. Laakiin weli ma qummana.

Dhab ahaantii, qiyaastii badhtamihii Qarnigii 56-aad, "qof ayaa madaxiisa xoqaya oo odhan doona, "isug hal daqiiqo, waa inay noqotaa Isniin, laakiin waxay u egtahay Talaado'," ayay tidhi Parish.

"Waxaan u maleynayaa in taasi ay u badan tahay inay tahay xariiq khalad ah oo aan ku dambayn doonno inaan aqbalno."

Ilaa maalintaas Isniinta ah (ama Talaadada), kalandarka Miilaadiyada ayaa ugu yaraan wax wakthi ah.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip