Guddoomiye Maddaale: Masuuliyad ayaa iga saaran inaan la dagaalamo kalaabada lagu tunto

0
Sunday March 03, 2024 - 12:01:23 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 55
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Maddaale: Masuuliyad ayaa iga saaran inaan la dagaalamo kalaabada lagu tunto

    Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale Maddaale ayaa sheegay inay magaalada Muqdisho ka furan yihiin kalaabyo lagu tunto oo lagu faafinayo dhaqamada aadka uga hor imaanaya dhaqanka suuban iyo Diinta Islaamka. Guddoomiyaha gobolka Ba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale Maddaale ayaa sheegay inay magaalada Muqdisho ka furan yihiin kalaabyo lagu tunto oo lagu faafinayo dhaqamada aadka uga hor imaanaya dhaqanka suuban iyo Diinta Islaamka. Guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxa uu sheegay in ay masuuliyad ka saaran tahay inuu la dagaalamo ganacsiyada Muqdisho ka furan, kuwaas oo lagu dullaynayo habdhaqanka bulshada. Guddoomiye Maddaale wuxuu si adag u difaacay tallaabo uu maamulka gobolka Banaadir ka qaaday xarumo ganacsi oo lagu iibiyo maandooriyaha sida xashiiska iyo Shiishada, laguna hallaynayo mustaqbalka gabadhaha Soomaaliyeed. "Wuxuu ku leeyahay Business-kaygaa liddi lagu yahoo dagaalaa lagusoo qaaday. Wax kaloo aad ka ganacsato maad weyday? Maxaad gabadhaha Soomaaliyeed u lugoohaysaa. Dhowr iyo afartan gabdhood ayaan ku aragnay iyagoo qaarkood illinta ka daadanayso oo leh, 'waa la isisoo siray. Waxaan aragnay rag cabuurkii dumarka inta soo qaatay ku dhex jiray dumarka oo aan soo qabanay," ayuu yiri guddoomiye Maddaale. Maddaale wuxuu sheegay in ay nasiib darro tahay in ay arkeen gabdho daroogo isticmaalaya, kuwaas oo aysan waalidiintooda waxba kala soconin.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip