Jabhada Fano oo ku hanjabtay in ay soo ridayso Diyaaradaha Ethiopian Airline

0
Sunday March 03, 2024 - 10:42:23 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 61
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabhada Fano oo ku hanjabtay in ay soo ridayso Diyaaradaha Ethiopian Airline

    Jabhadda hubeysan ee Amxaarada ah ee Fano ayaa digniin u dirtay hay'adda duulista Itoobiya oo ku saabsan diyaaradaha Ethiopian Airlines, kuwaas oo ciidanka Ethiopia u isticmaalaya duubulidda ciidamada. Fano oo qoraal ku baahisay baraheeda warbaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabhadda hubeysan ee Amxaarada ah ee Fano ayaa digniin u dirtay hay'adda duulista Itoobiya oo ku saabsan diyaaradaha Ethiopian Airlines, kuwaas oo ciidanka Ethiopia u isticmaalaya duubulidda ciidamada. Fano oo qoraal ku baahisay baraheeda warbaahinta ayaa sheegatay in ay qabsadeen gantaalo lidka diyaaradaha ah oo awood u leh in ay damiyaan ama joojiyaan hawlaha diyaaradaha ganacsi ee shirkadaas, waxana ayna xuseen in ay haystaan gantaalo gaaraya 40,000 feet. Sida lagu helayo xog dhanka duulimaadka ah, Ethiopian Airlines ayaa dib u jihayn ku sameysay khadkeeda duulimaadyada ee hawadaha gudaha dalkaas sababa la xiriira khatarta ka timid dhanka Jabhadda Fano. Duulimaadkeedii ka imaanayeyey Europe, Woqooyiga Mareykanka iyo Asiya ayaa mar hore khadadkooda dib u jihayn looga sameeyey. Ethiopia ayaa hadda mareysa meel is-goys ah, kadib markii Jabhadaha mucaaradka Itoobiya ay dib isu soo abaabuleen, waxaana ay fagaareyaal dagaal oo dhawr ah uga soo adkaadeen Ciidanka maamulka Abiy. Si kastaba ha ahaate khatarta duulimaadyada ganacsi ayaa waxay khatar kale gelinaysaa dhaqaalaha dhamaan goballada dalkaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip