Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan la yeeshay Xildhibaan Fowsiyo oo u tartameysa xilka Gudoomiyaha Midowga Afrika

0
Saturday March 02, 2024 - 13:34:08 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan la yeeshay Xildhibaan Fowsiyo oo u tartameysa xilka Gudoomiyaha Midowga Afrika

    Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud, oo ay wehliyaan wasiir ku xigeenka iyo xoghayaha Joogtada ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud, oo ay wehliyaan wasiir ku xigeenka iyo xoghayaha Joogtada ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo u taagan xilka Gudoomiyaha Midowga Afrika. Kulanka oo ahaa mid muhiim ah ayaa Wasiir Xasan Macallin waxaa uu taageero iyo dhiirigalin u muujiyay Xildhiban Fowsiyo oo soo noqotay Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka una soo tartantay Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya, haatanna ah Musharax Gudoomiyaha Midowga Afrika. Wasiirka ayaa ku ammaanay Marwo Fowsiyo dadaalkeeda nabad dhisidda iyo kartideeda diblamaasiyadeed taas oo u horseedi doonto guusha xilka Gudoomiyaha midowga Afrika. Musharax Fowsiyo Xaaji Yuusuf ayaa ugu mahadcelisay wasiir Xasan Macallin taageerada iyo garab istaagga uu u muujiyay, iyada oo sheegtay in Soomaaliya guulo la taaban karo ay ka gaartay sare u qaadista maqamka Soomaaliya ay ku leedahay Qaaradda Afrika.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip