ATMIS oo soo Gabagabeysay Wejigii 2-aad ee dhimista Ciidankooda (WARBIXIN)

0
Saturday March 02, 2024 - 11:51:55 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 58
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ATMIS oo soo Gabagabeysay Wejigii 2-aad ee dhimista Ciidankooda (WARBIXIN)

    Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS ayaa dabayaaqadii bishii Janaayo soo gebagabeeyey Wejigii labaad ee dhimista ciidankooda, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku wareejiyeen sagaal saldhig oo ciidan. Xilwareejinta ayaa ku soo beegantay iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS ayaa dabayaaqadii bishii Janaayo soo gebagabeeyey Wejigii labaad ee dhimista ciidankooda, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku wareejiyeen sagaal saldhig oo ciidan. Xilwareejinta ayaa ku soo beegantay iyadoo 3,000 oo askari laga saaray Soomaaliya. Labadii Weji ee hore ee dhimista, 5,000 oo Askari ayaa ka baxay Soomaaliya, 13 saldhig oo ciidan ayaa lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliya. Howlgalka oo loo yaqaano ATMIS ayaa waxaa ku jira ciidamo ka kala socda Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda. Alhaji Sarjoh Bah, oo ah Agaasimaha maareynta khilaafaadka ee arrimaha siyaasadda, nabadda iyo amniga ee guddiga Midowga Afrika, ayaa sheegay in soo-saarkii labaad uu muujinayo in Soomaaliya laga yaabo in ay isu diyaariso in ay xakameyso dhammaan mas'uuliyadda amniga ee dalka dhammaadka 2024-ka, markaasoo howlgalka uu ku eg yahay, lana filayo in gabi ahaanba laga baxay. "Dhammaystirka marxaladan dhimista, iyadoo ay jiraan caqabado waaweyn, oo ay ku jiraan El Niño [qaabka cimiladu], waxay marag madoon u tahay rabitaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan kala-guurka habeysan," Bah ayaa yiri intii ay socotay xafladdii xil-wareejinta oo ka dhacday Muqdisho. Saraakiisha ayaa markii hore filayey inay dhameeyaan wejiga labaad ee ka bixitaanka ATMIS dhamaadka bisha Sebtembar. Si kastaba ha ahaatee, weerarrada Al-shabaab ee weli socda oo ay weheliyaan dib-u-soo-noqoshada ciidamadii horay looga qabsaday, ayaa dowladda Soomaaliya ku qanciyay inay codsato in dib loo dhigo xilliga la dhimi doono. Qorshaha Wejiga 3-aad Qorsheynta Wejiga 3-aad ee dhimista ayaa bilaabatay bishii Febraayo intii lagu jiray shir afar maalmood socday oo ay ka soo qayb galeen taliyeyaasha howlgalka. Wejigan ayaa la filayaa in ay ku jiraan bixitaanka 4,000 oo askari oo dheeraad ah bisha June. Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in ciidamada ammaanku ay galayaan "marxaladda ugu xasaasisan ee howlgalka." "Ma fududa, laakiin waa inaan ka gudubnaa caqabadaha anagoo ku sii jirna feejignaanta ugu badan inta lagu jiro xilliga kala guurka," Souef ayaa ku yiri sii deynta wararka ATMIS. Taliyaha ciidamada ATMIS ee dalka Uganda Lt. Gen. Sam Okiding ayaa sheegay in taliyeyaasha ay ka wada hadleen arrimo badan. "Waxaan baarnay xaaladda amniga Soomaaliya, waxaana tixgelinnay halka ay hadda taagan tahay al-Shabaab, iyo sidoo kale waajibaadkeenna iyo xaaladda amni ee ATMIS-ka kaddib," ayuu yiri. Maraykanka oo Dhisaya Saldhigyo Ciidan Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa dabayaaqadii bishii Janaayo waxa ay ku dileen saddex dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgal ay ka fuliyeen meel u dhow magaalo xeebeedka Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya. Weerar kan la mid ah oo Mareykanka uu fuliyay ayaa bartamihii bishii hore ee Feberaayo waxaa uu ka dhacay deegaan ka fog fog ee Maamulka Jubbaland ee Koonfurta Soomaaliya. Maalmo kadib howlgalkii Jubaland, ayaa dowladda Mareykanka waxa ay ku dhawaaqday in ay qorsheyneyso in ugu yaraan afar saldhig oo ciidan ay ka dhisto magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay; Dhuusamareeb, oo ah degmo ka tirsan Galgaduud; Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe; iyo Kismaayo. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiiskan ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu tayeynayo ciidamada Soomaaliya iyo ciribtirka Al-Shabaab. "Heshiiskani waxa uu caawinayaa qorshayaashayada aan dalka kaga xoraynayno Al-shabaab iyo sugidda amniga," Maxamuud ayaa sidaas ku yiri xafladdii saxiixa. Guutada Danab ee Milatariga Soomaaliya ayaa lagu xirayaa saldhigyada cusub. Milatarigu waxa ay aasaaseen guutada 2017 kii dib markii ay Soomaaliya iyo Maraykanku heshiis ku gaareen in ay qortaan, tababaraan, qalabeeyaan, iyo la taliyaan 3,000 oo rag iyo dumar ah oo ka kala socda gobolada dalka si loo dhiso awood ciidan oo xoog leh oo ka dhex jirta ciidanka qaranka Soomaaliyeed. Guutada ayaa markii hore ka koobnaa dad gaar ah oo ka yimid gobollada ugu saboolsan dalka. Laakiin aragtideeda dadwaynaha ayaa kor u kacday wakhti ka dib, oo hadda waxay shaqaaleysiinaysaa musharaxiin aqoon sare leh, oo uu ku jiro ugu yaraan hal dhakhtar. Ciidanka Danab waxaa loogu talagalaa in 72 saacadood gudahoodoo weerar deg deg ah, waxayna si joogto ah u raadsadaan ilaa 350 Askar cusub ah markiiba, si ay u tababaraan, islamarkaana ay la wareegaan goobta dagaalka. Waxaa qortay Madashada Difaaca Afrika ee Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka (ADF)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip