Guudlaawe "Waxaa naga go'an in Hirshabeelle oo dhan inay ka dhacdo Doorasho Gole deegaan"

0
Saturday March 02, 2024 - 11:48:23 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 53
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guudlaawe "Waxaa naga go'an in Hirshabeelle oo dhan inay ka dhacdo Doorasho Gole deegaan"

    Munaasabada caleema-saarka Xildhibaanada cusub ee Golaha deegaanka degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa xalay ka dhacday magaaladaasi, kuwaasi oo bilo kahor doorashadooda ka dhacday Jowhar. Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabada caleema-saarka Xildhibaanada cusub ee Golaha deegaanka degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa xalay ka dhacday magaaladaasi, kuwaasi oo bilo kahor doorashadooda ka dhacday Jowhar. Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweyne ku-xigeenka Hishabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) labada gole ee sharci-dejinta iyo fulinta, hay'addaha amniga, xubnaha la doortay ee golaha deegaanka, koox fanneedka Hiddo, warfaafinta gaarka loo leeyahay iyo marti-sharaf kale ayaa ka qeyb galay Munaasabadda. "Waxaa naga go'an in Hirshabeelle oo dhan inay ka dhacdo doorrasho gole deegaan taas oo ay bulshada kusoo dooranayaan dadka u khidmeynayo waana hab-ka saxda ah ee Dowladnimada." Ugu dambeyn madaxweynaha Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe Hirshabeelle ayaa guullaha siyaasaddeed ee la gaaray ku tilmaamay kuwa Hirshabeelle ku sii riixayo wadajirka iyo wax wada-qabsiga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip