Somaliland oo gacanta kusoo dhigtay Nin aabbihiis Dil u geystay

0
Saturday March 02, 2024 - 09:43:21 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 52
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo gacanta kusoo dhigtay Nin aabbihiis Dil u geystay

    Ciidamada Booliska Maamulka Somaliland gaar ahaan kuwa qaybta Gobalka Sanaag ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Cabdiqaadir Maxamed Cabdi oo ku eedaysan inuu xalay Abbaarro 8:00 habeenimo dilay aabbihii Marxuum Maxamed Cabdi Nuur (Xamari). Falkaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska Maamulka Somaliland gaar ahaan kuwa qaybta Gobalka Sanaag ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Cabdiqaadir Maxamed Cabdi oo ku eedaysan inuu xalay Abbaarro 8:00 habeenimo dilay aabbihii Marxuum Maxamed Cabdi Nuur (Xamari). Falkaan uu Ninka aabihiis ku dilay ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, eedeysane Cabdiqaadir Maxamed Cabdi ayaa la sheegay inuu xabad ku dhuftay aabihiis, iyadoona marxuumka durbadii goobta ku naf-waayay. Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Somaliland ayaa lagu xusay in Hawlgal iyo dabagal ay ciidanka Booliska sameeyeen kusoo qabteen eedaysanaha, kaasi oo haatan ay gacanta ku hayaan laamaha amniga, sharcigana la tilmaamay in la horgeynayo. "Taliska Ciidanka Boolisku wax uu bulshada Somaliland ugu baaqayaa inay ilaaliyaan nabadgalyada , waxii Amni darro wadana naga gacansiiyaan" ayaa lagu yiri Qoraalka. Dhacdooyinka argagaxa leh ee ka dhax dhacaya qoysaska ayaa muddooyinkan kusoo badanaya gayiga Soomaaliya, dhawaan ayey aheyd markii aabbe isna magaalada Buurhakaba ee gobolka Baay ku dilay wilkiisa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip