Maxkamadda G/Banaadir oo shaacisay waqtiga Go'aanka laga gaarayo kiiska Sayid Cali

0
Saturday March 02, 2024 - 13:40:35 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 69
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda G/Banaadir oo shaacisay waqtiga Go'aanka laga gaarayo kiiska Sayid Cali

    Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa muddeysay waqtiga la dhageysanayo Go'aanka dacwada kama dambeysta ee kiiska Eedeysane Sayid-cali Macalin Daa'uud oo loo haysto inuu xaaskiisii oo uur laheyd bishii hore ku gubay magaalada Muqdisho. Qoraal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa muddeysay waqtiga la dhageysanayo Go'aanka dacwada kama dambeysta ee kiiska Eedeysane Sayid-cali Macalin Daa'uud oo loo haysto inuu xaaskiisii oo uur laheyd bishii hore ku gubay magaalada Muqdisho. Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Gobolka ayaa lagu muddeeyay in Maalinta Arbacada ah 06-03-2024 Maxkamadda la horkeeno mar kale Eedeysane Sayid-cali Macalin Daa'uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii Marxuumad Luuq Cabdicasiis oo aan weli la aasin. Sayid-cali Macalin Daa'uud ayaa isbuucii hore lasoo gabagabeeyay dhageysiga kiiska dilka ah ee loo heesto, waxa uuna ninkan qirtay in uu sabab u ahaa geerida xaaskiisa Luul Cabdicasiis, isagoona sheegay in xaaskiisa uusan kutalagal u gubin una dilin.




 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip