Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo hey'adda Interpeace oo kala saxixday is-afgarad ah oo la xiriira nabad-dhiska

0
Saturday March 02, 2024 - 12:36:46 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 78
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo hey'adda Interpeace oo kala saxixday is-afgarad ah oo la xiriira nabad-dhiska

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Soomaaliya iyo Hey'adda Interpeace ayaa maanta kala saxiixday isafgarad istaraatiiji ah oo la xiriira nabad-dhiska, iyada ay heshiisku ay saxiixeen wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sooma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Soomaaliya iyo Hey'adda Interpeace ayaa maanta kala saxiixday isafgarad istaraatiiji ah oo la xiriira nabad-dhiska, iyada ay heshiisku ay saxiixeen wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Itonde Kakoma oo ah madaxweynaha Interpeace. Heshiiskan oo la xiriira horumarinta Hannaanka Dhab u heshiisiinta Qaran ayaa waxaa qeyb ka ah howlaha kor loogu qaadayo isdhexgalka bulshada, wada noolaashiyaha, sookabashada iyo guud ahaan arrimaha dib u heshiisiinta. Labada dhinac ayaa lagu wadaa in iskaashaadaan awoodsiinta bulshada qeybaheeda iyo hey'adaha dowladda ee kashaqeeya arrimaha nabadda. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa faahfaahiyay waxa uu ka dhigan yahay isafgaradkan " Waxaan ku faraxsanahay iskaashigan aan la yeelaneyno Interpeace, oo ah suurogelinta bey'ad ku habboon nabadda iyada oo laga duulayo tiirarka hannaanka dhab u heshiisiinta qaran, taas oo muhiim u ah Xasillinta Soomaaliya". Dhankiisa, Madaxweynaha Interpeace Itonde Kakoma ayaa ka hadlay ahmiyadda heshiiska "Iskaashigan waa tallaabo muhiim ah loo qaaday ballanqaadyadeenna ku aaddan Hannaanka Dhab u heshiisiinta Qaran.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip