Guddoomiyaha hay'adda SoDMA oo la kulmay safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

0
Friday March 01, 2024 - 12:28:59 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha hay'adda SoDMA oo la kulmay safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

    Guddoomiyaha Hay'adda Maaraynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la xariiray arrimaha gargaarka iyo taageerada mashaariicda adkeysiga la qaatay safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta Md. Axmed j. Al-rumeysi. Labada masuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Hay'adda Maaraynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la xariiray arrimaha gargaarka iyo taageerada mashaariicda adkeysiga la qaatay safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta Md. Axmed j. Al-rumeysi. Labada masuul ayaa isla meel dhigay in ka hor curashada bisha Ramadaan gargaar degdeg ah la gaarsiiyo dadka nugul ee ay saameeyeen fatahaadihii El-nino, in la hagaajiyo biya xireennada muhiimka ah si loo yareeyo qatarta fatahaado ka dhalan kara roobka gu'ga. Safiirku ayaa sidoo kale la wadaagay Guddoomiyaha hey'adda xogta la xariirta in ceelal laga hirgaliyo degaanno badan oo ay ka jiraan baahi biyood, isagoo intaa raaciyay in la soo gabagabeeyay wajiga 1-aad,haddana la guda-galayo wajiga labaad ee wax u qabashada dadka barakacay. Guddoomiyaha SoDMA Md Maxamuud Macallin ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka taageerada hagar la'aaneed ee ay la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip