HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 29-KA FEBARAAYO 2024-KA

0
Thursday February 29, 2024 - 08:22:24 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 29-KA FEBARAAYO 2024-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xog: Qodob xasaasi ah oo looga hadlay kulankii Nairobi ee Xasan Sheekh iyo Geelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max amuud oo magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa kulankaas uga wada hadlay iskaashiga arrimaha saameynta ku leh 2da dal oo ay ugu horreyaan arima ha amniga iyo ilaalinta xasilloonida gobolka Gee ska Afrika.

Sida ay ilo xog ogaal ah Caasimada Online u sheegeen Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cum ar Geelle ayaa kulankooda aad ugu gorfeeyey xiisadda badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya.

Madaxweyne Xasan ayaa marxaladihii ugu dambeeyey iyo halka uu hadda xaal marayo uga warbixiyey Madaxweyne Ismaaciil oo xiis adaan si aan ganbasho laheyn ula saftay Soo maaliya, isagoo ah guddoomiyaha urur gobole edka IGAD oo Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti iyo wadamo kale ay ku wadajiraan.

Jabuuti ayaa aad u doon-dooneysa inuu guul-dareysto qorshaha Itoobiya ay badda ku raadineyso, markii laga soo tago damiirka So omaalinimada iyo garabka walaalnimo ee Soo maaliya ay ka hesho Jabuuti, hadii Itoo biya ay hesho marin biyood waxay khasaare dhaqaale oo xoog leh ku tahay Jabuuti.

Malaayiinta Itoobiyaanka ah, maadaama dalkooda uusan laheyn dekedo ama bad, wax ay sahaydu u soo martaa dekedaha dalka Jab uuti, halkaas ayaa looga daad-gureeyaa dalka Itoobiya shixnadaha ganacsi, cunnada qutul-daruuriga ah iyo wax kasta oo caalamka ay ka keensanayaan.

Taasi waxay Jabuuti kusii qasbeysaa inay sii adkeyso garab istaageeda Soomaaliya, si Itoobiya ayaan marin-biyood u helin, suuqaas weyna uusan uga xirmin, waxayna muhiim u arkaan in Itoobiya ay sii adeegsato dekedaha Jabuuti.

Madaxweynayaasha Soomaaliya, Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka mid ah madax badan oo caalamka ka socota oo ka wada qeyb geli doonta shir looga hadlayo isbedelka cimillada adduunka oo ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Baarlamanka Somalia oo ka dooday qodo bo xasaasi ah oo ka tirsan dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlam aanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoo be) ayaa Shalay shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad kulankiisa 19-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka So omaaliya. Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen ku-xigee nnada labada Aqal ee BJFS ayaa aja ndaha waxaa uu ahaa sii wadida ka doodista sooje edimaha wax-ka-beddelka Dastuurka, Cutub ka 2-aad Xuquuqda Asaasiga ah iyo Waajiba adka Muwaadinka Soomaaliyeed, Qodobada 20-aad ilaa 31-aad. Xildhibaann ada Labada Aqal ayaa ka dooday cutubka lab aad ee dib u eegista Dastuurka, waxaana loo ga hadlay, caqabadaha shaqaalaha, qofka m uwaadinka ah inuu shaqo ku helo dalka si cadaalad ah, dadka baahiyaha gaarka ah qabo in goobta shaqada ka helaan sinaan iyo Ixtiraam, in qof ka muwaadin ah uu xaq u lee yahay inuu ku noo laado bii’ad nadiif ah iyo xuquuqda caru urta.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo soo gunnaanaday fadhiga Shalay ayaa sheeg ay in maalinta Sabtida ah la isku soo laaban doono, si loo sii wado dooda cutubka labaad.

Xasan Sheekh iyo William Ruto oo isla meel-dhigay qodobo muhiim ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooy ada Kenya dhiggiisa dalkaas Mudane William Ruto.

Kulanka labada Ma daxweyne ayaa diira dda lagu saaray xooji nta iskaashiga labada dal, ad keynta xiriirka diblomaasiyadda, shirka Qar amada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaara deed.

Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa kul ankoodii Shalay diiradda ku saaray dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab, gaar ahaan sidii lab ada dowladood ee Kenya iyo Soomaaliya isa ga kaashan lahaayeen ka hortagga weerarr ada Al-Shabaab ee ka dhaca xuduudda laba da dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Nairobi uga qeyb-galaya Meertada 6-aad ee Qaram ada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada oo laga ga arrinsanayo dhibaatada xooggan ee caal amka ka soo food saartay dhanka cimilada, taas oo si gaar ah saameyn xooggan ugu yeel atay nolasha shucuubta dalalka soo koraya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinaya shirkaas caalamiga ah ayaa soo bandhigaya saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xoo ggan ee cimilada, isagoo muujin doona dadaal ka ay dowladdu ku wajahayso abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqday.

Dadka Soomaaliyeed oo ku howllan in ay iska u dulqaadaan argagixisada caqabadda ku ah noloshooda, ayaa haddana waxay u nugul yihiin abaaraha, fatahaada iyo roobabka duu faanta wata, taas oo xoojinaysa in ay ka qeyb qaataan dadaal kasta oo xal loogu raadinayo dhibaatada isbeddelka cimilada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi waxa uu kulamo la qaadan doonaa qaar ka mid ah ma daxda iyo masuuliyiinta ka soo qeyb-galaya shirkaas.

Soomaaliya ayaa diiradda saari doonta sidii ay door ugu yeela laheyd qorshaha caalamiga ah ee ka hortagga isbeddelka cimilada iyo hiigsi yada horumarineed ee heer qaaradeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sagootiyay Safiirka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaa lka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxa muud ayaa kulan sagootin ah la qaatay saf arka dowladdaTurkiga.

Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Qa ranka ay aa Madxawyne Xasan Sheekg waxaa uu la yee shay Safiirka Dowladda Turkiga Ä°br ahim Me te YAÄžLI, waxaana kulanku uu ahaa mid sagaatin ah.

Madaxweynaha ayaa Safiirka ku bogaa diyey daddaalladii diblomaasiyadeed ee uu ku bixiyey horumarinta iskaashiga labada dalka.

Ra’isul Wasaaraha XFS Soomaaliya oo fur ay munaasabadda mabaadii’da nabadda Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha XFS Md. Xamza Cabdi Barre ayaa Shalay ku daahfuray caas imadda munaasabadda Mabaadii’da Nabadda ee Soo maaliya, waxaa uuna ka hadlay qiim aha ay nabaddu leedahay.

waxaan rajayanayaa in dhowaan ay soom aaliya noqoto meel loogu yimaado Nabad gely ada, Wadahadalka, Dimuqraaddiyadda iyo horumarka.

Mudane Xamse Barre, waxaa uu Principles for Peace uga mahad celiyay in ay ka how lgalaan gudaha Soomaaliya.Waxaad dhalate en Xilli caalamka ay cabsi badan ka jirto ayuu yiri mudane Xamse oo sheegay in ka shaqey ntooda gudaha Soomaaliya ay soo kordhin doonto.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre waxaa uu sheegay in was aaradda arrimaha gudaha ay hormuud u tahay Arrimaha dib u heshiisiinta, ayna muhiim tahay is waafajinta howlaha nabadda ee socda.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Arrim aha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane, Axmed Macallim Fiqi ayaa sheegay in dadka madasha ku sugan oo meelo kala du wan ka kala yimid, dhaqammo kala duwanna leh hadana yoolkoodu uu yahay in nabad iyo xasillooni lagu dabbaalo Soomaaliya iyo meelo ka baxsan.

Mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa xusay in munaasabadda daahfurka Mabaadii’da Nabadda ee Soomaaliya ay kusoo aadayso iyada oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ay soo gabogabeysay Dib u eegista Hannaanka Dib u heshiisiinta Qaran, kaas oo la anisixiyay December sanadkii hore, dhowaanna la daahfurayo.


Somaliya oo walaac ka muujisay khatar ta ka dhalan karta weerarada Xuutiyiinta ee maraakiibta mara Badda Cas

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Ambass ador Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa ka dhaw aajiyay walaaca ay Soomaaliya ka qabto khat arta weerarada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta mara Badda Cas, isagoo carrabka ku adkeeyay saameynta ballaaran ee ay ku yeelan karto Soomaaliya iyo ammaanka gobolka.

Ambassador Jibriil Ca bdulle waxa uu tilm aam ay muhiimadda istiraatijiy adeed ee Soo maaliya u leedahay ganacsiga bad da, isaga oo is barbar dhi gay howlgallada burcad-bade edda iyo khata raha hadda ka imaanaya falalka Xuutiyiinta ee Badda Cas.

"Carqaladeynta ganacsiga caalamiga ah ee weerarrada Xuuthiyiinta waxay saamayn daran ugu leedahay dhaqaalaha Soomaaliya," ayuu yiri Jibriil Cabdulle, isagoo hoosta ka xariiqay suurtagalnimada kororka argagixisan imada iyo burburinta dhaqaale ee gobolka.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa muuji yay suurtagalnimada in ay Al Shabaab ka hela an hub iyo saanado militari oo sharci darro ah Xuutiyiinta ku sugan badda cas.

Waxa uu tilmaamay in khatarta Al-shabaab ay kor u kacayso sababo la xiriira kara taageer ada ay ka heli karaan Xuutiyiinta, taasi oo sii hurin karta xasiloonida gobolka, caqabadna ku noqon karta dadaallada caalamiga ah ee loo ga hortagayo argagixisada iyo burcad-bade edda.

Hantidhowraha Guud oo Shalay shir gudoomiyay kulanka sanadlaha

Hantidhowraha Guud ee JFS Mudane Abukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa Shalay shir-guddoomiyay kulanka sannadlaha ee Guddiga Hagidda Heshiiska Iskaashi ee u dhexeeya Hay’adda Horumarinta IDI, Ururka Hay’adaha Hantidhawrada Afrika (AFROSAI-E) iyo Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS.

Shirkan oo si fogaan-arag ah u dhacay ayaa looga hadlay waxyaabihii sannadkii tagay ka qabsoomay howlaha iyo halbeegyada ugu muhiimsan ee heshiiska, caqabadaha farsamo iyo qorshaha xiga.

Kulankaan ayaa ku soo aadaya xili Dowladu isla xisaabtan ka dhex wado hay’adaha qaranka iyadoo masuuliyiin xilal hore u hayay ay qaar xiran yihiin kuwana dalka dibadiisa u baxsadeen inkastoo maxkamadeyntoodu socoto

Masuuliyiinta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyed oo su’aalo la weydiiyey



Guddiga Gaadiidka, Duulista, Garoomma da, Dekedaha, Tamarta iyo Hawlaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa Shalay Kormeer ku tagay xarunta Hay’adda Duulista Rayidka JFS

ee ee loo soo gaabiyo (SCAA). Guddoomiya ha Guddiga Xil. Abdillahi Geelqaad, Guddoom iye K/xigeenka Xil. Mohamud Ahmed Baafo iyo xubnaha Guddiga ayaa kormeerka ka bilaa bay xafiiska Wasiiradda Gaadiidka ee JFS halkaas oo ay kula kulmeen Wasiirka, W/Dawl aha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Ha wada iyo Agaasimaha; Xil. Fardowsa Egal iyo Xil. Abdo Xaydar iyo Agaasime Ahmed Moa llim.

Intii kormeerka lagu jirey waxay guddigu su’ aalo iyo talooyinba waydiiyeen/siiyeen masuul iyiintii ay la kulmeen, waxaana halkaa lagu kala qaatay warbixino taabanaya xaaladda gu ud ee dalka ee la xidhiidha badqabka duulista hawada Soomaaliya. Waxaana aad loogu dheeraaday caqabadaha kasoo cusboonaa day hawada Soomaaliya iyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa caqabadaas isla markaana loo adkayn lahaa ammaanka iyo badqabka diyaaradaha isticmaalaya marinn ada hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddigu waxay soo arkeen oo ay dul istaageen dhammaan agabyada iyo xafiisyada kala duwan ee laga maamulo hawada Sooma aliya, iyaga oo shaqaalaha/hawl-wadeennada xafiisyadaas ka hawl gala ka waraystay xaala ddooda gaarka ah iyo tan guud ee shaqada ay Qaranka u hayaanba, waxaanay ku ammaan een sida hufan ee ay u gudanayaan waajibko oda shaqo.

Ugu dambayn guddigu waxay kula dardaar meen masuuliyiinta wasaaradda iyo hay’add aba sidii shaqada qaranka loo hayo loogu ha gar bixi lahaa, isla markaana aad looga feejig naan lahaa wax walba oo khatar gelin kara badqabka hawada Soomaaliya.

Wararkii ugu danbeeyay Darawal Muqdisho loogu dilay muran Lacageed

Faah faahino ayaa kasoo baxaya Askari ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo Habeen hore degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dilay Darawal Mooto Bajaaj, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdimajiid Maxamed oo ahaa wiil dhallinyaro.

Dad la hadlay warbaahinta ayaa u she egay in dilka darawalka uu yimid, kadib markii Askariga dowladda iyo marxuumka uu marka hore muran kooban soo kala dhex galay, wa xaana la sheegay in muran uu ahaa mid la xiriiray lacag lagu tilmaamay mid baad ah oo uu Askariga rabay.

Qaar kamid ah Ehelada Cabdimajiid Max amed oo iyaguna saxaafadda u warramay ay aa u sheegay in wiilkooda oo ahaa darawal Mooto Bajaaj loo dilay si bareer ah, isla mark aana dowladda Federaalka ay cadaalad ka dalbanayaan.

Waxay intaas kusii dareen Ehelka marxu umka in Cabdimajiid laga rabay lacag aan sha rci aheyn oo uu doonayay Askariga falka geys tay inuu siiyo, balse markii uu ka diiday uu ras aas uga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, uuna durbadii goobta ku naf-waayay.

     Si kastaba, muddooyinkan dambe ayaa waxaa magaalada caasimadda ah ee Muqd isho kusoo badanayay dilal ay geysanayaan Askar kamid ah dowladda Federaalka iyo falal kale oo ka dhex dhacayay qoysaska,, kuwaasi oo bulshada aad uga argagaxeen.

Booliska Muqdisho oo qabtay rag ka tirsan Al shabaab oo dilay askari

Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay iney soo qabteen shabakad ka tirsan Al shabaab oo ka kooban afar nin oo basto olado ku hubeysan, wax yar ka dib markii ay dileen askari ka tirsan ciidanka Xooga dalka

HOOS KA AKHRISO QORAALKA BOOLISKA

Warbixin soo Qabasho Shabakad khawaarijta ah oo dil Geestay.

      Shalayy oo Taariikhdu tahay 28/02/2024 Abaare 16:15 daqiiqo Ciidanka Booliiska Soo maaliyeed Saldhigga Boliiska Deegaanka Gar asbaaley. Waxeey gacanta kusoo dhigeen shabakad ka kooban 4 dhalinyaro ah kuwaas oo dilay Marxuum: Xasan C/qaadir Ibraahim kana tirsanaa Ciidanka XDS.

Dilka kadib Ciidanka Boliiska Soomaaliy eed oo sameeyay kadaba tag ayaa Gacanta ku soo dhigay shabakadan oo watay Mooto & 2 Bastooladood oo ay dilka ku geesteen. Wa xaana la horgeydoonaa Maxkamadda awoo da u leh Insh-Allah.

W/warfaafinta oo qaabilay madaxa hay’adda iskaashiga caalamiga ee Turkiga ( TIKA)

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxii ska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal iya, Md.Daud Aweis Jama ayaa xafiis kiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Iskaashi ga Caal amiga ee Turkiga (TIKA),xafiiska Soo maaliya Zafer EÅŸki.

Wasiirka iyo Madaxa hay’adda ayaa la wad ahadley iskaashiga labada dal ee dhinaca hor umarinta warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska.

Dhinacyada ay TIKA iska kaashanayaan Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa ka mid ah barnaamijka casriyeynta keydka cajalad aha , horumarinta qalabka televishanka , raadi yaha Iyo Wakaaladda Wararka ee SONNA.

Wasiir Daud Aweis ayaa uga mahadceliyay Hay’adda TIKA hawlaha samafalka ee ay Somalia ka wadeen dhowrkii sanno ee la soo dhaafey, isagoo xusay in shacabka iyo Dow ladda Soomaaliya ay abaal weyn u hayaan Turkiga iyo shacabkeeda.

Madaxa TIKA ee Soomaaliya Mr. EÅŸki ay aa dhankiisa waxaa uu sheegay inay sii lab anlaabayaan Iskaashiga iyo wadashaq eynta ay la leeyihiin Soomaaliya.

ONLF oo ka hadashay dhaca ay Ciidamadu ku hayaan xoolaha nool ee loo iib geeyo magaalada Jigjiga

Ururka ONLF ayaa markii u horreysay wa xa uu ka hadlay xaaladda uu ku sugan yahay Dowlad degaanka Soomaalida, iyo dhibaatoo yinka soo noqnoqday ee shacabka degaanka ka haysta dhinaca Ciidamada Faderal Boolis ka oo sida la sheegay dhac ugaysanayay ma almihii lasoo dhaafay xoolaha nool ee ay shac abku usoo iibgeeyaan magaal ada Jigjiga ee dowlad degaanka Soo maalida.

Haddaba ONLF ayaa waxay soo saareen War saxaafadeed ay arrimahani kaga hadlay aan iyagoo ugu horre yn cambaareeyay dhaca iyo xad gudubka ay Ciidamada Faderal Boo lisku ku hayaan Alaa baha kala duwan iyo xo olaha nool ee ay leey ihiin shacabka Dowlad degaa nka Soo maalida.

ONLF waxay sidoo kale War saxaagade edkooda ku sheegeen in rasaas nool nool ay Ciidamadu la dhacaan gawaarida ay wataan Shacabku ee ku sugan Dowlad degaanka Soo maalida, iyadoo xustay in arrimahani haddii ay sii socdaan ay waxyeello ugaysan karaan nab adda iyo xasiloonida ka jirta degaanka Soom aalida.

ONLF waxay sidoo kale ugu baaqday Do wladda Itoobiya in si degdeg ah loo joojiyo dhaca kala duwan ee lagu hayo hantida shac abka degaanka Soomaalida, iyadoo dhin aca kale ka codsatay Dowladda inay ilaaliso shar ciga oo aysan ku xadgudbin xuquuqda ay lee yihiin shacabka Dowlad degaanka Soomaa lida, cadaaladna kula dhaqanto.

Ugu dambayn, ONLF ayaa codsi u dirtay beesha caalamka iyagoo ka codsanaya inay beesha caalamku taageerto baaqa ONLF ee ah inay Dowladda Itoobiya joojiso dhibaatooy inka ay ku hayso shacabka degaanka Sooma alida, isla markaana ay ilaaliso xuquuqda ay leeyihiin shacabku.

War saxaafadeedkan ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay shacabka degaan ka Soomaalidu la ildarnaa dhibaatooyin kala duwan oo kaga imaanayay dhinaca Ciidama da Faderal Booliska, gaar ahaan dadka ka ga nacsada xoolaha nool oo iyaga oo xoolahooda Jigjiga usoo iib geynaya ay Ciidamada Faderal ku ka qabsanayeen xoolahooda, iyagoo u sab abaynaya inay yihiin xoolahani waxay ku shee geen Kootarabaan ama sharci darro.

Taliyaha Ciidamada Cirka oo shir kaga qeybgalaya Dalka Tunisiya

Taliyaha Ciidanka Cirka ee xoogga Dalka Janeraal Maxamuud Sheekh Cali (dable bey lood) ayaa shir Caalamiya wux uu kaga qey ngalayaa dalka Tu nisiya.

Shirkaan oo u dhexeeya Taliyaa sha ciidamad a cirka ee Africa ayaa ka dhacay dalka Tunis iya waxaana soo xaadirey 35 dal taliyayaash ooda ciidamada Cirka.

Ajandaha shirka looga hadlaayo ayaa lagu sheegay Hormarinta Ciidamada Cirka Ee Afri ca iyo Xoojinta Is kaashiga ka dhexe Ciidama Cirka. Ciidamada Cirka Somalia ayay u noqo neysaa sanadkii 3-daad oo ay xubin ka noq otay isbaheysiga taliyeyasha ciidamada cirka ee Afrika.

Taliyaha Ciidanka dhulka oo Shalay booqd ay dugsiga tababarka Qorilow

Dayax Cabdi Cabdulle oo ah Taliyaha Ciid anka dhulka Soomaaliya ayaa Shalay booqd ay dugsiga tababarka ciidamada ee qorilow.

Taliyaha ayaa Dugsiga Tababarka qeybihiisa kala duwan booqday isagoona kula kulmay saraakiisha halkaasi tababarada ka bixiya wux uuna ku amaanay shaqada ay u hayan Qaran ka iyaga iyo ciidamada.

Taliye Dayax wuxuu ciidamada kula dar daarmay ineey laba jibaaraan waajibaadkooda ciidanimo. Taliska Ciidamada Xoogga ayaa qorsheynaya inay dib u dayactir ku sameeyee na dugsigaan tababarka oo ay hore uga aflax een saraakil badan xiligii dowladii kacaanka.

Xasan Sheikh: Abiy Axmed, habeen kahor heshiiska ayuu isoo wacay wuxuu kaliya ii sheegay in Muuse Biixi tagayo Addis Ababa

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan She ikh Maxamuud, ayaa sheegay in ra’iisul wasa araha Itoobiya, Abiy Axmed, uu la soo hadlay habeen ka hor inta aan lagu dhawaaqin heshi iska Ethiopia iyo Somaliland ee dhinaca badda

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ay aa sheegay, in raysal wasaaraha Ethiopia uu ku wargaliyay kaliya in hoggaamiyaha maamul ka Somaliland, Muuse Biixi uu tagayo Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa arrin wa ali ah ku tilmaamay in Ethiopia ay ku adkaysa to inay sii wado heshiiska sharci darrada ah ee ay ku doonayso inay ku qaadato qeybo ka mid ah biyaha Soomaaliya.

"Soomaaliya waxay xaq u leed ahay in ay iska difa acdo Ethiopia si kasta oo ay awoodo.” Ayuu yiri madaxweynuhu. Xiisadaha u dhexee ya Itoobiya iyo Soom aaliya, ayay khubaradu ka digayaan, inay gob olka gelin karto fowdo.

Xidhiidhka labada dal ayaa sii xumaaday badhtamihii bishii January ka dib markii ay Soomaaliya hawadeeda ka celisay diyaaradda Ethiopian Airline oo ay la socdeen masuuliyiin ka socday dalka Itoobiya oo ku wajahnaa Somaliland.

Soomaaliya ayaa 7aadkii hore ansixi say heshiis toban sano socon doona oo ay la gashay Turkiga kaas oo ku saabsan in laga ilaaliyo xeebaha Soomaaliya masaafada in ka badan 2,000 oo mayl.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa ku adkeysa naya in heshiiskan uu ka horreeyay xiisadda kala dhexeysa Itoobiya. Si kastaba ha ahaa tee, dadka indha indheeya arrimahan ayaa sheegaya in ay Soomaaliya u hamuun qabto inay hesho saaxiib adag oo ka caawiya sidii ay uga hortegi lahayd gardarrada Itoobiya.

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay 21 wasiir oo cusub

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdull ahi Deni ayaa Xalay magacaabay golihiisa wasiirrada, wuxuuna xafi iska Deni sha aciyey mag acy ada wasiirrada loo kala maga caabay 21 wasaaradood.

Dikreetada lagu maga caabay wasiirrada cu sub ee Puntland waxaa warbaahinta u akhri yey Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooy ada Puntland Jaamac Dabaraani, liiskaan kuma jiraan wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal.

Wasiirka koowaad waxaa loo magacaabay wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha diinta Puntland Maxamed Cabdiwahaab Axmed.

Saciid Danni oo magacaabay Golihiisa Wasiirada

1. Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diin ta ayaa mar kale loo magacaanay Maxamed Cabdiwahaab Axmed oo hore xilkan u hayay.

2. Wasiirka Amniga iyo DDR-ta ayaa mar kale loo magacaabay Ibraahim Cartan Ismaac iil Xaaji Bakiin oo hore xilkan u hayay.

3. Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ayaa mar kale loo magacaabay Cabdi Faarax Siciid Juxa oo isna hore xilkan u hayay.

4. Wasiirka Maaliyadda ayaa loo magacaab ay Maxamed Faarax Maxamuud oo hore uga soo shaqeyay Nidaamka M/liyadda Puntland.

5. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta ayaa loo magacaabay Daa’uud Maxamed Cumar

6. W/Waxbarashada ayaa loo magacaabay Fu’aad Abshir Axmed Adeer.

7.W/Caafimaadka ayaa loo magacaabay Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel).

8. W/ Hawlaha guud iyo gaadiidka ayaa loo magacaabay Faarax Cawad Jaamac.

9. W/Wasaaradda Dekedaha ayaa loo mag acaabay Shaakir Maxamed Guuleed.

10. W/Duulista Hawada iyo Garoomada aya a loo magacaabay Cabdullaahi Bile Nuur.

11. W/Haweenka ayaa loo magacaabay marwo Maryan Axmed Cali.

12. Wasiirka Warfaafinta ayaa loo magaca abay Maxamuud Caydiid Dirir.

13. W/ Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa loo magacaabay Axmed Shire Siciid.

14. W/Xannaanada Xoolaha ayaa loo mag acaabay Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux.

15. W/Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa loo magacaabay Maxamed Cabdiraxma an Faroole.

16. W/Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa loo magacaabay Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa.

17. W/Shaqada iyo Arrimaha Bulshada aya a loo magacaabay Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle Habar-waa.

18. Wasiirka Macdanta iyo Biyaha ayaa loo magacaabay Liibaan Muuse Cismaan

19. Wasiirka Gargaarka ayaa loo magaca abay Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

20. Wasiirka Beeraha ayaa loo magacaab ay Maxamed Cabdiqaadir Saalax.

21. Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa loo magacaabay Hodon Siciid Xasan.

Aqriso: Qodobo cusub oo laga helay heshi iska difaaca badda ee Soomaaliya iyo Turkey

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga hela yaa heshiiska difaac ee dhawaan ay wada gaa reen dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaasi oo Ankara ay kula wareegayo am maanka baddeena.

Heshiiskan oo si deg deg ah ay u me el-mariyeen Golaha Wasiirrada Soomaaliya iyo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu Turkiga, gaar aha an ciidamadooda badda uu siinaya awood ay ku ilaalinayaan xeebaha dalka oo dhan.

Heshiiska oo maalmo kahor uu saxiixay Ma daweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kalr wa xaa la filayaa in maalmaha soo socda uu hesh iiskaasi ansixiyo baarlamaanka dalka Turkiga, islamrkaana uu qalinka ku duugo madaxweyn aha dalkaasi Mr Erdogan.

Heshiiskaan ayaa socon doono muddo 10 sano ah, iyada oo ciidamada Turkiga lagu war eejinayaa xeebaha dalka todobaadyada soo socda, iyaga oo sidoo kale dib u dhis ku same ynaya iyo qalabeyn ciidamada badda Soomaaliya.

Ilaa hadda ma cadda in heshiiska ay ku jirto, in haddii lagu soo xad-gudbo xeebaha dal ka ay u dhiman doonaan iyo in kale dhinaca Turkiga, taasi oo haddii aan jirin aan waxba ka duwanaan doonin joogidooda waqtigan ee qeyb ka noqoshada howl-galka amni sugida ee ay dalal badan ku joogaan biyaha dalka.

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helay nuxurka qodobada heshiiska difaaca iyo dhaq aalaha ee ay kala saxiixdeen dowladaha So omaaliya iyo Turkiga, waxaana harra la helayaa qodobo cusub oo heshiiska ah oo ay saxaafadda Turkiga qortay, oo warbaahinta loo soo dusiyay.

Hoos ka aqriso qodobbada ugu muhiimsan ee nuxurka heshiiska kasoo baxaya;

1. In uu heshiisku socon doono muddo 10 sano ah.

2. Ilo dhaqaale oo dheeri ah oo caawin kara kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.

3. Waxay fasaxday how-gallada cirka, dhulka iyo badda inay si wadajir ah u wada howlg alaan ciidamada Turkiga iyo Soomaaliya iyo mideynta shuruucda badda ee labada dal.

4. Qeyb kamid ah heshiiska Turkiga waxaa loo oggolaaday inuu difaaco madax-bannaanida dhuleed, cirka iyo xeebaha ee Soomaaliya ee aagagga gaarka ah ee dhaqaalaha iyo meel aha isku-xiran iyo in lala dagaallamo dalalka iyo kuwo hun-gureeya, iyo sidoo kale in laga hortago dhammaan noocyada falalka sharci-darrada ah, sida burcad-badeedda, argagixi sada, kaluumeysiga sharci-darrada ah iyo daadinta walxaha qashinka nukliyeerka iyo shucaaca.

5. Waxa lagu heshiiyay in horumarinta warsha daha dhismaha maraakiibta iyo dhismaha dekedaha guud ahaan xeebaha Soomaaliya iyo dhismaha xarumaha hal dal kaliya iyo qaar wadajir ah iyo sameynta aagagga amniga Soomaaliya.

6. Taageeridda tababarrada, farsamada iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliya.

7. Wuxuu caawinaya heshiiska habeynta iyo iswaafajinta sharciyada badda, maareynta kalluumaysiga iyo habeynta hagitaanka.

8. Waxaa lagu heshiiyay bixinta kaalmo fars amo oo ay ku jirto tababarida iyo qalabeynta ciidamada badda ee Soomaaliya sida maraakiibta dagaalka iyo doonyaha hubeysan ee dheeraya.

Si kastaba, heshiiskan ayaa hadal heyn badan dhaliyay, ayada oo siyaabo kala duwan loo faaqiday, wuxuna kusoo aadaya xilli ay xiisad xooggan Soomaaliya ay kala dhaxeyso Itoobiya, taasi oo salka ku haya damaca guracan ee badda.

Dad ka badan Soddon qof oo ku dhintay shil fool xun oo ka dhacay Kenieba

Ilaa soddon iyo kow ruux ayaa ku dhi matay shil gaari kadib markii gaari bas ah uu ka dhacay buundo ku taalada dalka Mali.

Baska ayaa ku socday dalka dariska ah ee Burkina Faso, isaga oo ka yimid magaalada Kenieba

Sidoo kale ugu yaraan toban ruux oo kale ku dhaawacmay shilka – qaarkood ayaa si xun dhaawac u soo gaaray.

Masuuliyiinta gudaha ayaa sheegay in sab abta shulka ay ahayd ‘darawalka oo xakam ayn waayay gaariga’.

"Gaari ah bas ah oo ka tagayay magaalada Kenieba oo u socday Burkina Faso ayaa ka dhacay buundo. Waxa ugu wayn ee shilka sababay ayaa ahaa darawalka oo lumiyay xa kamaynta gaariga,” Sidaa waxaa war uu soo saaray ku sheegtay wasaaradda gaadii dka ee dalkaas.

Warka ayaa intaas lagu daray in muwaadi niin ka soo kala jeeda Mali iyo wadamada kale ee dariska ay ahaayeen dadkii waxyeeladu soo gaartay.

R/Wasaarihii hore ee Yuhuuda oo ka digay talaabo uu qorsheynayo Netanyahu

a’iisul wasaarihii hore ee Israa’iil Ehud Olmert ayaa ka digay in Israa’iil ay la kulmi doonto cawaaqib xumo haddii ay ciidamadee da u dirto magaalada go’doonsan ee Rafah, ee koonfurta Qaza, halkaasoo in ka badan hal milyan oo qof oo barakacayaal ah ay gabaad ku yihiin.

"Samirka beesha caalamku wa xa uu gaa ray heer aysan awood u yeelan doonin inay u dulqaata an ficilada RW Netanyahu,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israel.

Olmert ayaa ugu baaqay hogaamiyaha Isra el Benjamin Netanyahu, inuu joojiyo daga alka oo uu diirada saaro qorshe u sahlaya ciida mada Israel inay ka baxaan Gaza taas bede lkeedana la geeyo ciidamada caalamiga ah si ay u galaan nabad ilaalin.

Ra’iisul wasaarihii hore, oo hogaaminayay Israa’iil intii u dhaxaysay 2006 iyo 2009, ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay in weerar dhu lka ah oo lagu qaaday Rafah "laga yaabo inuu burburiyo heshiiskii nabada ee u dhexeeya Israel iyo Masar”.

Magaalada Qasa oo laga cabsi qabo inay macaluuli ka dillaacdo

Saraakiil ka tirsan hay’adaha samafalka ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay Salaa sadii, inay jirto halis aad u weyn oo ku saab san, in marinka Qaza ay ka dillaacdo macaluul xooggani, haddii aan dagaalka la joojin.

Ramesh Rajasingham oo ah agaasimaha isku-xidhka ee xafiiska arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay, in haddii aan wax tallaabo ah la qaadin, in laga cabsi qabo inay macaluuli ka dillaacdo marinka Qaza.

Agaasimaha ayaa sheegay in dagaalkan ka socda Qaza uu yahay mid khasaare badan geystay, iyada oo ay ku dhinteen in ka badan 30,000 oo qof, halka dhaawacuna gaadhayo in ka badan 70,000 oo qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qaza.

Ramesh ayaa hadal u jeediyey, golaha am maanka ee Qaramada Midoobay, ka dib mar kii ay sidaas ka codsadeen dalalka Alge ria, Guyana, Slovenia iyo Switzerland oo xub no ka ahi, xilli ay sii kordhayaan walaaca la xidhi idha, in gaajada loo isticmaalo sidii hub dagaal oo kale.

Dowlad shacabkeeda u jebisay qiimaha raashiinka daruuriga ah bisha Ramadaan awgeed

Madaxda dowlada Zanzibar ayaa sheegay iney dhimeen canshuurta laga qaado raashiin ka daruuriga ah bisha Ramadaan awgeed

Canshuurta qiimaha lagu daray canshuur ta ayaa laga saarayaa si gaar ah Sonkorta la ga keeno Zanzibar Inta lagu jiro bisha barake ysan ee Ramadaan, iyadoo la isku dayayo in nolosha laga dhigo mid la awoodi karo.

Isagoo booqanaya suuqyada isniintii, mada xweynaha Zanzibar Hussein Ali Mwinyi wuxuu sheegay in dowladdu ay la tacaaleyso sicir bararka balse in qaar ka mid ah ganacsatada aan daacadda ahayn ay weli qiimihiisu si ma cmal ah u sarreeyaan oo ay ku jiraan kall uunka, khudaarta iyo miraha dalka laga soo saaro.

Sidoo kale ganacsatada ayuu madaxwe ynuhu u sheegay in aanay jirin wax cudur daar ah oo ay ku kordhin karaan qiimaha raa shin ka.

"Jooji sicir-bararka aan loo baahnayn inta lagu jiro Ramadaanka, taasoo dhib u keenay sa inta badan dadka saboolka ah,” ayuu yiri.

Zanzibar waxaa ku nool dad muslimiin u ba dan. Bisha Ramadaan, oo Muslimiintu soo ma an waaberiga ilaa qorrax dhaca, waxaa ka dhiman wax ka yar laba toddobaad, iyadoo ku beegan 11 bisha Maarso.

SIDA WIIL 10 JIR AH UGU DHINTAY GUDNI IN LAGU SAMEEYAY IYO HALISTA CIRB ADDA KABUUBYADA EE LA ISKU DURO

Qalliinka

Dhulka ay Soomaa lida degto waxaa iska caadi ah gudniinka ragga oo meelo kala duwan lagu sameeyo.

Waxaa muddooyiinkii hore loo sameyn jiray qaab dhaqameed , balse hadda meelo badan oo deegaanada Soomaalida iyo caalam kaba ah waxaa wiilasha lagu gudaa isbataala da.

Qaar ka mid ah isbataalada ayaa waxay gu dniinka wiilasha ka hor ay ku mudaa irbadda suuxinta si aysan xanuun u dareemin.

'Wiil 10 sano jir ah ayaa ku dhintay ka dib markii lagu sameeyay gudniin isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Dhaka ee caasimadda Bangladesh.

Wiilkan ayaa magaciisa lagu sheegay Ahn af Tahmeed, waxaana loo qaaday isbitaalka si loogu gudo habeenkii talaadada. Laakiin qoy ska ayaa ku eedeeyay maamulka isbitaal ka in ay ku dureen 'irbad qofka lagu suuxiyo marka la qalayo ' iyaga oo aan wax fasax ah ka hay san qoyska.

FAKHRUL ALAM

Bil iyo bar ka hor dalka Bangaladesh, wiil kale oo lagu magaca abi jiray Ayaan Axmed waxa uu ku dhintay isa goo gudniin ku jira, wax aana sidoo kale arrintan cabasho ka muujiyay qoyska wiilk aasi.

Circumcision has been performed without anesthesia in Bangladesh for decades. But in recent times the practice of surgical circumci sion by doctors has increased.

Dalka Bangladesh muddo tobanaan sano ah ayaa gudniinka lagu sameeyn jiray iyada oo aan la suuxin. Laakiin muddooyiinkii u dam beyay waxaa sii kordhayay dhaqanka gudnii nka qalliinka ee dhakhaatiirta ay sameeyaan.

Suuxinta muhiim ma tahay xilliga gudnii nka? mase tahay khatar?

Shah Alam oo ah Dhakhtarkii hore oo ku taqas usay irbadda suuxinta iyo qaabka ay u shaqe yso ayaa waxaa uu yiri, "Suuxinta ayaa loo baahan yahay marka qofka la gudayo laakiin waa haddii si sax ah oo badqab leh . Laakiin waxa ugu muhiimsan waa in la go'aamiyo da awooyiinka suuxinta ee loo isticmaalo kiiskan oo kale. "

Waxa uu sidoo kale sheegay in haddii suux inta la siiyo waqti qaldan iyada oo aan loo baahnayn baaritaan jireed ay dhici karto in nafta bukaanka ay halis gasho.

Faruk iyo wiilkiisa

XIGASHADA SAWIRKA,FAKHRUL ALAM

Maxay ka yiraahdeen qoyskiisa?

Aba aro 10-kii habeen imo ayaa loo sheegay in xaalada wiilko oda ay kasii darey so. Intaa ka dib, waxaa la sheegay in ilmaha uu u baa han yahay in si de gdeg ah loo geeyo isbataal kale oo uu galo ICU-da. Qoysku ayaa waxay la xiriireen cisbit aal ga ar loo leeyahay oo u dhow si ay ilmaha u ge eyaan ICU. Ambalaasta ayaa timid 10:30 PM laakiin markaas Tahmeed waxaa uu ahaa meyd.

Fakhrul Alam waxa uu ku andacoodey in wiilkiisa la siiyey 'irbad suuxdin ah oo dhama ystiran ama jirkiisa oo dhan la suuxiyay' fasax la'aan.

Waxa uu yiri, "Maalmo ka hor waxa aan maqlay in ilmo u dhintay ‘isaga oo miyir daboo lan’, sababtaas darteed markii aan wiilkayga geeyay isbitaalka, waxa aan ka codsaday dha khaatiirta in aanay wiilkayga aysan suuxin jirki isa oo dhan, dhegna uma ay dhigin. Wiilk ayga wuu dhintay." Dhacdadan ka dib, xubnaha qoy ska wiilka ayaa habeennimadii Talaadada kiis geeyay saldhigga booliska ee Hathir Jeel, ka as oo la diiwaangeliyay magacyada mulkii la ha isbitaalka iyo dhakhtarka qalay.

Fakhrul Alam ayaa yiri "Waxaan rabaa in wiilkayga cadaalad loo helo, dambiilayaasha waa in ciqaab adag la mariyaa si aysan mar kale u soo laaban dhacdooyiinka noocaan oo kale ah”.

Ahnaf Tahmeed waxa uu dhiganayay heer ka fasalka afaraad ee dugsiga Dhaka's Moti Zeel Ideal School.

Ahnaf qoyskiisu waxa ay horey ugu noola ayeen dalka Danmark, islamarka wiila halka asi ayu ku dhashay. Fakhrul Alam, oo markii dambe ahaa ganacsade, ayaa ku laabtay Ban gladesh sannadkii 2017 isaga iyo xaaskiisa iyo carruurtiisa

,FAKHRUL ALAM Go orma ayay irbadda su uxintu halis noqon ka rtaa?

Waxaa jirtay in waagii ho re qalliin la sameyn jir ay iyada oo aan qofka la su uxin, balse had da wax badan ayaa is bed delay. Daawooyinka casriga ah, dhakhaatiirtu waxay bukaanada ku duraan irbadda suuxdin ta ka hor nooc kasta oo qalliin fudud oo lagu same eyo jirka bini'aadamka.

Suuxdintu waxay kabuubisa jirka ama me elaha ku xeeran goobta qallinka lagu sameyn ayo, markaa bukaanka ma dareemayo xanu un.

Shah Alam, oo horey u ahaan jiray dhaqtar irbadda suuxdinta ku taqasusay ah oo ka tirsan Kuliyadda Caafimaadka iyo Isbitaalka Dhaka, ayaa BBC u sheegay, "Waxaa jira noo cyo badan oo suuxdin ah, tusaale ahaan, ha ddii qaliin fudud lagu sameeyo qayb gaar ah oo jirka ah, isla qeybta ayaa la kabuubyaa ama la suuxiyaa." Tan waxaa lagu magacaab aa suuxinta gudaha."

Laakiin marka qalliin weyn la sameynayo, bukaanka jirkiisa oo dhan waa la suuxiyaa, xaaladdan, bukaanku wuxuu galaa hurdo qoto dheer wuxuuna soo toosaa mar kale muddo cayi man ka dib. "Ka hor inta aysan qof suu xin, waa inay sa meeyaan baaritaanno badan, oo ay ku jiraan dhiiggiisa, garaaca wadnaha, iyo waxa la midka ah," ayuu yiri Shah Alam. Waxaa uu intaa ku daray in baaritaanada ay dhakhtarka ak caawineyso fahamka nooca suuxinta ee bukaanka u baahan yahay. Dr Shah Alam wuxuu ku talinayaa in suuxinta aan la isticmaalin dadka ay hayso qandhada, har gabka, qufaca, neefsashada oo ku adka ata, xanuunada laabta ama cudurrada wadna ha.Waxa uu sheegay in suuxinta aysan wan aagsaneyn dadka xanuunadan qaba, isla mar ka ana qaliin lagu sameyn karo ka dib mar ka la daweeyo cudurka ama la xakameeyo iya da oo lala tashanayo dhakhtar ku takhasusay.

Gudniinka ragga ayaa waxaa laga sameey aa meelo badan oo caalamka, dadka qaar wa xay u sameeyaan sababo dhanka diinta, halka kuwa kale ay caado dhaqameed ka tah ay.

Wasiir FIQI oo Somaliland ku eedeeyay isku daygii dil ee Ugaaska iyo tallaabo uu qaaday

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa markii ugu horr eys ay ka hadlay isku-deygii dil ee uu Muq disho uga badbaaday Ugaas Axmed Saleebaan Shidde (Mahiigaan).

Wasiir Fiqi ayaa Maamulka Somaliland ee uu hoggaa miyo Muuse Biixi ku eedee yay isku-deyga fashilmay ee la rabay in lagu khaarajiyo Ugaaska, oo isagu si adag uga soo horjeeda maamulka Biixi.

Ugaas Mahiigaan oo kamid ah dhaqanka ka soo jeedaa Gobollada Waqooyi ayaa ka ba dbaaday shirqoolka kooxo taabacsan Maamul ka Gobolada Waqooyi waxayna u geysteen dhaawacyo culus, ayuu Wasiir Fiqi qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter). A

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale waxa uu shee gay in dhacdadaan uu la wadaagay hay’adaha amniga Soomaaliya, si baaritaan qoto dheer loogu sameeyo isku-deyga dil ee uu ka badba aday Ugaas Mahiigaan.

Waxaan la wadaagnay dhacdadaan hey’ adaha amniga dalka si ay u baaraan kiis kan, sharcigana loo horkeeno kooxihii,” ay uu qoraalkiisa sii raaciyay wasiirka arrimaha guda ha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.

Eedeynta uu Somaliland u jeediyay Fiqi ee la xiriirta isku-deyga dil ee uu ka badbaaday Ugaas Axmed Saleebaan Shidde (Mahiigaan) ayaa imaneysa xilli uu Ugaaska afkiisa ka she egay in kooxdii soo weerartay uu soo dirsaday maamulka Somaliland, gaar ahaan madax weyne Biixi.

Sidoo kale Ugaaska ayaa sheegay in ma suul ka tirsan Sirdoonka Somaliland uu soo wacay isaga oo ku wargeliyey in maalin dam be uusan ka badbaadi doonin raggii jir-dilka u geystay, haddii uusan faraha kala bixin arrim aha Somaliland.

Shir jaraa’ID ayaan qabtay maalin ka hor, waxaan cadeeyey in dadka reer waqooyiga ah ee Muqdisho lagu leynayo ay ka dambeeyaan Muuse Biixi iyo ina Kaahin, ragga isoo weera ray taasbey ka duulayeen, Habeen horena waaba la ii cadeeyey oo waxaa la iga soo wacay Hargey sa. ayuu yiri Ugaas Mahiigaan.

Ugaaskaan ayaa sheegay inuu qabo dhaa wacyo daran oo dowladda Soomaaliya ama qabiil kale uusan u geysan, balse Muuse Biixi uu soo abaabulay, waxaana beegs anaya Muu se Biixi oo dadka kala fogeynaya, ayuu yiri


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip