HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 26-KA FEBRAAYO 2024-KA

0
Monday February 26, 2024 - 08:45:47 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 26-KA FEBRAAYO 2024-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh oo madaxtooy ada ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Gaasha andhiga ee dowladda Ingiriiska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamu ud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ee Dowla dda Ingiriiska Mudane James Stephen Heap pey oo booqasho ku yimid dalka.

Madaxweynaha Jamh uuriyadda ayaa la wadaag ay Wasiirka guulaha wax ku oolka ah ee laga gaar ay xaqiijinta amniga, tayey nta Ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada oo hadda maraya heer wanaagsan, taas oo suuragalisay in dalkeennu uu ka gudbo marxaladdo adag oo ay ka mid tahay qaadista cunaqabateynta hubka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadnaqay Boqortooyada Dowladda Ingiriiska doorka ay ka qaadato tababarida ciidamada Soomaaliy eed, xilli ay Soomaaliya isku diyaarineyso la wareegida mas’uuliyada amni ee dalka, kadib bixitaanka qeybaha ka harsan ciidamada ATMIS.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Gaashaan dhiga Boqortooyada Ingiriiska Mudane James Stephen ayaa bogaadiyey horumarada muuq da ee ay si wadajir ah ugu tallaabsadeen shac abka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo xu say sida ay uga go’an tahay dowladdiisa xoojinta iskaashiga difaaca iyo la dagaallanka argagixisada ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo UK.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safi irka Cusub ee dowladda Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaa lka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxa muud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuri yadda Kenya ay u soo magacawday dalkeen na Mudane Cyprian Kubai Iringo.

Danjire Cyprian Kubai oo Madaxwe ynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxa muud soo gaar siiyey salaan iyo farriin uu kaga siday Madax weynaha dalkiisa Mudane William Ruto ayaa dowladda iyo shacabka Soomaa liyed uga ma hadceliyey soo dhaweynta diiran, waxa uuna xusay in uu ka shaqeyn doono adkeynta xir iirka diblomaa siyadeed ee ka dhaxeeya lab ada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu ham balyeeyey Danjiraha xilka loo igmaday ayaa u rajeeyey in uu ka miro dhaliyo sidii uu xaqiijin lahaa gudashada waajibaadkiisa dibl omaas iyadeed, waxa uuna xusay ahmiyada ay u lee dahay Soomaaliya iyo Kenya iskaashi wadajir ah oo ku saleysan danaha labada dowladood iyo guud ahaan Gobolka.e

D/Soomaaliya & Qatar oo kala saxiixday he shiis is-afgarad ah oo ku saa bsan iskaashiga arimaha sharciga

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dast uurka XFS, Mudane Xasan Macallim Maxa muud oo booqasho rasmi ah ku jooga Dooxa iyo wasiirka Cadaaladda dalka Qatar, mudane Ibraahiim Bin Cali Almuhan nadi ayaa Shalay kala sax iixday heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga arimaha sharciga.

Heshiiskan Is-afgar adka ah wuxuu ka turj umayaa danaha labada dal ee isweyd aarsiga macluumaadka iyo khib radaha qaabka diya arinta, qorista iyo dara aseynta qabyo-qoraall ada heshiisyada iyo he shiisyada is-afgaradka.

Sidoo kale, waxay labada dowladood iska kaashanayaan cilmi-baarista sharciga iyo garsoorka ee labada dawladood, barnaamijy ada tababarrada sharci iyo garsoor, kor-u-qaa didda xirfadda & aqoonta sharciyaqaann ada, qareennada iyo nootaayooyinka.

Munaasabadda saxiixa is-afgaradka oo ka Xarunta Wasaaradda Cadaaladda ee Qatar ayey labada wasiir kulan gaar ah oo ay ku qaa teen uga wada hadleen xiriirka labada dal, isk aashiga Cadaaladda ee labada dal,dha me ystirka dastuurka Soomaaliya ,dhismaha cad aaladda dalka iyo in labada wasaaradood iska kaashadaan khibrad wadaagga iyo dhan ka sharciga.

Shirweynaha 6aad ee Ururka QM u qaabil san Arrimaha Deegaanka oo lagu wado in uu ka furmo magaalada Nairobi

Shirweynaha 6aad ee Ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Deegaanka ayaa lagu wadaa inuu toddobaadkan ka dhaco magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

In ka badan 100 hoggaamiyeyaasha caa lamka ah ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan shirkaasi , iyadoo lagu wado inuu madaxdaasi ka mid noqdo Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan She ekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu shirk aasi khudbad ka jeediyo.

Isbeddelka cimilada iyo saameynta aafoo yinka wata ee uu leeyahay iyo in si wadajir ah xal loogu helo ayaa ah ajendaha ugu weyn shirka.

Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada dadaalka xooggan ugu jira in xal loo helo isb eddelka cimilada oo dhibaatooyinka uu dhow aan ka geystay dalka ay ka mid yihiin roobab kii fatahaadaha watey ee El Nino oo qeybo badan khasaare isugu jira dhimasho , burbur hanti iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ay ka geysteen. Madaxweynaha JFS Mudane Xas an Sheekh Maxam uud oo dadaaladaasi isbe ddelka cimilada la xiriira hormuud ka ah ayaa saxiixay Sharciga Ilaalinta iyo Maareynta Dega anka oo hore ay u ansixiyeen Baarlam anka Federaalka Sooma aliya.

Maxkamadda Rafcaanka oo soo gaba-gabe ysay dacwad ka dhan ah saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka



Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaa dir ayaa Shalay soo gaba-gabeysay dacwad rafcaan ah oo eedeysanayaal ay ka yihiin sar aakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiy adda Dowladda Soomaaliya taasoo soo soco tay tan iyo Bishii 11aad ee Sannadkii Tagay.

Qeybta hore ee fadhiga Maxkamadda ay aa waxaa lagu dhageystay Marqaatiyaal ay dalbatay Maxkamadda oo uu ka mid yahay sargaal ka tirsan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsi yadda kaasoo wax laga weydiinayay xogta uu keydiyay systemka Hey’adda gaar ahaan sannadaha la sheegay in Lacago lunsaday adeegyadii la qabtay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir Sa ciid Cali Maxamed oo ahaa gud doomiyaha guddiga garsoorka dacw adda ayaa sheegay in dac wadii ay soo gaba-gabeysay max kamadda dhawaan ay soo saari doonta xuk unka.” Dacwadii Shalay intaas ayaan kusoo afmeernay, dhinacyada iyo eedeysanayaasha waxaana soo sheegi doonaa waqtiga xigga ay maxkamadda ku dhawaaqi doonto xukunka.

Dacwadda Shalay la soo gaba-gabeeyay ayaa waxaa eedeysanayaal ka ahaa:

1. Saabir xasan Cabdi Nuur

2. Cabdullaahi Maxamuud Cosoble.

3. Cumar Macalin Nuur (c.kartiin)

4. Aadan Maxamed Cabdi

Waxay dhammaan ka tirsanaayeen Hey’a dda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxaana dham maadka sannadkii hore xukuno kala duwan hore ugu soo riday maxkamadda gobolka Ban aadir marka laga reebo Aadan Maxamed Cabdi oo maxkamadda ay fasaxday markii ay ku waysay waxyaabahii lagu soo eedeeyay.

Gud.SoDMA oo kulan la yeeshay Ergayga Madaxwaynaha ee Xasilinta & Ilaalinta Arimaha Rayidka

Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxam uud Macallin ayaa Shalay xarunta hay’adda ku soo dhaweeyay Ergayga gaarka ah ee Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud u qaa bilsan Xasilinta iyo ilaalinta arimaha Rayidka Mudane Cumar Xaashi.

Gudoomiyaha hay’adda Maaraynta Musiib ooyinka Soomaal iyeed ee SoDMA ayaa erga yga kaga warbixiyay shaqada hay’adda, wuxu una si gaar ah kaga hadlay sida ay hay’addu u gaartay dadka rayidka ah ee ku dhaqan goobaha laga xoreeyay Khawarijta, isagoo sidoo kale taabtay in inta badan ay hay’addu gargaar gaarsiisay goobaha la xoreeyay.

Ergayga Madaxwaynaha ee xasilinta iyo ilaalinta arimaha rayidka ayaa kaga mahadc eliyay madaxda hay’adda soo dhawaynta loo sameeyay, isagoo ku nuux nuuxsaday sida ay muhiimka u tahay in Xafiiskiisa iyo Hay’adda SODMA ay yeeshaan wada shaqan xooggan oo ku saabsan sidii gargaar loola gaari lahaa dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegannada iyo degmooyinka la xoreeyay.


Darawal Mooto Bajaaj oo iga dami Nalka darteed loogu dilay Muqdisho

Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa ciid an ka Booliska dowladda Federaalka Soomaali ya ayaa Habeen hore Waxuu darawal Mooto Bajaajle ah ku dilay Xaafddaa waaxda Cal asow dheere ee oo ka tirsan degmada Shibbis ee Maga alada Muqdisho. Sarkaalka dilka geystay ayaa na goobta ka baxsaday,

Dilka ka dib iyadoo Dilka loo geystay Dar awalka Mooto Bajaaj uu ku yimid kadib ma rkii uu muran kooban uu soo kala dhex galay sarkaalka Booliska ka tirsan iyo wadaha Moo to Bajaajka ,waxaana markii dambe muranka uu isku bedelay in rasaas lagu huwiyay dar awalka oo ahaa wiil dhallinyaro ah. Allaha u naxariistee marxuumka ayaa waxaa lagu ma gacaabi jiray Cabdiraxiin Cabdulle Sheekh iyadoo Sababta loo dilay Marxuumka lagu Sheegay inay tahay Nalka mootada oo shid naa uu dhubsaday sarkaalka uu ku yiri Iga da mi, ka dibna uu sidaas xabad ugu dhuftay. Haddaba Qoyska marxuum Cabdiraxiin Cabd ulle Sheekh ayaa laammaha amniga dowlad da ka dalbaday in gacanta lagu soo dhigo sar kaalka ka danbeeyay dilka wiilkooda Cabdir axiin, iyagoona tilmaamay inaan la Aasi doo nin marxuumka ilaa caddaal adda laga horgey nayo sarkaalka. Waxaa Maal mihii u dambee yay magaalada caasima dda ah ee Muqdisho ku soo badanayay dilal iyo dhacdooyin kale oo argagax leh, kuwaas oo qaarkood bulshada Sooma aliyeed ay aad uga naxeen.

Jubbaland oo abaal-marisay askari ay Sha baab ka dalbadeen inuu dilo taliyihiisa

Magaalada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose waxaa Shalay lagu abaal-mariyey askari ka tirsan Daraawiishta Jubbaland oo kooxda Al-Shabaab ay ka dalbadeen inuu soo dilo taliyihiisa Askarigaas waxaa lagu mag acaabo Weli Nuur Dhuubow, waxaa la soo xiriir tay kooxda Al-Shabaab, waxayna ka dalbadeen inuu soo qarxiyo taliyaha daraawi ishta Jubbaland ee degmada Afmadow.

Askariga ayaa kooxda Al-Shabaab la jilay dhagartii ay u maleegayeen taliyaha, dhanka kalena wuxuu toos ula wadaagayey arrintaan taliyaha loo qorsheynayey dilka.

Labo miino ayey kooxdu u soo dhiibtay askariga, waxayna ka dalbadeen inuu u dhigo taliyaha daraawiishta Jubbaland ee Afmadow, balse askarigii ayaa heshiiska uga baxay kooxda.

Meel fagaare ah ayaa Shalay lagu qarxi yey labadii miino ee kooxdu qorsheysay in Tali yaha lagu dilo, isla goobtiina waxaa lagu abaal-mariyey askarigii fashiliyey dhagartaas.

5,000 oo dollar ayaa fagaare ku yaalla Afm adow lagu guddoonsiiyey dable daraawii shta Jubbaland Weli Dhuubow, oo ku guuleys tay inuu qiyaamo Al-Shabaab. Taliyihii loo qors heeyey dilkaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in askariga as uu yahay geesi mudan in lagu daydo, isa goo cadeeyey in xogta uu si toos ah uga helay ey askariga, iyadoo ugu da mbeyntii uu keenay qaraxyadii ay Shabaab u soo dhiibeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku khasaartay dhagartaas ay doonayeen inay ku qaarajiyaan taliyaha ciidanka daraawiishta Jubbaland, wax aana abaal-marino kale loo balan-qaaday as kari kasta oo sidaan oo kale u fashiliya dhag arta Al-Shabaab.

NISA oo xirtay sarkaal sare oo ka tirsan hay’addii uu ka shaqeynayay Cabdinaasir

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa Shalay soo xirtay Mub aarik Nuur Cali oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaal iyeed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Muba arik oo ka soo jeeda Somaliland, ga ar ahaan gobolka Aw dal ayey NISA usoo xirtay si ay su’aallo u weydiiso.

Mubaarik ayaa kamid ah shaqsiyaad ay hay’adda hore ula yeelatay wareysi la xiriira kiiska xasaasiga ah ee Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hay’adda duulimaadka ray idka, kaasi oo dhawaan maydkiisa laga helay hoyga uu ka deganaa magaalada Muqdisho.

NISA ayaa horey xog wareysi ula yeelatay inta badan shaqaalaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya oo uu ka tirsanaa Cabdina asir Dahable oo Shalay lagu aasay gudaha Somaliland, oo uu kasoo jeeday.

Marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable ay aa Shalay magaalada Gabiley loogu same ey ay aas qaran, kaasi oo ay ka qeyb-galeen madaxda u sareys Somaliland oo ugu horre eyo madaxweyne Muuse Biixi iyo boqollaal ka tirsan shacabka kala duwan ee reer Soma liland.

Si kastaba, Arrimahaan ayaa imaanaya, xilli aan weli la ogaan cidda dishay marxuum ka, maadaama kaligiis uu deganaa guri ku yaa lla agagaarka garoonka Aadan Cadde, ayna socdaan baaritaanno ku aadan dhacdadaasi, sida ay sheegtay dowladda federaalka Sooma aliya.Xigasho:-Caasimadda.Net

DFS oo shaacisay inay si buuxda gacanta ugu hayso badqabka Duulimaadyada isticmaala hawada

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday inay si buuxda gacan ta ugu hayso badqabka duulimaadyada isticm aala hawada So omaaliya, xilli to ddobaadyadii la soo dhaafay uu jiray walaac ku saabsan qaabka maamulida hawada Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka ayaa waxaa dhammaan shacabka So omaaliyeed iyo shirkadaha duulimaadka ee isti cmaala hawada Soomaaliya loogu caddee yay in badqadka hawada uu yahay mid wanaa gsan. Sidoo kale Hay’adda Duulista Rayidka ayaa intaasi kusii dartay in aysan jirin wax amni xumo ah oo ka jira hawada Soomaaliya, isla markaana diyaaradaha maraya hawada badqabkooda yihiin kuwo wanaagsan.


"Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay dhammaan shacabka Soomaa liyeed iyo shirkadaha duulimaadka ee isticma ala hawada Soomaaliya u caddeynaysaa inay si buuxda gacanta ugu hayso badqabka duul imaadyada isticmaala hawada Soomaaliya. Ma jirto amni xumo iyo halis badqab oo ka jira hawada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qora alka ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soo maaliyeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegtay maamulka hawada da lka dhamaadkii sanadka 2017-ka, hase yee shee waxaa soo baxayay toddobaadyadii la soo dhaafay walaac ku saabsan qaabka ma amulida hawada Soomaaliya.

14kii bishan Febraayo ayaa Duulimaad ay sameyneysay diyaarada Qatar Airweys oo ka timid dalka Jabuuti una socotay magaalada Muqdisho ayaa khalkhal la geliyay sida ay xaq iijiy een saraakiil ka tirsan ha’yadda duuli sta rayidka Soomaaliya.

Meydka Cabdinaasir Muuse Dahable oo la Aasay

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mu use Biixi Cabdi ayaa boqollaal qof kala qay bgalay salaadda janaasada iyo aaska maydka marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo lagu aasay Qabuuro ku yaalla magaalada Gabiley, oo ah halkii uu ku dhashay Marxuumka .

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka had layay aaska ayaa sheegay in Dawladda Mad axweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay waydi inayaan Sababta loo dilay Cabdinaasir Dah able Jawaabtana ay ka sugayaan.

Dhinaca kale Sida uu sheegay Agaasim aha Isbitaalka Hargeysa Dr Cabdiraxmaan M axamed Cismaan maydka marxuumka wa xay ku sameeyeen baaris qaadatay muddo 48 saa cadood ah, isla markaana waxay ku ogaa de en in Cabdinaasir lagu ceejiyay xarig dhum u cdiisu wayn tahay muddo shan iyo illaa todobo daqiiqo ah, taasina ay keentay geeri diisa.

Marxuum Cabdinaasir Dahable ayaa ka tirsanaa shaqaalaha waaxda duulista rayidka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, wax aana aan la ogeyn dilkiisa cida ka dam beysay uu ku soo aaday xili muran la xiriira maamulka hawada uu soo kala dhex galay dowlada Somalia iyo maamulka Somaliland.

Hay’adaha Amniga ee Dawlada Federaalka ayaan illaa hadda war ka soo saarin dilka ma rxuumka inkastoo ay sheegeen iney wadaan baaritaano ayna dilkaas u soo xireen illaa 6

qof oo la tuhunsan yahay.

Taliyaha CXD: Waad ogtihiin guushii aan 77 ka gaarnay Xabashida

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa Shalay kormeeray cutubyo ka tirsan Guutada Birjeex oo degan Xerada Militariga Hiilweyne ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa dhiirigelin ugu tegay Guu tada 30aad Birjeex ee fadhigeedu yahay xera daasi, oo ku taala waddada xiriirisa Magaa lada Muqdisho iyo Degmada Balcad ee Gob olka Shabellaha Dhexe. "Waxaa Shalay farx ad noo ah la kulanka Ciidanka & Saraakiisha Guutada 30aad ee Birjeex ee Shalay sal dhig oodu yahay Hiilw eyne.” Ayuu yiri Tali yaha.

Waxa kaloo uu yiri "Shalay waxaan ar kaynaa raggan inay yihiin rag dhaarsan, oo runtii dalkooda iyo dadkooda inay u adeegaan ku talagalay inay yihiin, waxaana filaynaa nin ka sidaan u adkeysta oo dulqaadkiisu sida anu yahay ayaa wax ka gaari kara ciidan. Wax aan rabaa sumcadda Ciidanka Xoogga Dalka Soo maaliyeed sidaad u ilaaliseen inaad ku sii haysaan, oo ku sii waddaan.”

Taliyaha ayaa tilmaamay in xeradan ay tah ay halka ay ka soo baxeen Ciidankii Xoogga Dalka ee guulaha ka soo hooyay dagaalkii So maliya ay sanadkii 1977-kii la gashay Itoo biya.

"Dugsiga Hiilweyne waa dugsiga aad og ti hiin raggii ka soo baxay, ciidamadii ka qayb qaatay dagaaladii cadowga Somaliya lala ga lay dugsiga tababarka ay ka soo baxeen waa Hiilweyne. Shalay nin Soomaali ah oo dugsiga Hiilweyne ka soo baxay oo aan la garanayn ma jiro. Hiilweyne waa dugsiga ay ka soo ba xeen ciidankii 77 waxaad maqash een ka dhig ay, waa dhallinyartiina maadan ma qlin, laakiin buugaagta inaad ka akhriseen waan rajeynaa oo aad taariikhda fiirisiin.” Ayuu yiri General Ib raahim Sheekh Muxudiin Caddow, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Isaga oo sii hadlayay ayuu yiri "Waad ogtihiin guushii ay ka gaareen Ciidanka Xaba shida berrigaas aan dagaalamaynay ama Itoo biya aan dhaho aan dagaalamaynay. Raggii ka soo baxay dalkan dadkii meteli lahaa ama ka soo daba baxay waa idinka, waxaana rab naa magaca dugsiga ninba maalin ayuu soo gelayaa, laakiin nin walba maalintuu soo galo inuu sidaa u ilaaliyo, oo sida Shalay aad u ilaaliseen uu u ilaaliyo.”

Taliyaha ayaa muujiyay in xeradan ay m udnaan u leedahay Qaranka Soomaaliyeed, isagoona ciidamada degan kula dardaarmay in ay ilaaliyaan magaca xerada, sida ay had daba u ilaaliyeen.

Dhanka kale Taliyaha oo ay la socdeen sa raakiil uu ka mid yahay Taliyaha Xerada Turk som, General Ali Sigirtmac ayaa xusay in ay xerada u soo booqdeen, sidii xeradaasi loo ba llaarin lahaa, bacdamaa ay labada dal dha waan wada gaareen heshiis la xiriira iska ashiga difaaca iyo dhaqaalaha.

"Waddankan waad ogtihiin marxaladda uu ku jiro. Walaalka dhabta ah ee aan leenahay Shalay waa Turkiga, ujeedada uu Taliyaha noo soo booqdayna waxay tahay masuuliyad inay qaadeen waad ogtihiin. Masuuliyaddii ay qaadeen darteed ayay Shalay booqasho idi nkugu yimaadeen.” Ayuu yiri Taliyaha Ciid anka Xoogga Dalka.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray "Waxaa wax laga qaban doonnaa oo la weynayn doonnaa xeradan aad degan tihiin. Waxaan u soconaa dalkeenna khayraadkiisu inuu soo gaaro Ciid amada Qalabka Sida, gaar ahaan Ciidan ka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.”

Madaxda Dowladda Somaliya iyo Saraa kiisha Ciidamada ayaa muddooyinkii ugu dam beysay si aan looga baran weeraro afka ah u gu qaadayay Itoobiya, ka dib heshiiskii is afgar adka ahaa ee dhinaca badda ee Raysal Wa saare Abiy Ahmed uu 1-dii bishii January la gaaray Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaas oo Madaxda Dowladda Fede raalka ay ku tilmaameen mid sharci darro ah, isla-markaana aan dhaqangeli doonin.

Reer AWDAL oo si weyn ugu kala qeybsam ay kulan xasaasi ah oo ka dhacay Muqdisho

Waxaa Dorraad magaalada Muqdisho ka qabsoomay kulan xasaasi ah oo lagu mu uji nayay taageerada Awdal State, kaasi oo hal-ku-dhigiisu ahaa "Kulanka hoggaanka dhaq-dhaqaaqa Awdal iyo dhalinyarada gob olka Awdal”.

Kulankaan oo ka dhacay Hoteel Doorbin ee magaalada Muqdisho oo sidoo kale lagu sheegay wada-tashi ayaa waxaa durba hareeyay buuq xooggan, ayada oo ay soo bax eyso in kulankaasi aysan u dhameyn reer Awdal.

Qaar kamid ah hoggaanka dhalinyarada reer Awdal iyo Gabiley oo la hadlay Caasi mada Online ayaa sheegay in kulankaasi aan loo dhameyn, islamarkaana uu yahay mid ay wateen dad dano shaqsi ah leh, sida ay she egeen.

Kulankaasi ayaa la sheegay in ay soo aba abusheen dhalinyaro la sheegay inay naas-nuujiyaan xubno ku jira dowladda feder aalka Soomaaliya, xilli ay dowladda federaalka ah ay taageero u muujisay Awdal State, oo ay adu awood muuqata ku laheyn gudaha gobol ka ay sheegato ee Awdal iyo guud ahaan gobollada Galbeedka Somaliland.

Awdal State ayaa dib boorka looga jafay kadib markii ay Somaliland lumisay Laascaan ood, oo haatan ay ka taliso SSC-Khaatumo, oo sanadkii tegay aqoonsi KMG ah ka heshay dowladda federaalka Soomaaliya.

Prof. Cabdisamad Ibaraahim Nageeye oo isagu sheegta madaxweynaha Awdal State ayaa dhawaan xaflad lagu qabtay Muqdisho ka sheegay inuu la dagaalami doono maamu lka madaxweyne Muuse Biixi.

     Waxa uu markaasi sheegay in Soomaali nimadu ay ka go’an tahay dadkiisa reer Awdal, gumeysina aysan hoos tegi karin, haatana ay diyaar u yihiin inay ka dagaalamaan dulmiga Muuse Biixi.

"Waxaan ballan-qaadeyna in aan dagaala mi doono, kaliya waxan idinka rabnaa Soomaa liyey inaad nagu garab istaagtaan, anaga ay aa diyaar u ah in aan u dhimano dhulke ena,” ayuu yiri Prof. Nageeye.

Somaliland oo ka hadashay Baaritaan ay ku samaysay Meydka Cabdinaasir Dahable

Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay Natiijada baaristaan ay ku sameeyeen Meydka Marx uum Cabdinasir Muuse Dah able, oo dhawaan lagu dilay magaalada Muqdisho, kaasi oo Meydkiisa Dorraad laga dejiyay magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hargeysa Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xarig cunaha lagaga ceejiyay Cabdinaasir Dahable, daanka bidixna uu jaban yahay, halka xiniinta bidix iyo isha bidixna ay ka muuqdaan calaamado muujinaya barar iyo dhaawac.

Agaasime Cabdiraxmaan ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay tallaagadi uu ku jiray Maydka Cabdinaasir in laga jaray korontada, waa sida uu hadalka u dhigay Agaasimaha oo xusay in dhibaatooyin la gaarsiiyay marxuumka.

Allaha u naxariistee Cabdinasir Muuse ay aa maalmo kahor meydkiisa laga helay guri gii uu ka daganaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo lagu dilay, isagoona la tilm aa may inay jirkiisa ka muuqdeen xilligii loo taga yay jirdilo.

Cabdinaasir Dahable ayaa katirsanaa Sha qaalaha Hay’adda maamulka hawada ee dow ladda Soomaaliya, waxaana uu kasoo laabtay waxbarasho dibada ah oo la xariirtay cilmiga Hagidda Hawada, isagoo horey uga mid ahaa Shaqaalaha ICAO qeybteeda Hargeysa.

Soomaali ku dhimatay god ay dahab ka qodanayeen

Magaalada Gabileey ee Maamulka Somalil and waxaa laga soo sheegayaa in tuulo ma gaaladaasi ku dhaw ay ku dhinteen laba nin oo reer Somaliland ah.

Labada nin waxaa ku dumay god dheer oo ay dahab ka qodayeen,waxaa socda dadaalo loogu gurmanaayo sidii looga soo saari lahaa meydadka.

Xildhibaano ka soo jeeda Degmada Gabile ey ayaa u sheegay Saab TV inay aadayaan deegaanka mashaqadu ka dhacday.

Xildhibaanadaan waxay cadeeyeen in labada nin ay wali ku jiraan godka ku dumay ayna u dhaqaaqeen sidii dhanka godka.


Muuse Biixi Oo Fariin Culus U Diray Mada xweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi C abdi ayaa boqollaal qof kala qaybgalay sala adda janaasada iyo aaska maydka marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo Shalay lagu aasay xabaalo ku yaala magaalada Gabiley, oo ah halkii uu ku dhashay Cabdinaasir.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadl ayay muna as aba dda aaska ayaa sheegay in Dawladda Madaxweyne Xasan Sheekh Max amuud ay waydiinayaan sababta loo dilay Cabdinaasir Dahable.

"Dawladda Xasan Sheekh waxaan ka doon eynaa, ninkani muxuu muteystay, maxaa loo dilay, taas oo jawaabteeda la helo mooyaane, haddii la waayana, waxay ila tahay waa ba reer” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Dad kii ka qaybgalay aaska ayaa mar xuumka Rabbi uga baryay in uu naxariistii jan no ka waraabiyo, ehel kii iyo saaxiibbadii uu ka tagayna uu samir ka siiyo.

Sida uu sheegay Agaasimaha Isbitaalka Hargeysa Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cism aan maydka marxuumka waxay ku sameey een baaris qaadatay muddo 48 saacadood ah, isla markaana waxay ku ogaadeen in Cab dinaasir lagu ceejiyay xarig dhumucdiisu wayn tahay muddo shan iyo illaa todobo daqiiqo ah, taasina ay keentay geeridiisa.

Cabdinaasir Muuse Dahable oo ahaa sarkaal ka tirsan Hay’adda Duulimaadyada Rayidka Soomaaliya ayaa maydkiisa laga he lay gurigii uu ka deganaa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho todobaadkii hore, wa xayna booliska Soomaaliya sheegeen in dhawr qof loo xiray tuhunka la xiriirra ciddii ka dambeysa dilkiisa.

Dowladda Soomaaliya Oo Codsi Ka Dhan Ah Itoobiya U Gudbisay Wadamada Islaamka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxi iska, ahna Guddomiye Ku-Xigeenka Golaha Wa siirrada Warfaafinta ee Ururka Waddama da Islaamka ee OIC, Mudane Daud Aweis Jama ayaa ka codsadey dalalka xubnaha ka ah ururka inay ku garab istaagaan Soomaaliya mowqifka ay uga soo horjeeddo xadgudubka Ethiopia ay ku soo faragelisay qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Wasiirka oo khudbad ka jeedinayey shir aan caadi ahayn oo Wasiirrada Warfaafinta ee wad damada Islaamka ay ku yeesheen magaal ada Istanbul , loogana hadlayey gabb ood-falka ay Israel ku hayso dadka reer Fala stiin ee ku dhaqan marinka Gaza, ayaa xusay in Soomaaliya oo dadaal ugu jirta inay dal keeda amni ku soo dabaasho, ay nasiib darro tahay in Ethiopia oo si sharciga caalamiga ka baxsan heshiis is-afgarad la gashey gobolka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya. Was iirka waxaa uu sheegay in go’aanka gurracan ee Ethiopia uu khatar ku yahay gobolka Geeska Afrkika oo dhan iyo caalamka intiisa kale. Waxaa dhanka kale Wasiirka Warfaafinta uu khudbaddiisa ku xusay in waddamada Isla amka looga baahan yahay inay u midoobaan dalabka ah in la soo dhiso dowlad Falastiiniy iinta ay leeyihiin oo ku saleysan xudduudihii 1967-kii, si xal kama dambeys ah loogu helo qadiyadda reer Falastiin, meeshana looga sa aro xasuuqa iyo burburinta ay Israel ku hayso dadka reer Falastiin.

Shirka Wasiirrada Warfaafinta ee Ururka Waddamada Islaamka ayaa sidoo kale dul istaagey khatarta wararka sida khaldan loo tebiyo oo si weyn loogu adeegsadey mashaak ilka ka aloosan Gaza, isla markaana qalabka warbaahinta ee dalalka reer Galbeedka ay u janjeeraan dhanka Israel, taas oo xadugudub ku ah xuquuqda aadanaha, xuquuqda xorr iyatul qowlka iyo dhexdhexaadnimada looga fadhiyey saxaafadda.

Sidoo kale waxaa kala oo xubnaha OIC ay cambaareeyeen xadgudubka ka dhanka ah suxufiyiinta ee ka socda Gaza oo ku dhowaad 100 suxufi ay dileen ciidamada Israel, iyadoo gabagabadii shirka laga soo saarey warmurtiy eed lagu taageerayo qadiyadda reer Falastiin, loogana soo horjeedo tacadiyada isdaba joog ga ah ee Israel ay ka waddo dhu lka la haysto ee reer Falastiin.

Mareykanka oo u hanjabay Xuuthiyiinta iyo Yahya Saree oo ka jawaabay

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa si adag uga jawaabay hanjabaad kaga timid Marey kanka, ka dib markii Ciidamada Mareykan ka iyo kuwa Ingiriiska ay Ha been hore dalkaasi ka fuli yeen weerarkii afaraad, oo ay si wadajir ah isaga kaashanayeen.

Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa sheegay in weeraradan ugu dambeeyay ay ula jeedaan in lagu wiiqo awoodda Xooga ga Xuuthiyiinta, isagoona ku hanjabay in duqa ymaha xagga crika ee ka dhanka ah Xuuthiy iinta ay sii socon doonaan, illaa iyo inta ay ka joojinayaan weerarada ay ka wadaan Badda Cas.

Wasiirka ayaa sheegay in Xuuthiyiinta ay qaadi doonaan masuuliyadda, wixii cawaaqib ah ee ka dhasha weerarada ay ku waxyeeleyn ayaan dhaqaalaha gobolka.

"Waxaan sii wadi doonnaa inaan u cadde eyo Xuuthiyiinta inay qaadi doonaan cawaa qibka, haddii aysan joojin weerarado oda sha rci darrada ah ee waxyeelada u gaysa naya dhaqaalaha Bariga Dhexe, waxyeelada ay u gaysanayaan deegaanka, carqaladeynta gaar siinta gargaarka bani’ aadantinimo ee Yemen iyo dalalka kale.” Ayuu yiri Wasiirka.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree oo ka falcelinayay warka Mareykanka ayaa ku hanjabay in ururku uu si macno leh uga jawaabi doono kororka weerarada Marey kanka iyo Ingiriiska.

"Waxaan ku adkeysanaynaa ilaalinta waaj ibaadkayaga diimeed, akhlaaqeed iyo bani’a adantinimo ee ku aaddan shacabka Falastii niyiinta.” Ayuu yiri Afhayeenka.

       Afhayeenka oo Warbaahinta ka soo muuq day ayaa sheegay in weerarada kaga imaan aya xulafada Mareykanka aysan hakin doonin hawlgaladooda militari ee Badda Cas, haddii aysan Israel joojin duulaankeeda Marinka Ga za iyo is hortaaggeeda gurmadka bani’aad antinimo ee la gaarsiinayo dadka rayidka ah.

"Weerarada nooga imaanaya cadowga ma joojin doonaan hawlgalada militari ee aynu ka wadno Badda Cas, haddii aan la joojin duul aanka Maamulka Sahyuuniyadda iyo go’doo minta ay ku hayaan shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.” Ayuu yiri Yahya Saree.

Yahya Saree ayaa sheegaya in reer galb eedka ay u howl yar tahay inay joojiyaan wee rarada ay Israel ka waddo Gaza, bedelkii ay colaadin lahaayeen Xuuthiyiinta, taas oo uu sheegay inay xiisadda uun kaga sii dareyso.

Wakaaladda Wararka AP ayaa sheegtay in tan iyo 19-kii bishii November ay Xuuthiy iintu qaadeen 57 weerar oo ka dhan ah mar aakiibta ganacsiga iyo kuwa dagaalka ee ku sugan Badda Cas & Gacanka Cadmeed.

Xuuthiyiinta ayaa inta badan weerarado odan qaaday, wixii ka dambeeyay 12-kii bishii Janu ary, markaas oo Mareykanka iyo Ingir ii ska ay bilaabeen bartilmaameedyo ka dhan ah Xuu thiyiinta. Xuuthiyiinta ayaana weer arada asi ku beegsaday maraakiibta laga leeyahay dalalka asi.

Xuuthiyiinta ayaa Axaddan oo ugu dambey say sheegay inay weerareen markabka gana csi ee Torm Thor, kaas oo laga leeyahay dal ka Mareykanka.

War ka soo baxay Xuuthiyiinta ayaa lagu sheegay in xoogagooda ay gantaalada lidka maraakiibta ku garaaceen markabka nooca kiimikada iyo saliidda ee Torm Thor, xilli uu marayay Gacanka Cadmeed.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta

Dhakhtar u dhashay Norwey "Masiibo maa ha waxa Gaza ka dhacaya ee waa dhibaato Yahuudu geysanayso”

Dhakhtar u dhashay Norway oo lagu maga caabo Mads Gilbert, ahna u doodaha bini’aad antinimada, ayaa sheegay in dhimashada dhal laanka iyo gaajada Gaza ka jirta ay tahay nati ijo ka dhalatay duulaan ka ciidamada Israa’’iil. "ma siibo maaha waxa Gaza ka dhacaya ee waa dhibaato Yahuudu geysanayso” ayuu yiri dhaqtarka u dhashay dalka Norwey

Dhaqtarka wuxuu ka hor yimid ereyada la adeegsado sida masiibo iyo gaajada lagu til maamayo shacabka Gaza wuxuuna si cad u sheegay in waxa shacabka gaajada ku qas baya ay yihiin ciidamada gumeysiga Israel.

Dhaqtarkaan u dhashay Dalka reer Yurub ee Norwey Dr. Mads Gilbert ayaa ah dhaqtar leh qibrad 30 sano ah isagoona ka shaqey nay ay isbitaallada Gaza Gilbert wuxuu shee gay in xanibaada raashinka gargaarka iyo biy aha ee Israa’iil ay ta ha dambi dagaal oo weyn "Sidee dunidu u daawan kartaa car uur gaajo u dhimanaysa?” SOURCE ALJAZEERA

BOQORADII UGU SAAMEYNTA BADAN TAARIIKHDA ISLAAMKA EE 'SAAXIRAD DA' LAGU NAANEYSAY

Aniga oo isticmaalaya barta bulsho ee X, a yaa ereayo af-carabi ah oo lagu dul xardhay sawirka kor ka muuqda oo leeyahay dugsi ku yaalla Wuqooyiga Afrika, ay dareenk eyga soo jiiteen. Inkasta oo aanan carabiga sidaas u aqoon, ayaa ha dana waxaan fahmay macna ha erayadaas. Waxaa meesha ku qornaa 'Dugs iga saree e Zainab Al-Nafsawiya ee gab dhaha'.

Sawir kale oo ku dhaganaa tabeele mee sha ka agdhaw ayaa waxaa lagu qoray in boq oradaan ay ahayd mid noolayd intii u dhaxey say sanadihi 1009 ilaa 1106 ayna ahayd xaas ka Yusuf Bin Tashfin. Sida laga soo xigtay fay lasuufka iyo taariikhyahankii Ibnu Khalduun – waxaa loo aqoonsaday in ahayd "mid ka mid ah haweenka dunida ugu caansan, quruxde eda iyo hugaaminteeda awgeed”.

Waxaan ka akhriyey in boqortooyadii taliya hii weynaa - Yuusuf bin Tashfiin ee caanka ku ahayd duubka weyn ee buluugga ah, ay ku fid ay saxaraha ay ku nool yihiin qowmiyadda Ber ber ka, ilaa iyo qaybo ka mid ah dhulka Shalay loo yaqaan Morocco, Algeria iyo Spain.

Maaddaama Ibn Khalduun uu ka hadlay hogg aanka Saynab, ayaan rabay inaan xog intaas ka sii ogaado. Tani waa waxa aan ku helayba aristii aan ku sameeyay noloshii Say nab al-Nafsawiya, oo ah haweeney caan ka ah taari ikhda Islaamka.

Qoraaga reer Morocco, Fatima Marnissi ay aa boqoraddaan boos wayn ka siisay buugg eeda 'Haweenkii Boqorada ahaa ee Islaamka ee la illoobay'.

Intii u dhaxaysay 1061 iyo 1107 Saynab al-Nafsawiya waxay ahayd mid maamusha boqo rtooyo aad u balaadhan oo ku fidsan waqoo yiga Afrika ilaa Spain. Waxayna xukunka la ha ysay ninkeedii Yuusuf bin Tashfiin.

Taariikhyahanadu waxay u bixiyeen Say nab 'Al-Qayma Bamlakihi', oo macnahee du yahay taliyaha boqortooyadii ninkeeda ama jilaha ugu muhiimsan ee maamula.

La taliye Fiican

Saynab waxay ahayd gabar uu dhalay ganacs ade caan ah oo ka soo jeeda qoyska reer Naf sawa. Wuxuu ku dhahsay Aghmat – magaalo ku taala Morocco – halkaas ayuuna sidoo kale ku bartay aqriska iyo qoraalka. Waxaa soo ba rbaarisay haweeneey ka soo jeeday boq otooyo Afrikaan ah ka hor inta uusan noqon adoon. Wuxuu baray gabadhiisa Saynab da awo dhaqameedka. Sida uu sheegay Ibnu Khalduun, waxay guursatay Lakhut al-Mu ghr awi oo ahaa amiirkii magaalada Ahmad. Laa kiin markii Lakhut lagu dilay dagaal dhacay ayaa hantidii waxay ku wareegtay Saynab.

Waxay guursatay al-Muraawi Abuu Bakar bin Cumar mar labaad.

Mar uu Abuu Bakar aaday dhanka koonfu reed ee saxaraha si uu u damiyo jabhaddii qa biileed, ayuu qeyb ka mid ah ciidamadiisii oo dhanka galbeed joogay u xilsaaray ina-ade erkii Yuusuf bin Tashfiin ka hor inta uusan bi xin. Waxa uuna furay Saynab isagoo ka baq aya dagaal dhee inuu dhexda u galo.

Saynab waxay guursatay Yuusuf ka dib markii ay dhammaysatay Cidadii. Saynab yu suf kaliya uma aysan noqon lammaane nolo sha la wadaaga laakiin sidoo kale waxay noqo tay la-taliyahiisa xigmadda badan.

Awoodii ciidan ee Yuusuf waxa ay dhid iba da u taagtay saldanada weyn ee al-Murawi, ta as oo ku fidsanayd laga soo bilaabo badwey nta Atlaantika ee Aljeeriya, Senigaal & Isbayn waxayna ahayd mid islaami ah.

Dhanka kale, talada Saynab iyo fahamkee da siyaasadeed ayaa door muhiim ah ku lahaa arrintan. Sida laga soo xigtay taariikhyahanno bada n, oo ay ku jiraan Ibn Azari, al-Bakri, iyo Ibn Khalduun, Saynab waxay ahayd mid aad u qur ux badan, oo ay ka buuxaan awood, iyo karti aan caadi ahayn.

Wuxuu aqoon weyn u lahayd arrimaha siyaa sadda. Taariikhyahanadu waxay ugu yeereen 'saaxirad' sababtaas awgeed.

Sawir

Waxay gacan ka geysatay abaabulka ciidankii Yusuf bin Tashfin

Taariikhyahan Ibn Havgal waxa uu xusay Saynab inay ka mid ahayd dadkii caanka ahaa qarnigii kow iyo tobnaad ee Galbeedka Afrika. Aqoonteedii weyneed ee arrimaha siyaasadda awgeed, waxa ay meel muhiim ah ka gashay taariikhda ‘Maghrib’ ee qarniyadii dhexe.

Maghrib waa qaybta galbeed ee dunida Carabta, sidoo kale loo yaqaan 'Arab Magrib'. Waa gobol ka mid ah Galbeedka iyo Bartam aha-Waqooyiga Afrika oo ay ku jiraan Algeria, Libya, Mauritania, Morocco iyo Tuni sia iyo gobolka lagu muransan yahay ee Saxaraha Galbeed.

Yuusuf ma haysan ciidan xooggan oo guu sha sii wada. Sida laga soo xigtay taarii khya hanada, Saynab waxay siisay hantideedii Yuu suf si uu dib u habeeyo ciidamadiisa. Sidoo ka le waxa ay kula Talisay in uu canshuur ka qa ado gobolada kala duwan ee ay maamula yeen.Ciidamo kala duwan ayuu isku aruuriyay si uu arrintaa su fuliyo

Ibnu Abiizar waxa uu ku qoray kitaabkiisa ‘Raus al-Qardas’ in Yuusuf uu qabsaday galb eedka Afrika kadib talooyinkii ay bixisay Say nab, Saynabna ay wada xaajood la gash ay seygeeda. Waxa kale oo loogu naaneysay 'Saaxirad' xirfaddii ay u lahayd wada hadalka darteed.Yuusuf wuxuu dhisay magaalada Ma rrak esh oo ku taalla Morocco oo noqotay ca asi mad dal xilligaas korayay. Waxay u egt ahay in ay Saynab tahay cidda soo jeedisay doorasha da meeshan in ay noqoto caasimad.

Caasimada la aruuriyay ayaan mar walba ahayn kuwa ka fogaa halka ay Saynab ku noolayd.XIGASHO:-BBC

Orodyahan caan ah oo tartanka orodada lo oga mamnuucayo hal arrin darteed !

Orodyahan da’da culus ah oo ka qeybgalka tartamada caan ku ahaa ayaa sabab la xiriirta anshax-darro bulsho awgeed looga reebay inuu kasii mid nqodo tartamayaasha muddo labo sannadood ah.

Ganaaxa ayaa ku saabsan balwadda uu sida aadka ah u qabatimay orodyahankan oo ah nuugidda ama cabidda sigaarka.

Chen Mouxian, oo dadku u yaqaanaan ‘Unc le Chen’, wuxuu fogaan-aragyada kasoo muuq day sannadkii 2022 markii uu aad u baahay sawirro laga soo qaaday isaga oo ka qeybga laya tartamada orodka. Waxa dadka dareenk ooda soo jiitay ayaana ahaa in Chen uu ha diyo jeer afka ku sidatay xabad sigaar ah oo shidan. Wuxuuna cabayay ilaa uu tartanka ka dhammaado.

Hadalheyn xooggan ayuu falkaas ka dhex abuuray bulshada Shiinaha. Waxaana in ba dan ay ku tilmaameen arrin tusaale taban ama aan fiicneyn u gudbinaya da’yarta Shiinaha oo moodaya wax caadi ah sigaar cabidda.

Bishan Janaayo, si kastaba, Chen waxaa laga diiday inuu tartanka ka qeybgalo maadaa ma la garowsaday sida uu sawir qaldan ugu gudbinayo dhalinyarada waddanka oo laga yaabo inay mustaqbalka kaga daydaan.

50 jirkan ayaa sugi doono muddo labo sa nadood ah si uu mar kale uga soo muuqdo tar tamada orodada Shiinaha.

Trump oo guul weyn ka gaaray doorasho ka dhacaday gobolka South Carolina.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Don ald Trump ayaa guul weyn ka gaaray doora shada horudhaca ah ee isreebreebka xisbiga uuriga ee gobolka South Carolina.

Trump ayaa ka adka aday gabadha la tarta maysay ee Nikki Haley, wuxuna gobol kan no qo nayaa wadankii Trump.

Nikki Haley oo hadlaysay markii laga adka aday ayaa sheegtay in Trump uusan u babac dhigi karin Joe Biden doorashada madaxtin imo ee la filayo in ay dhacdo Noofeembar san ad ka 2024.

"Ma aaminsani in Donald Trump uu ka adkaan karo Joe Biden” ayay tiri Nikki Haley oo Donald Trump kula tartamaysa doorashada horudhaca ah ee gudaha xisbiga Jamhuuriga.

Trump ayaa ku tilmaamay guushiisii Habeen hore mid cajiib ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip