HALKAAN KA AKHRISO:- WARAKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 1-DA FERAAYO 2024-KA

0
Thursday February 01, 2024 - 08:30:32 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARAKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 1-DA FERAAYO 2024-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xasan Sheekh oo Abiy ku karbaashay mad al caalami ah iyo Abiy oo awoodi waayey jawaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Rome uga qeyb-galay Madasha Talyaaniga iyo Afrika ayaa khudbad uu ka jeediyay wuxuu si weyn ugu karbaashay ra’I isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Xasan ayaa madashan oo ay joog ahaay een madax caalami ah ayaa si adag uga had lay xiisa dda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoo biya, isaga oo dhalleeceyn culus kala dul dha cay madaxdii Itoobiya ka socotaya ee uu hogg aaminayay Abiy ee ku sugan Talyaaniga.

Khudbada madaxweyne Xasan oo u muuqatay karbaash ayaa cambaareyn culus loogu geystay madaxda dalka Itoobiya, iyada oo la adeegsa nayo shuruuc caalami ah iyo xeerarka dunida u yaalla

Taasi oo dunida ay ka yaabtay sida uu u had lay madaxweyne Xasan, ayada oo uu awoodi waayay ra’iisul wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed inuu ka jawaabo khudbadii Xasan Sheekh uu ka jeediyay dalka Talyaaniga.

Hadaladii kulula ee Xasan Sheekh uu ka yiri madashaasi ayaa kamid ahaa "Dal Afrikan ah ayaa u yimid Talyaaniga in uu iskaashi la samee yo dowladda Talyaaniga iyo waddam ada kale ee Afrika. Waa dal ay madaxdiisa awoodi waayeen inay ilaaliyaan xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah ee dunida u yaalla.”

"Taasi macnaheedu waa inuu jiro dal Afrika ah oo aan diyaar u aheyn inuu iskaashi caalami ah sameeyo ama aan fahamsaneyn waxa uu yah ay iskaashiga caalamiga ah.”

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxda Itoob iya inay ka laabtan go’aankaasi guracan ee qar as iska-tuurka ah ee fadeexadda ku ridaya dal kaas iyo madaxdiisa.

"Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon

karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xad-gudbo xuduudaha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga fashilmay ee faro-gelinta Itoob iya ku sameysay madax-bannaa nida dalkee nna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Abiy Axmed iyo wafdigiisa markii ay dhanko oda hadlayeen kama aysan jawaabin khudbada madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin waxay ka hadleen iskaashiga Talyaaniga iyo Afrika dhexmari kara.

Si kastaba, Ethiopia ayaa wajaheysa cadaa dis caalami ah oo la xiriira heshiiska Somaliland, kadib markii ay Soomaaliya kaga adkaatay dhan ka diblumaasiyadda, ayna inta badan dalalka caalamka la safteen, kuna gar ab istaageen go’a anka ay ka qaadatay xad-gudubka xukuumad da Abiy Axmed.

Kulanka golaha shacabaka oo looga hadlay hindise sharciyeedka xuquuqda naafada iyo arrimo kale

Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 13aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa Shalay oo Arbaco ah waxaa shir guddoomina ayay guddoo miye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sac diya Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa:

1) Dhaarinta Wasiiradda cusub ee Wasaara dda Beeraha iyo Wasaaradda Howlaha Guud.

2) Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise -Shar ciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.

3) Qeybinta Hindise -Sharciyeedka Cadaala dda Da’yarta Soomaaliyeed.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacab ka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay Wasiiradda Cus eb ee Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda hawlaha guud XFS.

Xildhibaan Maryan Maxamed Ciise oo ka mid ah guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ayaa Mudan aya asha Golaha Shacab ka ka hor akhrisay Hin dise -Sharciyeedka Xuquu qda Naafada Soomaaliyeed si waafaqsan Qodo bka 84aad (4) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shac abka.

Xildhibaanada ayaa aragtidooda ka dhiibtay mabda’ guud iyo ujeedada Hindise-Sharciyeed ka, iyagoo tala-soo jeedin iyo erayada qaar ay ubaahan yahiin turxaan bixin ay ku soo sam eeyaan guddiga Xuquuqul Insaanka.

Xubnaha guddiga ayaa mid mid ugu jawaa bay dhamaan weydiimaha Xildhibaan ada.

Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sac diya Yaa siin Xaaji Samatar oo kulanka soo xirt ay ayaa fartay guddiga Xuquuqul Insaanka Ha weenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada in ay Akhrinta 3aad ay ku soo biiriyaan talo soo jeed inta iyo turxaan bixinta Mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS.

Sh.Shariif Sh.Axmed oo soo dhaweeyay gogosha Garowe la dhigay

Madaxweynihii hore ee Soo maaliya Sh.Sh ariif Sheekh Ax med ayaa ka hadlay soona dha weeyay gogosha Puntlabd ay dhigtay Garo we kaasoo looga hadlayo arimaha wax ka badalka Dastuurka .

Qoraalka Shariif Sheekh Axmed uu soo dhi gay bartiisa Facebook ayaa sidan u qornayd:-

Bismillahi,

Waxaan soo dhawaynayaa gogosha uu fidi yay Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni xilligaan uu dalku waajahaayo xaalado cul us oo ay ugu muhiimsanyihiin; am niga, arrimaha dastuurka, qaab dhismeed ka doowladnimada, midnimada iyo madax bannaanida oo u baahan wada tashi iyo wada shaqeyn.

Waxaan rajaynaynaa in gogoshaas qabso omi doonto, madaxda ka soo qayb gashana ka soo saari doonto go’aanno dhaxal gal ah oo dan u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Farmaajo oo qoraal xasaasi ah soo saaray kadib arrintii uu ku dhowaaqay Saciid Deni

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxa med Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheeg ay inuu soo dhoweynayo gogosha wada hadal ee arri maha Soomaaliya ee Puntland ay dhig tay, taasi oo Dorraad madaxweyne Deni uu sheegay in dowl adda federaalka ay aqbashay. Farmaajo, oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook, ayaa mada xdii hore ee dalka iyo kuwa hadda xilka haya ugu baaqay inay ka qeyb-galaan shirkaas, inkasta oo aanu caddeyn in isaga uu ka qeyb-galayo iyo in kale.

Farmaajo ayaa sidoo kale uga baaqay xil dhibaanada labada aqal in inta shirkaasi so cdo ay ka fogaadaan tallaabooyinka aan la isku waa faqsanayn ee la xiriira laalidda dastu urka iyo wax ka beddelka hannaanka maamul ee dalka.

Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo

Kulankii u danbeeyey ee aan Dooxa kula yee shay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa aannu kaga wada hadalnay muhiimadda ay leedahay inuu hoggaamiyo wadatashi heer qaran ah oo lagu wajahayo xaaladaha taagan ee la xiriira wax ka beddelka dastuurka, qaab dhism eelka maamul ee dalka iyo khataraha ku gedaam an madaxbannaanida iyo midnimada dalka, taas oo ah jidka keliya ee furan in la qaado.

Waxaan soo dhoweynayaa shirka Garoowe ee looga tashanayo arimaha hortebinta u leh dal ka, aniga oo madaxdii hore ee dalka iyo kuwa xilka haya ugu baaqaya in ay ka qayb galaan shir kaas oo ah mid muhiimad weyn u leh dalka oo xilligan maraya marxalad xaasaasi ah.

Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriy adda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda waxaan u soo jeedinayaa in inta uu shirkaasi soc do ay ka fogaadaan tallaabooyinka aan la isku waafaqsanayn ee la xiriira laalidda dastuurka iyo wax ka beddelka hannaanka maamul ee dalka.

Ma jirto xilli uu dalkeennu uga baahi badan yahay in aynu u midowno ka hortagga xasillooni darro gudaha ka timaadda iyo sidii aynu dadkeen na iyo dalkeenna uga difaaci lahayn khatarta dib adeed ee aynu wajahayno, meelna la iska dhigo tallaabooyinka kala qaybs anaanta siyaasadeed u horseedaya dalka.

Axmed Madoobe oo balan-qaad culus ka helay Bankiga adduunka

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Nairobi kulan kula yeeshay madaxa Bangiga aduunka ee Soo maaliya Kristina Svensson. Kulanka ayaa lagaga wada hadlay derderga linta iskaashiga arimaha la xiriira wax soo saar ka.

Sidoo kale, waxyaabaha laga hadlay wax aa ka mid ah horumarinta nidaamyada dowladda, dhismaha kaabayaasha dhaqaal aha, sida wadd ooyinka iyo buundoonyinka oo dhawaan qaar ka mid ah ay ku burbureen fatahaadaha roobabka Elnino.

Madaxa Bangiga adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa balan qaaday iney gacan ka geysan doonaan dib u dhiska kaabey aasha ku burburay roobabka El-nino, iyadoo Axmed Ma doobe ku bogaadisay dedaalka uu ugu jira wax

ka qabashada dhibaatooyinka ka jira Jubaland


W/CaafimaadkaFederalka Somaliya oo Gaadiid Caafimaad ku wareejis ayGalmudug

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo darye elka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soom aaliya Dr Cali Xaaji Aadam ayaa Shalay sedax Gaari oo labo ka mid ahi yihiim naaca gargaarka deg degga ah (Ambulance) halka kan sadexaad na uu yahay nooca Hartop-ka oo isgaguna loogu talagaley fududeynta adeegy ada Caafimaadka ku wareejiyey Wasiirka Caafimaadka Dowlad goboleed Galmudug. Munaasabadda Wareejinta Gawaarida wax aa goobjoog ka ahaa agaasima ha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo dary eelka bul shada Xukuumadda Federaalka Soom aaliya Dr. Guuleed Abdijaliil, agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka dowlad gobaleed Galmudug Cabdiwali Maxamed Axme iyo xubno kale.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo dary eelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr. Ali Haji Aden ayaa sheegey in Gawaaridan qalabays an ay wax wayn ka tari doonaan Caaf imaadka dowlad goboleedka Galmudug, isago ona sidoo kale tilmaamey in Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xuku umadda Federaalka So omaaliya u taagan tah ay xilli kasta horumarinta Caafimaadka guud dalkeen.

Dhankiisa Wasiirka Wasaaradda Caafima adka dowlad goboleed Galmudug Dr. Yaasiin Cabdi Jaamac ayaa ka mahadceliyey Gaadii dka lagu wareejiyey, waxa uuna tilmaamey in loogu ade egi doono bulshada dowlad gobol eed Galmudug si loo xaqiijiyo bedqabka bulsh ada iyo guud aha an yoolka Qaranka ee Caa fimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bul shada Xukuumadda Federaalka Soomaa liya wa xaa ka go’an wax ka qabashada baah iyaha Caa fimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin la haa Caafimaadka Soomaali ya si loo gaaro yo olka horumarinta Caafima adka ee Dowladda.

Cumar C/rashiid oo ka digay tallaabo uu qaadi karo ABIY

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cu mar Cabd irashiid Cali Sharmaake oo wareysi gaar ah siiyay Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi iyo Hanoolaato ayaa ka hadlay arrimo la xiriira xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaal iya iyo Itoobiya ee ka dha shay heshiiska badda.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in Abiy Axmed uu ku dhiiran karo dagaal, uuna ka diga yo arrintaasi, maadaama ay dhibaato ku keeni karto gobolka Geeska Afrika.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ra’I isul wasaare Abiy Axmed ay wax kasta ka suurt oobaan, sidaas daraadeedna loo baahan yahay feejignaan iyo diyaar garow xoogan.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dadka Soo maaliyeed oo uu ugu baaqay inay u diyaar garoo baan difaaca dalka, haddii ay Itoobiya isku daydo inay xoog ku qabsato baddeenna.

"Abiy Axmed isaga oo Addis Ababa qarka loo taagan yahay ayaa ka shaqaynaya kala qaybinta ama kala goynta Soomaaliya, waxa aan qabaa in aan la yaraysan waayo wax badan ayuu ku dhii rran karaa sida in uu dagaal soo qaado marka waxaa loo baahan yahay in laga feejignaado” ayui yiri Cumar Cabdirashiid.

Dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday dal abka Itoobiya u dirsatay IGAD, si mar kale looga hadlo xiisadda ka dhalatay heshiiska sharci darrada ah ee uu la galay Somaliland.

Mr Sharmaake ayaa ugu baaqay hog gaan ka Urur Goboleedka IGAD in aysan aqba lin da lab ka ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, maadaa ma uu horay u diiday shirkii ay dalba tay Soomaa liya ee ka dhacay dalka Uganda.

"Ma habbooneyn in loo ogolaado Abiy Axmed Shir uu Urur Goboleedka IGAD uga codsaday in markale la qabto si uu uga hadlo Xiisada sab abtay damaciisa ku aadan helit aanka qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya. isaga oo ka qaybgali karay shirkii IGAD ee dhowaan uu ka baaqsaday sidaas darteed waxa uu Urur Goboleedkaas u soo jeediyay in aanay laga aqbalin codsigiisa” ayuu yiri sii raaciyay.

Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kasii dareysay tan iyo wixii ka dambeeyay kowdii bish an markaas oo la saxiixay heshiiska badda ee dhexmaray Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, kaas oo ay ka carootay dowladda Soomaaliya.

Hangarka dayactirka Diyaaradaha oo Muqdisho laga furay

Waxaa Shalay magaalada Muqdisho laga daahfuray Blue Hangar, oo ah hangarkii ugu horr eysay ee lagu hubiyo bedqabka diyaaraha, lag una dayactiro ee laga furo Soomaaliya burburkii ka dib. Blue Hangar oo laga dhisay gudaha garo oonka Aadan Cadde ayaa waxaa hirgeliyay shir kadda Aerosom oo ay maalgas hadeen ganac sato Soomaaliyeed.

Garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho wux uu maalin kasta martigeliyaa in ka badan 130 duullimaad. Mana jirin xar un lagu dayactiro diyaara ddii ay cillad qabsato, taas oo sababi jirtay in ay u safraan Kenya iyo Ugan da, si loo hubiyo bedqabkooda. Waxaase Shalay baahidaas dabooshay oo ay hadda ka dib adeeggaas ka heli doonaan Blue Hanger, oo si casri ah loo qalabeeyay.

Guddoomiyaha Shirkadda Aerosom, Ismaaciil Cabdullaahi Gooni oo madasha ka hadlay ay aa sheegay in hangarkan uu ka dhashay baahi Dalka ka jirtay, ayna isu kaashadeen sidii ay ba ahidaas uga haqabtiri lahaayeen diyaaraha duull imaadyada ka sameeya Muqdisho iyo gobollada Dalka.

Maareeyaha hay’adda Duulista Hawadda Soomaaliyeed, Axmed Macalin Xasan, ayaa sheegay in ay Soomaaliya tahay Dalka kaliya ee aysan kormeer ku sameynin Hay’adda Inter national Civil Aviation Organization (ICAO), han garkaanna uu ka mid yahay shuruudaha ay dalb atay Hay’adda Caalamiga ah ee Duulista Ra yidka ee ICAO, si ay Soomaaliya ugu biirto dalal ka ay kormeerto. Sababtaasna ay ku dhal isay in ay ganacsatada Soomaaliyeed u band higaan baahida taagan, kuna dhiirrige liyaan in ay Dalka ka hirgeliyaan hangar caa lami ah.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soo maaliya, Fardowsa Cismaan Cigaal, ayaa shirk adda Aerosom ku bogaadisay waxqaba dka ay Dalka ku soo kordhiyeen. Waxayna shirkadaha Soomaaliyeed ugu baaqday in ay maalgashad aan ganaciga gaadiidka iyo duulista, oo ay she egtay in uu yahay ganacsi faa’iido badan u leh ganacsatada, diyaaraha, dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed.

Madaxdii iyo masuuliyiintii kale ee mada sha ka hadashay ayaa shirkadda Aerosom uga mahad celiyay hirgelinta Blue Hangar oo dabo olaya baahida taagan, ka qeybqaadanaya shaqo-abuurka iyo horumarinta dhaqaalaha Dalka, sid oo kalena bilaya magaca iyo sumc adda garoo nka caalamiga ah ee Adan Cabd ulle iyo guud ahaan Soomaaliya.

NISA oo shaaca ka qaaday magacyada 6 horjooge oo ay soo afjartay, kuna hawlanaa

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qara nka ee NISA ayaa shaacisay inay soo afjar tay nolosha 6 horjooge oo muddo dheer ku hawlan aa uruurinta baadda shacabka Soomaaliyeed.

Hay’adda NISA oo kaashan aysa saaxiibada caalamka ayaa howl-galkaan ka fulisay deegaan ka Buq-aqable ee gobolka Hiir aan, kaasi oo lagu dilay horjooge yaasha lixda ah ee ka tirsanaa kooxda Al-Shab aab. Lixda horjooge ee la soo afjaray noloshoo da ayaa waxaa la beegsaday xilli ay ku safraye en labo gaari kadib markii ay ka imaadeen deeg aanka Buq-aqable, sida ay shaacisay NISA.

"Howl-galkaan ayaa lagu guulaystay in lagu soo afjaro horjoogeyaal lagu raad joogay, kuwa asi oo muddo dheer ku howlanaa dhibaa teynta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka hay’adda NISA.

"Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaran ka waxaa markasta ka go’an in ay meel kasta ku beegsato cadowga Khawaarijta ah re ku howlan dhibaateynta shacabka Soomaaliy eed.”

Lixda horjooge ee la dilay ayaa waxay kala yihiin;

1. Cismaan Cali Cabdi (Caanooy) oo ahaa horjoogihii baadda shacabka u qaabilsanaa Al-Shabaab degmada Jalalaqsi.

2. Buulle Kabey oo ahaa horjoogihii gaadiidka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

3. Maxamed Abuukar oo ahaa horjoogihii baadda shacabka ee deegaanka Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan.

4. Cabdisalaan oo ahaa horjoogihii baadda shacabka ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

5. Macalin Yaasir oo sidoo kale loogu yeero Saabir oo boono-jare ka ahaa Isbaaradda Al-Sha baab u taalla deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan.

6. Macalin Aadan Fanax waxa uu ahaa xubin ka tirsan qeybaha baadda iyo boobka dhaq aala ha shacabka ee Al-Shabaab.

Deegaan hor leh oo Alshabaab laga saaray

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa macawisleyda oo iskaashanaya ayaa la soo shee gayaa inay howlgal qorsheysan ka fuliy eenn deegaano ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug..

Ciidamadaan huwanta ah ayaa Alshabaab kala wareegay deeg aan lagu magacaabo Sam eey halkaasoo fariisin ay ku lahaayeen kooxda Alshabaab.

Wararka laga helayo dhanka Dowlada ayaa lagu sheegay inay deegaankaasi markii ay kala wareegeen ay durba burburiyeen agab kii Alsh abasbku lahaayeen.

Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah dagaaladii Dow ladu hore uga waday halkaasi kaasoo qeyb ka ah aa qorshaba dowlada oo ahaa in gabi ahaan ba laga saaro gobolka Mudug.


Hay’adda maaraynta musiibooyinka oo kaal mo raashin ah ku wareejisay maamulka

G/ Gedo

Munaasabadd kooban oo ka dhacday Baq aarka kaydka raashinka hay’adda maareynta m usiibooyinka ayaa Shalay Guddoomiyaha hay’ adda mudane Maxamuud Macallim Cabd ulle wa xa uu shixnad raashin iyo daawo iskugu jirta ku wareejiyey guddoomiyaha gobolka Gedo Cab dullaahi Shimbir iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Raashinkaan ayaa gaa raya 3,000 oo tan, sidoo kale waxaa wehliya shixnad daawo ah, waxaana hay’adda SoDMA gargaarkaan ugu talagashay in la gaarsiiyo Sha cabka ku dhaqan degmooyinka iyo degaannada Gobolka Gedo oo kamid ah goobaha ay sida ba’an u saamaysay fatahaadaha iyo Daadadka El-Niño.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran ka ayaa waxaa xusid mudan in hore Go bolka Gedo u gaarsiisay Doonyo nuuca dhee reye oo waqti gaas loogu talagalay in lagu sam ata-bixiyo Shac abka ku go’doomay Fataah adaha iyo daada dkaas.

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay Magaalada Cape-town ee dalka K/Afrika

Nin dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jirey Maxamed Maxamuud Diiriye (Caafi) ayaa Shalay duhurnimadii lagu dilay Magaalada Cape-town ee Dalka Koonfur Afrika.Maxamed Caafi ayaa asal ahaan ka soo jeeda Magaalada Muqdisha g aar ahaan Degm ada Kaaraan oo reerkiisu degan yihiin.

Kooxo hubeysan oo burcad koonfur afr ik aan ah ayaa toogtay xili uu watay gaari nu uca Dukaamada ay ku soo adeegtaan ah sida dad goob joogayaal ahi sheegeen. Dhawaan ayuu qorsheynayay Max amed inuu dalkiisa ku soo laabto sida ay shee geen eheladiisa hase ahaatee waxaa ka soo hor martay ajashiisa.

Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray goob ta lagu dilay marxuumka halkaasoo ay baarit aano ka sameeyeen inkastoo aysan jirin cid loo soo xir ay dilkaas oo qeyb ka ah dilal boqo laal soomaali ah sanadihii la soo dhaafay loo gu geystay dalkaas.

Howlgalka ATMIS oo soo gabagabeeyay wajigii labaad ee dhimista 3,000 oo askari

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (A tmis) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku wareejiyeen sagaal saldhig oo ciidan, taasoo ka dhigan in la soo gaba gabeeyay wajigii labaad ee dhimista ciidanka AT MIS.

Todobo ka mid ah sag aalka saldhig ee ciida mada ATMIS ayaa Isniintii lagu wareejiyay mun aasabad ka dhacday magaalada Muqdisho sida lagu yiri warsaxaafadeedka ATMIS.

"Tirada 3,000 oo askari iyo wareejinta 7-da xar umood ee ciidamada oo lagu soo gabaga bey nayo Biyo Cadale, Raaga Ceel, Baarlam aanka, Aqalka Madaxtooyada, Qorill ow, iyo Garoonka Diyaaradaha ee Kisma ayo waxay calaamad u tahay marxaladda kala guurka ah ee amniga Soo maaliya,”ayaa lagu yiri warka ATMIS. Alhaji Sa rjoh Bah, oo ah agaasimaha maare ynta khilaafaadka arrimaha siyaasadda, nabad da iyo amniga ee guddiga Midowga Afrika oo ka hadlay munaasabadda Muqdisho, ayaa sheegay in dhi mistaasi ay calaamad weyn u tahay hiigsiga wan aagsan ee Soom aaliya.

Waxa uu sheegay in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay muujiyeen geesinimo iyo adkeysi ay ku wiiqayaan Al Shabaab, taasoo qeyb ka ah joogtaynta horumarka laamaha ammaanka.

"Dadaalladayada wadajirka ah ayaa noo suurtageliyay inaan si habsami leh u fulino dhim ista 2,000 oo askari sannadkii hore iyo, bishan 3,000 oo askari oo ATMIS ah, iyada oo aan ku wareejinayno toddobo saldhig oo muhiim ah ayuu yiri Bah.

Wuxuu xusay in isbadalka habsamida leh uu ku yimid dadaal xoogan oo ay sameeyeen gud diga seddex geesoodka ah ee Atmis, dowl adda Soomaaliya iyo xafiiska taageerada Qara mada Midoobay ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Midowga Afrika ay si isku mid ah u taageersan yihiin hirgelinta Qorsh aha Horumarinta Amniga Soomaaliya oo ay Soo maaliya hormuud ka tahay, kaas oo dhowaan la gu ansixiyay magaalada New York

Ciyaartoy ka timid Toronto-Canada oo Muq disho lagu soo dhaweeyay

Koox kubada Cagta ah oo ka dhisan Dalka Canada ayaa Shalay soo gaareen Magaalda Mu qdisho, iyadoo si weyna loogu soo dhawe eyay Garoonka Adan Abdulle International Airport ee Magaalada Muqdisho.

Kooxdaan oo lagu magacaabo Toronto FC ayaa ah koox So omaali ah balse ku dhaqan Dalka Can ada, waxaana garoonka diyaara daha ku soo dha weeyay masuuliyiin ka tirsan xiriirka Soomaa liyeed Ee kubadda cagta.

Gudoomiye ku xigeenka 3aad xiriirka Soom aaliyeed ee Kubadda Cagta Yusuf Xuseen iyo Cumar Maxamud mugaanbe oo ah Xubin gudi ga fulinta kubada cagta ayaa soo dhaweeyeen koo xdaan Soomaalida ah ee ka timid Dalka Ca nada gaar ahaan caasimada Totonto.

Kooxda Kubadda Cagta Toronto FC waxay u yimaadeen inay kulamo saaxiibtinimo la yee shaan kooxaha ka dhisan Magaalada Muq disho

Itoobiya oo loo celiyay Diyaarad ay samees teen oo loogu magacdaray Gabar

Dowladda Talyaaniga ayaa dib ugu celine ysa dalka Itoobiya diyaarad lagu samee yay gud aha Itoobiya, waxaana diyaaradan Talyaan iga ka soo qaatay dalkaasi wa qtigii uu xukuma yay nidaa mkii faashiistaha ahaa.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiyab Abiy Axmed oo ku sugan magaalada Roma ee caas imadda da lka Itoobiya ayaa goobjoog ka ahaa munaas ab ad Itoobiya dib loogu celin ayay diyaaradii ay lahaayeen.

Diyaaradan oo lagu soo bandhigay madxaf kuyaalla dalka Talyaaniga ayaa lagu sameey ay gudaha dalka Itoobiya sannadkii 1935 tii, wax aana diyaaradan Itoobiya u gashay dedaal badan sidii ay usoo ceshan laheyd.

”Shalay waa maalin ay ku faanaan Itoobi ya anka, anagoo u dabaaldageyno wareejinta rasm iga ah ee diyaarada "Tsehay”. Waxaan mahad ballaaran u jeedinayaa Ra’iisul Wasa araha Taly aaniga,” ayuu yiri Abiy Axmed.Diyaaradan ayaa noqotay tii ugu horreysay ee laga sameeyo gudaha dalka Itoobiya sa nnadkii 1935-tii, waxa ana diyaaradan loogu magac daray gabar uu dhalay boqorkii hore ee Itoobiya Haile Selassie.

NISA oo dunida ka tirtirtay warbaahintii Shab aab, heshay xogta dadkii maamuli jiray

Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Soom aaliya ee NISA ayaa shaacisay inay dibadda ka soo xirtay 14 Website oo kooxda Al-Shabaab ay ku faafi jirtay wararkooda, kuwaas oo sanad ka hor laga xiray dalka.

NISA waxay sheegtay inay daba gashay oo soo heshay xogta iyo magacyada milkiilayaa sha ku diiw aan gashan Websiteyadaas, iyadoo ugu dambe yntii la xiray, taas oo ka dhigan in xiligaan aysan jirin mareeg baahisa macluuma adka Khawaarijta Al-Shabaab.

"Howlgalkaan oo isugu jiray uruurinta mar eeg aha, baaritaankooda, helidda magacyada milkii layaasha ku diiwaangashan iyo ugu damb eyntii xiritaankooda ayaa socday bilihii lasoo dhaafay, waxaana lagu guuleystay in hawada laga saaro barahaan oo la diiwaan geliyey san ado kala du wan,” ayaa lagu yiri warka NISA.

Waxaa qoraalka hey’adda lagu sheegay in adduunka oo dhan laga mamnuucay Website-yaan 14-ka ah ee lagu baahi jiray wararka iyo afkaaraha guracan ee kooxda Al-Shabaab.

"Websiteyadaan waxaa booqashadooda laga mamnuucay adduunka oo dhan, waxaana markii ugu horeysay oo la qaaday tallaabo noocaan oo kale ah, waxayna barahaan soo jireen muddo dheer, sida ku cad magacyado oda iyo taariikh aha la aas-aasay,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Sidoo kale NISA waxay shaacisay in la helay xogaha dadkii sameeyey Websiteyada la xiray, kuwaas oo macluumaadkooda lala wad aagay hey’adaha amniga ee wadamada ay ku nooly ihiin.

"Intii ay socotay howsha lagu ciribtirayo Webs ite-yada Khawaarijta waxaa la helay liiska dadkii diiwaan-geliyey, kuwaas oo istic maalay kaararka wax lagu iibsado, waxaana lala wadaagay hey’ adaha amniga ee dalalka ay ku nool yihiin,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay NISA.

Ugu dambeyntii qoraalka hey’adda NISA wax aa lagu yiri, "Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu guuleysatay inay booqashada mare egahaan ka joojiso gudaha dalka, waxaana sharciga lala tii gsan doonaa cid kasta oo lagu helo inay argag ixisada u diiwaan-gelisay Website.”

Hoos ka eeg liiska Website-yada la xiray


Wasiir Kaahin: Xasan Sheekh Aljazeera wu xuu u sheegay inaanu diidanayn in Itoobi ya marin biyood hesho

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in hesh iiska Somaliland iyo Itoobiya uu buuq ba dan ka abuuray gobolka, isla markaana uu ka cadhaysiiyay dowlada Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Guddaha S omaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ka hadlayay shir ka Khamiislaha ah ee golaha wasiirada ayaa she egay in heshiisku uu buuq badan dhaliyay.

"Heshiiskii madaxweynuhu uu lasoo same eyay Itoobiya, buuq fara badan iyo dare en fara badan ayuu ka dhaliyay adduunya da oo dhan, dowladii Soomaaliyana waxay ku noqo tay waali, maskaxda kala goysa" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan She ekh Maxamuud uu markii hore dadka ku kiciyay in la badbaadinayo bad Soomaaliyeed, lakiin markii dambe uu Aljazeera u sheegay in aanu diidanayn in Itoobiya bad hesho lakiin uu rabo uun in ay dowlada Soomaaliya soo marto.

"Waxa uu TVga Aljazeera usheegay in aanu diidanayn in Itoobiya hesho marin biyo od, lakiin ay diidanyihiin dariiqa ay Itoobiya u martay raadinta badda" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

ETHIOPIA OO IGAD KA DALBATAY SHIR XASAASI AH, XILLI AY DIIDAY MIDKII DF SOOMAALIYA

Dowladda Itoobiya oo war cusub soo saartay ay aa ka dalbatay IGAD qabashada shir aan caadi ah ayn oo looga hadlayo xiisadda gobolka ka taagan ee ka dhalatay heshiiska badda Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo cods igan soo saartay ayaa farriint eeda toos ugu dirtay Jabuuti oo haatan haysa hoggaanka shir gu ddoonka Urur Goboleedka IGAD.

Warsaaxaafadeedka wasaaradda arrimaha Itoobiya ayaa lagu sheegay in xukuumadd ooda ay dooneyso inay sharaxdo arimaha gobolka ee taagan, gaar ahaan heshiiska bad da ee ay la gashay Somaliland.

Lama oga in IGAD ay aqbali doonto cod siga Itoobiya, maadaama ay horay iyaduna u diiday shirkii ka dhacay Kampala ee ay dala bkiisa lahayd dowladda federaalka Soom aaliya.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Soomaaliya ee ku aadan dalabka ay IGAD u dirtay Itoobiya.

Dhinaca kale ra’iisul wasaarihii hore ee Sooma aliya, Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay arrintaan ayaa farriin u diray Ururka IGAD

Mr Sharmaake ayaa ugu baaqay hogg aanka Urur Goboleedka IGAD in aysan aqbalin dalabka ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, maadaama uu horay u diiday shirkii ay dalba tay Soomaaliya ee ka dhacay dalka Uganda.

"Ma habbooneyn in loo ogolaado Abiy Axmed Shir uu Urur Goboleedka IGAD uga codsaday in markale la qabto si uu uga hadlo Xiisada sababtay damaciisa ku aadan helitaa nka qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya. isaga oo ka qaybgali karay shirkii IGAD ee dhowaan uu ka baaqsaday sidaas darteed waxa uu Urur Goboleedkaas usoo jeediyay in aanay laga aqbalin codsigiisa” ayuu yiri Sharmaake

Arrintaan cusub aya kusoo aadeysa, xilli madax weynaha Soomaaliya iyo raysal wasaa raha Itoob iya ay ku wada sugan yihiin magaa lada Roma ee dalka Italy, halkaas oo ay uga qeyb galayaan shirka Italy iyo Afrika.

Mareykanka oo war cusub ka soo saaray damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya

Dowladda Maraykanka ayaa mar kale aad u adkaysay inay kala midaysantahay IGAD, Hay ’ada ha caalamiga ah iyo bahwadaagta kale ee Qaarada Afrika in Qaranimada iyo Madaxbana anida dhuleed ee Soomaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.

Hadalkan ayaa waxaa warbaahinta u shee gay Molly Phee Kaaliya Xoghayaha arrimaha dibibada u qaabilsan arrimaha Afrika. "Wax aan qabnaa walaaca ah in is afgaradka la soo bandhigay uu caqabad ku noqon karo halgan keena wadajirka ah kaasoo ay ku jirto kaalinta Ethiopia ee sanadihii la soo dhaafay ee aad anaa la dagaalanka argag ixisada.” ayay tiri Molly Phee Kaaliya Xoghayaha arrimaha dibi ba da u qaabilsan arrimaha Afrika.

Dowladda maraykanka ayaa sheegtay sidoo kale inay taageers antahay wadahadala da u dhax eeya Dowlada Federaalka Soomaa liya iyo maam ulka Gobalada Waqooyi ee ku salaysan mustaqb alka Soomaaliya.

Xoghaye Guterres oo la dagaalamaya cule yska ay Israel soo saartay UNRWA

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antó nio Guterres ayaa dadaal ugu jira, sidii ay u sii shaq ayn lahayd Hay’adda UNRWA, taas oo ay dhaqa alaha ka jarteen dowladaha reer galbeedka.

Hay’addan ayaa ah tan Qaramada Mido obey u qaabilsan dadka Falastiiniyiinta, oo ay ku jiraan kuwa Gaza.

Tallaabada dhaqaalaha looga jaray ayaa timid, ka dib markii Israel ay 12 ka mid ah shaqa alaha ha y’addaasi ku eedeysay inay ka qayb qaateen wee rarkii Xamaas ay 7-dii Oc tober ka gaysatay dhulka ay maamusho.

António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qara mada Midoobey ayaa la kulmay wakiilo ka socda in ka badan 30 dowladood oo deeq-bixiyeyaal ah, isagoo dalalkii joojiyay deeqa ha ka codsaday inay dib u eeg aan. Xoghayaha ayaa sheegay in sharciga lagu qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata weerark aasi, balse ay tahay inaanan xilligan adag hay’adda laga jarin taageerada ay u baahan tahay, si ay adeegyadeeda u sii bixiso.

Waxa uu sheegay in taageerada maaliyad eed ee deeq-bixiyeyaasha ay halbowle u tahay howlaha samafalka ee ay hay’addu u hayso Falastiiniyiinta.

Xoghaye Guterres ayaa gadaal ka riixaya in la sii wado taageerada naf badbaadinta ah, inta ay socoto hannaanka lagu sheegay isla xisaabtanka.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netany ahu ayaa Mareykanka ku cadaadinaya in wax ka bedel lagu sameeyo shaqada hay’adda, ka hor inta aan la fasixin dhaqaalaha la siiyo.

Guterres ayaase dadaal badani ku bixinaya inaanay istaagin howlaha hay’adda oo ku eg bisha February, haddii dalalka deeq-bixiyeyaa sha aysan dib u bilaabin tabarucaadkooda.

UNRWA ayaa door muhiim ah ku leh garg aarka bani’aadantinimo ee haatan la siinayo dadka reer Gaza, oo wajahaya waqtigii ugu ad kaa, inta ay taariikhda xuseyso.

Dadka reer Gaza oo tiradooda lagu sheego 2.3 milyan oo qof ayaa dhibane u ah duqaymaha baa hsan ee ay Israel ka waddo Marinka Gaza ee gays anaya dhimashada faraha badan. Waxaa intaasi u dheer hoy la’aan, gaajo daran, biyo iyo dawo yari, waana xilli Israel ay hortaagan tahay in gargaar mac no leh la geliyo Gaza.

Haddii aan si dhakhsi ah UNRWA dib loogu ogolaan lacagihii lagu maalgelinayay, waxay noqon doontaa ciqaab kale oo ka dhan ah shacabka Falastiiniyiinta, sida ay sheegayaan Saraakiisha Q aramada Midoobey. NGO-yada waaweyn ayaa soo saaray codsi degdeg ah oo ku saabsan in laca gaha nafaha lagu badbaadiyo ay sii socdaan. Madaxa Hay’adda UNRWA, Philippe Lazz arini ayaa mar sii horreysay sheegay in hay’a ddu ay maamusho hoyga in ka badan 1 milyan oo qof.

Shaqaalaha hay’adda ee ka hawlgala Gaza ayaa lagu qiyaasaa 13,000 oo qof, kuwaa oo maamula dugsiyo iyo hoy, waxayna bixiyaaan adeeg isugu jira gargaar bani’aadantinimo, waxbarasho iyo daryeel guud.

Britain oo ka fiirsaneysa iney aqoonsi buu xa siiso dowlada Falastiin

Britain waxay ka fiirsan doontaa inay aqoon sato dowlad Falastiin ah taasoo qayb ka ah dadaallada wadajirka ah ee lagu doonayo in lagu gaaro heshiis nabadeed ", ayuu yiri xogha yaha arrimaha dibadda David Came ron.

Waxaa uu sheeg ay in tallabadaasi ay gacan ka geysan doonto in la keeno xal laba dowlad ood ah oo hadda wajahaya mucaaradad xooggan oo uga imaanaya ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Neta nyahu.

Falastiiniyiinta waa inay lahaadaan aragti siyaa sadeed si ay u arkaan inuu jiro horumar aan laga laaban karin oo lagu gaari karo xal laba dowladood ah”, ayuu yiri Cameron khudbad uu ka jeediyay xaf lad lagu qabtay London.

Xoghayaha arrimaha dibadda ayaa Netan yahu ugu baaqay inuu aqbalo xal laba dawl adood ah si nabad loogu soo dabaalo labada dhinac ee Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Netanyahu ayaa diiday dadaallada xulaf ada, oo uu ku jiro Mareykanka, , isagoo shee gay in arrint aas ay khatar gelineyso dowladda Israa’iil

Hase yeeshee khudbadiisii Cameron wuxuu ku qeexay sida UK iyo xulafada ay u kordhin karaan ca daadiska Israel iyagoo ka fiirsanaya inay aqoonsad aan dawlad Falastiini ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

"Waa inaan bilownaa inaan dejino sida ay u ekaan doonto dowladda Falastiin – waxa ay ka koo bnaan doonto, sida ay u shaqeyn doonto,” ayuu yidhi. "Sida taasi dhacdo, anaga, anaga iyo xulafa da, waxaan eegi doonaa arrinta aqoonsiga dowlad Falastiin, oo ay ku jirto Qaramada Mido obay. Tani waxay noqon kartaa mid ka mid ah waxyaabaha caawinaya in geeddi-socodkan aan laga noqon karin.” ayuu intaas ku daray

Cameron ayaa todobaadkan booqashadiisii afraad ku tagi doona bariga dhexe tan iyo mar kii loo mag acaabay xoghayaha arrimaha diba dda bishii Novem ber isagoo Israel ku cadaad inaya in xiisadda la qaboojiyo.

Diyaarad F-16 ah oo milatariga Maraykanka lahaa oo burburtay iyo Duuliyihii diyaarada oo Badbaaday

Diyaarad dagaal oo nuuceedu yahay F-16 ayna leeyihiin ciidamada milatariga ee dalka Mareykanka ayaa Shalay oo Arbaco ah ku bur burtay xeebaha galbeed ee dalka Kuuriyada Koonfureed.

Warbaahinta Kuuriyada Koonfureed ayaa baahis ay in diyaarada dagaalka ay Shalay bur burtay xilli ay howlgal ku jirtay, lamana oga ilaa hadda sababta ka dambeysay bur burka diyaaradan dagaal.

Duuliyihii diyaarada bur burtay waday ayaa shilkan ka bad baaday, waxaana howlgal baadigoob ah oo la sameeyay lagu guuleestay in lasoo helo duuliyihii diyaarada ee shilkaasi ka bad baaday.

Diyaaradan dagaal ee ku bur burtay Kuuriyada Koonfureed ayaa noqoneysa middii saddexaad ee nuuceeda ah ee ku bur burto dalkaasi muddo sannad gudihiisa, waxaana socda baaritaano ku

baadan sababaha keenay bur burka diyaaradahan.


Mareykanka oo QM ka dalbaday in wax ka bedel lagu sameeyo qaab dhismeedka UNRWA

Dowladda Mareykanka ayaa shuruud ku xirt ay in dib loo fasaxo lacagihii la siinayay Hay ’adda Qa ramada Midoobey U Qaabilsan Gar gaarka & Arr imaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ee dha waan laga joojiyay, ka dib markii 12 ka mid ah Sha qaalaha Hay’adda UNRWA lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho.

Ka dib markii Israel ay sheegtay in xubna haasi ay ka qayb qaateen afduubka iyo dilka Israeliyiinta, intii uu socday weerarka, dalal ay ka mid yihiin deeq-bixiyeyaasha ugu sarreya ee Mar eykanka iyo Jarmalka ayaa joojiyay taageerada maaliyadeed ee Hay’adda UNRWA.

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoo bey, haweeneyda lagu magacaabo Linda Thom as-Greenfield ayaa sheegtay in Wa shington ay dooneyso inay aragto is bedel ada aasaasiga ah ee hay’adda ka hawlgasha Ga za, ka hor inta aysan dib u bilaabin maalgelinta hay’addaasi.

"Waxaan u baahanahay inaan eegno hay’a dda, sida ay uga shaqeyso Gaza, sida ay u maareeyaan shaqaalahooda iyo in la hubiyo in dadka gaysta falalka dembiyada, sida kuwan 12 shakhsi oo kale ah si degdeg ah loola xisa abtamo, si UNRWA ay u sii wadi karto shaqa da muhiimka ah ee ay tahay inay sameeyaan.” Ayay tiri Linda Thomas-Greenfi eld.

Waxay sheegtay in loo baahan yahay in sharciga lala tiigsado cid kasta oo ku lug lah ayd weerarkii October 7-deedii.

"Ma ogolaan doono in wixii dhacay ay hare eya an shaqada wanaagsan ee Hay’adda Qara mada Midoobey ee UNRWA.” Ayay tiri Linda Thomas-Greenfield.

Linda Thomas-Greenfield ayaa muujisay in Washington aysan dib u fasixi doonin kaalm adeeda Hay’adda UNRWA, illaa iyo inta wax ka bedel lagaga sameynayo qaab dhismeedk eeda.

UNRWA oo ah hay’adda ugu weyn ee caaw isa dadka Gaza ee xilligan adag ee ay masiib ada ban i’aadantinimo ka jirto dhulka la go’do omiyay ayaa walaac ka muujineysa tallaabada looga joojiyay dhaqaalihii ay ku shaqeynaysay.

Afhayeen u hadlay UNRWA ayaa u shee gay Reuters in hay’addu aysan sii wadi doonin shaqad eeda, wixii ka dambeeya bisha soo soc ota ee February, haddii aan maalgelinta dib loo bilaabin.

Ma cadda illaa inta ay qaadan karto baarita anka UNRWA ee shaqaalaheeda.

Hay’adda ayaa shaqada ka joojisay 9 ka mid ah xubnahaasi oo la aqoonsaday, iyadoo mid la sheeg ay inuu dhintay, halka labada kalena ay weli baarita an ku socdaan. Mareykanka ayaa UNRWA ku taa geeray hal bilyan oo dollar, saddexdii sano ee la soo dhaafay,waana dalka ugu weyn ee maal geliya.

Xuuthiyiinta oo u diyaargaroobay dagaal waqti dheer oo ka dhan ah Mareykanka iyo Ingiriiska

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa ku hanjabay in dagaal waqti dheer ah ay la geli doonaan Ciidama da Mareykanka iyo Ingiriiska, haddii ay sii wadaan duqaymaha ay ka gaysanayaan dalka Yemen. Cii damada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa 12-kii bis han bilaabay in ay bartilmaameedyo ka gaystaan go obaha ay maamulaan Xuuthi yiinta Yemen, si looga jawaabayo weeraradoo da Badda Cas, ee ay ku go’doominayaan Dekedaha Israel.

Wasiirka Difaaca Xuuthiyiinta, Mohamed Al-Atifi ayaa ka digay iska horimaad waqti dheer ah, oo ay ku wajahaan xulafada Mareykanka ee ku sugan Badda Cas. "Waxaan diyaar u nahay iska horimaad waqti dheer ah oo aan la galno ciidamada cadowga ah.” Ayuu yiri Wasiirka oo warkan ku sheegay ba yaan uu Talaadadii soo saaray.

Wasiirka ayaa sheegaya in ay u diyaargar oob een dagaalka muddada dheer, taasna aanu wax shaki ah ka jirin in Xuuthiyiinta ay awooddeeda leeyihiin.

"Mareykanka, Ingiriiska iyo kuwa la shaqee ya waa in ay ogaadaan awoodda go’aanka Yemen ee madaxbannaanida iyo in aysan jirin wax dood ama khilaaf ah oo ku saabsan.” Ayuu yiri Wasiirku.

Xuuthiyiinta ayaa sheegaya inaysan xulafa da Mareykanka awood u lahayn in maraakiibta laga le eyahay Israel iyo kuwa kale ee ku socda dekedah eeda ay ka gudbaan marin biyoodka Badda Cas, inta ay Israel sii waddo gardara deeda bay yiraahde en Gaza.

Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa maalmahaanba Bad da Cas ka gaysanayay weeraro ay ku sheegeen in ay kaga aargudanayaan Marey kan ka iyo Ingiriiska, ka dib duqaymahooda Yemen.

Washington iyo London ayaa Xuuthiyiinta ku ee deeyay in ay carqaladeynayaan isu soc odka mara akiibta ganacsiga caalamiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Xuuthiyiinta ayaa Sabtidii gantaal la helay mar kab nooca shidaalka qaada ah oo laga leeyahay dal ka Ingiriiska. Markabka Marlin Luanda ayaa lagu bartilmaameedsaday Badda Cas. Wasiirka Difaaca Ingiriiska, Grant Shapps ayaa wax aan loo dulqaa dan karin ku tilmaam ay weerarada ka imaanaya dhanka Xuuthiy iinta, isagoona carabka ku adkee yay in London uu waajib ka saaran yahay ilaalinta buu yiri xorriyadda socdaalka ee Badda Cas.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al-Houthi ayaa dhawaan sheegay inay san iyagu khuseynin hanjabaadaha ka soo yee raya isbahay siga uu hoggaamiyo Mareykanka. Hoggaamiyaha ayaa sheegay in weerarado oda ay istaagi doon aan, marka ay Israel soo afjarto duulaankeeda Ga za iyo go’doominta ay muddada dheer ku hayso.

Weerarada reer galbeedka ee ka dhanka ah Xuut hiyiinta ayaa kaga sii dartay xiisadda muddooyin kanba ka jirtay Badda Cas.

Netanyahu oo jeediyay hadal carqaladeyna ya wada hadalada socda

Iyadoo ay socdaan dadaalo xal loogu raa dinayo colaadda Gaza iyo sidii heshiis max aabiis is weyd aarsi ah loo gaari lahaa ayuu Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netany ahu sheegay inaysan sii deyn doo nin kuman aanka maxaabiista Falastiiniyiin ah.

Raysal Wasaaraha ayaa ku hanjabay in Israel ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah Ururka Xamaas, illaa iyo inta laga gaar ayo hadafka Israel ee dagaalka lagu burburinayo ururkaasi. "Waxaan maqlaya hadal ku saabsan dhammaan noocyada heshiis ee lagu baaqayo. Waxaan jeclaan lahaa inaan caddeeyo ma joojin doono dagaalka, iyadoo aan la gaarin dhammaan hadafkii aan lahayn, ee ah baabi’inta Xamaas, soo celinta dhammaan la haysteyaasha Israeliyiinta iyo in la hubiyo in Gaza aysan mar dambe noqon goob khatar ku ah amniga Israel.” Ayuu yiri Raysal Wasa are Netanyahu.

Waxa kaloo uu sheegay inaysan Tel Aviv ciid amadeeda kala bixi doonin Marinka Gaza, heshiis kasta oo la gaaro, tani oo caqabad ku ah wada hadalada uu Mareykanku gadaal ka riixayo ee xalka loogu raadinayo la haysteyaa sha Israeliyiinta, oo ay ku jiraan kuwo haysta laba dhalasho, oo qaarkoodna ay yihiin muw aadiniin Mareykan ah.

"Ciidamada Israel kama soo bixi doonaan Mar inka Gaza, mana sii deyn doono kuman aanka arga gixisada ah.” Ayuu yiri Netanyahu.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip