HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NESPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 31-KA JANNAAYO 2024-KA

0
Wednesday January 31, 2024 - 08:13:15 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NESPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 31-KA JANNAAYO 2024-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan sheekh oo markale ka digay faragelinta Itoobiya ay ku heyso Soom aaliya

Madaxweynaha JFS Md Xasan Sheekh Maxa muud oo khudbad ka jeediyey Madasha Talya an iga iyo Afrika ayaa xusay mustaqbalka wana ags an ee Soomaaliya, fursadaha maalgashi iyo khay raadka dihan ee ceegaaga dalkeenna oo wax tar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iska ashi ga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraam ka shar ciyadda iyo mabaadi ’da madax-bannaan ida & wadaj irka dhu leed ee dala lka.

"Iskaashiga Afr ika iyo Talyaaniga ma noq on karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduud aha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madaxbannaan ida dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay caqabad ah a hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dh abar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soo ma aliyeed, isagoo sheegay in xoreynta deegaann ada ku jira gacanta argagixisada ay barb ar socd aan qorsheyaal lagu adkeynayo dowla dnimada, laguna xoojinayo iskaashiga iyo doo rka Sooma aliya ee Gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin; ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta.

"Soomaaliya waxay ku faani kartaa khayra adka Alle ku mannaystay ee dhinacyada Beera ha, Xoolaha, Kalluumeysiga, Tamarta, iyo boo ska istaraatiijiga ah, kuwaas oo ay wehelinya an in ay yihiin dad fir fircoon, dhalli nyaro u badan, kuna tilmaaman hammi iyo hal-abuur. Ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaq aallaha Bari ga Afrika waxa ay si weyn u dhiirri-gelisay aragtid ayada ganacsi”.

Baarlamaanka dalka oo bilaabaya ka doodista cutubyada Dastuurka

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha aqalka sare ee Baarlamaanka JFS mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehelisay Guddoomi ye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Mar wo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa Shalay xar unta Aqalka sare kulan kula qaatay gudd oon ka guddiga Dastuurka Baarlamaanka JFS.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ayaa xubnaha guddiga Dast uurka kala hadlay qaabka ay ugu diyaar garoobeen gu da galka doodda afarta cutub ee ugu horraysa Dastuurka, qaabka loo hagayo maalmaha dood da iyo jadwalaynta afarata cutub ee ugu horra ysa.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Guddoom iye ku xigeenka labaad ee aqalka sare Md. Cabd ullaahi Cali Xersi Timacad de iyo xogh ayaha guud ee aqalka sare ee Baarlamaanka JFS.

D/Soomaaliya oo daah-furtay ma shr uuca iskuxirka hannaanka casriga ah ee gob olka Bariga Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS Md.Bixi Iiman Cige & Wasiirka Boos tada iyo Isg aarsiinta XFS Md.Jaa mac Xasan Khaliif ayaa Shalay waxa ay si wadajir ah u daa h-fureen mashruuca Iskuxirka hana anka casriga ah ee gobolka bariga Afrika {The Wastren Africa Ragional Digital Intergr ation Proj ect} kaas oo Shalay Muqdisho lagu qabtay mun aasabaddii lagu soo bandhigayay.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda dowladda FS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka hadlay mu hiimadda uu lee yahay Mashruuca hannaa nka Dhijitaalkaah oo ahmiyad gaar ah siinaya ku biir istii Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afr ika (EAC) isagoo xusay in mashruu can uu Soomaaliya ku saacidayo inay ka faa’I ideysato ururka ay xubinta ka tahay, iyadoo la jaanqaad aysa Tiknolojiyadda casriga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrimo muh iim ah kala hadlay Madaxweyne Azali Assou mani

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Roma ee caasima dda dalka Talyaaniga shir uga qeyb galaya ayaa ku lan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dalka Com oros, Azali Assoumani ahna guddo omiyaha Mid owga Afrika. Labada madaxweyne ay aa kulanka ay yee sheen u ga wada hadlay arrimo ba dan oo muhi im ah ay kamid yihiin kor u qaadida xiriirka labada dal iyo xoojinta dedaallada iskaashi, si qa aradda Afrika ay u gaarto mustaqbalka horumar iyo barwaaqo.

Kulanka dhax maray Xasan Sheekh iuyo Azali Assoumani ayaa looga hadlay in ay lama huraan tahay dhowridda madax-bannaan ida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dha mmaan waddamada xubnaha ka ah Midowga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaana la wadaagay guddoomiyaha Midowga Afrika sida dowladiisa uga soo horjeedo xad-gudubka dowl adda Itoobiya, waxa uuna u caddeeyay in aysan marnaba Soomaaliya aqbeli doonin in taako dhulkeeda kamid ah la qaato.

Madaxweyne Deni oo ka laabtay Muddo kordhintii Golaha Wakiilada

Madaxweynaha Puntland ayaa ka laabtay dib u dhigistii uu ku sameeyay dhisidda xukuu mad da cusub sida ay sheegayaan Illo wareed yo ku sugan Magaalada Garowe oomadax-bannaan.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegaya dhinaca kale in uu baajiyay safar uu ugu bixi lahaa dalka dibaddiisa gaar ah

aanna waddan ka Imaaraatka Cara. Wararka ayaa tilmaam aya in Siciid Deni uu guda-galay hawsha dhis maha xukuumadda cusub uuna bilaabay la-ta shiyo ku aaddan arrintaas.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni oo fulinaya heshiiskii ayaa saacadaha soo socda dib Jim caale Takar ugu magacaabi doona taliyaha cii danka Danab.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan kulany yeesheen Muddo 30 Cisho ugu kordhiyay Waqtiga uu Madaxweyne Deni ku soo magacaabayo Golaha Wasiirada Cusub ee Pun tland Balse Balse Madaxweyne Deni ayaa arink aas ka laabtay islamarkaana gudo galay soo xuli sta Wasiirada Cusub eisaga oo la tashanaya Madaxweyne ku xige enka Puntland Ilyaas Cismaan lugo Toor iyo Isimada Dhaqanka Punt land

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay madaxa Hay’adda IMF

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheikh Maxamuud oo ka qeyb galay shirka Afrika iyo talyaaniga ayaa Magaalada Rome ee dalka talyaaniga kulan gaar ah kula yeeshay Madaxa Hay’ adda IMF Krista lina Georgieva.

Mrs, Georgieva ayaa bog aadisay dadaala da horu marinta dhaqaalaha ee dowlad da Soomaaliya ay ku talaa bsatay.

Waxay si gaar ah u xustay isbadalada dowl addu ay qaadday kuwaas oo dhaqaalaha dal ka sare loogu qaadayo laguna dhimayo saboo lnim ada islamarkaana lagu xoojinayo heyada ha dowlada

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo iska kaa shanaya arrimaha difaaca

Wasiirka gaashaandhigga XFS, Cabdulq aa dir Maxamed Nuur ayaa magaalada Rome ee xar unta dalka Talyaaniga waxa uu kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi, Guido Crosetto.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadl een sidii loo xoo gin lahaa wada shaqeynta labada wasaaradood ee arrim aha Difaaca.

Dowladda Talyaanigu waxay ka mid yahay saaxiibbada naga taageera difaaca iyo amniga Soomaaliya.

Somaliya oo khatarta heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya la wadaagtay dalalka…

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weli wada dadaallada ay ku dooneyso in caala mka ku tusto khatarta heshiiskii 1-dii bishaan ay Addis Ababa ku gaareen Muuse Biixi iyo biy Axmed.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mala ysia Danjire Abuukar Cabdi Cusm aan oo kulan la yee shay safiira da dalalka Carabta ee fadhi goo du yahay dalkaasi ayaa war bixin ka siiyay danjireyaasha far a-gelinta iyo ku xad-gudubka qaawan ee Ethiopia kula kacday Qaranim ada Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in Ethio pia ay is-afgarad (MoU) sharci-darro ah ku xalaa lsanayso dhulka, badda iyo khayraadka cegaaga badda iyo dhulka Soomaaliya, ayna la saxiixatay maa mulka Somaliand oo ah kamid ah Jamhuu riyadda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay safiira da dalalka Carabta u soo bandhigay in is-afgaradka Ethiopia iyo maamulka Somaliland kala saxiixd een aanu khatar ku ahayn Soomaa liya oo keliya, balse uu halis ku yahay calaam ka gaar ahaan dalalka Bariga Dhexe, Asia iyo Geeska Afrikaba, kuwaasi oo kulaala biyaha Badda Cas.

Danjire Abuukar ayaa ugu dambeyntiina wux uu mahadnaq ballaaran u jeediyey dowlad aha Carabta iyo qaraarkii Jaamacadda Carab ta ay ka soo saartay, kaasi oo ay ku taageer een go’a ankii dowladda federaalka Soomaali ya uga hor timid heshiis beenaadk aasi.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay heshiiskii Addis Ababa, oo Ethi opia lagu siinayo qeybo kamid ah biyaha Soo maaliya, ayada oo madaxweyne Xa san Sheekb uu saxiixay xeer burinaya is-afg aradka sharci-darrada ah ay kala saxiixde Itobiya &Somaliland.


Wasiirka arrimaha gudaha iyo gudoomiya ha hay’adda qaxootiga oo la kulmay dadka soo barakacay

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, feder aalka iyo dib u heshiisiinta dowladda FS mudane Axmed Macallim Fiqi oo ay wehliso Marwo Safiyo Xasan Maxamed ayaa Shalay xarunta hay’adda Qaran ee qaxootiga iyo Brakacayaasha kulan kula qaatay dadka soo barakacay ee ka kala yi mid xeryaha barakacay aasha ee gbolka Banaa dir, halkaas oo looga wadatashaday muhiimadda uu leeya hay Hindise Shariciyeedka barakacaya asha ee yaala baaralamanka JFS. Hindisaha ay aa ah Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacayaasha Qaranka.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Bara kacayaasha Qaranka marwo Safiyo Xas an Max amed ayaa u sheegtay dadka barak acyaasha ah in dowladda u heelan tahay wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed iyo deegaan ee ay lanoolyihiin, sidoo kale waxay ku boorisay soo gudbinta dhibaatooyinka ay wajahaan. Guddoom iye Safiyo ayaa hay’adda iyo shaqaalaheedu ku boorisay xoojinta ay u taagn yihiin xal uraadinta bulishada Somaaliyeed ee tiradooda lagu shee gay 3.7 M barakacayaal ah.

Gudoomiyaha ayaa sheegtay in colaadaha iyo daadadkii ku dhuftay dalka sanadkii tagay , ay kordhiyeen dadka Soomaaliyeed ee ku baraka cay dalka gudihiisa. Md. Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gud aha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo ka hadlay kulankaan ay soo qabanqaabisay Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka ayaa waxaa dadkii bara kacayaasha ahaa ee uu lakulmay lawadaagay Muhiimada Sharciga ilaalinta iyo Taakulaynta Ba rakacayaasha, kaa oo hada horyaala Mudanaya asha Golaha Shacabka Soomaaliy eed.

Md.Axmed Macalin Fiqi wasiirka wasaa radda arimaha gudaha ayaa dhagaystay haahi yaha dhanka nolasha, deegaanka, caafimaad ka, amn iga, waxbarashada, iyo nololmaalm eedka dadka barakacay ayaa u balan qaaday in dowladda Soo maaliyeed ay muhiimad wayn siin doonto sidi gar gar deg-deg ah loogu fidin lahaa qoysaska dalka ku baracay, xal waaarana logu heli lahaa.

Madaxweynaha Galmudug oo furay Kal-fa dhiga 9-aad ee Baarlamaanka Galmudug

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmu dug Md.Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliy aan madaxweyne ku xigeenka Galmudug Md. Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha gola ha wakiillada Md. Maxamed Nuur Gacal ayaa furay kalfadhiga 9-aad ee golaha Wakiill ada dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Qooo rqoor ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, kaas oo ay ku dhinteen xubno ka mid ah baarlamanka Galmudug, isagoo xusay in ay xoogga saarayaan sidii looga ciriribtiri lahaa deegaa nada ay wali kaga harsanyihiin Galm udug.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay ma dasha ayaa Golaha uga mahad celiyay waxqab adkii ballaarnaa ee soo qabteen kalfadhiya dii la soo dhaafay iyo isla xisaabta nka joogtada ah ee ay wadaan mudanayaasha Golahu, isagoo sidoo kale ammaanay sida ay ahmiyadda u siiyeen hawlaha hortabinta u leh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyey ciyaartoyda xulka Galmudug ee ku guuleystay Dorraad koobkii dowlad goboleedyada iyo gob olka Banaadir.

Hay’adaha Samafalka Soomaaliya oo dalb aday Lacag dhan 1.6 bilyan oo Doollar

Hay’adaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya arrimaha samafalka ayaa dalbanaya lacag dhan 1.6 bilyan si loo caawiyo dad gaaraya 5.2 Milyan oo Soomaali ah sanadka 2024.

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musii booyinka Qaranka Maxamuud Macallin iyo ku-xigeenka Ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna xiriiriyaha garga arka biniadinnimo ee Soomaaliya George Conway ayaa Shalay si wada jir ah u daah-furay Qorsh aha ka jawaabista baahiyaha bini’ adannimo ee 2024.

Guddoomiyaha SoDMA oo qudbad ka jee diyay shirka ayaa sheegay in sanadkii tagay dad ka Soomaaliyeed ay isugu darsameen fataahado ka dhashay roobabkii Elnino-da kuw aas oo sababay barakac fara badan isagoo sheegay in 80% dadka ku barakacay ay yihiin Caruur iyo Haween.

Gudoomiye Maxamuud ayaa sheegay in Dow ladda Soomaaliya ay ka walaacsantahy xaaladda bini’aadannimo ee ka sii darayso taas oo ay sababtay xaaladda isbeddelka Cimil ada, iyadoo dowladda Soomaliyana ay ka go ’antahay wax ka qabashada xaladdaas adag.

Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee QM Md. George Conway ayaa isagana ka sheegay shirka in dhinacyada ka shaqeeya samafalka

ay xoojin doonaan yoolka gaarista hawlaha socda waxayna ka shaqayn doonaan natiij ooyin wada jir ah oo gacan ka gaysan doono dhimista baahiyaha iyo khatarta.

Ugu danbayn shirkaan waxaa ka soo qayb-galay wasaaradaha gargaarka dowlad gobole edyada dalka, Hay’adaha ka shaqeeya samaf alka, Deeq-bixiyayaasha iyo madax ka socotay hay’adda QM ee ka shaqeeya samafalka.

Hirshabeelle oo Al-shabaab ku eedeysay dagaal beeleed ka socda xadka Hiiraan &Sh/ Dhexe

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa sheegay in dagaal beeleedka ka socda xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iney hurinayaan Ururka Al-shabaab.

Wuxuu sheegay in dagaalka u dhaxeeya beelaha Abgaal iyo Xawaadle ee maalmahii lasoo dhaafay ka socday deegaanka Iji iney ka dambeeyaan Al-shabaab.

"Nimankii Shabaabka ee laga adkaaday ayaa sameynaya inay beelaha isku diraan, si culeyska la soo saaray ay isaga yareeyaan, waxayna ku mashquulsan yihiin in dadkii ay ka dhex adeeg taan, ayna isu jiheeyaan, si daga alka ayaga ku wajahan uu gaabis u galo.” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Karoore.

Wasiir Karoore ayaa sidoo kale tilmaamay in u jeedka kooxda Al-shabaab uu yahay ka shaq eynta isku dirka dadka deriska ah si looga mashq uulo howlgalada iyaga ka dhanka ah.

"Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobole ed ka Hirshabelle, labaduba faham fiican ayay ka qabaan, Insha’Allah waana ka hortagaynaa, dha mmaanteenana waan ka wada shaqeyna ynaa” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Karoore.

Wuxuu sidoo kale uu sheegay Wasiir Karoore in ka maamul ahaan ay haatan wadaan dadaalo lagu heshiisiinaayo beelaha walaalaha ah oo ay qayb ka yihiin odayaasha iyo waxgaradka ee labada gobol ee kasoo jeeda beelaha dagaalam aya.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka arrim aha gudaha Hirshabeelle ayaa kusoo beegm aya, iya doo mudo dhowr jeer ah uu ka dhacay xadka Hiir aan iyo Shabeellaha Dhexe dagaal beeleed geys tay khasaaraha dhimasho gaareysa ku dhawaad 10 ruux oo labada dhinac ah iyo dhaawac intaas ka badan, islamarkaana wali labada dhinac ay isku hor fadhiyaan goobahii ay ku dagaalameen.

Maxaa looga hadlay Shirka Agaasimiyaa sha Wasaaradaha KGS?

Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Dr Maxamed Ibraahim ayaa Gudoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud Was aaradaha oo ka qabsoomay Aqalka Mad axtoo yada Magaalada Baydhabo

Shirka oo ay sido kale Joobjoog ay ahay een Agaasimaha Guud Madaxtooyada Cabdifa taax Mahad Cabdiraxmaan iyo Gudoomiyaha Gudiga Shaqaalaha Rayidka Md. Sharmarka Maxamed Kuulow ayaa looga hadlay Dardar gelinta Howla ha Shaqo Wasaaradaha iyo sidii la isaga Xog-Waraysan lahaa Sanadkii aan soo dhaafnay wax yaabihii Qabsoomay iyo Caqabadaha Jira.

Dowlada Itoobiya oo IGAD ka dalbatay Shir ay kaga hadasho heshiiska Somaliland

Dowlada Itoobiya ayaa IGAD ka codsatay shir degdeg ah oo ay ku sharaxdo heshiiskii sharci darada ahaa ee ay la gashay Maamulka Soma liland.

Madaxweynaha Jabuuti oo haya hogaanka IGAD ayay warqad u dirsadeen si uu u qaban qaabiyo kulankaasi.

Wasaarada arimaha dibada Jabuuti oo ka jaw aabeysay dalabka Itoobiya ayaa durba bilow day inay dalalka IGAD u dirto fariimo wargelin ah oo ay ku iclaaminayaan shirka IGAD si loo dhage ysto Dowlada Itoojiya.

Hadaba halkaan ka dhageyso faahfaahinta arintaan oo aan ka soo xiganay Saab TV.


Xil. Mustafe Kheyreye”Jabkii naga soo gaa ray Laas-caanood waxaa ka danbeeyay Xukuumada”

Gollaha Wakiilada Somalialnd ayaa Shalay do od adag waxay ka yeesheen Xaaladda Amni iyo mida siyaasadeed,waxayna si gaar ah usoo hadal qaadeen Dagaalkii Laas-caanood looga qabsaday.

Xildhibaan Mustafe Khayre eye oo ka mida mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka mid ahaa kuwii dooda ka qeyb qaatay.

"Jabkii Ciidamada Qaranka ka soo gaadhay Waxay ahayd Mu’aamarad qorshays an Oo Xukuumaddu Ku Tallo Gashay”ayuu yiri Xildhi baan Mustafe

"In magaalo aan cidi joogin in la weeraro wax ay ahayd siyaasad ay madaxda iyo masuu liyiinta jooga isla ogaayeen oo laga danbee yey”ayuu mar kale yiri xildhibaanka

Xildhibaan Mustafe wuxuu ku baaqay in gudi xildhibaano ah loo saaro si ay usoo baaraan sida jabkaasi ku yimid,sidoo kale wuxuu soo jeediyay in in loo yeedho masuuli yiintii arrimahaani khus eeyso.

Hadaba Dooda adag ay Shalay yeesheen xi ldhibaanada Somaliland ka daawo muuqa alkaan oo aan ka soo xiganay Saab TV.

Wafdi ka socda guddiga Midowga Afrika iyo ATMIS oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Kulanka oo looga hadlayey amniga dalka waxaa ka qaybgalay wasiiru dowlaha wasaarad da gaa shaandhiga Soomaaliya mudane Cabdi nuur Daahir Fiidow, agaasimaha guud ee wasaar adda warfaafinta,

dhaqanka iyo dalxiiska XFS Md. Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha guud ee wasaara dda Amniga Gudaha Soomaaliya Md. Yuusuf Cali Maxam ed, iyo mas’uuliyiin yihiin iyo latal iyiin ka kala soc day hay’adaha dowladda, dhin aca Midow ga Afrika kulanka waxaa uga qeyb galay Wakiilka Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS Danjire Maxamed Al-amin Souef, Taliy aha Ciidanka ATMIS iyo wafti ka socda Midowga Afrika African oo uu hoggaaminayay agaasim aha maaraynta khilaafaadka, aririmaha siyaas ad da, Nabadda iyo Amniga mudane Alhadji Sarjoh Bah.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray horum arka Amniga Soomaaliya, guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro Khawaarijta, iyo dhameys tirka bixitaanka Ciidanka Hawlgalka Midowga Afri ka ee dhammaadka sanadkan.

Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Sooma aliya ee kulanka qeyb galay ayaa bandhigay hor umarka Ciidanka Qaranka ka sameeyeen dagaa lka lagu ciribtirayo kooxaha Argagixisa da iyo sida ay dowladda uga go’an tahay oa wareegista Amniga marka ay dalka baxaan ciidanka Hawlg alka Midowga Afrika December 2024.

Somaliland oo ka carootay tallaabo ay qaaday ILHAAN

Wasiirka warfaafinta maamulka Somaliland, Md. Cali Xasan Maxamed o qoraal kooban soo dhigtay bartiisa X ee hore loo oran jiray Twitter ayaa ugu jawaabay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka, taas oo dho waan ka hortimid heshiiska uu Muuse la galay ra’iisul wasaaraha waddanka Itoobiya.

Somaliland ayaa eedeyn yaab leh u jeedi say Ilhaan, taas oo ah in ay colaad iyo nacayb ka dhex abuurto Soomaalida, isla markaana aysan ahayn markeedii ugu horreysay.

Wasiir Cali Xasan ayaa sidoo kale qoraalki isa uu eedda ugu jeediyay Ilhaan ku sheegay in xittaa ay ku lug lahayd dagaalkii ka dhacay Laasc aanood, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in haat an la joogo waqtigii Ilhaan Cumar lagula xisaabt ami lahaa khaladaadka ay gashay.

Eedeyntan ayaa kusoo aadeysa, xilli ay Ilh aan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minn es ota ay maalmo kahor ka hadashay arrinta la xirri irta khilaafka badda ee u dhaxee ya Soom aaliya iyo Itoobiya iyadoo sheegtay in "Mareyk anku uus an taageersan eyn in Itoobiya ay qaadato dhul ka mid ah Soomaaliya”.

Ilhaan Cumar oo hadal ka jeedisay xaflad ka dhacday magaalada Minneapolis, looguna daba al-degayay dib u doorashada madaxwey naha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay iya du difaaci doon badda.

"Intii aan aniga Congress-ka joogo biyaha Soo maaliya iyo baddeeda dad kale ma qaad anayaan. Waddanka Mareykankana ku ma taa geeraayo in dad kale ay annaga na dhac aan.” ayay horay u tiri Ilhaan Cumar.

Arrintan ayaa timid, xilli ay sare usii kace yso xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee u dhe xeysa Somalia iyo Itoobiya, waxaana gobo lka la ga dareemayaa dhaq-dhaqaaq xoog an.

Burcad badeedda Somalida oo xoog loo ga furtay 17 badmaaxayiin ah oo u dhashay Pakistan

Ciidamada Badda Hindiya ayaa soo badba adiyay 19 badmaaxiyiin ah oo u dhashay dalka Pakistan, kadib markii markab ay wateen oo kalluumeysi ay kooxaha burcad badeedda Soo maalidu ka afduubteen xeebaha Soomaaliya.

Hawlgalkan ayaa ahaa kii labaad oo muddo 36 saacadood gudahood ah uu ku guulaysto markabka dagaalka ee Hindiya INS Sumitra.

Maalin ka hor, markabkan ayaa soo badbaa diyay 17-shaqaale oo Iraniyiin ah oo la socday doon ay sidoo kale afduubteen burcad badeed da, sida ay sheegeen ciidamada badda

Hindiya.

Ciidamada badda ee Hindiya ayaa dhowr kii toddobaad ee la soo dhaafay ka jawaa bayay ba aqyo dhowr ah oo ka soo yeerayay maraak iibta iyo badmaaxiinta.

Weeraradii u dambeeyay ee lagu qaaday maraakiibta ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa dhaliyay walaac laga qabo in burcadbadeeddu ay mar kale dhaqdhaqaaq ka sameeyaan gobolka.

Markabka INS Sumitra ayaa loo daabulay hawlgalo lagu sugayo amniga badda xeebaha bari ee Soomaaliya iyo gacanka cadmeed.

Sawirro la soo geliyay barta Twitterka ayaa muujinaya ciidamo hubeysan oo ka tirsan kuwa badda Hindiya oo ilaalinaya rag gac maha ka xiran oo loo maleynayo inay katirsan yihiin kooxaha burcad badeedda.

Sabtidii, ciidamada difaaca ee Seychelles ay aa soo badbaadiyay lix kalluumaysato ah oo u dhashay Sri Lanka ka dib markii la afduubtay markab ay wateen.

Warbixin ay soo saartay Bloomberg ayaa la gu sheegay in kororka burcad badeeda Soo maalida ay la xiriirto khalkhal galinta amniga badda, iyadoo ay sabab u tahay weerarada isdaba joogga ah oo ay Xuutiyiintu ku qaadeen maraakiib marayay badda cas iyagoo taageero ka helaya Iran.

NISA oo soo afjartay shabakaddo dadka ka cabsi gelin jiray baraha bulshada

Hay’adda Nabad-sugida iyo Amniga Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaacisay goor dho weyd in ay bur-burisay 20 koox oo shacab ka ka cabsi gelin jiray baraha kala duw an ee Internet-ka

Bayaan kasoo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay in xayiraad la saaray dhamaan lamb aradii xubnahaasi isticm aalayeen, kuwaasi oo gaaraya illaa 2,500, lagana mamnuucay gebi ahaanba adeegyada ku hadalka OTT, sida WhatsApp iyo wixii lamid ah.

"Xafiiska amniga Internet-ka ee hay’adda NISA ayaa soo afjaray ku dhawaad 20 koox oo isticmaalayey Group-yo ay lahaayeen Khawaa rijta kuwaasi oo ay u isticmaali jireen cabsi galinta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Sidoo kale waxay shaacisay in shabakada han ay qeyb ka ahaayeen kuwo looga shaqe yn ayay boobka iyo baadda Ganacsatada So oma aliyeed.

Waxay sheegtay in lambarada la xanibay qaarkood laga wici jiray shacabka, oo ay ku jira an ganacsatada iyaga oo kooxaha argagix isada ku weydiisan jireen in ay baad bixiyaan.

"NISA waxa ay shacabka Soomaaliyeed uga digeysaa in ay xubin ka noqdaan Group, Channel ama Page ay leeyihiin Khawaarijta si aanay u wajihin xayiraad iyo in tallaabooyin sharci laga qaado, si waafaqsan siyaasaddaha la-dagaapan ka argagixisada ee barahaaas iyo sharciga la-dagaalanka argagixisada.”

Al-Shabaab badan oo lagu laayay duleedka Bay dhaba kadib markii…


Maraykanka oo soo bandhigay Sawirada iyo Magacyada Askarta laga laayay

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay mag acyada saddexdii askari ee looga dilay duqeyntii Axadi a dhacday Jordan.

Saddexdaas sarkaal ayaa kala ah:

Sgt William Jerome Rivers, oo 46 sano jir ah.

Specialist Kennedy Ladon Sanders, oo 24 sano jir ah iyo Specialist Breonna Alexsondria Moffett, oo 23 sano jir ah.

Mareykanka ayaa weerarkaasi ku eedeeyay kooxaha mayalka adag ee garab ka haysta Iran. Pentagon-ka Mareykankana, waxaa uu sheegay inay qaadday ‘raadka’ ururka Kataib Xisbullah.

Isla waaxda difaaca Mareykanka ee Pentg one-ka, mar kale waxaa uu ku celiyay, in Mar eykanka uusan dooneyn dagaal uu la galo Iran.

‘Ma dooneyno inaan iclaaminno dagaal, bal se tallaabo ayaan qaadi doonnaa, anagoo ka jawaabeyno weerrarkii lagu qaaday ciidamad eena’, ayuu yiri afhayeenka Pentagon-ka, Sabr ina Singh

Itoobiya oo joojinaysa keenista baabuurta shidaalka ku shaqeeya iyo Sababta keentay

Maamulka dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay xayiraad ku soo rogayaan soo dejinta dhammaan gawaadhida gaarka loo lee yahay ee ku shaqeeya shid aal ka si ay hoos ugu dhigaan ku tiirsanaanta shidaalka, xilli dalkaasi ay soo food saartay dhaqaale yari ba’an.

Wasiirka gaadiidka iyo saadka Alemu Sime oo la hadlayay xildhibaanada baarlamaanka Adis ababa ayaa sheegay in dowladu ay dooneyso in ay dhiiri galiso isticmaalka gawaarida korontada ku shaqeeya.

"Itoobiya ma soo saarto shidaal. Waxay soo dejisaa shidaalka iyadoo adeegsanaysa kaydka lacagta qalaad ee aadka u kooban. Dhanka kale, waxaan soo saareynaa koronto badan,” Alemu wuxuu yiri kordhinta korontadu waa mid la aw oodi karo. Sida laga soo xigtay Hay’adda Supply Petroleum ee Itoobiya, oo ah hay’adda dawladda u xilsaaran soo iibinta shidaalka, in ka badan $4 bilyan oo doolar ayaa loo baahan yahay si loo daboolo baahida shidaalka ee dalka sannad-maaliyadeedkan.

Itoobiya ayaa sannadihii u dambeeyay la halg amaysay sidii ay u soo jiidan lahayd maalgashi shisheeye inkasta oo uu dhammaaday dagaal sokeeye oo ba’an oo ka dhacay waqooyiga gob olka Tigray, iyadoo heshiis nabadeed la saxeex ay dabayaaqadii 2022. Colaadaha sii socda ee qaybaha kale ee gobolka ayaa hoos u dhigay su mcadda waddanka oo ah aag ku haboon maalgashiga.

Iyada oo ay jiraan ilo tamareed oo dhowr ah oo laga heli karo Itoobiya, u gudubka baabu urta korontada ayaa dhaqaale ahaan micno sam aynaysa, sida uu sheegay Alemu. Dalku hadda waxa inta badan baahidiisa korontada ugu tiirsan yahay ilaha tamarta laga dhaliyo. Iyada oo lagu muransan yahay biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya ee GERD oo ku saabsan Niilka Buluug ga ah ayaa la filayaa in uu dhaliyo 5000 megaw att oo koronto ah marka uu si buuxda u hawl galo, Addis Ababa waxa ay rajaynaysaa in ay sare u qaaddo daboolka korontada ee dalka oo dhan. Si kastaba ha ahaatee, tillaabada ay dowl addu ku mamnuucday baabuurta ku shaqeeya tamarta shidaalka ayaa dhaleeceyn kala kula ntay-gaar ahaan isticmaaleyaasha baraha bul shada-maadaama qeybinta korontada ee dalku ay tahay mid aan la isku halayn karin.

Meydka Wiil 8 jir ah oo laga helay duleedka Gaalkacyo (Lug & gacan ka maqan)

Meydka wiil 8 sano jir ayaa bahal ku cunay me el la yiraahdo caska oo cabaar u jirta Jaamac adda Bariga Afrika oo ku taalla magaalada Gaalkacyo.

Wiilka ayaa markiisii hore wuxu ka soo lum ay inta u dhaxaysa saldhiga Miir ilaa Buulo bacley, maydkiisa ayaa waxa la tusay ehelad iisa, waxaana baarey Booliska Gaalkacyo.

Meydka ayaa wuxuu meesha yaallay ku dho waad Asbuuc sida ay sheegeen dhaqaatiirta.

Bahalka weerarka u gaystay ilmahan oo aan la ogeyn waxaa uu ahaa ayaa markii hore ka dilay madaxam wuxuuna cunay lug iyo gacan

Ma jiraan wax lagala baxay xubnaha jirkiisa sida beerka ama Kalyaha sidaaas waxa xaqi ijiyey Laamaha amaanka degmada Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo xukun adag lagu riday

Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa Shalay lagu xukumay 10 sano oo xabsi a h, wax ka yar laba toddobaad kahor inta aanay dalka ka dhicin doorasho laga xanibay xisbigiisa.

Pakistan ayaa goobaha codbixinta la aadayaa Khamiista toddobaadka dambe, doorashadaas oo ay hareeyeen eedeymo ku saabsan ku shubasho, ayada oo Khan oo laga mamnuucay, sidoo kalena xisbigiisa Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) lagu sameeyey cuburin xooggan.

Khan ayaa kahor doorashada ku jira xabsi waxaana hareeyey kiisas maxkamadeed oo uu sheegay in looga dan leeyahay in looga hor-istaago inuu mar kale tartamo kadib markii uu ka horyimid militariga awodda badan.

Khan ayaa waxaa mar horeba la xukmiyey in aanu u istaagi karin doorashada 8-da Febraayo, sababo la xiriira dambi la xiriira musuq-maasuq oo ay maxkamad ku heshay sanadkii tegay.

Xukunka Talaadada Shalay ah, oo la xiriira inuu dokumentiyo dowladeed oo sir ah dusiyey, ayaa waxa uu ka dhacay gudaha xabsiga Adiala — halkaasi oo Khan uu ku jiray inta badan tan iyo markii la xiray August.

"Waa inaad codkiina uga aargudataan cadda alad darro kasta 8-da Febraayo,” ayuu Khan ku yiri bayaan lasoo dhigay bartiisa X oo ku socda cod bixiyayaasha. Xukun la mid ah kan Khan ayaa waxaa sidoo kale lagu riday Shah Mahmood Qureshi, guddoomiye ku-xigeenka xisbiga PTI, kaasi oo ahaa wasiirka arrimaha dibedda afartii sano ee Imran Khan uu ra’iisul wasaare ahaa kahor inta aan xukunka laga tuurin 2022.

Xukunka ayaa waxaa xaqiijiyey saraakiisha xisbiga. "Waxa aan Shalay aragnay waxay ahaay een jees-jees buuxa oo lagu sameeyey shar ciga billowgiiba,” waxaa sidaas tiri gabadha Qureshi oo lagu magacaabo Gauhar Bano Qureshi oo ka hadashay banaanka xabsiga.

"Goorma ayaa caddaalad lagu heli doonaa dalkan?” ayey tiri.

Qareenada PTI ayaa maxkamadda ku tilmaam ay mid been abuur ah, iyagoo sheegay in laga saaray dacwaddii, loona diiday hogaamiyayaa shooda inay helaan matalaad.

"Tani waa mid aan dastuuri ahayn, tani waxay ka soo horjeedaa mabaadi’da cadaala dda ee dabiiciga ah,” Barister Salman Safdar ayaa sidaas ayaa u sheegay AFP.

Xigasho: VOA

KUURIYADA WOQOOYI WAXAY RIDDAY ‘DHOWR’ GANTAALLO NOOCA CRUISE-KA AHWAX KA YAR TODDOBAAD

Kuuriyada Waqooyi ayaa qaaday tijaabadii saddexaad ee gantaaladeeda nooca loo yaq aan Cruise Gantaalada wax ka yar toddobaad, iyado ohubkaasi ku ridday biyaha xeebaha galbeedke eda.

Milateriga Kuuriyada Koonfureed "waxay oga adeen dhowr gantaal oo nooca loo yaqaan cruise-ga oo aan la garanayn oo lagu tuuray badda galbe ed ee Kuuriyada Waqooyi abbaare 07:00 [22:00 GMT]”, ayay saraakiisha isku dhafka ah ee sha qaalaha ku sheegeen bayaan.

Hay’adaha sirdoonka ee Kuuriyada Koonfur eed iyo Maraykanka ayaa falanqaynayay xogta, ayay raacisay.

Kuuriyada Waqooyi ayaan laga mamnuu cin inay tijaabiso gantaallada loo yaqaan cru ise mis siles iyadoo ay saaran tahay cunaqa batayn Qar amada Midoobay ay ku soo rogtay barnaamij keeda Nukliyeerka waxayna horey u sameysay laba tijaabo todobaadkii la soo dhaafay.

Isniintii, warbaahinta dawladdu waxay shee gtay in hoggaamiye Kim Jong Un uu "hagay” so o-saarka gantaallada istiraatiijiga ah ee badda hoostiisa mara, ee loo yaqaan Pulhwasal-3-31, dha mmaadkii isbuucii hore, dhowr maalmood ka dib markii Kuuriyada Koonfureed ay ogaatay dhowr gantaal oo nooca loo yaqaanno ah oo laga soo riday xeebta galbeed ee dalka.

Pyongyang ayaa horay u tijaabisay hub iyada oo ay sii kordheyso xiisadaha ka taagan gacanka iyada oo Kim uu casriyeynayo militariga dalkaas oo uu soo saarayo hub aad u casrisan.

Tan iyo bilawgii sanadka, waxa ay sidoo kale bilowday waxa ay ku sheegtay in uu ahaa gant aalaha ballistic ballistic-ga oo si adag loo shiday iyo sidoo kale diyaarad aan duuliye lahayn oo awood u leh in ay weerarto biyaha hoostooda.

Dhanka kale, Japan, Kuuriyada Koonfur eed iyo Mareykanka, ayaa ballaarinayey dhool atus kooda milateri ee isku dhafan – kaas oo Kim uu ku tilmaamay ku celcelinta duullaanka – & xooji nta xeeladahooda ka hortagga ee lagu dhis ay hantida Maraykanka ee awoodda nukliyeerka ah.




Somaali facebooke isticmaalay

Shabakado kale oo bulshadu ku xariirto, sida My Space, ayaa jiray Facebook ka hor, laakiin mareegta Mark Zuckerberg ayaa isla markiiba hawada ka saartay, markii la furay 2004-tii, taasoo caddaynaysa sida dhakhsaha badan ee shabakad noocan oo kale ah ay u qabsan karto adduunka.

In ka yar hal sano waxay haysatay 1 milyan qof oo isticmaale, afar sano gudahoodna waxay dhaaftay MySpace ayada oo hindisatay hal-abuurro sare.

Iska qaadista sawirro quruxoon oo casri ah ka dibna aad "asxaabtaada la wadaagto waxay halb owle u aheyd nolosha dhalinyarani mada dabay aaqadii 2000- kun waxaan jiray isbadelo mar walba ku socday barta ay bulshada ku xariirto.

Sannadkii 2012-kii in badan 1 bilyan oo qof ayaa isticmaala jirtay bishii Facebook, marka laga reebo muddo gaaban oo ah dhammaadka 2021 xilligaas oo tirada isticmaaleyaasha firfirc oon ee maalinlaha ah ay markii ugu horreysay hoos ugu dhacday 1.92 bilyan.

Markii ay shirkaddu internet bilaash ah siisay qaar ka mid ah waddamada aan lahayn internet-ka, waxaa kordhay tirade dadka isticmaala Face book.

Dhammaadkii 2023, shirkadda Facebook waxa ay sheegtay in ka badan laba bilyan oo qof ay isticmaalaan si maalinle ah.

Facebook hadda waa looga shacbiyad badan yahay marka laga hadlayo dhalinyarada dhexd ooda, balse waxaa run ah in shabakaddu ay wali tahay tan ugu caansan adduunka, ayna soo kordhisay waa cusub.

Bulshada qaar waxay u arkaan Facebook iyo kuwa la tartamaya inay yihiin kuwa leh awood isga ariin oo isku xiraysa, halka qaar kalena ay u arkaan wakiillo burburinaya.

Facebook waxa uu xogtayada shakhsi ahaaneed ka dhigay mid qiimo leh

Facebook waxa ay sheegtay in ka badan laba bilyan oo qof ay isticaalaan si maalinle ah.

Qoraalka sawirka,

Facebook waxa ay sheegtay in ka bad an laba bilyan oo qof ay isticmaalaan si maalinle ah

Facebook ayaa caddeeyey in ururinta waxyaabaha aan jeclayn iyo kuwa aan jecel nahay ay faa'iido badan leed ahay.

Shirkadda Meta, ee horey loo oran jiray Face book waa mid ka mid ah shirkadaha xayaysiista adduunka oo la mid ah Google ayada oo door weyn ku leh xayaysiinta adduunka.

Meta ayaa shaacisay in ay soo xareeysay dak hli ku dhow $34bn rubuci saddexaad ee 2023,-kii taas oo inta badan laga sameeyay adee gyada xayaysiisyada ee aduunka oo dhan. Shir akada Meta ayaa dhowr jeer lagu ganaa xay inay si khaldan u maareysay xogta sha khsiga. Kiiskii ugu badnaa ee la shaaciyey ayaa ah aa fadeexaddii Cambridge Analytica ee 2014, taasoo keentay in Facebook uu bixiyo $725m (£600m) si uu u xalliyo dacwad sharci ah sab abo la xiriira jebinta xogta.

Sannadkii 2022, Facebook ayaa sidoo kale bixisay €265m ganaax ah taas oo Midowga Yurub uu amray.

Sanadkii la soo dhaafay, Guddiga Ilaalinta Xo gta Irish, ayaa soo saaray ganaax ka dhan ah shi rkadda kaas oo gaaray €1.2bn blasé Facebook ayaa hadda racfaan ka qaadanaya ganaaxaasi.

Facebook iyo sida uu Internetka siyaasad uga dhigay

Guddiga Kormeerka ee Facebook ayaa dib u dhigay go'aanka ku saabsan soo laabashada suurtagalka ah ee Trump

Qoraalka sawirka, Guddiga Kormeerka ee Fac ebook ayaa dib u dhigay go'aanka ku saabsan soo laabashada suurtagalka ah ee Trump

Facebook wuxuu noqday goob weyn oo olole doora sho oo adduunka laga xaye y iiyo. Tusaale ahaan, shan bilood ka hor doorash adii madaxtinimada ee Mar aykanka ee 2020, kooxda madaxweynaha talada haysa ee Donald Trump ayaa in ka badan $40m ku kharash garay say xayeysiiska Facebook, sida ay sheegtay cil mi-baarista iyo xog la aruuriyay.

Sidoo kale Facebook waxa uu gacan ku lahaa in uu beddelo siyaasadda asaasiga iyada oo koo xaha isticmaala ee kala duwan ay isku yimaad oo ay abaabulaan ololeyaal iyo qorsheeyaan waxq abad heer caalami ah.

Twitter iyo Facebook ayaa la sheegay in ay muhiim u ahaayeen intii uu socday kacdoonkii Carabta si ay gacan uga geystaan isku dubaridka dibadbaxyada iyo faafinta wararka ku saabsan waxa dhacaya.

Facebook ayaa lagu dhaleeceeyay qaar ka mid ah cawaaqibkeeda ka dhalan kara arrimo siyaasadeed oo ay ku jiraan saameynta ay ku leedahay xuquuqda aadanaha.

Sannadkii 2018-kii, Facebook waxa ay aqbashay warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay oo ay ku sheegtay in uu Meta ku guul-dar raysatay in ay ka hortagto dadka isticmaalka ma dal ay ku hurinayaan rabshadaha khadka tooska ah ee ka dhanka ah dadka Rohingya ee Myan mar.

Facebook waxaa uu dhisay shabakad bulsho iyo boqortooyo tiknoolajiyadeed

Facebooke waa barta ugu caansan ee bulshadu ku xariirto Qoraalka sawirka, Facebooke waa barta ugu caansan ee bu lshadu ku xariirto

Guusha ballaaran ee mulkiilaha Facebook, Mar k Zuckerberg waxa uu dhisay shabakad buls ho iyo boqortooyo tiknoolaj iyadeed oo aan la dhaafin marka la eego tirada isticmaaleya asha iyo awoodda uu leeyahay.Shirkadaha WhatsApp, Instagram iyo Ocu lus, ayaa dhamaantood waxaa iibsaday Face book ,waxana magaceeda ay u badashay Meta 2022.

Meta ayaa hadda sheegtay in ka badan saddex bilyan oo qof ay isticmaalaan ugu yara an mid ka sta oo ka mid ah baraha shirakada maalin kasta.

Meta ayaa inta badan lagu eedeeyay in shir akadaha ay woodi wayday inay iibsato ay ku eed ayso in naqashada ay ka xado.

Xeeladaha ayaa noqday kuwo aad uga muh iimsan sidii hore, iyadoo ay ugu wacan tahay tart anka kordhay iyo deegaan sharciyeed oo aad u adag.

20- ka sano ee soo socda?

Meta shirkada ugu caansan ee bulshadu ku xariirto Qoraalka sawirka, Meta shirkada ugu caansan ee bulshadu ku xariirto Ilaalinta awoodda sha bakadda bulshad ee ugu caansan waxay noqondoontaa caqab ad weyn 20-ka sano ee soo socda.

Sare u kaca Facebook iyo sii wadista sameey nta ay caalamka ku leedahay ayaa markhaati u ah awoodda uu Mark Zuckerberg ee ah Face book ay wali ahaan doonta mid ugu weyn adu unka.

Meta hadda waxay si weyn ugu riixaysaa In ay ganacsigeeda ku dhisto fikradda, iyadoo lagu doodi karo inay hogaamiso dariiqa ay ku xafiiltam aan shirkadaha tignoolajiyada sida Apple.

Sirdoonka macmalka ah ayaa sidoo kale mud naan weyn u ah Meta. XIGASHO:-BBC

Ciidanka Israel oo galay, sadex qofna ku dilay Isbitaal ku yaalla daanta Galbeed

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Israa’iil oo u labisan sida shaqaalaha caafima adka, ayaa Talaadadii gudaha u galay Isbita alka Ibn Sina ee ku yaalla magaalada la hays to ee Jenin ee daanta galbeed, waxayna dile en saddex nin oo Falastiini ah, sida ay sheeg een saraakiisha Israa’iil iyo Falastiiniy iinta.

Xamaas ayaa sheegtay in raggan ay aha ayeen dagaalyahannada Jenin Brigades, oo ah dallad ay ku mideysan yihiin kooxaha hube ysan ee Falastiiniyiinta ee ku sugan Daanta Galbeed.

Ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa shee gay inay yihiin argagixiso xiriir la leh Xamaas iyo Islamic Jihad.

Ciidamada ayaa si gaar ah u galay Isbitaal ka, waxayna u dhaqaaqeen dabaqa saddex aad, waxayna dileen dhalinyaradaasi,” sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Falastiin ee WAFA oo soo xiganaysa ilo-wareedka gud aha isbitaalka.

Israel waxay beegsatay dagaalyahanka Ham as Mohammed Jalamneh kaasoo in dhaw aale ku hawlanaa horumarinta dhaqdhaqaa qyada argagixisanimada oo ku dhuumaala ysanayay Isbitaalka Ibn Sina ee Jenin,” ayaa lagu yiri bayaan Talaadadii. Labo wiil oo walaalo ah, Mohammed Al-Ghawazi iyo Basel Al-Ghawazi, ayaa sidoo ka le lagu dilay weerarka, kuwaasoo Israel ay ku tilShalayy hawl-wadeenno "argagi xiso”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip