HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMSII 25-KA JANNAAYO 2024-KA

0
Thursday January 25, 2024 - 08:37:39 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMSII 25-KA JANNAAYO 2024-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Muxuu Xasan kala hadlay taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dorraad magaalada Muqdisho ku qaabilay General Michael E. Langley, Tal iyaha Ciidamada Mareykan ka ee Afrika (AFRI COM). Madaxweynaha iyo Taliya ha waxay ka wada hadleen dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada caalamiga ah, laguna xoojinayo wax soo saarka Soomaaliya iyo Mareykanka.

Sidoo kale waxay si qota dheer u gorfeeyeen iskaashiga amniga iyo arrimaha kale ee amniga gobolka ee danaha labada dhinac quseeya, waa Soomaaliya iyo Mareykanka.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Taliyaha AFRICOM kala hadlay duqeym aha iyo howlhallada ka dhan ka ah Al-Shabaab ee ciidma ada Mareykanka ay ka garab siiyaan ciidamada Soomaaliya, kuwaas oo muhiim u ah Sooma aliya.

Madaxweynaha ayaa Taliska AFRICOM ka codsaday inay laba jibaaraan beegsiga Al-Shab aab, si ciidamada Soomaaliya ay uga guuleys taan kooxda Al-Shabaab oo dagaal culus ay kula jiraan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Kulanka Madaxweynaha iyo Taliyaha ayaa ku soo aadaya xilli Dorraad uu dhacay mid ka mid ah dagaaladii ugu cuslaa, kadib markii Al-Shabaab ay Dorraad waaberigii weerareen magaalada Ca ad ee gobolka Mudug.

Dagaal ba’an ayaa Dorraad ka dhacay Caad, in kastoo aan la helin xog rasmi ah, hadana wax ay saraakiishu noo xaqiijiyeen inuu jiro khasaare culus, Al-Shabaab waxaa u suurta gashay inay gudaha u galaan Caad, balse duqeyn iyo dagaal toos ahaa ayaa looga saaray goor dambe.

Mareykanku wuxuu ka mid yahay dowldaha sida dhow Soomaaliya uga caawiya dagaalka Al-Shabaab, taas oo muhiim ka dhigeysa in mada xda Soomaaliya ay mar kasta taageero dagaal weydiisyaan Mareykanka, maadaama aysan Soomaaliya laheyn diyaarado furiya duqeymo ka dhan ah argagixisada ay dhulka fog kula dagaa lamayaan ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe Oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guud Ee

Labada Aqal Ee BJFS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlam aanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Sheekh Aadan Maxamed Nuur

(Madoobe) ayaa Dorraad shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 10-aad ee Labada Aqal ee BJFS.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa akhrinta 3-aad iyo ansixinta ha braaca dib u eegista dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaali ya, waxaana looga hadlay habraaca iyo sida ay ugu wada-shaqeyn karaan Baarlaanka labad iisa aqal.

Kooramka guud ee Golaha waxaa uu ahaa 184 Xildhibaan oo Golaha Shacabka iyo 36 Se nator oo Aqalka Sare, Waxaana oggolaaday 201 mudane, waxaana uu Guddoomiyuhu ku dhawa aqay in sidaasi uu ansax ku yahay habraaca wax ka bedelka dib u eegista Dastuurka KMG.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xarigga ka jaray dib-u-howlgelinta Isbitaa lka Sheikh Zayid ee magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriya dda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi

Barre, ayaa xarigga ka jaray dib-u-howlgelinta Isbitaalka Sheikh Zayid ee magaalada Muqdisho oo ay maalgeliso Dowladda Isutagga Imaar aadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha oo kormeeray qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Isbitaalka Sheikh Zayid ayaa uga mahadceliyey Dowladda Imaaraadka Carabta doorka iyo taageerada ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo soo nooleynta adeegyada bulshada ee dalka

Wasiirka maaliyadda oo guddoomiyey kulanka guddiga maamul-wanaaga maal iyadda

Wasiirka maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige ayaa Dorraad shir-gudoomiyay kulanka billaha ah ee guddiga maamul-wanaaga maaliyadda ee mag aciisa loo soo gaabiyo FGC,oo ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka Soomaa liya iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Addu unka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa dib-u-eegis lagu sameeyay hannaanka dib-u-habeynta maa mul wanaagga maaliyadda ee toban kii sano ee la soo dhaafay waxyaabaha u qabsoomay iyo hii gsiga qorshayaasha horumarineed ee Maaliya dda dalka.

Wasiirka maaliyadda dowladda FS mudane Biixi Imaan Cige oo hadal kooban ka jeediyay furi taanka Shirka ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay ku dhaqmidda nidaam ay dheehan tahay daah-furnaan iyada oo la raacayo habka maamulka Guud ee Maaliya dda dalka, waxa uu sidoo kale tilmaamay hannaanka isla xisaabtan ka iyo Dowlad-Wanaaga in uu qeyb ka yahay kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Kulankaan waxaa sidoo kale ka soo qeybg alay qaar kamid ah masuuliyiinta Dowladda sida Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Xafiisyada Mad axweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, maamulka Sare ee Golaha dhaqaalaha Qaranka, Bangiga Adduunka iyo Hey’adda lacagta Adduunka ee IMF.

Akhriso Nuqulka habraaca wax ka bedelka Dastuurka ee Dorraad la ansixiyay

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlam aanka Federaalka Soomaaliya ayaa Dorraad ansixiyay nuqulka habraaca wax ka bed elka Dastuurka, waxa uuna ansi xinta habraacan uu khilaaf ka dhax abuuray xildhibaanada labada Aqal.

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo madax katirsan maamul goboleedyada ayaa si weyn uga soo horjeeda ansixinta habraaca wax ka bedelka Dastuurka, waxaana ansixintan si weyn ugu ololeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Halkan ka Akhriso habraaca wax ka bedelka Dastuurka ee Dorraad la ansixiyay

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya

Guddiga din u eegsita iyo la socodka hirgelinta dastuurka

Qaraarka Habraaca Ansixinta Wax-ka Beddelka Dastuurka


Muxuu Shariif ka yiri ansixinta wax ka beddelka dastuurka?

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif She ekh Axmed ayaa wax aad looga xumaado ku tilmaamay wixii Dorraad ka dhacay kulankii labada Aqal ee Baarlamaanka, kaasi oo la gu ansixiyay habraaca wax ka beddelka dastuurka.

Shariif ayaa sheegay in tallaabadii uu qaad ay guddoonka Baarlamaanka aysan ahayn hab dhaqan u qalama BFS iyo shacabka Soo maliyeed, sidaas darteedna ay tahay mid dhaa wacaysa sarraynta sharciga, midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka, xilli loogu baahi bad an yahay. "Waxaan cambaaraynayaa habka gurracan ee loo agaasimay kulankii Dorraad ee Baarlam aanka iyo go’aankii loo gaaray habka khilaafs an xeerarka dalka iyadoo aan waxba la xeerin,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dal ka Shariif Sheekh Axmed.

Waxa uu intaas kusii daray "Marxaladda lugu jiro darteed madaxda qaranka waxaa waa jib ku ah in ay raacaan sharciga kana fogaa daan wax kasta oo baal marsan sharciga.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Bismillahi,

Dustuurku, waa sharciga ugu sarreeya dal ka, waxa uu quseeyaa cid kasta, hab raaciis una waxa uu leeyahay muhiimad aad u wayn, ku dhaqan iyo ixtiraamna waxa uu ku mutays taa habka loo sameeyo.

Waxaa wax aad looga xumaado ah wixi ka dhacay Dorraad kulankii labada aqal ee Baarla maanka, ma ahayn hab dhaqan u qalama BFS iyo shacabka Soomaliyeed.

Waxaan cambaaraynayaa habka gurracan ee loo agaasimay kulankii Dorraad ee Baarla maanka iyo go’aankii loo gaaray habka khilaa fsan xeerarka dalka iyadoo aan waxba la xeerin.

Waxaan la soconnaa in muddo ah in laga codsanayay Guddoonka labada Gole in la sameeyo Xeer-hoosaadkii kulamada wada jir ka ah ee ay ku wada shaqeyn lahaayeen lab ada gole ee Baarlamaanka JFS sida uu dhiga yo qodobka 62aad ee Dastuurka KMG ah, faq radiisa 2aad balse uu ka dhaga adeegay gud doonku.

Xeer-hoosaadyada labada Aqal xeer in la ansixiyo wuxuu u dajiyay hab loo maro, marka uu marayo marxaladda ansixinta, waa in xildhi baannada loo qaybiyo inta aan la ansixin ka hor maalmo, si ay ugu soo baaraan degaan, sidaa daraadeed waa sharci darro dhaawacay sa sarraynta shaciga, midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka xilli loogu baahi badanyahay in habraac aan golaha laga qaybin Akhrintiisii labaad kadib la yiraahdo waa la ansixiyay.

Marxaldda lugu jiro darteed madaxda qaran ka waxaa waajib ku ah in ay raacaan sharciga kana fogaadaan wax kasta oo baal marsan sharciga.

Madaxweyne Farmaajo oo naqdiyay tallaabadii BF

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxam ed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay tallaa badii uu Dorraad qaaday baarlamaanka, ee uu ku ansixiyay habraaca wax ka beddelka dastu urka ayaa nasiib darro weyn ku tilmaa may wixii Dorraad dhacay. Qoraal uu soo saaray madaxweynihii hore ayaa waxa uu ku sheegay in tallaabada Dorraad ay qa aday Villa Somalia ay fasi raad aan wana agsaneyn ka bixine yso qorshaha laga sugayay ee ku wajahan damaca Itoobiya.

"Nasiib darro ka weyn ma jirto in hoggaanka dowladdu ay kala dhantaalaan midnimada dad keenna Soomaaliyeed oo marxaladdan xasa asiga ah u taagnaa difaaca dalkooda iyo goba nimadooda,” ayuu yiri Maxamed Cabdu llaahi Farmaajo. Sidoo kale waxa uu xusay in ma daxda sare ee dalka ay dhag jalaq u siin waay een baaqyadii madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ee la xiriiray wax ka beddelka dastuurka, taasi oo uu sheegay inay caqabad ku noqonayso dib u eegista dastuurka oo ay aas-aas u ahayd heshiis bulsho, wadatashi iyo is-qancin.

Hoos ka aqriso qoraalka

Nasiib darro ka weyn ma jirto in hoggaanka dowladdu ay kala dhantaalaan midnimada da dkeenna Soomaaliyeed oo marxaladdan xas aasiga ah u taagnaa difaaca dalkooda iyo gob animadooda.

Tallaabada Dorraad ay qaadday Madaxt ooy adu waxay fasiraad aan wanaagsanayn ka bix inaysaa qorshaha laga sugayey in ay ku waj ahaan damaca ka dhan ah madaxbannaan ida iyo midnimada dalkeenna.

Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlama anku in ay dhagaha ka fureysteen baaqyada M adaxdii Hore, Dowladaha Xubnaha ka ah Dow ladda Federaalka, Xildhibaannada dalka, hog gaamiyeyaasha bulshada rayidka ah iyo waxg aradka waxay caqabad ku noqonaysaa dib u eegista dastuurka oo ay aas-aas u ahayd he shiis bulsho, wadatashi iyo is-qancin.

Dalkeennu Dorraad ma xamili karo kala qu qub hor leh iyo in koox gaar ah ay ku takrifa sho awoodaha dowladda.

Wasiir difaacay wax ka beddelka Dastuurka fartana ku fiiqay Siyaasiyiinta diidan

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaa nka Federaalka Soomaaliya oo Dorraad kulan ku leh magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay ansixiyaan wax ka beddelka Dastuurka

KMG ee dalka lagu maamulayay.

Siyaasiyiin badan ay ku jiraan musharax iintii xilka madaxweynaha kula tartamay mada xweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hor yimid wax ka beddelka Dastuurka, waxa ayna sheegeen in aan la joogin xilligii Dastuu rka la beddeli lahaa.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda So omaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaana difaacay go’aanka wax ka beddelka loogu sameenayo Dastuurka KMG , waxa uuna xusay in Dastuur ku yahay furaha dalku yeesho. Waxa uu sheegay wasiirka in wax ka bedd elka Dastuurka lagu sameenayo ay kasoo horj eedaan musharaxiin madaxweyne uu sheegay in ballan-qaadkoodii uu kamid ahaa in ay wax ka beddelayaan Dastuurka haddii xilka mada xweynaha loo doorto. ”Ansixinta Habraaca dastuurku waa furaha in dalku yeesho dastuur dhammaystiran. Carq aladaynta hawshaas qaran weliba kuwii ku khudbeynayey 20 bilood ka hor in dastuurka wax ka bedelkiisa ay ka shaqayn doonaan wa xay la macno noqonaysaa kuwo horumarka dalka iyo horay u socoshadiisa dhibsanaya” ayuu yiri wasiirka.

Dastuurka ayaa qodobka ugu muhiimsan ee madaxtooyada Soomaaliya dooneyso in hadda wax laga beddelo ayaa waxaa kamid ah in meesha laga saaro xilka Ra’isul Wasaaraha, taa badalkeedana lagu beddelo madaxweyne kuxigeen uu dalku yeesho.

Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiyaha gob olka Banaadir oo shir uga qayb galaya dalka Ciraaq

Guddoomiyaha Gobolka Baanadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Ji mcaale (Madaale) iyo wa fdi uu hoggaami nayo ay aa gaaray Magaal ada Bagdaad ee Caasi mad da dalka Ciraaq, halkaasi oo lagu wado in Dorraad oo Arbaco ah uu ka furmo shirka Mag aalooyinka iyo Caasimadaha Wad amada Carabta.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si heer sare ah Garoonka Diyaaradaha Ma ga alada Bagdaad ugu soo dhaweeyay madax sare oo uu ugu horeeyo Wakiilka Caasimadda

Bagdaad ee Arrimaha Maamulka Eng. Safaa Maxamed Maxamuud.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Ciraaq waxa uu kulamo la qaadan doonnaa Madaxda dalka Ciraaq iyo Madax kala gedisan oo ka socda Caasimadaha Wadamada Carabta ee iyagu ka qeybgalaya shirkaasi

Wasiirka Dastuurka XFS: Waa naga go’ant ahay in Dastuurka wax ka beddal lagu sameeyo

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastu urka XFS Mudane Xasan Maca llim Maxamuud ayaa shee gay in ay ka go’an tahay wax ka beddel lagu sam eeyo dastuurka, wuxuuna faray mucaar adku in aysan qaadan doorka keli taliska.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ayaa intaa ku daray in qorsh aha wax ka bedd elka dastuurku uu muddo soo socday haatanna la gaaray waqtigii lagu dha qaaqi lahaa.

Md. Xasan Macallim Maxamuud ayaa sheeg ay in howshu ay haatan marayso halkii ugu wanaagsanayd lana gaaray horumarin siyaa sadeed, Baarlamaankana ay ka doodi doon aan.


Xildhibaanada oo soo dhaweeyay ansixinta xeerka Dastuurka

Qaar ka mida Xildhibaanada Soomaaliy eed ayaa soo dhaweeyay natiijada ka zoo baxday kulankii Dorraad ay yeesheen Xil dhibaanada labada aqal.

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir oo ka mida mudanayaashii Dorraad an sixiyay xeerka wax ka ba dalka dastuurka ayaa sheegay in Dorraad laga gud-bay caqabad weyn.

"Soomaaliya Dorraad waxaan ka gudbinay caqabadii ugu weyneed weyn ee hortaagne ed”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed C/qaadir.

Sidoo kale wuxuu sheegay in 15 sano la hortaagnaa qabyo tirka dastuurka laakiin hada laga gudbay islamarkaana ay dhameystiri doo naan inta harsan

Sidoo kale Xildhibaan Muqtaar Maxamed Guudleed ayaa isna daboolka ka qaadayin in wixii hada ka danbeeya uusan dastuurku noq on doonin mashruuc la iska haysto

Dastuurka ma sii ahaan doono mashruux la iska sii heysto ee waa la dhamaystira yaa”ayuu yiri Xildhibaan Mukhtaar.

Madaxdii ugu badneyd oo Dorraad ilaa Xalay gaareen Garowe oo beri lagu calee ma saari doono Saciid Dani

Waxaa Dorraad Magaalada Garowe gaaray Masuuliyiin badan oo heer Faderaal iyo heer Dowlad Goboleed isugu jira.

asuuliyiintaan ayaa lagu wadaa inay beri ka qeybgalaan xalada caleema saarka Madax weynaba Puntland Saciid C/llaahi Dani oo 8-dii bishaan dib loo soo doortay.

Masuuliyiinta Garoowe tagay waxaa ka mida Madaxweynayaasha Gal-mudug,Koknfur-galbeed oo Dorraad gaareen iyo Madaxweyn aha Hirshabelle oo Dorraad gaaray.

Sidoo kale waxaa Garoowe gaareen Ra’iis ulwasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, Xasan Cali Kheyre,C/rashiid Cali Sharmaake iyo Cabdi-weli Cali Gaas,Saacid shirdoon,Cali Geedi iyo kuwo kale.

Masuuliyiin Jabuuti ka socdaiyo wufuud ka socda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa iyaguna soo gaareen,waxaana ugu danbeyn la hadal hayaa madaxweynaha Somalia inuu isna iman doono.

Madaxweyne Muuse Biixi oo sheegay in Xasan Sheekh uu soo weerari lahaa ee uusan

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo wareysi cusub bixiyay ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ictiraafka Somaliland ka xigo geeri, xilli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay heshiiskii Addis Ababa.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa markale difaacay heshiiska ay Addis Ababa ku gaareen isaga iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed, kaasi oo Itoobiya loogu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

"Heshiiska dhex-maray Somaliland iyo Itoobiya wuxuu ahaa heshiis ku saabsan danaha labada dal. Madaxweyne kastaa danta dadkiisa ayuun buu u adeegaa. Itoobiya waa dal aan bad lahayn oo dadka ugu tirada badan ee Geeska Afrika ku nool yihiin, dhaqaali hiisuna uu aad u koraayo. Sidaas darteed, waynu ognahay inay muddadba ku taamaysay inay hesho deked,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay in ka badan 30 sano raadineysay ictiraaf, ayna xaq u leedahay in ay bad kiro ah ku bedelato ictiraafka ay mudada badan raadineysay, sida uu hadalka u dhigay.

"Somalilandna muddo dhawr iyo soddon sannadood ah waxay raadinaysay ictiraaf. Markaa markii aanu wadahadalnay isaguna (Abiy Ahmed) bad buu u baahday annaguna ictiraaf taas ayuu ku fadhiyaa heshiiska isfah amka ah in ciidankooda badda laga kireeyo saldhig badda ah oo ay degaan, Itoobiyana ay noqoto dalkii u horreeyay ee Somaliland ictiraafa labadaas qoddobna ay mar wada dhacaan, labadaas qoddob ayaa saldhig u ah heshiiska wixii kale waa iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, nabadg elyada iyo isbeddelka cimilada.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in cadaawada Soomaaliya u hayso Somaliland uu banaanka keenay madaxweyne Xasan Sheekh kadib markii heshiiskan xad-gudubka ah la saxiixay, xilli dhawaan ay dowladda federaalka ay Hargeysa ka celisay diyaarad siday wafdi Itoob iyaan ah.

"Waxa dareenka Soomaaliya ku jira Xasan Sheekh ayaa muujiyay imika, malaa hub uun baanu haynine wuu ina soo weerari lahaaye waadiga arkaya waxa ka dhacaya ninkaas oo Somaliland baa la ictiraafayaa geeri buu ka xigaa waanay ka siman yihiin oo dhammaantood waa kuwii isku raacay,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray "Dad baa yidha ahda gaallo ayaa ina qabsanaysa, Soomaalida Itoobiya degani tiro ahaan waa qowmiyadda saddexaad Axmaarada iyo Oromada uun baa ka badan. Waad arkaysaa labaatankii sannado od ee la soo dhaafay horumarka uu gaadhay deegaanka Soomaalida Itoobiya. Ciidan yar oo aynu xeebteenna soo dejina ayaa ina gaalaynaya cidda lihina waa caqliga xagjirka.”

Faahfaahino ka soo baxaya Qaraxii ismiid aaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo Dorraad ka dhacay meel ku dhow garoonka Ciyaaraha Muqdisho Istadium xili ay ka socotay garoonka ciyaar ka tirsan tartanka Dowlad goboleedyada oo dhexmarey say xulalka Galmudug & Banaadir.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Labo dhagax iyo isgoyska Cali Kamiin oo ka tirsan wadada 30ka halkaasoo dhowr boqol oo talaabo u jira garoonka ciyaaraha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu yimid ka dib markii ciidamada Booliska ay rasaas ku fureen nin waxyaabaha qarxa dhexda ku soo xirtay oo laga shakiyey markii uu diiday inuu joogsado si loo baaro.

Askari ka tirsan ciidanka Booliska iyo dad shacab ah oo goobta ka dhowaa ayaa la shee gay iney ku dhaawacmeen qaraxaas, sidoo kale qaraxa ayaa sababay dab qabsaday kaalin shidaal oo halkaas ku tiilay iyo guryo kale oo basbeelay

Qaraxa ayaan wax saameyn ku yeelan ciya artii ka dhaceysay garoonka Muqdisho Istad ium oo ay soo buuxiyeen Dorraad taageerayaal ku dhow 100 kun qof, waxaana ciyaartii Dorraad oo semi final aheyd ay ku dhamaatay 5-4 rigoorayaal ah oo ay ku badiyeen Galm udugka dib xiligii caadiga ahaa ee ciyaarta ay wax goolal ah kala dhalin waayeen.

Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland oo qaabilay Xildhibaan ka tirsan Wakiillada Gobolka Minnesota

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowlada Jubaland Maxmuud Sayid Aadan ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada warbixin ka siiyay xaalada guud ee Jubaland iyo horma rada la taaban karo ee laga gaaray dhinacy ada kala duwan.

Waxaa kale oo ku simaha Madaxweynahu uu uga mahad celiyay doorka wanaagsan ee qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku leeyahiin hormarka iyo dib u dhiska dalka oo kaalin weyn ay ka qaateen qurbajoogta wakhtiyadii adkaa ee uu dalkeennu soo maray.

Ruushka oo Somalia soo gaarsiiyey mark abkii labaad ee gargaar

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiib oyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Md.

Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa Dorraad munaasabad kooban oo ka dhacday Dakedda Muqdisho waxa uu dowladda Ru ushka kala wareegay markale markab sida shixnad mucaawino.

Dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha iyo daadadka ayaa loogu talo galay in la gaarsiiyo deeqdan.

Gargaarkan ayaa noqonaya kii labaad ee ka yimaada Ruushka ee la keeno Soomaaliya, waxana uu garayaa 25,000 kun tan oo Qamadi ah.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiib oyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa ka mahadceliyey gargaarkaan, isaga oo sheegay in Gargaarkaan dadkii mu dnaa ay gaarsiin donaan si lamid ah sidii gar gaarkii hore loo gaarsiiyey.


Madaxdii ugu badneyd oo Dorraad ilaa Xalay gaareen Garowe oo beri lagu calee ma saari doono Saciid Dani

Waxaa Dorraad Magaalada Garowe gaaray Masuuliyiin badan oo heer Faderaal iyo heer

Dowlad Goboleed isugu jira.

Masuuliyiintaan ayaa lagu wadaa inay beri ka qeybgalaan xalada caleema saarka Mada xweynaba Puntland Saciid C/llaahi Dani oo 8-dii bishaan dib loo soo doortay.

Masuuliyiinta Garoowe tagay waxaa ka mida Madaxweynayaasha Gal-mudug,Koknfur-galbeed oo Dorraad gaareen iyo Madaxweyn aha Hirshabelle oo Dorraad gaaray.

Sidoo kale waxaa Garoowe gaareen Ra’iisu lwasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, Xasan Cali Kheyre,C/rashiid Cali Sharmaake iyo Cabdi-weli Cali Gaas,Saacid shirdoon,Cali Geedi iyo kuwo kale.

Masuuliyiin Jabuuti ka socdaiyo wufuud ka socda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa iyaguna soo gaareen,waxaana ugu danbeyn la hadal hayaa madaxweynaha Somalia inuu isna iman doono.

Qarax lagu burburiyey Booyad ay lahaa yeen ciidamada Puntland oo ka dhacay..

Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa lagu burburiyay booyadii biyaha u dhaamin jirtay ciidamada PMPF maamulka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa oo ah aa miino dhulka lagu aasay uu gebi ahaanba burburiyay booyaddaas.

Waa qaraxii labaad oo 24 saac gudahood ka dhaca Boosaaso.

Ilaa saddex ruux ay aa ku dhintay qarax Dorraad ka dhacay goob l agu qayilo halka ay ku dhaawacmeen ku dha waad 10 kale

Waxaa Boosaaso ka socday todobaadyadii u dambeeyey qaraxyo lagu beegsanayo xaru maha ganacsiga iyo meheradaha la isugu yim aado kuwaasoo khasaare kala duwan geystay

Iran oo xukun dil ah ku fulisay Nin loo malaynayo inuu waalnaa

Iran ayaa xukun dil ah ku fulisay nin lala xirii rinayo mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo hay’adda culimada, sida uu sheegay garsoorka dalkaas.

Mohammad Ghobadlou, oo 23 jir ah, ayaa lagu helay dambi ah dil iyo "Fasaha adinta dhulka” ka dib markii lagu eedeeyay in uu gaadhi jiirsiiyay nin booliis uuna dilay intii lagu jiray mudaaharaad ka dhacayey meel u dhow magaalada Tehran Sebtembar 2022.

Finland oo Ergay u soo magacawday arri maha nabadda iyo dhexdhexaadinta Gees ka Afrika Dowladda Findland ayaa Suldaan Saciid Axmed u magacowday Ergayga gaarka ah ee arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta geeska Africa, ka dib war rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Finland.

Md.Suldaan Saciid Axmed ayaa horay u soo noqday xildhibaan ka tir san baarlamaanka Finland iyo ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibedda Finland u qaabbilsan nabadda iyo dhex dhexaadinta geeska Afrika.

Suldaan oo asal ahaan ka soo jeeda gees ka Afrika ayaa isagoo kaashanaya aqoont iisa duruqsan ee uu u leeyahay dhaqanka iyo qa ab-dhismeedka bulshooyinka gobolka horay u kasbaday kalsoonida hoggaanka siyaasad da, diinta, dhaqanka iyo dhallinyarada bulsha da gobolka, isagoo sare u qaaday xiriirka togan ee u dhexeeya dalalka dhaca geeska Afrika iyo dowladda Finland.

Guushii Galmudug kadib, xiriirka kubadda cagta dalka oo war cusub soo saaray

Warqad ay soo saareen Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in meesha laga saaray u tartamista kaalinta sadd exaad ee ciyaaraha maamul goboleedy ada Soomaaliya.

Xiriirka ayaa sheegay in la ciyaari doono kulanka kama dambaysta ah marka ay taar iikhdu tahay 27-ka bisha January, sida ku cad qoraalkaan uu Dorraad soo saaray. Ciyaartii u gu xiisaha badneed waxay Dorraad dhexmartay Banaadir iyo Galmudug, waxaana soo baxday oo Final iska xaadirisay Galmudug.

HirShabelle oo horay Final u timid, kadib markii ay ka soo reysay Jubbaland iyo Galm udug oo Dorraad ka reysay Banaadir ayaa 27-ka bishaan dheeli doona ciyaarta kama dambeysta ah.

Xulalka Galmudug iyo HirShabeelle kii raa ya ayaa qaadi doona koobka ciyaaraha dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo aad looga xiiseeyo Soomaaliya.

Ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobol ka Banaadir ayaa horay waxaa uga ha ray maamulka goboleedka Koonfur Galbeed, kadib weerar lagu qaaday ciyaartoyda, xilli ay la socdeen bas ka soo qaaday garoonka.

Ciyaarta Dorraad la dheelay waxay kanmid aheyd kulamadii la sugayey ee xiisaha lahaa, taageerayaashii ugu badnaa ayaa garoonka buux dhaafiyey, waxaana la isla gaaray rigoore ay Galmudug ku soo baxday, mana jirin wax gool ah oo dhashay intii ay socotay ciyaartii Dorraad.

Dhanka amniga aad ayaa loo adkeeyey ciidamada ammaanka ayaa fashiliyey qarax ismiidaamin ahaa, waxaana warbixin ka soo baxday booliska lagu sheegay in ninka is qarxiyey uu beegsaday kaalin shidaal markii uu ogaaday in ciidamada uusan ka badba adeyn.

Hoos ka eeg warqadda xiriirka

NETHERLAND: Hay’adda Jamaal Foundat ion oo tababar soo xirtay

Aqoon is-weydaarsi ku saabsan ka hortaga gudniinka gabdhaha ayaa lagu soo gabagab eeyay Dorraad (23-01-2024) Magaalada Erm elo ee waddanka Netherland.

Aqoon is-weydaarsigan oo ay ka soo qeybgaleen dad u dhashay waddamada Soo maaliya, Itoobiya, Eretereya, Ciraaq, Afghanis tan, Siraliyoon, Siiriya & wadamo kale, ayaa soconayay 3 toddobaad, waxaana la isku wey daarsaday saameynta caafimaad & tan mask axeed ee soo gaara gabdhaha la gudo xilliya da dhalmada & foosha.

Zahra Siyaad Naaleeye oo ah madaxa arri maha bulshada u qaabilsan dalladda FSAN, oo Dorraad soo xirtay tababarkan ayaa shee gtay in loo baahan yahay dedaalo caalami ah oo lagu hakinayo caadadda gudniinka gabd haha.

"Dalkan (Netherland) waxaa ka mamnuuc ah in nuuc kasta oo gudniin ah lagu sameeyo gabdhaha, waalidiinta isku daya in ay gabdho oda dibedda ku soo gudaan waxeey mudanay aan xabsi dheer & ganaax lacageed” Ayeey tiri Zahra Naaleeye, oo muddo dheer la soo shaq eyneysay hay’adda isugu jira kuwa caalami ah & kuwa heer Dowladeed ah.

Zahra waxeey kaloo sheegtay in gudniinka gabdhaha uu dhibaato wayn ku hayo hawee nka Soomaaliyeed loona baahan yahay in la dabar gooyo, iyada oo ka codsatay waxga radka & culumaa’udiinka in ay bulshada ka wa cyigeliyaan dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha gudniinka; Sidoo kale Zarha waxeey ka codsatay Dowladda Soomaaliya in la dede jiyo sharciyada ka dhanka ah gudniinka gaba dhaha ee yaala Baarlamaanka.

Osman Abukar oo ka mid ah khabiirada loo tababaray ka-wacyigelinta bulshada ee gudn iinka, ayaa dhinaciisa sheegay in gudniinka gabdhuhu aanu wax shaqo ah ku laheyn dhin aca diinta, ee uu yahay caado u baahan in la suuliyo.


Howlgalka Midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya oo ka hadlay heshiiska BADDA

Taliye ku xigeenka Hawlgalka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ee Atalanta oo ka howlgala Xeebaha Soomaaliya oo maalmihii ugu dambeyay ku sugnaa magaalada Muq disho ayaa Dorraad qabtay shir jaraa’id,

isagoo ka hadlay xaalad aha ka soo kordhay Bad da Cas ee weerarrada Xuutiyiinta iyo sidoo kale heshiiskii badda Itoobiya iyo Somaliland.

Admiral Ignacio Villanueva oo ku sugnaa Muqdisho tan iyo 22-kii bishaan ayaa kulamo la yeelanay mas’uulinta dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo kala hadlaya xaaladaha soo kordhay ee afduubka maraakiibta iyo da maca Itoobiya ee badda Soomaaliya.

Howlgalka Atlaanta oo soo bilaawday 2008, si looga hortago weerarada burcad badeeda ee xilagaas ka dhaci jiray xeebaha Soomaaliya ayaa guuleystay oo waxa laga adkaaday burcadii, balse todobaadyadaan Xutiyiibta ka dagaalanta Yemen ayaa afduub ka bilowday badda Cas.

Admiral Ignacio Villa mar la weydiiyay sida uu howlgalkooda u arko xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan dam aca badda ee Itoobiya, ayaa wuxuu sheegay in arrimahaas aysan qeyb ka ahayn howlgalk ooda, balse uu rajeynayo in qaab wadax aajood ah lagu dhammeeyo xiisadda.

"Waa su’aal wanaagsan, waana inaan halkan ka taxaddaraa sababta oo ah shakhsi ahaan, anigu waxaan ahay oo keliya Taliye Hawlgaleed, markaa taasi waxay la macno tahay in shaqadaydu ku kooban tahay hawlgal lada, waanse la socdaa xiisaddaas aad shee gtay ee Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin waxa an rajeynayaa in wadahadal iyo wada-tashi lagu dhammeeyo xiisadahaas,” ayuu yiri Adm iral Ignacio.

Taliyaha oo hadalkiisa sii watay ayaa shee gay in xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya aysan howlgalkooda saameyn ku yee la doonin.

"Ma filayo in ay saamayn ku yeelato qor shahayaga, ma ahan, waxaan filayey inaysan saameyn ku yeelan doonin qorshahayaga, waan sii wadi doonaa qorshahayaga, aan ku celiyo mar kale wixii Midowga Yurub hore ugu sheegay in golayaasha kala duwan ee ah, in midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay muhiim noo tahay, kolkaa ma filayo in ay wax saameyn weyn ah nagu yeelato, waxaana rajeynayaa in xiisada haas ay meesha ka bixi doonaan dhawaan, iyada oo loo marayo wadahadal iyo gorgortan,” ayuu yiri.

Dhanka kale, mar wax laga weydiiyay wee rarrada Xuutiyiinta Yemen ay ku hayaan mara akiibta marta Marinka Baabul Mandab waxa uga qorsheysay ayuu Ignacio sheegay in ay iyaga hadda xoogga saari doonaan un xeeba ha Soomaaliya, "howgalkeenu wuxuu ku egya hay xeebaha Soomaaliya oo aysan qeyb ka ahyan howlgalka Badda Cas ee ka dhanka ah Xutiyiinta.” "Hadda, qorshahaygu waxa uu ku egyahay wixii naloo tilmaamay oo keliya, mar kaa aniga waxaa la ii igmaday oo keliya Soo maaliya, waxaana jiri doona hawlgal kale oo Midowga Yurub ah oo dhowaan dhici doona kaas oo wax ka qaban doona Badda Cas iyo khat artaas ka taagan, markaa taasi waa must aqbalka, aad ayaana ugu faraxsanahay, saba btoo ah hadda waxaan si dhab ah aw oodda u saari karaa Soomaaliya iyo baahiyahe eda amniga badda.” Ayuu yiri Ignacio.

BBCI

isticmaalka Maandooriyaha oo saameyn ku yeeshay Amniga M/Garowe

Ciidamo ka tirsan ciidamada Puntland oo isticmaala maandooriyaha khamriga loo yaq aan ayaa habeenkii fara kulul ku haya amniga Garoowe.

Rasaas xooggan ayaa Habeen hore laga maqlay xaafado kamid ah magaalada Garoowe, waxa ana wararku sheegayaan in ay ridayeen Askat ka tirsan ciidamada Puntland oo isticmaalay maa ndooriyaha ee Khamriga.

Rasaasta qaar ayaa gurya la degan yahay ku dhacday, islamarkaana hurdada ka kicisay qoysas fiidkii seexday, inkastoo aan weli wax khasaare nafeed ah laga soo werin.

Kooxaha ka tirsan ciidamada ee isticma ala maandooriyaha Khamriga ayaa si joogta ah habeen kasta rasaas aan loo meel dayin la dhacaya xaafadaha kala duwan ee Garoowe, taasi oo aysan waxba ka qaban xukuumadda madaxweyne Deni.

Dhawaan ayay ahayd markii , xabbad wiifto ah oo la Aamin san yahay in ay rideen kooxo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya ee Garoowe ayaa xilli habeen ah madaxa kaga dhacday gabar 14 jir oo gurigooda huruday.

Gabadha oo lagu magacaabo Isra Cabdira shiid Siciid ayay madaxa fariisatay xabbaddu, waxaana la sheegay in weli loo la’ yahay khar ash lagaga soo saaro xabbadda, maadaama ay dhaleen qoys danyar ah.

Donald Trump oo guul weyn ka gaaray doorasho ka dhacday gobolka New Hampshire

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa guul weyn ka gaaray doorashada xisbigiisa Jamhuuriga oo ka dhacday gobolka New Hampshire, waxa uuna ka guuleestay haweeneydii la tartameysay Nikki Haley.

Donald Trump ayaa hadda u tartamaya sidii uu u noqon la haa musharaxa xisbiga Jamh uuriga ku matelaya doorashada guud ee dalka Mareykanka oo loo ballansan yahay in ay dhacdo bisha November ee sannadkan.

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Trump ayaa horey guulo uga soo gaaray gobolo kale uu tartan kasoo galay, waxaana la saadaalinayaa in uu noqon doono musharaxa xisbiga Jamhuuriga ku matali doono doora shada soo socota.

Guulaha Donald Trump waxaa si weyn uga walaacsan dadka soo galootoga ah ee kunool dalka Mareykanka, kuwaa oo mar kale ka baq aya in Trump haddii uu ku guuleesta xilka madaxweynaha soo rogo xanibaadyo badan uuna celiyo dadka aan sharciyada heesan.

Diyaarad milatari oo siday maxaabiis dagaal oo bur burtay iyo dadkii saarnaa oo dhintay

Diyaarad milatari oo nuuceedu ahaa Ilyu shin-76 oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa ku bur burtay koonfurta gobolka Belgorod ee ku yaalla xuduudka Ruushka iyo Ukraine, wax aana shilkan ka dhashay khasaaro dhimasho oo badan.

Warbaahinta dalka Ruushka ayaa baahisay in diyaarada milatari ee bur bur tay ay saarnaayeen 65-qof oo maxaabiis dagaal oo u dhashay dalka Ukraine iyo sidoo kale shaqaalihii diyaarada la socday.

Barasaabka gobolka Belgorod Vyacheslav Gladkov ayaa xaqiijiyay jiritaanka shilka diyaa radeed ee dhacay, waxa uuna ka gaabsaday in uu faah faahiyo khasaaraha ka dhashay shil kaasi.

Afhayeenka madaxtooyada dalka Ruushka Dmitry Peskov ayaa sheegay in aqalka Kre mlin-ka ee Ruushka looga arrimiyo ay ka war hayaan burburka diyaaradda balse ay diideen in ay faah faahin ka bixiyaan.

WASIIR QORSHEYNAYEY DILKA MADAXWEYNIHIISA & DAD KALE OO XABSIGA LA DHIGAY

Mas’uuliyiinta Venezuela ayaa xiray 32 qof oo isugu jira wasiiro rayid iyo askar ka dib ba aritaan muddo bilooyin ah socday oo ku saab sanaa inay qeyb ka ahaayeen "shirqool” uu Ma reykanku taageerayo oo lagu dilayo madaxwe yne Nicolas Maduro, sida uu sheegay xafiiska dacwad oogaha.

Wasiirka Gaashaandhigga Vla dimir Padr ino, dad u dhaqdha qaaqa xuquuqda, saxafi yiinta iyo askar musaafuris ku maqan ayaa ka mid ah dadka loo haysto shir qoolka

Dhammaan tuhmanayaasha waxay qirteen oo daaha ka qaadeen macluumaadka ku saab san qorshayaasha,” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud Tarek William Saab u sheegay wariyeya asha isagoo ku sugan Caracas.

Saab oo daacad u ah Maduro ayaa sheegay in 11 qof oo kale la soo saaray amarro lagu soo xirayo, isagoo xusay in howlgal billowday sannadkii hore oo lagu doonayay in lagu soo bandhigo tafaasiisha la sheegay in la malee gay uu ahaa mid qarsoodi ah, maadaama uu ku soo beegmay wadahadallo dhexmaray Mad uro iyo Mareykanka oo sababay in maxaabiis la is dhaafsado .

Waxa uu ku eedeeyay shirqoolka kooxda "midigta fog” oo Xukuumadda Maduro ay inta badan ula jeedo mucaaradka taageerada ka helaya Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA).

Saraakiisha ayaa sii daayay muuqaal la sheegay in ay ku lug leedahay hogaamiyaha mucaaradka Maria Corina.Maduro ayaa la doortay sanadkii 2018 mar kii labaad, oo isku xigta, wuxuuna la kul may cunaqabatayn aad u badan. Arrimahan ayaa la fududeeyay tan iyo markii ay dowladdiisu ogolaatay in sanadka 2024-ka la qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo ay goobjoog ka yihiin goobjoogayaal.

Warbixin ay soo saartay sannadkii hore, guddiga xuquuqul insaanka ee Q/Midoo bay ay aa walaac ka muujisay cabsige linta, cadaadis ka lagu hayo mucaaradka xarig ga aan sharc iga ahayn iyo xarigga suxufiy iinta, difaacaya asha xuquuqda aadanaha iyo dhaqdhaqaaqay

aasha siyaasadda.”


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip