HALKAAN KA AKHRISO:- WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 21-KA JANNAAYO 2024-KA

0
Sunday January 21, 2024 - 08:31:33 in Wararka by
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 21-KA JANNAAYO 2024-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada Qaahira kula kulmay Imaamka Al-Azhar ee Sheekh Axmed El-Tayeb

Madaxweynaha Jamhuuri yadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud oo boo qday xarunta Al-Azhar Al Shariif ee Magaalada

Qaa hira ayaa la kulmay Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb oo ah Imaamka Al-Azhar,

iyagoo ka wada hadlay ahmiyadda dagaalka fikirka ee ka dhan ah Khawaarijta Alshabaab iyo xaaladda kumannaanka arday ee wax ka barata Jaamacadda iyo Xarumaha Al-azhar.

Madaxweynaha oo ayaa sheegay sida ay Soom aaliya uga go’an tahay in lasii xoojiyo hirgelinta macaahid diini ah iyo xarummo lagu wajaho fikirka xagjirnimada ayaa ku marti-qaaday She ekh Axmed Al Tayib in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya si uu u soo arko horumka iyo miro-dhalka dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb oo Madaxweynaha uga mahadceliyey booqash ada ayaa aqbalay casuumadda, waxa uuna si adag u cambaareeyey Faragelinta ay dowladda Itoobiya ku sameysay Madax bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soom aaliya, isaga oo xusay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga difaaco cid kasta oo ku soo xadgudubta.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo la horgeeyay Hindise sharciyeedyo muhiim ah

Kalfadhiga 4aad kulankiisa 11aad ee Golaha Shacabka Baarlamaan ka JFS oo Shalay shir Guddo omineysay Guddoomiye

ku-xige enka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo. Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, sidoo kale waxaa goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa:

1) Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Hay’adda adeegyada Baaritaanka iyo Sharciy eynta Beeraha Soomaaliyeed (SARIS)

2) Akhrinta 1aad ee Hindise -Sharciyeedka Badbaadada Dhir-Beereedka iyo Takoorka.

3) Akhrinta 1aad ee Hindise -Sharciyeedka Kiim ikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.

4) Qeybinta Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Xisaabiyeyaasha Soom aaliyeed.

5) Qeybinta Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hin dise-Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soom aaliyeed

6) Qeybinta Heshiiska Ku-Biirista Urur Gobole edka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC)

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Beeraha XFS

Md. Asad Cabdirisaaq Maxamed ayaa Mudana yaasha Golaha kahor Akhriyay Hindise Sharciye edka Hay’adda adeegyada Baaritaanka iyo Sha rciyeynta Beeraha Soomaali yeed (SARIS), Hin dise -Sharciyeedka Badbaa dada Dhir-Beeree dka iyo Takoorka iyo Hindis Sha rciyeedka Kiimi kooyinka Beeraha Soomaliyeed.

Si waafaqsan Qodobka 84aad (4) ee Xe er Hoosaadka Golaha Shacabka, Xildhiba ann ada ayaa mabda’ guud iyo ujeedada Hin dise-Sharci yeedka weydiyey Wasiir dawlaha Wasa aradda Beeraha. ntaas kadib wasiir dowlaha ayaa faaf aahin ka bixiyey su’aalaha laweydiyey .Ugu dam beyn,

Guddoomiye Ku- xigeenka 1aad ee Golaha

Shacabka BJFS Marwo. Sacdiya Yaasiin Xaaji

B/2aad

Samatar, oo soo xirtay kulanka Shalay ayaa far

tay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Md. Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle "Jaa biri” in uu ku wareejiyo Hindise-Sharc iyeed yada maray Akhrinta1aad Guddiga Beeraha, Hormari nta Reer-Miyiga, Xoolaha iyo Kheyraad ka Badda

R/Wasaare ku-xigeenka XFS:

"Somaliland waxay ka mid tahay Soomaliya mana geli karto heshiis Caalami ah”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Md.Saalax Axmed Jaam ac oo wareysi siiyey Idaa cadda iyo Telefishinka Turkiga ee TRT ayaa ka had lay damaca gurracan ee Itoobiya ku doona yso qayb ka

mid ah dhulka iyo Biyaha Soom aaliya,ugu horayn Ra”iisul wa saare xigeenka ayaa la weyd iiyey in Somaliland xaq u leed ahay inay dhul ka kireyso Itoobiya iyo in kale, ayaa sheegay inay san xaq u lahayn inay gala an heshiisyo caalami ah, sababtoo ah waxay qayb ka yihiin Sooma aliya.

"Kowdii Jannaayo ee sanadkan ka hor, Soo maaliya waxay ku mashquulsaneyd hagaajinta dhaqaalaheeda, la dagaalanka Al-Shabaab, soo afjarida dayn cafinta oo muddo toban sano ah nagu qaadatay, iyadoo ku guuleysatey in aan bilowno dagaal adag oo ka dhan ah Al-Shabaab oo dib u soo celineysa xiriirkeeda Xidhiidhka caal amiga ah, isla markaana qayb ka ah barnaamijka siyaasadeed ee madaxweynaheenna iyo xukuu madda hadda jirta ee uu Ra’iisal wasaaraha ka yahay, siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaa liya waxaa lagu wargeliyaa qof Soomaali ah oo nabad kula nool naftiisa iyo caalamka intiisa kale, ayuu yiri Mudane Saalax. .

Waxa uu sidoo kale sheegay in arrinta ku saabsan Is-afgaradka ay tahay khatar lama filaan ah oo ka imaanaysa Itoobiya, taasina ay walaac weyn ku tahay dowladda iyo shacabka Soomaa liyeed, saameyn weynna ku yeelan doonto shac abka ku nool Geeska Afrika.

Hakadka tartanka ayaa yimid kadib markii uu muran hareeyay habsami socodka tartanka oo ay isaga baxeen xulka matalayay Koonfur Galbeed.

Kulan ay yeesheen guddiga fulinta xiriirka kuba dda Cagta ee Soomaaliya iyo ururrada kubadda cagta ee maamul goboleedyada ayaa lagu go’aa miyay in dib loo amba qaado tartanka berito.

Hirshabeelle ayaa beri xaadiri doonta garoon ka si saddex dhibcood looga siiyo xulkii Koonfur galbeed oo aan meeshaba joogin maadaama ay iyaga la ciyaari lahaayeen, laguna guul dareystay in dib loogu soo celiyo tartanka.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Madaxweynihii hore ee Nigeria oo loo diray inuu dhexdhexa adiyo Itoobiya iyo Soomaa liya

Golaha Nabadda iyo Ammaan ka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa Madaxwe ynihii hore ee dalka Nigeria, Olusegun Obasanjo u diray si uu qeyb uga qaado dadaalla da iyo wada-xaajoodyada loo ga hortago xiisadaha sii xu maa naya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Sooma aliya.

Xiriirka labada dal ayaa gaaray meeshii ugu xu mayd, ka dib markii Somaliland uu heshiis la sa xeexday Itoobiya 1-dii January, kaas oo u ogol aanaya in ay gacanta ku dhigto deked iyo saldhig ciidan oo ku yaalla Badda Cas. Obasanjo ayaa wajahaya hawl adag iyadoo dowladda Soom aaliya ay diiday in la dhex dhexaadiyo Itoo biya, illaa laga noqdo hesh iiska xad gudubka ku ah madax bannaanida Soomaaliya ee ay Som aliland la gashay.

B/2aad

Guddiga nabadda iyo ammaanka ee Mido wga Afrika ayaa ugu baaqay Jamhuuriy adda Dimu qraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Jamhuu riyadda Federaalka Soomaaliya in ay u hoggaa nsamaan mabaadi'da aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo shuruucda caalamiga.

midowga Afrika wuxuu u arkaa Somaliland inay tahay gobol ka tirsan Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya oo ku dhaw aaqday in aysan wax wadahadal ah la geli doon in Itoobiya haddii aysan ka laaban heshiiskii ay la galeen Somaliland, ayaa laga yaabaa inay saa mayn ku yeelayo wada xaajooda uu Midowga Afrika doonayo in laga dhex sameeyo labada dal.

Soomaaliya ayaa Itoobiya ku eedeysay inay ku xad gduubtay madaxnimada iyo wadajirka dhul eed ee Soomaaliya. Dowladdu waxay sheegtay haddii aysan Itoobiya ka laaban heshiiskaas in laga dhaxli doono cawaaqib xumo

"Waqtigan wuxuu ku dhowaa waqtigii xoogga la saari lahaa wax ka qabashada saameynta isb eddelka cimilada, cunno yarida, horumarinta dhaq aalaha, isdhexgalka dhaqaal aha, wanaag ga bulshooyinkeena, waa wax lala yaabo in xilligan hal waddan uu isku dayo inuu galo dhulka la isku daray. Dalka soo gala iyaga oo ku an dacoonaya in ay u baahan yihiin in ay helaan bad da, xaqiiqdii Itoobiya waxa ay ka heli kartaa bad ama dekado ku yaalla Jabuuti, Soomaaliya, Ke nya iyo Ereteriya, wax dekad ah oo la heli karo ma yara, Laakiin tani waa mid aad u badheedh ah oo xad-gudub ku ah xuquuqda madax-bann aanida Soomaaliya, waxayna saamayn weyn ku yeelan kartaa, mandaqada Geeska Afrika,” ayuu yidhi DPM Saalax

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in arrintan ay dhalin karto isku dhacyo sababtoo ah ‘dhaqanka mas’uuliyad darrada ah’ ee mada xda Itoobiya.

Sidoo kale, Saalax oo wax laga weydiiyay dagaal lada ay kula jiraan kooxaha argagaxis ada ah ee Al-shabaab ayaa sheegay in asalkooda laga soo billaabi karo markii ay ciidamada Itoobiya soo galeen Soomaaliya, balse wixii xilligaas ka dam beeyay ay dowladdu dadaal u gashay dagaallada kooxda xagjirka ah looga ciribtirayo Soomaaliya.

Duqa Muqdisho oo sheegay in barashada fars ama gacanta ay ka mid tahay wax yaab aha uu dal ku horumaro

Gud/G/Banaadir Ahna Duqa M/udisho Md. (Madaale ayaa sheegay in barashada farsama gacanta ay ka mid tahay wax yaabaha ugu muh iimsan ee uu dal ku horumaro, islamarkaana uu Maamulka Gobolka dhii ragelin doonno howlaha farsamada gacanta.

Md. Madaale ayaa hada lkan jeediyay xilli uu Shalay dhagax dhigayay dhismaha Dugsiga Fa rsa mada Gacanta oo laga hirg elin doonno Degmada Wa dajir, kaas oo ay si bilaash ah wax uga baran doonan dadka Danta-yar. Mun aasabadda dhagax dhigga Dugsigaan ayaa wax aa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyige linta Maamulka G/Banaadir Md.C/casiis Cusmaan Ma xamed, Safiir Ku xigeenka D/ Turkiga u fadhiya Soomaa liya Armaan Ardoga, Maamulka Degma da Wad ajir iyo xubna ka socday hey’adda SAFA oo fuli nta mashruucan qeyb ka ah.

Booliiska Soomaaliya oo sheegay iney gaca nta ku soo dhigeen askari Shalay dil geystay

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa shaaca oa qaaday in gacanta lagu soo dhigay askari ka tirsan ciidanka Booliiska oo Shalay as kari hore kale ku dilay xaafada Xaawa taako ee degmada Wadajir.

War qoraal ah oo kasoo baxay ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gacanta lagu hayo eedeysane lagu mag acaabo Mowliid Maxam uud Axmed oo ku eede eysan dilka marxuum ask ari hore uga tirsana Boliiska oo lagu magacaabi jiray Daahir Cabdi Axmed.

"Shalay 20 Jan 2024, abaare 14:00 PM, ayaa la dilay Marxuum ex- Boliis Daahir Cabdi Axmed, ina Salaado Maxamed Geedi 45 jir ku dhashay Mudug, deganaa Wadajir, kaas oo lagu dilay Deg mada Wadajir gaar ahaan waa xda Xaawo-taa ko” ayuu lagu yiri war kasoo baxay Booliiska Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay Booliiska Soomaal iya ayaa sidoo kale lagu sheegay in eedeysa naha si deg deg loo hor keeni doono cadaa lada.

"Eedeysane Boliis, Moowliid Maxamuud Ax med, oo ku eedeeysan dilka marxuumka, ayaa Ciida mada Amaanku gacanta ku dhig een, hadana wuu xiranyahay, waxaan ku socota baarista si cadaalada loo horgeeyo” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliiska.

Taliska ciidanka Boliiska ayaa sidoo sheeg ay iney ka xun yihiin dhacdada Shalay ee lagu di lay Marxuum ex Booliis Daahir Cabdi Axmed, wa xaana xusid mudan in banaanbax looga soo horj eedo dilka askariga hore inuu Shalay ka dhacay Isgoyska Banaadir ee magaalada Muq disho.

Taliye cusub oo la magacaabay, kadib geeri dii Cabdi Maxamed Suulnuug

DFSayaa Shalay taliye cusub u magacoway guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor, kadib markii dhowaan lagu dilay taliyihii guutadaas, Cabdi Maxamed Suulnuug, kaas oo ku dhintay dagaa lka Mudug. Taliye ku xigeen ka cusub ee guutadan ayaa wa xaa loo magacaabay G/le Xas an Aadan Maxa med (Xasan Ciraaqi), kaas oo beddalaya AUN taliye Suulnuug.

Xasan Ciraaqi ayaa magac aabistiisa kadib boo qasho ugu tegay ciidanka guutada 18-aad ee Gorgor, isaga oo kula darda armay inay laba jib aaraan howsha u hayaan qaranka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay shaqa da halkeeda kasii socon doonto, ayna wadi doo naan gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Galmudug.

Taliye ku xigeenka cusub ayaa waxaa horta alla dhammeystirka shaqadii uu ka tegay Suulnu ug oo marka la dilayay ku howlanaaa xoreynta deegaanada ay joogaan Shabaab.

Suulnuug oo lagu tilmaamay geesi qaran ayaa muddo ku sugnaa furimaha dagaalka, wuxuuna wax ka xoreeyay deegaano badan, sida degma da Aadan Yabaal iyo magaalooyin kale oo ku yaa lla gobollada dhexe ee dalka. Wuxuu sidoo kale ahaa halyey ka tilmaamay fagaareyaasha dagaa lka, waxaa jeclaa ciidanka uu hoggaamiyo, wax aana ka go’need inuu Al-Shabaab ka xoreeyo wadanka.Si kastaba, CXDS ayaa weli dalka ka

wada ho wlgallo culus oo xoreyn ah, kuwaas oo

naftooda ay ku waayeen saraakiil uu kamid ahaa taliye ku xigeenkii ciidanka sida gaarka u tababaran ee

Danab Xasan Maxamed Cismaan (Tuure).

Xog: Cabdirashiid JANAN oo dib loo helay maalmo kadib

Wasiirkii hore amniga D/G/ Jubbaland Cabdi rashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa Shalay dib loo helay, kadib markii horay loogu waayay M/ Ni arobi ee caa sim ada dalka Ken ya, taas oo kee ntay walwal xoogan.

Jeneraal Yuusuf Xus een Cis maan (Dhuu maal) oo hadda ah wasiirka amniga Jubbaland ayaa xaqiijiyay in isaga oo nool Nairobi la gelay Janan, kadib maalmo wark iisa la la’aa.

Wasiir Dhuumaal ayaa sheegay inuu gadda na bad qabo Janan, isla markaana ay faahfaahin ka bixin doonaa arrimihiisa iyo xaaladda uu hadda ku sugan yahay.

Wali ma jirto faah-faahin rasmi ah oo laga helay cidda uu ku maqnaa, balse waxaa la xaqiij iyay in Habeen hore hoygiisa la keenay, isla markaana uu haatan ku sugan yahay.

Warar horay loo baahiyay ayaa waxaa lagu she egay inuu u gacan galay sirdoonka Kenya, balse waxaa haatan laga war sugi doonaa faahfaahinti isa, maadaama lasii daayay.

Arrinta C/rashiid Janan ayaa cirka isku shar eertay, kadib markii ehelladiisa qaar kamid ah ay sheegeen in la dilay, halka kuwa kalena ay ku warrameen in la afduubtay.

Sidoo kale waxaa ka hadlay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo baaq cod dheer ah u diray laamaha ammaanka Kenya, ka na dalbaday inay meel ku sheegaan Janan.

Cabdirashiid Janan oo waayihiisa ay marxalad kala duwan soo mareen, marna lagu xiray M/Muq disho ayaa ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horje eday madaxweynaha Jubb aland Axmed Mado obe oo ay mar ahaayeen saaxibo aad isugu dhow

Dowlada Sudan Oo Shaacisay Inay Ka Baxday Urur Goboleedka IGAD

Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in ay hakisay xubinimadeedii urur goboleedka IGAD, oo ah urur ay ku mideysan yihiin dalalka ku yaal bariga Afrika kadib markii xubnaha kale ee ururka ay isku dayeen in ay hexdhe xaadiyaan dhinacyada isku haya dalkaas.

Wasaaradda arrimaha dibadda, oo daacad u ah Abdel Fattah al-Burhan, ayaa ku dhawa aqay warkan ah inaysan la sii shaqeyn doonin IGAD.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in Burh aan uu warqad u diray madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo hadda ah guddoom iyaha IGAD, si uu ugu sheego go’aanka dowlad da Suudaan ay ku laashay xubinnimadii ururkan.

"Dawladdu waxay toddobaadkan ku dhaw aaqday inay joojisay xidhiidhkii ay la lahayd ururkan ka hor shir ka dhacay Uganda Khamii sta, ka dib markii ay ku casuuntay madaxa RSF Mohamed Hamdan "Hemedti” Dagalo.”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowlada Sudan.

Waxana ay xukuumada Sudan ku eedeysay urur goboleedka IGAD inuu ku xad-gudbay ma dax-banaanida Suudaan taasoo ay ku tilma antay arrin halis ah.

B/3aad

Shir madaxeedkeedii Khamiista, IGAD wax ay ku celisay baaqeeda ah xabad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah.

Qiyaastii 7.5 milyan oo qof oo rayid ah ayaa ka qaxay dagaallada, ha noqdaan dibadda ama meelo kale oo dalka ah, sida lagu sheegay tiro koobyada Qaramada Midoobay.

War-murtiyeed ka soo baxay shirweynaha aan caadiga ahayn ee IGAD ayaa siiyey guud ah aan labada dhinac ee Sudan inay ku kulm aan muddo laba toddobaad ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ayaa sheegtay in uu yahay qodobkan, oo la dar ay ajandaha iyada oo aan Suudaan ogolaan sho laga helin, taas oo keentay in ay qaado tilla abo dheeri ah oo lagu joojinayo xubinnim adeeda.

IGAD oo garab ka helaya Maraykanka iyo Sucuudiga ayaa marar badan isku dayey inay dhex dhexaadiyaan labada dhinac, taas oo aan ay waxba ka soo bixin.

Ciidamada Sudan iyo kooxda Rapid Support Forces (RSF) ayaa muddo sagaal bilood ah ku dagaalamayay dagaal ay ku dhinteen kuman naan qof, ayna ku barakaceen in ka badan todd obo milyan.

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo sha aciyay waqtiga uu dib u bilaabanayo tartanka

Tartanka ciyaaraha dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa berito oo Axad ah dib uga bilaabanaya garoonka Kub adda Ca gta Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in tartanka uu dib u bilaaban doono, ka dib hakad uu tartanka ku jiray mudo todoboaad ka badan.

Hakadka tartanka ayaa yimid kadib markii uu muran hareeyay habsami socodka tartanka oo ay isaga baxeen xulka matalayay Koonfur Galbeed.

Kulan ay yeesheen guddiga fulinta xiriirka kub adda Cagta ee Soomaaliya iyo ururrada kubadda cagta ee maamul goboleedyada ayaa lagu go’a amiyay in dib loo amba qaado tartanka berito.

Hirshabeelle ayaa beri xaadiri doonta gar oonka si saddex dhibcood looga siiyo xulkii Ko onfur galbeed oo aan meeshaba joogin maa daa ma ay iyaga la ciyaari lahaayeen, laguna guul dareystay in dib loogu soo celiyo tartanka.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.


Saddex Sarkaal Oo Shabaab Ah Oo Lagu Dilay Gobolka Sh.Dhexe

Todobo dhagar qabe oo ka tirsan Shabaab ay aa lagu dilay howlgal qorshaysan oo Ciida nka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ay ka fuliyeen deegaanka fiidow oo hoos taga deg mada Mah ad aay ee G/Sh/Dhexe. Dhagar qaba yaasha lagu dilay howlgalkaan ayaa wax aa ka mid ahaa Saddex horjo oge oo kala ahaa:-

1. Cabdiraxmaan Dheere oo hadda kha wa arij ta u qaabilsanaa weerarada gaadmada ah ee kooxdu ka gaysato gobolka Shabeellaha Dhexe.

2. Horjooge Mucaad oo asna ka tirsanaa isla qaybta weerada Khawaarijta ay ka gaystaan go balka Shabeellaha Dhexe.3. Horjooge Cabdir isaaq Muuse Khaliif oo ahaa ku xigeenka Horjoo gaha baadda iyo boobka shacabka ee ay ugu yerraan Saka waadka. Dhagar qabayaasha kale ee howlgalka lagu laayay

ayaa ahaa maleeshiyaad ay wateen

ITOOBIYA oo qiil yaab leh u sameysatay badda Soomaaliya

D/Itoobiya oo war cusub kasoo saar tay he shiiska badda ee ay la gashay Somalil and ayaa soo bandhigtay qiil yaableh oo ay ku dooneyso inay ku qabsato biyaha Soomaa liyeed.

Redwan Hussain oo ah la-taliya ha amniga ee Ra’iisul wasa are Abi y Axmed ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya ay wax kasta ku bixin eyso inay hesho marin biyood, ka as oo uu tilmaamay inuu muhiim u noqon doono malaayinka qof ee Itoobiyaanka ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Itoobiyaan ka aysan sii noolaan karin haddii aysan helin marin biyoodka haatan loo saxiixay, sida uu ku dooday.

"Itoobiya ma noolaan karto haddii aysan helin ma rin biyoodkan, waa muhiimadda koow aad ee ba dbaadadeenna, sidoo kalena waxay kaalin muh iim ah ka qaadanaysaa nabadda iyo amniga gob olka. Ma dhayalsan karno arrin tan,” ayuu yiri Am bassador Redwan Hussain.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu ma rin biyoodkaas haddii ay helaan inuu ka qayb-qaa dan doono horumarka dhaqaalaha iyo bulsh ada Itoobiya, isla markaana aysan cidna waxy eello u geysaneyn.

Ujeedkooda waxa uu tilmaamay in uusan aha yn inay qabsadaan dhul badeed ee ay tahay kiro uun, sid ay fursad u hesho dowla dda Itoobiya.

"Ma ahan inaan qabsaneyno dhul cid kale leed ahay waxaan kaliya kiraysaneynaa dhul sida qof kasta oo jooga Somaliland, annaga ma ahaanee. Waxaa jira dalal horey u lahaa saldhigyo, kuwa kalena safka ayey ugu jiraan inay helaan marin biyood” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haa tan Itoobiya ay wajaheysa culeys la xiriira hesh iiska ay la gashay Somaliland, waxayse u muuq atai in aysan dhag jalaq u siineyn baaqyada caalamiga ah ee la xiriira xad-gud ubka ay Soom aaliya kula kacday, xilli DFS ay muujisay si da ay uga go’an tahay difaaca madax-banaanid eeda.

Si kastaba, DS ayaa daga alka diblumaasiyadda kaga adkaatay Ethiopia, iyada oo taageero caala mi ah u hesh ay difaaca dhulkeeda, kadib markii ay burisay heshiiskii Muuse Biixi uu Addis Ababa kula gaaray Abiy Axmed.

Israel oo duqeyn ku dishay Saraakiil ka tirsan Ilalada Kacaanka Iiraan

Duqeyn ay Israa’iil Sabtida Shalay ah ka fulisay caasimadda Suuriya ayay ku burburisay dhismo ay adeegsadaan ciidamada ilaalada kacaanka ee Iiraan, iyadoo ay ku dhinteen ugu ya raan afar Iiraaniyiin ah, sida ay wariyeen warbaahi nnada dowladaha Suuriya iyo Iiraan.

Telefishinka qaranka Iran ayaa wariyay in afar la-taliye oo ka tirsan ciidanka ilaalada kacaanka lagu dilay duqeynta ka dhacday magaalada Dimishiq, iyadoo aan sheegin magacyada la taliyeyaasha la dilay. TV-ga ayaa intaa ku daray in Israa’iil ay ka dambey say weerarka.

Wargeyska Nour News oo la rumeysan yahay in uu ku dhow yahay sirdoonka dalka Iiraan ayaa isna sheegay in laba ka mid ah dadka dhintay lagu kala magacaabi jiray Gen. Sadegh Omidzadeh, oo ahaa ku-xigeenkii sirdoonka ee ciidamada ilaalada Quds ee Suuriya iyo ku xigeenkiisa.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha Suuriya oo ah hay’ad mucaarad ah ayaa sheegtay in ugu yaraan lix qof oo shan ay Iiraaniyiin yihiin iyo mid Suuriyaan lagu dilay weerarka loo adeegsaday gantaallada oo dhacay xilli saraakiil ka tirsan kooxaha ay Iran taageerto ay shirayeen. Madaxa hay’adda, Rami Abdurrahman, ayaa sheegay in saddex ka mid ah Iiraaniyiinta ay ahaayeen taliyeyaal, isaga oo intaa ku daray in afar qof oo kale wali lagu la’yahay burburka hoostiisa.

TV-ga dowladda Suuriya ayaa sheegay in weerar uu ku tilmaamay "gardarro Israa’iil” lagu beegsaday dhismo ay dad deggan yihiin oo ku yaalla xaafadda sida adag loo ilaaliyo ee Mazzeh ee galbeedka Dimishiq, halkaasi oo ay ku yaallaan dhowr safaaradood. Duqeynta Shalay ayaa ka dhacday meel ku dhow safaaradaha Venezuela iyo Koonfur Afrika.

Sarkaal xaaladda la socda ayaa sheegay in dhismahan ay adeegsanayeen saraakiisha ilaalada kacaanka, isagoo intaa ku daray in "gantaallada Israa’iil” ay burburiyeen gebi ahaanba dhismaha, isla markaana 10 qof ay ama ku dhinteen ama ku dhaawacmeen weerarka. Sarkaalkan ayaa ka tirsan koox ay Iiraan taageerto, laakin waxa uu codsaday in aan magaciisa la sheegun maadaama uusan fasax u haysan in uu ka hadlo arrimaha ammaanka.

Janaraal sare oo ka hor yimid istaraatiij iyadda Netanyahu ee Gaza

Xubin muhiim ah oo ka tirsan golaha dagaalka ee Israa’iil ayaa ku eedeeyay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu inuusan ka run sheegin ha dafyada militari ee dalkaas ee Gaza Mr Neta nyahu ayaa si cad u diiday baaqy ada Mare ykanka ee ah in laga fekero musta qba l dal ay Falastiin yeelato, wuxuuna ku adkeystay in dagaalku uu socon doo no "ilaa laga gaaro guul dhammeystiran”. Balse Gadi Eisenkot – oo wiilkiisa lagu dilay Gaza – ay aa sheegay in dadka u ololey naya "ka adkaan sho dhab ah” oo Xamaas laga adkaado "aysan ka hadleynin runta”. Janaraalkan howlgabka noq day ayaa sidoo kale sheegay in Netanyahu uu wax ku leeya hay mas’uuliyadda ku guul-darrey sashada in dalka laga difaaco weerarkii 7 Oktoo bar wuxu una ku baaqay doorashooyin cusub, isagoo xu say inaysan "aaminaad” ka dhex jirin hoggaan ka haatan ee Israa’iil. Xamaas ayaa di shay qiyaastii 1,300 oo qof waxayna qafaalatay 240 kaddib weerar kedis ah oo ay ku qaadday koofurta Israa’iil.

Muwaadin Mareykan ah oo lagu dilay Daanta Galbeed ee la haysto

Ciidamada Israel ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii Magaalada Ramallah ee Daanta Galb eed ee la haysto ku dilay muwaadin Falastiini ah, balse sidoo kale haystay dhal ashada dalka Mareykanka.

Tawfiq Ajaq oo 17 jir ahaa ayay Ciidamada Israel ku toog teen xaafadda Al-Mazra’a Al-Sharqiya ee bariga magaaladaasi.

Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee Wafa ayaa sheegtay in Tawfiq Ajaq uu u geeriy ooday rasaas ay huwiyeen Ciidamada Israel.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareyk anka ayaa xaqiijisay geerida muwaadi nkaasi, sida la gu sheegay qoraal ka soo baxay wasa aradda.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay wadaan dad aalo ay ku ogaanayaan sababta ka dambe ysay in la dilo muwaadiniinka rayidka ah, iyadoona Israel ka dalbatay inay sharaxaad ka siiso waxa keenay dilkiisa

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Mar eykanka, John Kirby ayaa sheegay in Aqalka Cad uu ka walaacsan yahay dilka loo gaystay mu waadinkaasi.

Tani ayaa imaanaysa, iyadoo Aqalka Cad uu Jimcihii dhalleeceeyay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo si guud uga soo horjees tay dhismaha dowlad ay shacabka Falastiiniyiintu leeyihiin.

Netanyahu ayaa Khamiistii meesha ka saa ray suurtalnimada in Falastiiniyiintu ay ka madaxban naanaadaan Israel, waxaana uu sheegay in Tel Aviv ay u baahan tahay inay maamusho Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ay aa sheegay in yegleelidda Dowladda Falastii niyi inta ay tahay waddada keliya ee lagu xaqiijin ka ro amniga waara ee Israel iyo dib-u-dhiska Gaza.

Xuutiyiinta Yeman oo dhigay dibad bax ay ku taageerayaan Falastiin

Kumanaan dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka caasimadda Yemen ee San ca, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan Falastiiniyiinta, kana soo horjeedaan weerarada reer galbeedka ee Yemen, iyadoo dagaalka Israa’iil ee Gaza uu weli socdo.

Banaanbaxa oo Dorraad dhacay wariyaha Al jzeera oo ku sugnaa wuxuu sheegay in qaar ba dan oo ka mid ah dadkii isugu soo baxay ay ku eede eyeen Mareykanka inuu taageerayo dag aalka Israel, waxayna ballan qaadeen inay sii wadi doonaan garab istaagga walaalahooda Fal astiin.

"Waxay hadda leeyihiin, Ma danayneyno ca dhadaada, ma danayneyno wax kasta oo aad nagu sameyso, waxaan sii wadi doonaa taageera dayada iyo taageerada Falastiiniyiinta ilaa ay Israel joojinayso dagaalka ay ku hayso Gaza,” ay uu raaciyay. Arbacadii, maamulka Biden ayaa Xuutiyiinta Yemen dib ugu daray liiska argagixiso caalami ah iyagoo si gaar ah ugu eedeeyay weerarrada ay ka wadaan Badda Cas, oo horana ay u shee geen inay ku bar tilmaadsanayaan maraakiibta Mareykanka iyo Israa’iil.

SOURCE ALJAZEERA

MAXAA KA JIRA IN ISRAA'IIL AY ASAAST AY URURKA FALASTIINIYIINTA EE XAMAAS?


Wararka ku saabsan in dhaqdhaqaaqa Xamaas uu ahaa mashruuc Israa'iil ay horey u abuurtay ayaa baraha bulshada iyo warbahint aba la wareejinayay - tan iyo markii ay kooxda ay weerareen Israa'iil 7 October . Hadaba maxaa ka run ah sheekadaasi?

Xubno badan oo Xamaas ka tirsan ayaa diiday oo beeniyay sheegashadaas si la mid ah saraakiisha sarsare ee Israa’iil. Balse warkani waxaa mar si cad u sheegay madaxweynihii hore ee Masar, Xusni Mubaarak.

Sidoo kale, Senetarka Jamhuuriga ee Congr ess-ka Maraykanka ayaa isna mar soo hadal qaaday arrintan waxaana sidoo kale lagala hadlay saraakiisha amniga gudaha ee Israel,ee Shin Bet.

Akhwaan Muslimiinta

Halganka dheer ee Xamaas waxa uu asal ahaan ka soo jeedaa bartamihii 1940-aadkii ee dhulka falastiiniyiinta, markaas oo laamihii ugu horreeyay ee ururka Ikhwaanul Muslimiin laga aasaasay Gaza, Qudus iyo magaalooyin kale.

Ka dib dagaalkii Carabta iyo Israa'iil ee 1967, dhallinyaradii Ikhwaanul Muslimiin kuma qanacsanayn hoggaamiyeyaashooda diinta iyo siyaasadda.

Dukumentiyada ururka Ikhwaanul Muslim iinka ayaa muujinaya in xarakadu ay aad diiradda u saarto dhanka waxbarashada, dhaqanka, bulshada iyo ruuxiga ah, balse aysan ku mashquulin dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Ikhwaanul Muslimiinka waxa ay ka soo jeedaan caalimkii Islaamka ahaa ee Sayid Qutb oo lagu dilay Masar 1966kii.

Afhayeenka Xamaas

Afhayeenkii ugu horeeyay ee dhaq dhaqaaqa Xamaas Ibraahim Ghosheh ayaa buuggiisa "The Red Minaret,” ku sheegay in su’aalo badan ay iska weydiinayeen dhalinyarada ururka Ikhwaa nul Muslimiin.

"Sababtoo ah ma aysan soo bandhigin xal cad oo ku saabsan mustaqbalka falastiin, mana ay san ku baaqayn in la bilaabo dhaqdhaqaaqa jiha ad doonka ah ee Islaamka," ayuu qoray.

Tani ayaa sababtay in dhalinyaradii Ikhw aanka - oo doonayay inay la dagaalamaan Isra a'iil - ay samaystaan ​​koox iyaga u gaar ah oo ka tirsan kooxda. Waxa ay qorsheeyeen in ay is hubeey aan iyaga oo aan madaxda Ikhwaanka ogayn .Waxaa heshiis lala galay dhaqdhaqaaqa Fatxu - oo uu sannado badan hoggaaminayey Yaasir Carafaad - si loo tababaro xubnaha Ikhwa anka. Go’aanka lagu bilaabay ururka Xam aas ay aa yimid kadib markii ururka Ikhwaanul Musli miin uu soo maray caqabado waaweyn – oo ay ku jiraan xubno badan oo ka goostay.

Yaasir Carafaat iyo asxaabtiisa ayaa aasaasay dhaqdhaqaaqa Fatah 1965 si ay ula dagaalla maan Israa'iil

Ma Israa'iil ayaa abuurtay Xamas si ay Fatax ugula dagalanto?

Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Muba arak ayaa ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee muujiyay shakiga arrintan ku saabsan.Mubarak ayaa ka soo muuqday cajalad muuqaal ah isagoo askar hadal u jeedinayay tobanaan sano ka hor, "Israa'iil waxay u abuurtay Xamaas inay ka shaqeyso ka hortagga Ururka Xoreynta Falastiin (PLO).

Ron Paul, oo mar u tartamay madaxtinimada Maraykanka 1988-kii, wuxuu baarlamaanka ka sheegay 2009, "Haddii aad taariikhda dib u raacdo, waxaad ogaan doontaa in Israa'iil ay dhiirigelisay oo ay gacan ka geysatay abuuritaanka Xamaas, ujeeddad una tahay in laga hortago Yaasir Carafaat."

Hassan Asfour, wasiir hore iyo ergadii Falastiiniyiinta ee wadahadalka Oslo 1993, ayaa u sheegay telefishinka BBC 2023, "Xamas waxaa lagu bilaabay heshiis ay wada gaareen qaar ka mid ah dalalka Carabta iyo Israel -taasi oo ahayd mashruuc Maraykan uu watay oo lagu beddelayo PLO."

Gabdho wax ku baranaya xerada qaxootiga ee Nuseirat, Gaza 1970

Ma israa'iil ayaa maalgalisay Xamaas?

Sannadkii 1981-kii, New York Times waxa ay daabacday waraysi uu wargeysku la yeeshay guddoomiyihii ciidammada Israa’iil ee wakhti gaas, Yitzhak Segev, isaga oo yiri, "Dadka Islaa mka xagjirka ah waxa ay helaan qayb mucaa wino ah oo Israa’iil ay siiso, dawladda Israa’iil waxa ay i u qoondeysay miisaaniyad dawladda militariga-na taageero ayya ka bixisaa masaaj idda.”

Wuxuu yiri: "Lacagtan waxaa loogu talag alay in lagu xoojiyo xoogagga la tartamaya dhaqdhaq aaqa xoreynta Falastiin (PLO)."

Wareysi ay dhawaan daabacday Hay’adda Isreal Broadcasting Corporation, Yaakov Perry, oo horay uga tirsanaan jiray Shin Bet, ayaa yiri: "Waxaan ahaa madaxa ururka intii u dhaxeysay 1988 ilaa 1995, waxaan goob joog u ahaa kor u kaca dhaqdhaqaaqa Xamaas.

"waxaan xusuustaa in qiimeynteena ay ahayd. - Tani waa koox bulsho oo keliya, ka shaqeynta bixinta baahiyaha dadka, laakiin dad badan oo Israa'iil ah ayaa ku eedeeyay Shin Bet inay taag eerto dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Hamas oo ay ugu beddesho PLO, laakiin taasi run ma aha." ayuu intaa ku daray.Aasaasaha Xa maas, Sheekh Axmed Yaasiin ayaa sheegay in Israa’iil ay bixisay mushaaraad si ay isugu day aan in ay nolosha caadiga ah ku soo celiyaan dadk a ka dibmarkii ay qabsatay Gaza.

"Waxa aan shaqadayda macalinimo ku qaadan jiray 240 Lira oo Israa’iil ah bishii, 40 lirana waxa aan ku qaadan jiray shaqadii muxadarooyiinka ee masjidka”. ayuu yiri.

Cilmi baare ka tirsan machadka Truman ee jaamacadda Hebrew ee magaalada Jersulam, horena uga tirsanaan jiray sirdoonka Israa’iil sannadihii 1970-meeyadii, Roni Shaked ayaa BBC-da u sheegay, "Israa’iil weligeed ma maalgeliso Islaamiyiinta, waxay siisay shatiyo ay ku shaqeeyaan hay’ado, balse ma aysan bixin dhaqaale”.

Roni Shaked waxa uu yiri "Taasi waxa laga yaabaa in ay u sahashay Ikhwaanul Muslimiinka (Xamas ka hor) in ay koraan, laakiin Israa'iil markii horeba ma aysan taageerin dhaqdhaqaaqooda aan rabshadaha wadan"

Qorayaasha Israa’iil ee Ehud Yaari iyo Zeev Schiff waxay buuggooda Intifada ee 1990 ku yiraahdeen, "Israa’iil waxay isku khiyaantay awoodda ay ku maamusho Muslimiinta xagjirka ah, waxayna u adeegsatay inay wiiqdo saameynta Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Falastiin.

askari Fatax ah oo 1993-dii kula hadlayay dagaalyahan Xamas ah

La dagalanka Israa'iil

Isbeddel weyn oo ku yimid xeeladaha Ikhwaanul Muslimiinka ee ka dhanka ah Israa'iil ayaa dhacay 1983. Shir ka dhacay Jordan, waxay go'aansadeen "in loo ogolaado xubnahooda ku sugan Daanta Galbeed iyo Gaza inay abaabulaan hawlgallo millatari," sida uu qabo afhayeenkii ugu horreeyay ee Xamaas, Ibrahim Ghosheh.

Sanad ka dib, Israa’iil waxay xirtay dham maan ciidamadii ka socday Gaza, oo uu hogga aminayay Axmed Yaasiin, waxayna gurigiisa ka heshay 80 hub noocyo kala duwan ah.

Hase yeeshee Yaasiin ayaa la sii daayey dhawr bilood ka dib sannadkii 1985-kii, taas oo qayb ka ahayd heshiis ballaaran oo lagu sii daayey saddex askari oo Israa’iili ah.

Axmed-yaasiin waxa uu dib u bilaabay doorkii hogaamineed ee dhaq-dhaqaaqa ciidamada muddo sanad ah kadib markii la sii daayey.

She ekh Axmed Yassin asaasihii Xamas iyo madax klae ee ururka

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Xamaas ma waxaa abuurtay Israa'iil?

Israa'iil ma aysan abuurin Xamaas, laakiin dhaqd haqaaqa Ikhwaanul Muslimiinka iyo cola adda Falastiin iyo Israa'iil ayaa ah sababta ugu weyn ee abuuritaanka Xamaas.

Waxaa laga yaabaa in wax laga wadahadlo

in Israa’iil ay indhaha ka qarsatay dhaq-dhaqaa qa intii ay dhidibada u taagneyd, mise waxaa dhici karta in Israa’iil ay isku daydo in ay Xamaas u adeegsato danaheeda inta ay sii kordhayaan oo ay xoog ku yeelanayaan Falastii

niyiinta.XIGASHO:-BBC



WAA TUMA GABADHA KIM JONG UN, EE LOO MALEYNAYO INAY ISAGA BEDDELI DOONTO?


Korea Qoraalka sawirka, Kim Ju Ae ayaa markii ugu horreysay la arkay 2022

Gabadha yar ee hoggaamiyaha Kuuriyada Wa qoyi, waa qofka "aadka loogu maleynayo" inay is aga beddesho, sida laga soo xigtay hay’adda sir doonka Koofurta, ee NIS. Marka maxaan ka naqaannaa Kim Ju Ae, sidee ayayna ugu muuqa taa inay maalin un aabbaheed beddeli doonto?

Kim Jong Un ayaa aad u qariya qoyskiisa taasna waxay keentay inaan wax badan laga aqoon. Xitaa xaaskiisa, Ri Sol Ju, oo muddo qarsoodi ahayd kadib guurkooda – lama arag ilaa sanadkii 2012. Warbaahinta Kuuriyada Koofureed ayaa ku warrantay inay is guursadeen sanadkii 2009 ay na cunug isu dhaleen 2010. Waxaa sidoo kale loo maleynayaa inay tahay hooyada Kim Ju Ae, oo dhalatay labo sano kadib xilligaas.

Markii ugu horreysay ee jiritaanka Kim Ju Ae la shaaciyo waxay ahayd 2013, kadib markii xidd igga kubbadda gacanta ee howlgabka noqday una dhashay Mareykanka Dennis Rodman uu booqasho muran dhalisay ku tegay Kuuriyada Waqooyi.

Rodman ayaa sheegay inuu waqti la qaatay qoys ka Kim, kusoo dalxiisay badda uuna "kor u qaa day ilmahooda", oo uu ugu yeeray Ju Ae.

Korea

EFE/REX/SHUTTERSTOCK

Qoraalka sawirka, Kim Jong Un iyo Kim Ju Ae oo ku sugan xarun gantaallada laga gano oo ku taalla meel aan la shaacin oo ku taalla Kuuriyada Waqooyi, January 2024

Xitaa warbaahinta Kuuriyada Waqoooyi waxay keliya "u aqoonsadeen gabadha Kim Jong Un, iy agoo aan magaceeda sheegeyn amaba da’de eda ", ayuu yiri Fyodor Tertitskiy, oo ah baare siyaasadda Kuuriyada Waqooyi waxna ka dhiga Jaamacadda Kookmin ee ku taalla Seoul. "Wax kale lagama yaqaan, ugu yaraan bulshada dhexd eeda," ayuu intaa ku daray. Wuxuu ku qiyaasa yaa inay da’deedu u dhaxeyso toban ilaa toban iyo dhowr sano.

Shir jaraa’id oo qarsoodi ah ayay sanadkii ho re NIS ugu sheegtay siyaasiyiinta Kuuriyada Ko ofureed in Kim Ju Ae aanan weligeed laga diwaan-gelin iskuul waxbarasho oo rasmi ah isla markaana wax loogu dhigayay gurigooda ku yaalla Pyongyang. Waxay intaa ku dartay inay ku raaxeysato hiwaayadaha sida kaxeynta fardaha, dabaasha iyo cayaarta barafka. Mid ka mid ah dadkii shirkaas jaraa’id ka qyeb galay ayaa mar dambe weriyeyaasha u sheegay in Kim Jong Un uu gaar ahaan ku qancay xirfadaheeda fardo kaxeynta.NIS ayaa sheegtay inay gabadhan ay la dhasheen wiil walaalkeed oo ka weyn iyo cunug ka yar oo jinsiyaddiisa aysan hay’addu xa qiijin. Weligood laguma arag bulshada dhex deeda.

Korea Qoraalka sawirka,Kim Jong Un iyo Kim Ju Ae oo booqanaya Beerta Digaagga ee Kwang chon meel u dhow Pyongyang, January 2024

Soo muuqashadii ugu horreysay

Kim Ju Ae ayaa markii ugu horerysay la arkay bi shii November 2022 markaasoo ay ka qeyb ga shay tijaada gantaal iyadoo aabbaheed la joog tay kaddibna dhinaciisa ayaa lagu arkay dhowr jeer oo kale, munaasabadaha militariga iyo kuwo kaleba.

Dhowaan, munaasabadda Sanadka Cusub oo ka dhacday Garoonka May 1 ee Pyongyang, iyada iyo aabbaheed ayaa dhabanka iska dhun kaday.

Bishii December, waxay ka qeyb galeen daah ka qaadidda gantaalka ICBM ee Kuuriyada Waqooyi, oo ah gantaalka riddada dheer ee ugu horumarsan dalkaas. Sidoo kale way la jirtay markii lasoo bandhigayay satellite-ka wax basaa sa ee Malligyong-1 bishii November. Pyongyang ayaa sheegtay inuu Kim Jong Un aragti ka siin ayo Aqalka Cad.

Bishii February 2023 Radio Free Asia ayaa ku warramay in dowladda Kuuriyada Waqooyi ay qof walba oo kale oo lag magacaabo Kim Jun Ae ku amreysay inay magacooda beddelaan, taasoo ay sheegtay inay tahay dhaqan caadi ah marka ay timaaddo xukunka qoyska.

Dadka u kuur gala arrimaha Kuuriyada Waqo oyi ayaa sheegaya in Kim Ju Ae haatan loo yaqa anno gabadha "la xushmeeyo", intii loogu yeeri lahaa gabadha "la jecel yahay".

Korea

Qoraalka sawirka, Kim Jong Un iyo Kim Ju, May 2023 Laga yaabo inay beddesho?

Kuuriyada Waqooyi waa mid aad qarsoodi u ah dunida inteeda kalena uma cadda sababta kasoo muuqashada Kim Ju Ae ee dhinaca aabbaheed ay u noqotay wax aad u dhaca.

Muwaadiniinta Kuuriyada Waqooyi ayaa loo she egaa in qoyska reer Kim ay kasoo jeedaan dhiig barakeysay, taasoo micnaheedu yahay in keligo od ay dalka hoggaamin karaan iyadoo falanqeey eyaasha qaarkood ay sheegayaan in xilli hore bu lshada la baro ay ka dhigan tahay hab uu hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ku xaqiijinayo in gabadhiisa ay is diyaarineyso kahor inta aysan xukunka la wareegin.

Ma jirto wax sheegaya in laga yaabo inay bedde sho mar dhow, warar hadda kahor la isla dhex marayay oo sheegayay in Kim Jong Un ay xaala ddiisa caafimaad liidato ayaana meesha laga saaray.Korea

-EFE/REX/SHUTTERSTOCK

Qoraalka sawirka, Kim Jong Un iyo Kim Ju Ae oo ku sugan dhoolla-tus militari oo lagu qabtay Kim Il Sung Square iyaodo lagu xusayay 75-guuradii aasaaska Ciidamada Dadka Kuuriya, February 2023

Qaar kale ayaa sheegaya in sidoo kale laga yaabo inay tahay hab uu Kim Jong Un ku mu ujinayo inuu yahay qof qoyskiisa daryeela, xilli bulshadaasi tahay mid aad u qiimeysa labka.

"Marka la eego hoggaamiyeyaashii hore Kim Jon g Il iyo Kim Il Sung, waxaa jiray dacaayado bad an oo diiradda saarayay doorka hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ee hooyo ama aabbe aha an," ayuu yiri Edward Howell, oo siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Oxford khabiirna ku ah gac anka Kuuriya. "Marka waxaan filayaa in astaan tan ay sii socotay iyadoo bulshada horteeda kala soo muuqaneysa aabbaheed."

Tan iyo aasaasiddii Kuuriyada Waqooyi 1948, waxaa xukumayay xubnaha ragga ah ee qoyska Kim in haddii Kim Ju Ae ay maalin aabba heed beddeshana, waxay noqon doontaa gab adhii ugu horreysay ee dalkaasi xukunta.

Balse "xubin uu ku jiro dhiigga Kim ayaa aad muhiim ugu ah hoggaanka Kuuriyada Waqooyi haddii ay haweeney tahay xitaa, way ka fiican tah ay beddelkii uu dalka hoggaamin lahaa qof aan qoyska Kim ka tirsaneyn", ayuu yiri Howell.

Korea

Qoraalka sawirka, Kim Jong Un iyo Kim Ju Ae vis iting the oo booqanaya Beerta Digaagga Kwang chon meel u dhow Pyongyang, January 2024

Wuxuu aaminsan yahay in sidoo kale uu jiro qof kale oo mudan inuu beddelo Kim Jon Un – waa hoggaamiyaha walaashiis, Kim Yo Jong, oo markii ugu horreysay ay warbaahinta shaaciyeen bishii March 2014. Xil sare ayay ka heysaa Xis biga Shaqaalaha Kuuriya ee dalkaasi xukuma.

"Aad ayay uga weyn tahay Kim Ju Ae khibrad badan ayayna uga leedahay siyaasadaha Kuu riyada Waqooyi," ayuu yiri. "Marka haddii ay ga badha tahay ama walaasha, labadaba haween ayay noqon karaan, balse in qof qoyska Kim ka tirsan la helo waa waxa ugu muhiimsan."

NIS-ta Kuuriyada Koofureed ayaa sidoo kale sheegtay inay eegeyso dhammaanba dadka suur togalka ah inay beddelaan hoggaamiyaha haatan ee Kuuriyada Waqooyi, maaddaama ay jiraan argatiyo kala duwan. XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip