HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WAGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 20-KA JANNAAYO 2024-KA

0
Saturday January 20, 2024 - 08:34:36 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WAGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 20-KA JANNAAYO 2024-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sh. oo u duulay magaalada Qaahira kaddib casuumadii Al Siisi

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soom aaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu ho ggaaminayo ayaa Shalay ka ambabaxay maga alada Kampala ee dalka Uganda, isagoo ku sii jeeda magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Xasan Sheekh ayaa aaday magaalada Qaah ira kaddib casuumad uu isbuucii hore ka helay dhigiisa dalka Masar Cabdifitaax Al Siisi, waxa uuna madaxweynaha kulan gaar ah kula qaadan doonaa Qaahira inta uu joogo madaxweyne Al Siisi iyo masuuliyiin kale.

Casuumadda madaxweynaha dalka Masar u fidiyay dhiisa Soomaaliya ayaa timid ,kaddib ma rkii dowladda Itoobiya ku xad-gudbtay midni mad da Soomaaliya ayna heshiis beenaad la gashay maamulka Somaliland.

Dowladda Masar oo khilaaf kala dhaxeeyo Itoobiya ayaa si buuxda u taageertay Madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee So omaaliya, waxaana ay si weyn cambaareysay he shiiskii muranka dhaliyay ee Ra’isul Itoobiya la saxiixday Madaxweynaha Somaliland.

Duqa Muqdisho iyo Pier Mario Daccò oo korm eer ku tagay Casa Italia oo dib loogu wareeji yay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Dalka Sooma aliya Danjire Pier Mario Daccò Coppi.

Duqa Muqdisho iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac, iskaashiga dowladdaha Hoose ee Talyaaniga iyo dowladda Hoose ee Muqdisho.

Sidoo kale Duqa Muqdisho iyo Danjire Pier ay aa ka wada hadlay sidii ay dowladda Talyaan iga dib-u-dhis ugu sameyn laheyd dhismooyinka ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Labada masuul ayaa si wadajir ah kormeer ku wada tagay dhismaha Casa Italia, oo dhawaan dib loogu wareejiyay dowladda Talyaaniga, halka as oo la filayo in Talyaaniga ay ka hirgeliyaan dugsi farsamo oo gacanta ah.

Madaxweyne Xasan”Cawaaqib xumada ka dhalan karta heshiiska is-afgaradka ah waxa ay fursad siinaysa argagixisada”

Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shirka ay yeesheen ho ggaamiyaasha dalalka isbaheysiga dhex dhex aad ka ah (NAM) ayaa si adag u soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xadgudubka Dowladda Itoobiya iyo cawaaqib xumada uu keeni karo haddii aanan si wadajir ah looga falcelin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri " Caw aaqib xumada ka dhalan karta is-afgaradkan waa wax aad looga xumaado mana ahan kaliya mid khatar ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soo maaliya, Sidoo kale waxa uu halis ku yahay xasil loonida gobolka waxuuna fursad cusub siinayaa argagixisada ka jirta gobolka. ”

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan casho sharaf ah la qaatay maamulka dugsiga gabdhaha Agoonta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay. Maamulka, Macalimiinta iyo Ardeyda Dugsiga Gabdhaha Agoonta ee Boondheere ee uu gacanta ku haayo Maamulka Gobolka

 

Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Kulankaan oo ahaa is-xog wareysi iyo kala war-qaadasho, ayaa sidoo kale lagu dhiira-gelinaayay Gabdhaha gaaray heerka Jaamaca deed ee xarunta Agoonta Gabdhaha Boondh eere, wax aana goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Boli iska Soomaaliyeed, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir, Gud doomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada & Wac yigelinta G/Banaadir, Madax weynaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Ururka Haweenka, Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Maamulaha Dugsiga Gab dhaha Agoonta Boondheere Maamo Nuurto Maxamed Caddow. Waxaa uuna kafaalad qaa day Nolosha iyo Waxbarashada gabadha ugu da’da yar xaruntaasi oo walidkeed ay ku geeri yoodeen Qaraxii Zoobe

Villa Somalia oo War ka soo saartay Bayaan kii ka soo baxay shirkii IGAD

WAR SAXAAFADEED

Madaxda Urur-Goboleedka IGAD oo dhaga ystay mowqifka adag ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyey mowq ifkooda ku aaddan faro-gelinta Dowladda Itoobiya ee ka dhanka ah Madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa bayaanka wadajirka ah ee Shir-madaxeedka IGAD oo lagu sheegay sida ay u ilaalinayaan madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba, heshiis kastana ay aas-aas u tahay ogolaansha ha Dowladda Federaalka Soom aaliya.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga ku wehel inaya shirkan ayaa usoo ba ndhigay Hogg aamiyeyaasha IGAD iyo dibluma asiyiinta Gobolka xadugudbka Itoobiya ay ku sameysay midnimada iyo mada xbannaanida So omaaliya iyo dhibaatada ay ku yeelanayso xasil loonida iyo nabadda Geeska Afrika.

Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Sooma aliya ee uu hoggaaminayo Madaxw eyne Xasan Sheekh ayaa xoojiyey qaraarkii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku laaleen is-afg aradkii sharci darrada ahaa ee ay kala saxiix deen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxwe ynaha Maamulka Soomaaliland, kaas oo khilaafs an heshiisyada labada dal, mabaad’ida aas-aas iga ah ee Midowga Afrika, xeerarka heer IGAD iyo heer caalamba.

gabagabeeyay shirkii urur goboleedka IGAD.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo qaaday tallaabo hadal heyn badan abuurtay

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Md. Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Shalaya aqa lka madaxtooyada ee magaalada Jowhar ku qaa bilay muwaadin Maxamed Mahdi Muuse (Kuus oow), oo dhawwaan codsi u diray madaxwey naha Hirshabelle

Maxamed Mahdi oo ah nin xoogsade danyar ah ayaa dhawwaan, kasoo muuqday baraha bul shada ku xiriirto, isagoo fariin codsi ah oo ku aad an in uu garab ku siiyo mooto uu ku shaqeysto.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ka jawaa bayay codsiga muwaadinkaan reer Hirshabelle ah ayaa ku wareejiyay mootadii uu codsaday si uu ugu maareeyo nolosha qoyskiisa, waxa uuna ninkan la caawiyay ka mahdceliyay taageerada madaxweynaha siiyay.

Baraha bulshada ayuuna hadal heyn ka abuuray mootada uu madaxweynaha Hirshabelle Shalaya siiyay nin ka codsaday, waxa ayna dadka qaar sheegeen in Cali Guudlaawe sameeyay wax-qabadkii ugu fiicnaa intii uu madaxweynaha ka ahaa Hirshabelle.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa inta badan looga baran la kulanka iyo caaw inta dadka danta yar, waxa uuna Shalaya caaw inta uu u sameeyay ninkan danta yar ahaa ku helay ammaan iyo boggaadin.

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo ku baaqay in loo midoobo soo afjaridda kooxaha nabad-diidka

Hadii aannan Khawaarijta ka adkaan oo laga tirtirin dalka majirto hormar aan gaari karno, wa ana in aan u midownaa soo afj aridda kooxaha Al-Shabaab ,sidaasi waxaa yiri yiri Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliy eed Jeneraal Sulub Axmed Fir in.Taliyaha oo la hadlay wa rbaa hinta qaranka ayaa she egay in guulaha laga gaaray dagaalada lagula jiro khawaarijta ay ku sababe em wadashaqeynta bulshada iyo ciidanka dowladda oo wadajir ah.

Taliye Sulub Axmed ayaa xusay in howlgala da lagu sugayo amniga ee caasimadda iyo gob olada kale ee dalka ay marayaan meel fiic an, sidaa daraadedna loo baahan yahay in lala yim aado dadaal intaa ka badan oo lagu xoreyn ayo dalka.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen eraal Sulub Axmed Firin ayaa soo jeediyay in loo howlgalo dhameystirka kooxaha khawaar ijta,isla markaana la qabto ama la soo sheego cid kasta oo wiiqeysa amniga caasimadda iyo guud ahaan dalk


DF oo shaacisay tallaabo ay qaadeyso haddii ay dagaal isku rogto xiisadda BADDA

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sha ac isay inay dagaal diyaar u tahay oo ay difa aceyso madax-banaanideeda haddii ay xii sadda badda ee kala dhaxeysa Itoobiya ay isku rogto gacan ka hadal.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Das tuurka XFS Mudane Xasan Macallin oo khud bad xasa asi ah ka jeediyay xiritaanka Shirka Madasha Garyaqaanadda Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay dadaal kasta gelin eyso difaaca baddeenna, ayna kaga guuleys ane yso Itoobiya, si looga hort ego damaceeda gurracan.

"Waa ku guuleysaneynaa dooda socota, sababtoo ah xaq ayaan ku taaganahay” ayuu yiri wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuur ka dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in hadda dag aalka diblomaasiyadda ay ku gacan sarreyso Soomaaliya, isla markaana Itoobiya ay ku jirto go’doon caalami ah, sida uu hadalka u dhigay.

"Diblomaasiyaddii Soomaaliya way sha qeysay, Itoobiya iyadaa hadda cusri ku jirta oo go’doon ah daan-daansigeedii iyada wuxuu ku yahay culays” ayuu ku daray Xasan.

Sidoo kale wuxuu Itoobiyaanka xasuusiyay sida ay Soomaaliya uga guuleysatay Kenya, ka dib kiiskii badda ee maxkamadda cadaala dda adduunka ee ICJ.

"Waxaa xusid mudan Soomaaliya sanadkii hore waxay ku guuleysatay kiis baddeeda lagu qabsaday oo waddanka dariska ah ee Kenya la yiraahdo nagu qabsaday oo aan ICJ uga soo guuleysanay” ayuu mar kale khudbaddk iisa ku yiri wasiir Xasan Macallin.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay haddii xit taa ay dagaal isku rogto xiisadda badda ay Soomaaliya diyaar u tahay difaaca madax bannaanideeda, isaga oo sheegay in horay Itoobiya looga saaray dalka, kadib abaabul ay sameeyeen shacabka Soomaaliyeed, hadane ay sidii ay kasii xoog badan yihiin, maadaama la dhisay hay’adihii dowladda iyo ciidamada.

"Haddii ay gacan tegtaa Soomaaliya oo do wladddeedu ay xooganeyn oo aysan tabar lah ayn dhowr iyo toban sano kahor ayay ahayd markii Itoobiyaanka lagu qasbay inay Soomaal iya ka baxaan dadweyne Soomaaliyeed oo is biirsaday ayayna ahaayeen, hadda annaga oo dowlad qabna oo xoogeysanay oo 15 sano da’ deena ay ku korortay waxaan is leeyahay intii hore waan ka fiicanahay” ayuu kusoo gabagab eeyay wasiirka cadaalada Soomaaliya.

Garyaqaan Soomaali Caan ah oo laga mamnu ucay maxkamadda sare ee dalka Kenya

Garyaqaan Soomaaliyeed oo caan ka ah dalka Kenya ayaa laga mamnuucay maxka mad da sare ee dalka Kenya, kaddib markii agu eedeeyay garyaqaankan in uu axkamadda ka sheegay waxyaabo aan jirin.

AxmedNaasir Cabdullaahi oo ah qareen Soomaaliyeed oo caan ka ah dalka Kenya ayaa wajahaya culees kaga yimid maxkamadda sare ee dalka Kenya, waxaa na qareenkan laga ma mn uucay howlihiisa qareennimo.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa sheegtay in Axmednaasir maxkamadda sare mar ar badan u jeediyay eedeymo culus, waxa ayna xuseen in eedeymaha uu jeediyay uusan u kee nin caddeymo lagu qanci karo.

Qareenkan Soomaaliyeed ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu wado olole ka dhan ah 7-da garsoore ee mudada dheer ka shaqe ynayay maxkamadda sare ee Kenya, kuwaas oo uu ku eedeyay falal musuq-maasuq ah.

Qoraal uu soo saaray Qareen Axmedna asirayuu ku sheegay in muddo 30 sano ah oo uu ku howlanaa shaqada garsoorannimada, is la mark aana ay tahay markii labaad ay ma xkam adda sare qaadeyso tallaabada looga mamn uucayo maxkamadda.

Qareenkan oo muddo 30-sanno ah kusoo dhax jiray howlaha qareennimada ayaa she egay in uu yahay qofkii ugu horeeyay ee laga mamnuuco maxkamadad sare, waxa uuna xusay in aysan jirin qof kale oo loo beegsaday sida isaga loo beegsanayo.

Aqoonyahan heesta shahaadada PhD haddana waddooyinka Khudaar ku iibiya !

Wax-barashada ayuu ka gaaray heerka tac liinta sare. Wuxuu heystaa afar jeer oo dara jada Master-ka ah iyo hal PhD ah. Sidaas oo ay tahay haddana, wuxuu iibiyaa qudaarta si uu nolosha qoyskiisa ugu dabaro. Dr. Sandeep Singh, oo 39 jir ah, wuxuu 11 sano ka shaqey nayay jaamacadda Punjabi University qeybtee da Patiala. Laakiin wuxuu ku qasbanaaday in uu isaga tago shaqadiisa oo uu doorbido iibin ta khudaarta si uu lacag uga helo.

Dhawaan wuxuu si weyn u qabsaday hadalh eynta dalkiisa. Waxayna sheekadiisu soo jiid atay bahda jecel wax-barashada oo dhan. Is aga oo la hadlayay muddaalaha Times wuxuu yiri: "Waan ku qasbanaaday inaan shaqadayda isaga tago sababta oo ah xilliga mushaharka wuu iga soo daahi jiray – mararka qaarna wa xaa la igu sameyn jiray mushahar dhimis. Taas ayaana igu kaliftay inaan kusoo biro ka ganac siga khudaarta si aan – aniga iyo qoyskaygaba – ugu samata-baxno.

Qeybta sharciga ayuu Sandeep ka dhigi jir ay jaamacadda. Wuxuu kala bartay culuumta afafka, warbaahinta, siayasadda iyo wixii soo raaca. Wuxuuna ahaa mid sii joogteeya wax-barashadiisa oo aan intaas ku ekeyn.

Hadda wuxuu macmiishiisa khudaarta ugu geeya guryaha maalin walba isaga oo sita bo or ay ku qoran tahay – PhD Sabsi Wala’. Wu xuu sheegayaa in lacag ka badan middii uu ka qaa dan jiray jaamacadda uu ka helo iibinta khudaarta. Marka uu shaqadiisa maalmeed soo dham meysto, wuxuu sii wataa wax-bara shadiisa.

Dr. Sandeep Singh wuxuu si buuxda u joo jiyay shaqadiisa macalinnimada, laakiin kama quusan oo ma joojin inuu yoolashiisa waaweyn ka salgaaro. Wuxuu ku taamayaa inuu maalin un furto machad isaga u gaar ah oo uu dadka wax ugu dhigo.

Abiy oo ka qeyb-galay shir ay qeyb ka tahay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali ayaa Shalaya ka qeyb-galay shir ka dhac ay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Shirkaan oo ahaa shir-madaxeedkii 19-aad ee dalalka dhex-dhexaadka ah ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha Soom aal iya Xasan Sheekh Maxam uud.

Abiy oo diiday ka qeyb-galka shirkii looga hadl ayay damaciisa ku wajahan badda Soo maaliya, kuna marmarsiyooday inay jiraan balamo kale oo uga muhiimsan shirkaasi ayaa gaaray Kampala si uu Shalaya uga qeyb-galo shirkaan.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna Shalaya ka baaqsaday inuu galo sawirka loo dhan yahay (Photo Group) ee shir-madaxeedka 19-aad ee dalalka dhex-dhexa adka ah ee ka dhacay Kampala.

Inkasta oo Madaxweynuhu uu shirka joogay haddana kama uusan soo muuqan sawirka loo dhan yahay (Photo Group) waxaa sawirkaas ka dhex muuqday Ra’iisul Wasaare Ku-xige enka Soomaaliya Saalax Jaamac.

Diidmada Itoobiya ee shirkii Dorraad ee IGAD ayaa muujinaysa sid ay Itoobiya u dare emayso ciriiri siyaasadeed, oo aysan fagaare ula tegi karin heshiiskii is-afgarad ee 1-dii bish aan ay Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ku gaareen Addis Ababam

IGAD oo qeyb ka tahay Soomaaliya ayaa Dorraad meel adag ka istaagtay xad-gudubka dow ladda Ethiopia ay ku sameysay madax-ba naanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya, iyagoo u hiiliyey Soomaaliya.

Shir-madaxeedkaasi oo ahaa kii 42-aad ee ururka-goboleedka IGAD, ayaa waxaa lagu adkeeyay in heshiis walba oo Soomaaliya lala galayo ay waajib tahay inay saxiixdo dowladda federaalka Soomaaliya.

"Waa in la xushmeeyo dhamaan mabaa diida aas-aasiga ah ee xushmada karaamada, midni mada iyo xuduuda dhuleed ee dawladda federaalka Soomaaliya, iyo in hashiis kasto lagu dhawro madaxbanaanidaas. Sidoo kale heshiis kasta waa in la hayo ogolaanshaha DS,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirkii

Dorraad ee IGAD.


Qarax gaari dameer lagu soo xiray oo lagu weeraray ciidan ka tirsan Boliska Kenya

Gaari dameer lagu soo xiray bam ayaan Dorr aad ku qarxay bar kontorool oo ku taalla xudu udka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana ku dhintay hal askari oo ka tirsan booliska Kenya afar kal ena way ku dhaawacmeen, sida ay masuuliyiintu

 

sheegeen.

Warbixin ka soo baxday Booliska Kenya oo ay aragtay Wakaalladda Wararka AP, ayaa lagu sheegay in Gaariga uu watay Labo Dameer uuna la socday Nin uu ka gudbay Koontaroolka ay Soomaalidu ku leedahay Buula Xaawo, kadibna uu galay Dhulka Kenya, halkaasoo ay ku joojiy een Askarta si ay u hubiyaan rarka saaran.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ninkii waday uu ka booday gaari dameerka oo uu dib ugu soo laabtay xadka Soomaaliya daqiiqado ka hor inta uusan gaarigu qarxin,taasoo keentay in dab xoogan uu ka kaco xadka dhanka waqooyi ee Mandheera.

Warka ayaa lagu sheegay in ninkii waday Ga ari dameerka ay marki dambe xireen Ciida mada Booliska Soomaaliya, xilli uu doonayay inuu bax sado, waxaana la sheegay in Ciidamada Amm aanka ee Degmada Mandheera ay kala xaajood een Booliska Buula Xaawo in ninkaas lagu soo wareejiyo Maamulka Kenya.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weera rka, balse Al-Shabaab, oo ah koox fadhigeedu yahay Soomaaliya, xiriirna la leh Al-Qaacida ay aa la aaminsan yahay iney ka dambeysay.

Xarakada Al-shabaab ayaa wacad ku martay inay ka aargudan doonto Kenya ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya sannadkii 2011-kii si ay ula dagaalamaan Al-shabaab. Kooxdan ayaa gud aha Kenya ka geystay afduubyo xiriir ah oo loo geystay dad reer galbeed ah oo khatar ku ahaa dalxiiska dalka; tiirka muhiimka ah ee dhaqaa lihiisa.

Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka noqday howl galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee xoojiyey dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirta Al-Shabaab. Hawlgalka Midowga Afrika ayaa sann adkii hore bilaabay dhimista ciidamadooda, iy adoo la raacayo qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ahaa in gacanta do wladda Soomaaliya lagu soo celiyo.

Sanadihii la soo dhaafay, weerarrada Al-Shab aab ee Kenya waxa ay ku koobnaayeen qaraxyo miinooyinka lagu aaso oo inta badan lala beegsado ciidamada Milateriga iyo Booliska. Isniintii, shan askari oo booliis ah ayaa ku dhaaw acmay ka dib markii gaari ay wateen uu haleelay qarax miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay oo marayey deegaanka Lafey Mandera.

Dayuurado duqeeyey dagaalyahano iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Degaano ku yaalla xadka gobolada Shabe elada Dhexe iyo Hiiraan ayaa la soo sheegaya in duqaymo culus ay ka dhaceen. Dayuurado aan duuliye laheyn ayaa duqaymo culus ka geystay degaanka Fiidow oo ku yaalla xadka labada gobol halkaasoo ay gacabta ku hayaan kooxda Al Shabaab khasaare ayaa la soo sheegayaa inuu halkaas ka dhacay

Ugu yaraan 10 xubnood oo ka tirsan Al-Shab aab ayaa la sheegay in duqeynta ay ku ge eriyo odeen sida laga soo xigtaySaraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan gobolka sha beelada Dhexe halka tiro kale ay ku dhaaw acmeen.

Duqeynta ayaa la sheegay in lala beegsaday goob ay isku sugnaayeen dagaalyahano iyo Sara akiil ka tirsan Al shabaab.

Dhinaca kale, degaanka Diinlaawe oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Mahdaay ee gobolka shabeelada Dhexe ayaa sheegaya uu ka dhacay weerar sababay khasaare dhimsho iyo dhaawacba leh.

Xubno ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay in ay weerareen Degaanka Diinlaawe balse Ciida mada degaanka ay iska difaaceen weerarkaas waxaana ka dhashay Dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Shil diyaaradeed khasaare geystay oo ka dhacay degmada Ceelbarde

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelba rde ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in barqan imadii Shalaya shil ay ku gashay garoonka diyaa radaha Ceelbarde diyaarad nooca Xamuulka qaa do ah.

Diyaarada shilka gashay ayaa la sheegay in ey u rarneyd hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada adduunka ee WFP, waxaana diyaaradu ay siday gargaar loogu talo galay dad ka degmadaas oo ay ka qaaday garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Shilka diyaarada ayaa wararka hordhaca ah ay sheegayaan inuu yimid kadib markii diyaarada ay ku timid cillad ayna u bixi weyeen lugaha xiligii ay dageysay, islamarkaana ay ku dhacday dhis mo u dhaw garoonka.

Maareeyaha garoonka diyaaradaha degmada Ceelbarde Cabdifitaax Keydsane ayaa warba ahinta u sheegay in diyaarada ku dhacday meel ka baxsan garoonka, islamarkaana uu ku dhintay shilkaasi hal qof oo ka mid ahaa dadkii diyaarada la socday.

Wararka waxay intaas ku darayaan in qofka ku dhintay shilka diyaarada inuu yahay duuliyihii diyaarada, waxaana diyaarada shilka gashay la socday afar qof oo ka tirsanaa shaqaalaha hay’adda WFP, kuwaas oo shilka ka bad baaday.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka do wladda Fedaraalka Soomaaliya oo ku aadan shi lka diyaaradeed ee Shalaya ka dhacay garoonka degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

DUQEYN WELI KU SOCOTA GAZA IYO ISRAEL OO DIIDAN DOWLAD AY YEELATO FALASTIIN

Ciidamada Israa’iil ay weeraro iyo duqey mo ka fuliyeen go obo ku dhow cisbit aalka Khan Younis’s Nasser ,halkaasi oo ay ka cara reen kumanaan ruux ,sida, si da uu ku waramay dha khtar ka shaqeeya halka asi.Muddo todobaad ah waxaa go’an isgaarsiinta, taas oo adkeynaysa in Marinka Gaza laga helo xog sababo la xiriira we erarada iyo suqeymaha israa’iil oo weli halkaasi ka sii socda.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Be nja min Netanyahu ayaa diiday baaq ku saab san dhismaha dowlad ay leeyihiin Falastiiniyiinta oo ay soo jeediyen Mareykanka.

Ninkaasi ayaa Mareykanka u sheegay in uu ka soo horjeedo dhismaha dowlad ay Falastiin iyiintu leeyihiin marka ay soo afjaraan colaadda Gaza.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareyk an ka ayaa sheegtay in weli ay taageero buuxa u ha yaan Israel,inkastoo ra’iisul wasaar aha Isra a’iil uu diiday mowqifka Mareykanka ee dhism aha dowlad Falastiin ah.

Ugu yaraan 24,620 qof ayaa la dilay, 61,830 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Isra a’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7dii.

Mareykanka oo digniin culus ka soo saaray is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya

Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay halista uu heshiiska is-fagaradka Itoobiya iyo maamulka So

maliland ku keeni karo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda Sooma aliya.

Hadalka ayaa wax aa shirkii IGAD ee Do rraad ka dhacay Ka mpala ka sheegay erg eyga gaarka ah ee Mareykaka u qaabilsan Gees ka Afrika Mike Hammer, halkaasi oo Mareykanka uu si buuxda garab is-taag ugu muujiyey dowla dda federaalka ee Soomaaliya.

"Maraykanka waxa uu aqoonsan yahay mad axbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland. Waxaan aaminsannahay in maqaamka Somaliland ay tahay arrin u taalla So omaalida oo ay ku jiraan reer Somaliland,” ayuu yiri Mike Hammer.

Hammer ayaa ka digay in is-afgaradka Som aliland iyo Itoobiya uu fursad cusub u noqdo koo xda Al-Shabaab.

"Waxaan si gaar ah uga walaacsannahay in kororka xiisadda ka dhalatay heshiiska is-afga radka uu halis gelinayo dagaalka ay Soomaalida, oo ay weheliyaan Afrikaanka iyo saaxiibada gob olka iyo kuwa caalamiga ah – oo uu ku jiro Mareykanka – ay ku qaadayaan al-Shabaab,” ayuu yiri Hammer.

"Waxaan ku boorineynaa Soomaaliya iyo Itoo biya inay ka fogaadaan ficillada degdegta ah… oo fursad u abuuri kara al-Shabaab inay ballaar iso awooddeeda…”

Hadalkan ayaa ah kii ugu xoogganaa ee Mareykanka uu ku diido is-afgaradka Itoobiya ay la gashay Somaliland 1-dii Janaayo, kaasi oo la gu sheegay inuu siinayo marin badeed.

Taa beddelkeed, Somalilad — oo si iskeed ah madax-banaani ugu dhowaaqday 1991-kii — ay aa sheegtay in Itoobiya ay siin doonto aqoonsi ra smi ah. Tani ma aysan xaqiijin Addis-Ababa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Kha miistii meesha ka saartay in la dhex-dhexaadiyo ayada iyo Itoobiya illaa Addis-Ababa ay ka laab ato is-afgaradka ay la gashay Somaliland.

"Ma jirto dhex-dhexaadin haddii aysan Itoobiy a ka laaban is-afgaradkii sharci-darrada ahaa oo aysan dib u xaqiijin madax-bannaanida iyo midni mada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arri maha dibadda Soomaaliya oo la soo dhigay

baraha bulshada.


Somaliland Oo Shir Deg Deg Ah Ka Yeelatay Talaabooyinka Ay Qaaday DFS

Golaha wasiirada Somaliland oo uu shir-gud doomiyay madaxweyne Muuse Biixi ayaa yee shay fadhigoodi 123-aad, kaas oo looga hadlay arrimaha mandaqadda Geeska Afrika, Somal iland iyo Soomaaliya, waxaana laga soo saaray war-murtiyeedka ah:

In Somaliland ay heshiisyo u gali kar to si waafaqsan Das tuurka Somaliland. Horena ay heshiisyo ula gashay hay’ ad do Caalamiga ah iyo waddamo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Inay ku dadaalayso in is-afgarad iyo isku soo dhawaansho lagu badalo colaadda dalalka Ge eska Afrika.

In Oggolaanshaha iyo kiraynta saldhigyada ciidammada badda aysan ahayn wax ku sucub Geeska Afrika ee ay leeyihiin waddamada Eret eria, Djibouti, Somaliland, Kenya iyo Soomaaliya.

Sida ku cad Heshiiskii Is-afgarad Somaliland iyo Itoobiya, inay Somaliland kiraynayso saldhig ciidan, iyada oo Itoobiyana ay aqoonsanayso So maliland, Saldhigaasi Ciidanna uusan ahayn iib.

In Somaliland muddadii ay jirtay ay xasilisay ammaanka gudaha dalkeeda, isla markaana ay ka qayb-qaadatay sugidda amaanka gobolka oo dhan, gaar ahaan dalalka jaarka ah.

In xukuumadda Somaliland ay caalamka ugu baaqayso in ay aqoonsadaan, taas oo ay sheeg een inay guul keeneyso.

In sidoo kale beesha caalamka ku wargalinay aan in dawladda Soomaaliya si bareer ah uga ba xday dhammaan heshiisyadii ay la gashay Som aliland, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in la iska kaashado wixii nabadgelyada wax yeelaya, laga na fogaado hadallada abuuri kara nac iyo kala fogaan isla markaana hawada loo maamulo si siman iyo inay Soomaaliya joojiso marin habaab inta shacabka Soomaalida iyo durbaanka colaa deed ee ay garaacayso, waa sida lagu yiri war-murtiyeedkee

Somaliland: Saddex qof oo lagu dilay deega anka Ina Afmadoobe ee gobolka Togdheer

Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa geeriyooday, saddex kalena way dhaawacmeen kadib markii uu nin hubay sani dad shacab ah xabad ku furay dee gaanka Ina Afmad oobe ee gobolka Togdheer ee Somaliland.

Sida uu Maayarka degmada Qoryoole Xabiib Cige u sheegay Gallaydh Media, ninka ayaa dad shacab ah xabad ku furay, Cige waxa uu intaa ku daray in ninka dilka gaystay la qabtay.

Waxa kale oo uu sheegay in ninka dilka gays tay ay rumaysanyihiin in uu maskada ka buko, taasina ay ku kaliftay in inta uu qori qaato uu dad shacab ah xabad ku furo.

Marka laga yimaado hadalka maayarka ma jiraan ilo kale oo ilaa hada faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sida uu dilku u dhacay.

Mareykanka & Israel oo isku khilaafsan arrin ku saabsan dagaalka Gaza

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa diiday baaqyada Mareykanka ee ahaa in la yar eeyo weerarka milatari ee Israa’iil ay ku hayso Marinka Gaza ama ay qaadaan tillaabooyin ku aaddan dhismaha dowlad Falastiin ah dagaalka ka dib, isagoo i canaantay Aqalka Cad.

Xiisa dda labada dal ee xulafada ah ayaa in muddo ah taagneyd taasoo ku saabsan baaxadda dagaalka Israa’iil iyo qorshaheeda mustaqbalka ee dhulka go’doomiyey.

"Sida iska cad waxaan u aragnaa si ka duw an,” afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby ayaa yiri

Netanyahu ayaa hadlay maalin uun ka dib markii xog ha yaha arrimaha dibadda ee Ma reykanka nto ny Blinken uu sheegay in Isr aa’iil aysan wal igeed heli doonin "amni dhab ah” haddii aan la he lin waddo loo maro madax-bannaanida Falastiin. Horraantii toddobaadkan, Aqalka Cad ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in ay tahay "waqtiga saxda ah” ee Israel ay hoos u dhigi lahayd xoojinta weerarkeeda milatari ee ba’an ee Gaza.

Shir jaraa’id oo uu qabtay taleefishinka qara nka, Netanyahu waxa uu ku celceliyay in Israa’iil aysan joojin doonin weerarkeeda ilaa ay ka xaqiijinayso hadafkeeda ah in ay burburiso koo xda Xamaas ee Gaza iyo in ay guriyahooda ku soo celiso dhammaan la haystayaasha ku jira gacanta ee Xamaas.

Waxa uu diiday eedeymaha ku dhaleeceynaya Israa’iil ee ah in hadafyadaas aan la gaari karin, isagoo wacad ku maray inuu horay u sii wadi doono dagaalka bilo badan. "Ma ma aqbali do ono wax ka yar guul ” ayuu yiri Netanyahu.

Israa’iil ayaa qaaday dagaal ka dib weerar aan noociisa hore loo arag oo xudduudaha ka tallaa bay oo ay Xamaas ku qaadday 7-dii Oktoobar kaasoo ay ku dhinteen 1,200 oo qof ayna ku qafaasheen ilaa 250 kale. Ku dhawaad 130 la haystayaal ayay Israa’iil aaminsan tahay in ay ku sii jiraan gacanta Xamaas.

Dagaalkan ayaa xiisad ka abuuray guud aha an gobolka. Weerarka Israa’iil, oo ah mid ka mid ah ololayaashii militari ee ugu dhimashada ba dnaa uguna khasaaraha badnaa taariikhda dhow, ayaa dilay ku dhawaad 25,000 oo falastiini yiin ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaa dka Gaza, waxa uu sababay burbur baahsan oo xididdada u siibay in ka badan 80% dadka dhulkaas ku noolaa oo gaaraya 2.3 milyan ah. Kharashka faraha badan ee dagaalka ayaa sababay in ay sii kordhaan baaqyada ka imaanaya beesha caalamka ee ku aadan in la joojiyo weerarka.

Maraykanka ayaa sheegay in maamulka Fal astiiniyiinta ee caalamku aqoonsan yahay, kaas oo maamula aagagga is-maamul hoosaad ka ee Daanta Galbeed ee ay Israa’iil haysato, ay tahay in "dib loo soo nooleeyo” oo dib loogu celiyo Ga za. Xamaas ayaa maamulka Gaza ka saartay sanadkii 2007dii.

Xuutiyiinta Yemen oo badda cas ku weeraray markab kale oo Mareykanku leeyahay

Fallaagada Xuutiyiinta ayaa gantaallo ku dhufa tay markab ganacsi oo kale oo Maraykanku leey ahay Khamiistii Dorraad, saacado ka dib markii duqeyn cusub militariga Maraykanku uu ku qaaday kooxda ay Iran taageerto ee Yemen.

Xuutiyiinta ayaa laba gantaal oo nooca ba llistic-ga ah ku garaacay markabka M/V Chem Ranger, sida ay sheegeen militariga Mareyk anka, iyadoo weerarkan uu noqonayo kii saddex aad oo toddobaadkan lagu qaado markab uu Mareykanku leeyahay. "Shaqaalaha markabka ayaa sheegay in gantaallada ay saameyn ku yee sheen biyaha u dhow markabka.

Madaxweyne Joe Biden ayaa khamiistii qirtay in duqeymaha Mareykanka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta aysan ahayn kuwa ka hortagaya we erarada ay kooxdan ka geysanayaan Badda Cas, Xuutiyiinta ayaa sheegay inay joojin doona an weerarada oo kaliya marka Israel ay soo afjarto dagaalka ay ka wado Qaza.

Hadalka Biden ayaa yimid kadib markii milit ariga Mareykanka uu sheegay in weerarkii shana ad ee Mareykanka uu ku qaaday Xuut iyiinta tod obaad gudihiis lala beegsaday tiro yar oo gant aalada lidka maraakiibta ah oo la diyaar inayay in lagu weeraro marinada maraak iibta caalamiga ah.

Booliiska Kenya oo xirey ajnabi si xun u dilay Gabar

Booliiska Kenya ayaa xabsiga u taxaabay ga can ku dhiigle ajnabi ah kadib markii uu dil arxan daran ah u gaystay Gabar Kenyaati 20 jir ard ayad ahayd.

Ninkaan ayaa la qabtay xili ay u rabay inuu ku dhoofo baasboorka dalka Mozambiq ue,waxaana loo taxaabay xabsiga. Gabadha la dilay oo lagu magacaabi jir ey Rita Waeni ayay Booliisku sheegeen inuu jirk eeda jar jaray markii uu dilaayay.

SWararka waxay intaasi ku darayaan in dil kaani uu ka dhacay Magaalada Nayroobi gaar ah aan guri waqti kooban ijaar loogu jiray,qoyska ga badha la dilay ayaa booliiska la wadaagay dhag aro kale oo dilaagu la damacsana qoyska kadib markuu dilay.

Qoyska oo u waramaayay Booliska ayaa shee gay in ninka ajnabiga ah uu dilka kadib isticma alay taleefoonka gabadhooda isagoo fariimo uu ka soo dhex diraayay ku sheegay inay afduuban tahay gabadha sidaas daraadeedna uu ka rabo lacag madax furasho ah.

Qoyska gabadha waxay xuseen Arbacadii in uu dalbaday gacan ku dhiiglaha lacag madax-fur asho ah oo dhan 500,000 oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta ($3,100) 24 saac gudahood si uu u sii daayo Gabadha balse xiligaasi gabadhu maba noola oo intuu dilay ayuu jar jaray.

Ugu danbeyn waxaa la qabtay isagoo rabay

inuu ku safro baasaboorka dalka Mozambique.

Nin aflagaadeeyay Boqor Maha Vajiralon gk orn oo xabsi 50 sano ah lagu xukumay

Nin u dhashay dalka Thailand ayaa lagu xuku may konton sano oo xarig ah ka dib markii lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay boqortooy ada.

Waxaa loo malaynayaa inuu yahay xukunkii ugu dheeraa ee abid lagu xuk umo qofka sidan oo kale sameeyay. Mongkol Thirakot, oo u dhaqdh aqaaqa dimuqraadiyadda, ayaa la xukumay ka dib markii uu faallooyin soo dhigay Facebook.

Markii hore waxaa lagu xukumay siddeed iyo labaatan sano, laakiin maxkamadda sare ayaa kordhisay muddada xabsiga ka dib markii lagu daray eedeymo kale oo loo haysaty.

Boqolaal qof ayaa lagu dacweeyay gudaha Thailand dhowrkii sano ee ugu dambeeyay iya doo la raacayo sharciyo adag oo ka hortagaya dhaleeceynta Boqor Maha Vajiralongkorn oo xukunkiisa lagu sheegay mid adag



MA OGOLIN TAAKO KA MID AH DHULKE ENNA UU CADOW QAATO’ (WARBIXIN)


Ingiriisku markuu dhulweynaha Soomalida ku wareejinayay Ethiopia (1954) hababkii uu adeegsaday waxa ka mid ahaa;

In xabsiyada laga buuxiyo dadka indheer garadka Bulshada

In Colaado Qabyaaladeed la dhex dhigo dadka Soomaliyeed, si dhu lkaa loo wareejiyo wa xa colaado ay weheliy aan dagaalo qabyaal adeed oo aan kala Joo gsi laheyn laga bilaa bay dhulka Howdka ah, arrintaasi si weyn ayay ugu hirgashay Ingiriiska iyo Xabash ida oo markaa dama coodu ahaa inay la wareegaan Dhulka Soomali Galbeed.

Ku darsoo Ingiriisku si uu u bilaabo wareejinta dhulka wuxu xabsiy ada u taxaabay Waxgaradkii bulshada, si aanay bulshadu ugu baraa rugin waxa ka dhacaya dhulkooda, ragii arrintaasi darteed loo xiray waxa ka mid ahaa Gabyaagii weynaa ee Xaaji Aadan Axmed Afqalooc (AHN), gabyaaga markii la xiray si Bulshada u tuso shirqoolka Ingiriisku la damacsan yahay ee dhulka Soomaliyeed lagu dhaxal wareejinayo, looguna gacan galinayo Gumaystaha Ethiopia waa kii lahaa;

Indhaa fura hurdadu waa waxaad ku ibtilowdeene

Amxaarada iyo gaaladu tashade inaad abaadaane

Afcas baa miyiga loo faraqay laysku aayiro’e!.

71 Sanno kadib Markii Ingiriisku Ethiopia si sharci daro ah ugu wareejiyey Dhulka Somali Galbeed, Ethiopia waxay qorshaynaysaa sidii ay ku heli lahayd Bad iyo Deked ay iyadu leedahay, si ay taasi u gaarto waxay qorshaynaysaa talaabooyin la mid ah kuwii waagaa hore, waxay bilowday in dadka waxgaradka bulshada loo xir xiro, sidoo kale buls hada la isku diro oo arrinta laga dhigo mid u dhaxeysa (Somaliya iyo Somaliland).

Haddaba Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si qoto dheer kaga hadlay damaca gurracan ee Itoobiya, isagoo fariin u diray shacabka ku nool deegaannada gobollada Waqooyi (Somaliland), oo ku aaddan in ay ka qeyb qaataan difaaca dalka, isagoo ugu baaqay Shacabka So maliland meel walba ay oo joogaan in ay u istaagaan difaaca dalka, isa goo uga mahadceliyay sida geesinimada, run sheegga, waddaniyadda iyo Soomaalinimada leh ee ay uga dhiidhiyeen damaca gurracan ee Itoobiya.

” Dadka Soomaaliyeed ee Waqooyiga Soomaaliya degan (Somali land), waxaan rabaa inaan iraahdo Soomaaliyeey 30-sano iyo ka badan ayay odayaasha hadda idin hor socdaayi reerka dhaanka u rareen, wa xay idinku yiraahdeen meel barwaaqo ah ayaa geeddigu ku fureynaa, Soomaaliya naga leexiya, ha ina tusina, meel Soomaalidi surin ayna qaadin oo Soomaali joogin oo barwaaqo ah oo roobku ka da’o oo ( ever-gareen ah) ayaa idin geynaa idin ku dhaheen, waa u sacbiseen oo waxaa ku dhahdeen waa saxan tihiine na wada abaarta Soomaaliya iyo kuleelkeeda, meel ka fiican oo ka qurux badan na geeya, 30-sano ayaa daba socoteen, odayaashii sey u sii socdeen mahlako ayay idin ku ride en, waa u jeedaan haadaan bey idinka tuureen, Jinsiyadiinii iyo duriya diinii ayay cagta mariyeen’ tallaabada xigtayna waxay yiraahdeen dhul kii waa dhiibnay qalaas,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamsa.

Ra’iisal wasaaraha ayaa hadalkaasi ka jeediyaymunaasabad lagu xusayay sanad guuradii 25-aad ee aasaaska dalladda Waxbarashada F-PENS, isagoo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad weyn siisayo horumarinta Waxbarashada dalka, wuxuuna ku ammaanay da lladda dadaalkii ay gelisay kor u qaadista Waxbarashada, waxaa kaloo uu tilmaamay in dhulkii aad u diidi jirteen in gumeystihii ilmihiisa ay ku dhashaan uu Shalaya mar kale soo hamiyo, isagoo carabka ku adke eyay in aysan marnaba suurta gal noqon doonin in taako ka mid ah dhul keenna uu cadow shisheeye qaato ama soo hamiyo.

Muddooyinkii dambe guud ahaan dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo qurba joogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka caalamka ayaa wada kulamo iyo isku soo baxyo ay uga horyimaadeen damaca dow ladda Itoobiya ee Badda Soomaaliyeed, waxaana jirta in Danjiraha Soo maaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Yurub ay ka wada hadleen sidii dalalka Yurub looga dhiga lahaa Banaanbax looga soo horjeedo damaca Gurracan ee Ethiopia.

Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi Safiirka Soomaaliya u fadhiya dal alka Benelux iyo Midowga Yurub ayaa kulan isugu yeeray Xubno ka so cday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg ee la isku yirahdo Benelux, iyadoo laga jawaabayo baaqii uu Madaxweyna JFS Md Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uga dal baday Qurbajoogta Soomaaliyeed in ay gutaan doorka kaga aadan xadgu dubka ay Ethiopia kula kacday haybadda dawladannimo iyo madax -bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Ujeeddada kulanka ayaa aheyd in Qurbajoogta ku nool wadamada Benelux iyo dhammaan Midowga Yurub in ay is abaabulaan si ay Ban aanbaxyo waa weyn oo ka dhan ah Ethipia uga dhigaan wadamada Benelux iyo Yurub, islamarkaana si nabad ah ugu muujiyaan in ay ka soo horjeedaan daandaansiga Dowladda Ethiopia iyo damaceeda ku aadan xadgudub Soomaaliya.

Ku darsoo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa isugu yimid kulan weyn ay si adag uga hor ima anayeen damaca dowladda Itoobiya ay ku doonayso Badda Jamhuuri yadda Federaalka Soomaaliya, iyaoo qaar ka mid ah Madaxda Jaaliyadda oo goobta ka hadlay ayaa si adag uga horyimid is-afgaradka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweyn aha maamulka Somaliland Muse Bixi Cabdi, iyaga oo sheegay in fal kaan uu yahay mid ka dhan ah midnimada ummadda Soomaaliyeed, waxayna Jaaliyadda Soomaaliyeed uu ku amaanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre go’aankii geesimada laheyd ee ay qaateen iyo sida ay uga horyi maadeen damaca liita ee Itoobiya.

Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya waxay weli wadda xoojinta dhi naca diploomaasiyada, waxaana jira shir degdeg ah oo ay yeelneyso Ururka Jaamacadda Carabta oo aan xubin buuxda ka nahay, kaasi oo looga hadlayo damaca gurrcan ee Itoobiya ka leedahay dhulka iyo bad da Soomaaliyeed, waxaana arrintaasi ka hadlay Safiirka Jamhuur iya dda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar, isagoo sheegay muhiimadda uu leeyahay Shirka degdegga ah eeJaamacadda Carabtu ka yeelan doonto Arbacada soo socota heshiiskii sharci darradda ahaa ee Itoobiya iyo Maamulka Somaliland, wuxuuna til maamay in shirka laga soo saari doono go’aan mideysan oo Dowla daha Carabtu ka qaadanayaan xad-gudubka ay Itoobiya ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kadib markii ay heshiis sharci darro ah la gashay Somaliland oo ah qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federeaaka Soomaaliya.

Safiirka ayaa dhanka kale bogaadiyay dadaalka ay Jaamacadda Carabta iyo Dowladaha kale ee saaxibada ah ugu jiraan garab istaagga Dowladda Soomaaliya xilligaan la joogo, si loo muujiyo xurmada gob animada Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay in shirka laga soo saaro go’a an adag oo gabi ahaanba lagu diidayo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya, sidioo kalena lagu taageerayo dhammaan tallaabooyinka ay Dowladda Soomaaliya qaadeyso, si ay uga hortagto faragelinta lagu sa meeyay arrimaheeda gudaha, wuxuuna Carabta Carabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan ka tanaasuli doonin hal taako oo ka mid ah dhu lkeeda, iyada oo qaadi doonta tallaabo kasta oo ay kaga hortageyso faragelinta Itoobiya, taas oo ah xad-gudub ka dhan ah madax-banna anida iyo midnimada Soomaaliya, kana soo horjeeda dhammaan shur uucda iyo xeerarka caalamiga ah.

ku darsoo Qaar kamida Odayaasha deegaanka Sheekh Aware ee gobollada Waqooyi ayaa si adag uga soo horjeestay damaca Ethiopia ee Badda Soomaaliya. Odayaashan oo qeyb ka ahaa kacdoonka shac abka gobollada Waqooyi ayaa sheegay in aysan badda Soomaaliya ka ogolayn dhibic biyo ah, ciddii isku daydo in ay xoog ku qaadatana ay dhiig u daadinayaan, waxayna intaa ku dareen in dadka u ololeynaya meel marka heshiis ku sheegga ay wada galeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay xaaladdoodu ku dambeyn doonto sida Falastiin iyo Yuhuud da oo kale, iyagoo cod dheer ku sheegay in aysan aqbali doonin inta uu qof Soomaali ah nool yahay.

W/Q:-RUUSH ABDULLAHI




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip