HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMSII 18-KA JANNAAYO 2024-KKA

0
Thursday January 18, 2024 - 08:24:26 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMSII 18-KA JANNAAYO 2024-KKA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay danjiraha do wladda Qatar, waxaana ay ka wada hadleen calaaq aadka labada wadan ee walaalaha ah iyo danaha ka dhexeeya sidii loo horumarin lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo danjire Cabb dullaahi bin Saalim Al-nucaymi ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhexe eya labada shacab ee Soomaaliya iyo Qatar.

Qatar waxa ay ka mid tahay dowladaha calaa qaadka wanaagsan la leh Soomaaliya, waxaana ay dalka ka fulisay mashaariic horuma rineed iyo kuwa samafal.

Baarlamanka dalka oo ka dooday xisaab-xirka dowladda ee sanadkii 2022

Kulan wadajir ah oo ay Shalay xarunta Villa Hargeysa ku yeesheen labada aqal ee Baar lamanka JFS ayey uga doodeen xisaab-xirka mii saaniyadda dowladda ee sanadkii 2022-ka, kaas oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliy adda dowladda FS.

Kullanka oo ahaa Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 8-aad ayay Shalay Sanatarrada iyo xildhibaana du waxa ay si furan uga doodeen Xisaab xirka, iyaga oo soo bandhigay aragtidooda iyo qalad aad ka jira meelaha qaar, iyagoo masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda waydiiyay dhammaan su’aalihii ay ka qabeen Xisaab xirka 2022-ka.

Intaas kadi wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda dowladda FS mudane Cabdiqafaar Xaange ayaa Sanatarrada iyo Xildhibaannada si faahfaahsan uga jawaabay su’aalihii ay ka waydi iyeen xisaab xirka, isagoo dul istaagay una bay aaniyay meelihii sida gaar ah wax looga way diiyay.

Kulanka oo uu guddoomiyey guddoomiyaha golaha shacabka mudane Sheekh Aadan Maxa med Nuur (Madoobe) waxaa goob joog ahaa gu ddoomiye ku xigeenka 1-aad ee aqalka sare mudane Cabdi Cali Shacbaan Ibraahim, guddoo miye ku xigeenka 2-aad ee aqalka sare iyo gudd oomiye ku xigeenada golaha shacabka

Wasiirka qorsheynta oo Muqdisho ku qaabi lay siihayaha safiirka Norway

Wasiirka wasaaraddan qorsheynta, maalg ash iga iyo horumarinta dhaqaalaha xukuumadda fe deraalka Soomaaliya mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) oo uu wehliyo agaasimaha waaxda isku-duwidda deeqaha mudane Cabdifataax Xasan Cisman ayaa Shalay kulan kula qaatay xarunta wasa aradda wafdi ka socday Safaaradda Norway ee Soomaaliya oo uu hogaaminayay siihayaha saf iirka danjire Carsten Carlsen, iyo Madaxa Iskaa shiga Horumarinta, Mudane Erling Hess John sen. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay hawl aha hortabinta u leh dowladda federaalka Soo maaliya ee sanadkan 2024-ka ee ay dooneyso in mudnaanta la siiyo sida diyaarinta qorshaha 10-aad ee horumarinta Qaranka, dardargelinta Han naanka deeqaha dalka iyo xoojinta xariirka u dha xeeya Norway iyo Soomaaliya.

Wasiir Beenebeene ayaa uga mahadceliyay dowladda Norway taageerada ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Soomaaliya oo Yugaandha kaga qayb galaysa shir looga hadlayo damaca gurracan ee Itoobiya

Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo sii haya ha xilka wasiirka arrimaha dibadda Soom aaliya ahna wasiiru dowlaha wasaaradda Cali Cumar (Cali Balcad ayaa Shalay gaaray maga alada Kampala ee dalka Yugaandha.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa halkaasi uga qeyb galaya shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka dhex dhexaadka ah, kaas oo socon doono muddo Todobaad ah.

Shirkan oo ah kii 17-aad ee ay yeeshaan wad damada dhex-dhexaadka ah ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa sidii looga hortagi la haa xad gudubka ay dowladda Itoobiya ka waddo gobolka iyo sidii loo xakamayn lahaa damaca gur racan ee xukuumadda Abiy Axmed.

Kulanka oo la filayo in uu Xalay ku biiro wafdi kale oo uu hoggaaminayo madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa sidoo kale looga hadli doonaa xasuuqa iyo tacaddiyada ay Israa’iil ka waddo marinka Gaza.

Golaha Amniga & Nabadda ee Midowga Afrika oo war ka soo saaray xiisadda Somaliya iyo Itoobiya

Golaha Amniga & Nabadda ee Midowga Afri ka ayaa Shalay shir ka yeeshay xiisadda ka dhex taagan dalalka Somaliya iyo Itoobiya.

Golaha ayaa soo saaray warsaxafaadeed ka dib kulankaasi, waxayna ku sheegeen inay tixgel iyeen xaaladda u dhaxeysa labada dal, iyagoo warbixino ka dhageystay Safiirka Somaliya u jo oga Midowga Afrika, Cabdullaahi Warfaa iyo Saf iirka Itoobiya ee Midowga Afrika, Ayele Lire

Golaha aya sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xiisadda u dhaxeysa labada waddan, ka dib heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay kala saxiixd een Somaliland iyo Itoobiya.

Golaha ayaa sheegay inay ka baaraan-degg een sida xaaladdan u saamayn karto gobol ka, waxayna soo dhoweeyeen hadalkii uu arrin tan horey uga soo saaray Gudoomiyaha Guddiga Mi dowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, 3-dii bi shan January.

Golaha ayaa sheegay inuu si aan caad saarn ayn u caddeynayo inay si buuxda u taageeray aan ilaalinta midnimada, dhuleed, madaxban naa nida iyo gobanimada, dhammaan dalalka xubna ha ka ah ururka oo ay ku jiraan Itoobiya iyo Som aliya. Golah ayaa ugu baaqay Somaliya iyo Itoobiya inay ku taagnadaan, isla-markaana ay tilmaansa daan mabaadii’da Midowga Afrika iyo kuwa caala miga ah, marka ay noqoto xiriirkooda laba geeso odka ah iyo kuwa caalamiga ah.

Golaha ayaa ugu baaqay jilayaasha shishe eye inay ixtiraamaan mabaadii’da faragelin la’aan ta arrimaha gudaha ee laba xubnood ee ka midka ah Midowga Afrika.

Golaha ayaa ugu baaqay labada waddan inay dulqaad muujiyaan, isla-markaana ay ka dhowr soonadaan ficilada iyo hadalada sii hurin kara xaaladda.

Golaha ayaa ka codsaday Gudoomiyaha Gud diga Midowga Afrika inuu u diro Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, si uu wada hadal uga dhex bilaabo labada dhinac, isla-mark aana uu si joogto ah ugu soo wargeliyo golaha.

XIGASHO:-VOA.

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay inay hawada dalka ka celisay diyaarad laga leeyahay Itoobiya

Hay’adda duulista rayidka ah ee Sooma aliyeed ayaa xaqiijisay in ay hawada Soomaaliya ka celisay diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya, oo doonayso inay fasax la’aan uga degto mag aalada Hargeysa ee Somalil and.

War saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda duulista aya a lagu sheegay in diyaaradan oo ay lahayd shirkadda Eth iopia Airline, nuuceedana uu ahaa Dash 8-Q400 aysan wax rukhsad ah u hay san inay marto hawada Soomaaliya.

Hay’adda duulista waxay sheegtay inay kusoo xad gudubtay sharuucda caalamiga ah ee haw ada iyo sharuucda Soomaaliya, kuwaas oo ah in diyaaraduhu haystaan rukhsad marka ay ka dag ayaan ama marayaan hawada dal kale.

Hay’addu waxay sheegtay in duulimaadyada caadiga ah ay sidoodii u socdaan, waxayna shee gtay in aysan ogolaan doonin in diyaarad aan rukhsad haysan ay soo gasho hawada Soom aaliya, si loo ilaaliyo nidaamka duulista.

WARSAXAAFADEED

JAMHUURIYADDA FEDERALKA SOOMAALIYA

FEDERAL GOVERNOMENT OF SOMALIA

CIVIL AUTHORITH AVIATION

Heyadda Duulista Reydka Soomaaliyeed waxaaya Shalay oo Taariikhdu tahay 17-ka 01/2024-, hawada Jamhuuriyadda Soomaaliya ka celisay Diyaarad ay leedahayShirkada Ethio pi an Airrlines, noocedu yahay Dash 8-Q400 ,filight number ET8372 kuna socotay Hargeysa, ka dib markii ay cadaatayinaanay Diyaaradaasi haya san wax fasax ah oo ay ku isticmaasho hawada Soomaaliya.

Si waafaqsan sharciga caalamiga ee hawada {Rullles of air} iyo kuwa Soomaaliya ee SOM CARs, duulimaadyadu waa inayfasax {ruqsad} ka haystaan wadamada ay hawadooda marayaan iyo kuwa ay ku dagayaan ka hor inta aanay soo duulin {Prior to departure}.

Hayadda Duulimaadka Raydka Soomaaliyeed waxaay cadeyneysaa in aanay og golaan doonin in diyaarad aan ruqsad haysan soo gasho dhammaan xuduudaha hawo ee wa ddanka, iyadoo ilaalineysa nidaamka iyo wada shaqeynta dhaw ee kala dhaxeysa dhigeeda add unka.Heyaddu waxa ay cadeyneysaa in sidii caadiga aheyd ay u socodaan Duulimaadyadii Joogtada haa.Wa Billaahi Towfiiq

SomaliCivil Aviation Authority {SCAA}

+2526-1853675 Email: info@scaa.gov.so

Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo mada xda Hormuud oo wadahadal yeeshay

Masuuliyiinta ka tirsan Hay’adaha ammaanka iyo hormuud waxa ay kawada hadleen sidii loo xoojinlahaa kawada shaqaynta danta guud si wa afaqsan Shuruucda Dalka.

Kulanka waxaa xal looga gaaray caqabado taagnaa kuwaas oo loo xaliyay si ay ku jirto mas xalada Guud ee dalka, waxaana kulanku ku dh amaaday jawi wanaagsan.

"Dowladda Soomaaliya waxa ay u taagant ahay ilaalinta Amniga iyo badqabka Muwaadin iin ta Soomaaliyeed iyo hantidooda iyada oo marka sta dhawraysa sharciga” ayaa lagu yiri Qoraal lagu baahiyay Warbaahinta Dowla dda.

Dhawaanahaan xarumaha ay leedahay Shirka dda ayaa Qaraxyo lala beegsaday, waxaana shirkadda laga xiray qaar shaqaalaheeda ka mid ah sida ay sheegtay. Sidoo kale NISA ayaa dhawaan Hormuud ku eedaysay in Shaqaalahe edu ay AL-Shabaab la shaqeeyaan, ayna shirk addu diiday in la baaro dadkaasi.

Madaale oo dhagax dhigay laami cusub oo laga dhisayo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa M/Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Shalay dhagax dhigay dhismaha waddada isku xirta Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Masjidka Minaaradaha ee Degmada Hodan oo ay dhismaheeda iska

kaashan doonan Dadka Deegaanka iyo Maa mulka Degmada.

Munaasabada dhagax dhiga waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka howla ha gu ud ee maamulka Gobolka Banaadir Md. Xasan Maxamed Jimcale iyo Guddoomiyaha Degmada Hodan Mudane Cali Fahle.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Du qa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaa rmay bulshada Caasimadda in ay dhaqaala hooda ku yaboohaan dib udhiska magaalada iyo bilic Soo celinteeda.

Madaale ayaa intii uu qabtay xilka dhisay ji dad badan oo ka mid ahaa kuwa burbursan ee magaalada Muqdisho, halka qaar kale oo uu dha gax dhigay aan weli dhisme lagu bila abin.

Xamse oo khudbad ka jeediyey Shirka J/Carabta ee looga hadlay damaca Itoobiya

Ra’iisul jfs , Md.Xamsa Cabdi Barre ayaa Shalay khudbad muhiim ah ka jeediey shir deg deg ah oo ay isugu imanayaan Ururka Jaama ca dda Carabta. Shirka oo ay codsatay dowladda Soomaaliya ay aa waxaa looga hadlay xad gudubka gurracan ee dowladda Ethiopia ee ka dhanka ah mad axban naanida, gobonnimada iyo midnimada So omaa liya. Xamse Barre ayaa shirkan oo fo gaan arag ahaa kaga hadlay halista uuheshiiskan u leeyahay geeska Afrika iyo dalalka Carabta.

"Tallaabada Itoobiya ku doonayso inay qaa dato Badda Soomaaliya maaha mid keliya dhib aato ku ah Qaranimada, Madax-bannaanida iyo Midnimada dhuleed ee Soomaaliya, balse waxay sidoo kale halis toos ah ku tahay Amniga iyo jirita anka Qaramada Carbeed iyo Adeegsiga Marin-biyoodka Baab Al-Mandab” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Axadii sha aciyay shir deg deg ah oo dhanka fogaan aragga ah, kaas oo looga hadlayo khilaafka u dhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ,kadib he shiiskii is-afgarad ee Addis Ababa ku dhex maray Itoobiya iyo jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland .

Ku xigeenka xoghayaha guud ee jaamacadda carabta, Hossam Zaki, ayaa sheegay in ururku shirkaas qaban doono manta, 17-da bishan Jan aayo, sida ay ku soo warrantay wakaaladda war arka dalka Masar ee MENA.

Zaki ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saari doono cawaaqibka ka dhalan kara heshii ska ‘sharci darrada ah’ ah ee dhex maray Soma liland iyo Itoobiya.

Waxaa uu sheegay in Morocco ay shir gud oomin doonto shirkaasi, isagoo intaa ku daray in go’aanka qabsoomidda shirka uu ku yimid codsi ka yimid Soomaaliya oo ay taageereen ilaa 12 dal oo Carbeed.

Waxaa uu sidoo kale xoojiyay taageerada uu ururka hore ugu muujiyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib heshiiskii is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya.

Qoraal hore uga soo baxay ururka Jaamacada Carabta ayaa lagu yiri "ma aqbali doonno” he shiis kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida Soomaaliya.

Kamal Rushdi, oo ah afhayeenka Jaamacad da Carabta, ayaa yidhi, "Jaamacadda Carabta waxay si buuxda u taageersan tahay qaraarkii kasoo baxay golaha wasiirrada Soomaaliya ee la gu caddeeyay mowqifka Soomaaliya ee heshiis ka is-afgaradka ah ee ay wada gareen Itoobiya iyo Somaliland”.

Waxaa sii kordheysa xiisada u dhexeysa Soo maaliya iyo Itoobiya kadib markii ay Addis la ga shay Somaliland heshiis ay ku heleyso dhul xeeb leh oo laga kireeyo halkaas oo laga dhisayo dek ed toos ugu xiriirsan Itoobiya iyo saldhiga ciida mada badda ee itoobiya ay yeeshaan.

Madaxda Somaliland waxay sheegeen in he shiiskaas ay ku bedelanayaan aqoonsi ay ka he leen Itoobiya oo ay balanqaadeen inay noqon eyso dalkii ugu horreeyay ee Somaliland u aqoo nsada dal madaxbanaan.

Dowlada federalka Soomaaliya ayaa Itoobiya ku eedeysay inay ku xad gudubtay qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya ka dib heshiiskaas is afgaradka ah.

Heshiiskaas oo ay Soomaaliya ku tilmaamtay in uu xad gudub ku yahay qaranimadeeda ayaa huriyey xiisad diblomaasiyadeed oo u dhaxaysa labada dal ee dariskaa ka dib markii Soomaaliya si adag ugu jawabtay ficilkaas oo ay fariimo u di rtay Midowga Afrika, iyo ururu goboleedka IGAD.

Dalalka Maraykanka, UK, Midowga Yurub ayaa sheegay inay taageersan yihiin midnimada iyo madaxbananida Qaranimada Soomaaliya.Dr. Dr.Baadiyow: Abiy iyo Muuse Biixi waxaa sugaya weji gabax iyo mustaqbal mugdi ah

La-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha dib u heshiisiinta, Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyow, ayaa ka hadlay heshiiska Itoobiya iyo Somalil and ee ku aadan bada Soomaaliya.Dr. Baadiyow ayaa ku tilmaamay heshiiska is-afgaradka ee Abiy Axmed iyo Muuse Biixi ay ga leen inuu yahay wax ay kala kulmi doonaan wajigabax iyo mustaqbal mugdi ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay tahay in la kala qaado shacabka Itoobiya iyo Abiy Axmed, oo aan cadaawo gaar ah loo qaadin shacabkaas.

"Waa shacab kali-taliye ku habsaday oo colaad la dhax-dhigay. Sidoo kale waa in la kala soocaa shacabka Somaliland oo intooda badan ka soo horjeeda heshiiska uu soo galay Muuse Biixi iyo rabitaanka Muuse Biixi, oo ku salaysan inuu helo ballan-qaad ictiraaf been ah oo hors eeda in mar kale loo doorto madaxtinimada So omaliland,” ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyow.

"Qof kasta oo Soomaali ah waa ogyahay in taako dhulka Soomaaliyeed ah uusan jirin qof bixin kara. Heshiisku wuxuu xadgudub ku yahay gobonnimada iyo midnimada dhulka Soomaaliy eed,” ayuu mar kale yiri Dr. Baadiyow.

"Arrinka gooni isu-taagga Somaliland, oo uu ku dhashay aqoonsi-raadiska socda 33 sano, waxaa ka furan wada-hadal ay la gasho dowl adda Soomaaliyeed. Haddaba, halganka waa in lagu jiheeyaa rajiimka Abiy Axmed iyo rajiimka Muuse Bixi oo kali ah.”

Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baad iyow ayaa ku tilmaamay Muuse Biixi Cabdi shaq si ku fashilmay maamulka Somaliland, oo doon aya in uu ku haysto xoog awoodda.

Waxa uu yiri in marka ay u dhamaatay shan sano, uu shacabka Somaliland u soo jeediyey been lugo leh oo uu mar kale xilka ku sii joogo.

Baadiyoow oo ah aqoonyahan wax ka yaqa ana shuruucda caalmaka, ayaa Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ku tilmaamay shaqsiyaad ayaga oo soo jeeda riyoonaya. Dr. Baadiyow: Abiy iyo Muu se Biixi waxaa sugaya weji gabax iyo mustaqbal mugdi ah

W/Q: Cabdixakim Cilmi Xasan

Nairobi, Kenya cabdixakiin441@hotmail.com

11-Eedeysane oo loo qabtay weerarkii lagu qaaday xulka Koofur Galbeed

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in 1-eedeysane loo qabtay weerarkii 12-dii b ishan lagu qaaday xulka Koofur Galbeed, xilli ay ka soo laabteen cayaartii ay la dheeleen xulka Galmudug saacaddu markii ay aheed 5:45pm, iyaga oo ku waja han hoyga ay Muqdisho ka daganaayeen.

Afhayeenka Ciidanka Boo liska Soomaaliya Gaashaa nle Saadiiq Aaden Cali (Doo dishe) ayaa sheegay in eedeysana yaasha oo ka kooban 9-rag ah iyo 3-dumar ah loo hayo caddeymo hor udhac ah inay ku lugla haayeen weerarka caya artoyda. Hawlgal wadajir ah oo ay sameeyeen ciidanka sirdoonka iyo Booliska Soomaaliyeed ay aa suura geliyey in kiiskaas loo soo qabto eedey sanayaashan oo la horkeeni doono cadaala d da


Shariif, Kheyre, Gaas, CC, Cosoble iyo mad ax kale oo soo saaray bayaan culus

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo madax hore oo ay kamid yi hiin Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid, Cabdiweli Sheekh iyo Shariif Xasan ayaa soo saaray bayaan ay ku xoojinayaan dadaallada ka dhanka xad-gudubka Itoobiya.

Bayaan ay si wada-jir ah usoo saareen mad axdaan ayaa waxay ku sheegeen in si adag uga soo horjeedaan heshiiskii Addis Ababa, kaasi oo xad-gudub ku ah gobannimada, madax-banaa niada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

"Waxaan si buuxda u garab taagannahay dow ladda Soomaaliya, kuna taageeraynaa dadaalla da ay ku ilaalinayso qaranimada dalka in lagu soo xad-gudbo,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay mad xdii hore.

Waxay uga digeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed inuu ka joogsado siyaasaddiisa qar iska-tuurnimada iyo daan-daansiga ku ah madax-banaanida Soomaaliya.

"Waa garawsanahay inay jiraan arrimo aan weli laga heshiin oo Soomaaliya iyo Waqooyiga Soomaaliya (Somaliland) ka dhaxeeya oo u baa han in ay Soomaalidu dhexdeeda xal uga gaarto miiska wada-hadalka. Nabad ku wada-noolaa shiyaha dadka Soomaaliyeed ayaa ah muhiima dda ugu weyn oo ay tahay in ay diiradda saaraan hoggaamiyayaasha siyaasadda.”

Sidoo kale waxay ugu yeereen dadka Soom aaliyeed inay u midoobaan kuna garab istaagaan dowladdooda difaaca dalka hooyo si aan abid horay loo arag, "Waa muhiim xilligan la joogo in aan dhinac iska dhigno kala duwanaanshiyahe enna oo aan xoggeena iskugu geyno wanaagga guud iyo wax-u-tarka dalka.”

"Waxaan sidoo kale ku amaanaynaa dadwey naha, siyaasiyiinta iyo wax-garadka Somaliland sida geesinimada leh oo ay uga horyimaadeen heshiiskan uguna gacan seyreen damaca gurr acan Itoobiya.”

Hoos ka aqriso bayaanka

Innaga oo ah xubanaha halkaan ku saxiixan waxaan si adag uga soo horjeedanaa heshiiska is af-garadka ah oo ay wada gaareen dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Heshiiskani wuxuu xad-gudub ku yahay gobann imada,madaxbannaaida iyomidnimmada dhule ed e Soomaaliya.

Waxaa intaas dheer inuu jibanayo heshiisya da u degsan Qaramada Midoobey, ee Ururka Midiwga Afrika, IGAD iyo xeerka Caalam iga ah.

Waxaan si biixda u garab taagan nahay doowl adda Soomaaliya, kuna taageeraynaa dadaalla da ay ku ilaalineysa qarannimada dalka in lagu soo xadgudbo.

waxaan uga digeynaa Ra'iisalwasaaraha Itoobiya kana waanineynaa inuu ka joogsado siyaasadda qar iska tuurnimada iyo daandaansigan ku ah madax-bannaanidda Soomaaliya.

Waa garwaaqsanahay in ay jiraan arrimo aan wali laha heshiin oo Somaliya iyo Waqooyiga {So maliland} ka dhexeeya oo u baahan in ay Sooma aliadu dhexdeeda xal ka gaarto miiska wada hadalka . Nabad ku wada noolaashiyaha dadka Soomaaliyeed ayaa ah muhiimadda ugu weyn oo ay tahay in ay diiradda saraan higgaamiy ayaasha siyaasadda.

waxaa ku ammaaneynaa shacabka Somalil nad fahamkooda xeesha dheer oo ay kaga dhiidhinayaan aayatiin xumada aan la mahadin doonin ee heshiiskaani horseedi karo.

si la mid ah, Buslhada Oromada oo aan deris ku nahay Geeska Afrika waxay mudan yihiin xush madeenna, fahamkooda arrinta iyo sida ay uga shaqeynayaan joogteynta nabadgalyada iyo xasilooniada iyo Gobolkau noqdo mid qof walba uu barwaaqo ku heyusto.

Ra'iisalwasaare Abiye Axmed waa inuu ka shaqeeyaa dhisidda kaabado u dhexeeya labada qaran- Soomaaliya iyo Itoobiya, kana joogsado inuu u ku kiciyo colaad soo jireen ah iyo siyaasa dda qeybi oo xukun ku dhisan.

Waxaan ugu yeereynaa dadka Somaaliyed in ay u midoobaan kuna garab istaagaan dowladdooda difaaca dalka hooyo si aan abid hore loo arag.

Waa muhiim xilligan la joogo inaan dhinac iska dhigno kala duwanaanshiyaheenna oo aan xoog geenna iskugu geyno wanaagga guud iyo wax u tarka dalka .

waxaan sidoo kale ku amaaneynaa dadweyn aha, siyaasiyiinta iyo waxgaradka Somaliland sida geesinimada leh oo ay uga hor yimaadeen heshiiskan uguna gacanseyreen damaca gurrancan ee Itoobiya.

SAXIIXAYAASHA

1- Shariif Sheekh Axmed

2-Shariif Xasan Skheikh Aadan

3-Cabdiwali Maxamed Cali Gaas

4-Cumar C/rashiid Cali sharmarke

5-Xasan Cali Kheyrre

6-Ridwaan Xirsi Maxamed

7C/raxmaan C/shakuur Wasame

8 C/nuur Sheekh Maxamed

9-C/qaadir Cosoble Cali

10-Cnaasir Cabdulle Maxamed

Hay’adda maaraynta musiibooyinka iyo hay’a dda NIS foundation oo heshiis cusub kala saxiixday

Hay’adda maareynta musiibooyinka iyo hay’adda NIS Foundation ayaa Shalay heshiis is afgarad ah wada saxiixay, kaas oo ka dhacay xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA.

Heshiiskan ay gareen labada hay’addood ay aa ku saabsan iska kaashiga hawlo kala duwan oo khuseeya arrimaha isbadalka cimilada, u adk aysiga aafooyinka, In laga wada shaqeeyo sugn aanta cunadda (food security), arimaha ilaalinta deegaanka, isku xirka arrimaha garga arka deg-degga ah iyo xalalka waara.

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo agaasimaha hay’adda NIS Foundation Qaasim Gaabow Ducaale ayaa Qalinka ku jiiday heshiiskan is afgaradka ah, kaas oo wax badan ka tari doono maareynta musiibooynka iyo xalalka waara.

Xog: Agaasimaha CIA-da Mareykanka oo socdaal lama filaan ah ku yimid Muqdisho

Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Mareykan ka ee CIA, William Joseph Burns, ayaa Shalay booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Agaasime William Joseph ayaa Shalay la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Soomaaliye ed Mahad Salad.

Kulanka oo ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa looga hadlay arrimaha iskaashiga Amniga iyo la-dagaalanka Argagixisada.

Xogo hoose oo kulankaas ay ka heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in aad loogu gorfeeyey labo arrin oo kala ah:

1-dagaalka Al-Shabaab oo dowladda Soomaa liya ay Mareykanka ka dalbatay in si buuxda looga garab siiyo, sida duqeymaha iyo ka hortag ga dhamaan dhaqdhaqaaqyada kooxda.

2-Iyo iskaashi ay Soomaaliya iyo Mareykanka ka yeeshaan amniga guud ahaan gobolkaan Geeska Afrika, arrimaha la gorfeeyey waxaa ku jirtay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ee salka ku heysa damaca badda Soomaaliya ay ka qabto Itoobiya.

Mareykanka ayaa Soomaaliya muddo dheer ka gacan siinayey duqeymaha ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, inkastoo waayahaan dambe aad loo dhaliilo doorkiisa dagaalka adag ee dowladda Soomaaliya ay ku qaaday kooxda, si looga tirtiro saaxada.

Agaasimaha CIA Mareykanka William Joseph ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay safaro ku marayay Gobolka Geeska Afrika.

Agaasime William Joseph ayaa maalin ka hor Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Agaasimaha Sirdoonka dalka Kenya.

Hay’adda SoDMA oo dawo gaarsiisay Magaalada Ceeldheer

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Shalay degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug waxa ay u dirtay shixnad Daawo ah taas oo dhan 1-Tan.

Deeqdaan ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo isbitaalka degmadaas bukaanada ku jira, waxaana deeqdaan hay’adda SoDMA ay ku wareejisay dadka deegaanka

Degmada Ceeldheer ayaa dhawaan khawaa rijta laga xoreeyey, waxaana hay’adda SoDMA ka go’an caawinta iyo u gargaarida bulshada nugul meel walba oo ay ka jogaan dalka.


Turkiga oo joojiyay safar uu Wasiirka A/Diba dda Somaliland uu ku tegi lahaa dalkaasi

Dowladda Turkiga ayaa joojisay safar dalkaasi ku tegi lahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soma liland Ciise Kayd, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Safarkan oo muddo dheer la qorsheynayay ayaa naloo xaqiijiyay in joojintiisa ay sabab u tahay heshiis beenaadkii dhawaan magaalada Addis Ababa ku dhex-maray Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ayaa qorshuhu ahaa marka uu tago Turkiga uu halkaasi kula kulmo masuuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga, balse waa la joojiyay hadda, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda ka dhalatey heshiiskii Somaliland ay Itoobiya ugu saxiixtay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Waa tallaabo kale oo muujinaysa sida aysan dowladda Turkiga raali uga ahayn xad-gudubka madax-banaanida Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa dhawaan taageero xooggan u muujisay madax-banaanida iyo midn imada dhuleed ee Soomaaliya, kadib heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland, ee sida weyn uga careysiiyey shacabka Soomaaliya.

Heshiiskaasi is-afgarad ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20KM ah kaga kiray nayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand u fidinayso aqoonsi, inkasta oo Itoobiya ay weli dhankeeda xaqiijin inay ogolaat ay inay aqoonsato Somaliland, balse waxay shee gtay inay dersi doonto sidii ay mowqif uga qaa dan laheyd arrintaas.

Ankara ayaa markaas sheegtay inay rajeyne yso in muranka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland lagu dhammeeyo wada-hadal toos ah, oo ay yeeshaan Soomaa lida, ayna taasi tahay hindisaha ay jihadiisa taag eerayaan.

Turkiga ayaa kamid noqday dalalka saaxadda siyaasadda caalamka saameynta xooggan ku leh ee diiday heshiiskaasi. Waxaa horey heshiiska uga horyimid Midowga Yurub, Ururka Iskaashiga Islaamka, Jaamacadda Carabta iyo Mareykanka.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa is-afgaradka ku tilShalayy mid xad-gudub ku ah qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Sooma aliya, waxaana Soomaaliya ay u yeeratay safiirke edii Itoobiya.

Israa’iil iyo Xamaas oo Heshiis gaaray

Israa’iil iyo Xamaas ayaa gaaray heshiis lagu ogolaanayo in gargaar bini’aadanimo oo dheeraad ah la geeyo magaalada Qasa, sida ay sheegeen xubnaha Qadar ee garwadeenka ka ahaa heshiiska.

Waxay sheegeen in heshiiska oo ay garwad een ka ahaayeen dowladaha Qadar iyo Fransiis ka, uu sidoo kale qeyb ka yahay, in dawo la siin doono dadka reer Israa’iil ee ku jira gacanta ururka Xamaas.

Sidoo kale Israa’iil waxay ogolaan doontaa in gargaar aasaasi ah la gaarsiiyo Qasa.

Xaaladda magaaladaasi ayaa ah mid adag, iyadoo duqeymaha Israa’iil ay socdaan in ka badan muddo saddex bilood ah.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa sheegay inuu rajeynayo in wadahadallo dheeraad ah oo la yeesho ay horseedi karaan soo siideynta dad badan oo la qafaashay.

Wefdiga Mareykanka ee Bariga Dhexe ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa waddanka Qadar si ay uga wada hadlaan suurtagalnimada heshiis noocaas ah.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka cad ee Mareykanka, John Kirby, ayaa sheegay in wadahadallada ay ahaayeen ‘kuwa dhab ah oo dedaal bandanna ku baxay’.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Qadar, Majed Al Ansari, ayaa hore u shaaciyay heshiiskan gargaarka.

Heshiiska ayaa dhigaya in gargaar bini’aad animo uu ka bixi doonpo magaalada Doxa ee dalka Qadar oo la geyn doono Masar, kadibna sidaas lagu sii geyn doono Qasa si loo gaarsiiyo dadka shacabka ah.

KU DHAWAAD 40 TAHRIIBAYAAL U DHA SHAY DALKA TUNIISIYA OO LAGU LA’YAH AY BADDA MEDITERRANEAN-KA.

Doon la sheegay in ay la socdeen ilaa 37 qof oo tahriibayaal iyo magangalyo doon ah ayaa lagu waayay meel ka baxsan xeebta Sfax ee dalka Tunisia.

Mudaaharaadyo ayaa ka dhacay magaalada Tuniisiya iyadoo wali ay socoto baadi goobka tahriibayaasha oo tiradooda lagu sheegayu 37 ruux kuwaasoo nolol iyo geeriba lagu heyn xili markii ugu danbeysay ay doon raaceen.

Mudaaharaadayaasha ayaa Dowlada ku cadaadinaya in dadkaeheladooda ah nolol iyo geeri mid uun lagu soo cadeeyo si ay uga baxaan walaaca.

Dadka ku nool magaalada El Hencha oo ah kuwa sameeyay isu soo baxa ayaa sugaya inay maqlaan warka ku saabsan dad koodii ay jeclaayeen halka ay ku danbeeyaan xili ay ka gudbayeen badda Mediterranean-ka.

Qaar ka mida ehalada tahriibayaasha ayaa tilmaamay inay heleen taleefankii ugu dambeeyay markii ay baxayeen tahriibayaasha oo ahayd xili habeenino wax yar kadibna uu go’ay dhammaan xiriirkii la lahaa doonta iyo dadkii la socdayba waa la waayay.

In ka badan tahriibayaasha ayaa lagu soo waramayaa inay ka yimaadeen tuulada yar ee El Hencha ee Gobolka Sfax, waxayna da’doodu u dhaxaysaa 13 ilaa 35 sano jir.

=SOURCE ALJAZEERA=

Diyaarad Siday Saraakiil iyo Ciidamo Itoobiy aan ah oo ka degtay Hargeysa

Waxaa magaalada Hargeysa ee Somaliland gaaray ciidamo Itoobiyaan ah, Sida ay Warbaaginta Risaala u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo ku sugan Magaalaas .

Diyaarad Helikoptar ah oo ay saaran yihiin 20 qof oo isugu jira Ciidamo iyo iyo saraakiil ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa

Wararka ayaa sheegaya Ciidankan ay ilaalo u yihiin wafdi ka socda Dawlada Itoobiya oo kuw aas oo dhawaan ku wajahan Magaalada Harge ysa .

Muddooyinkii dambe Xiriirka Soomaaliland iyo Itoobiya ayaa ahaa mid dar dar ku socday, kadib markii magaalada Addis Ababa uu dhaw aan heshiis uuku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliland iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya .

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale sheegaya in saacadaha soo socda ay Magaaladaas ku soo wajahan yihiin wafdi uu Hogaaminayo Ra’iisal Wasaare ku xige enkaDawlada Itoobiya ahna wasiirka Arimaha dibada ee dalkas kuwaas ooh or dhac u ah wafdi ballaaran oo uu Hogaaminayo Ra’iisal wasaar aha Itoobiya Abiye Axmedoo Soomaaliland u tagaya dhaqalinta Heshiiskii ay kala saxiixdeen iyaga iyo Soomaliland.

Hay’ado caalami ah oo qaylo dhaan ka muuj iyay xaaladda adag ee Gaza

Maalin ka dib markii Aqalka Cad ee Marey kanka uu sheegay in la joogo waqtigii ay Israel hakin lahayd duqaymaheeda baahsan ee Marinka Gaza, Hay’adaha WFP, WHO iyo UNICEF ayaa soo saaray digniin ku aaddan masiibada bani’aadantinimo ee ka jirta dhulka go’doonsan.

Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa sheeg ay in dadka reer Gaza ay u baahan yihiin kaalmo bani’aadantinimo oo dheeri ah, haddii kalena dadka wajahaya xaaladda quusta ah ay la kulmi doonaan macluul baahsan iyo cudurada faafa.

Hay’adahan ayaa sheegay in si degdeg ah loogu baahan yahay in la furo waddooyin cusub oo ay ka soo galaan gargaarka bani’aadantinimo, gawaari badan oo xamuul ahna ay tahay in loo ogolaado inay maalin kasta galaan Gaza.

"Shaqaalaha gargaarka waxay u baahan yihiin in loo ogolaado inay si nabad ah gargaarka u gaarsiiyaan dadka u baahan.” Ayaa lagu yiri war ay si wadajir ah u soo saareen.

Hay’adahan ayaa sheegaya in weerarada joogtada ah ee Israel ay caqabad ku yihiin garga arka la gaynayo Gaza iyo xitaa qaybintooda.

Hay’adaha ayaa dalbanaya in laga fogaado wax kasta oo carqaladeyn kara howlaha bani’aadantinimo iyo badeecadaha gala Marinka Gaza.

Dagaalka Ciidamada Israel kula jiraan kooxa ha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa sab abay burbur aan horey loo arag oo ku yimid dhulka yar ee xeebaha ah, waxaana ka dhashay masiibo bani’aadantinimo oo barakacisay inta badan dadka reer Gaza, oo tiradooda lagu qiya aso 2.3 milyan oo qof. Ku dhawaad hal milyan oo ka mid ah oo ku barakacay dhulka ciriiriga ah ee jiidda koonfureed ayaa ah kuwo gaajeysan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

"Dadka Gaza ku nool waxay halis ugu jiraan inay gaajo u dhintaan meel wax yar u jirta baabu urta xamuulka ah ee raashiinka sida.” Ayay tiri Cindy McCain, oo ah Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP.

Cindy McCain ayaa tiri "Saacad kasta oo lunta waxay keeni doontaa inay halis gasho nolol aan tiro lahayn.”

Meelaha aadka loogu baahan yahay in garg aarka uu gaaro ayaa waxaa ka mid ah waqoo yiga Gaza, balse Ciidamada Israel ayaa lagu eedeynaya inay taasi hortaagan yihiin.

Ciidamada Israel ee ku sugan bartamaha Gaza ayaa lagu eedeeyay inay dib u celiyaan kolonyada gargaarka ee u socda dhanka waqooyi ee Gaza.

Qaramada Midoobey iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa horaan sheegay in waxa ka socda Gaza ay u dhigmaan dembi dagaal.

Israel ayaase Qaramada Midoobey iyo ururada caalamiga ah ku dhalleeceysay in ay ka masuul yihiin dhibaatooyinka ka jira xagga gargaarka.

Weerarada naxariis darada ah ee Israel ka waddo Gaza ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 24,100 qof, halka 60,834 kalena ay ku dhaaw acmeen, sida ay Isniintii sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ay Xamaas maamusho.


FARXADDII AROOSKA EE MURUGADA ISKU BEDDESHAY IYO SAYGII OO BBC LA HADLAY


Geeridii Asiya iyo qaar kamida ehelkeeda

Geeridii Asiya iyo qaar kamida ehelkeeda

Article information Author,Foos CiidRole,Wariye

Fiiro gaar ah: Sheekadan waxay xambaarsan tahay tiiraanyo iyo naxdin.

Waa dhacdo aad u xanuun badan, ayna yar yihiin dadka la kulma qaddartan oo kale. Allaha u naxariistee Aasiya Cabdi ayaa geerideeda si weyn loogu baahiyay baraha ay bulshadu ku kulanto ka dib geeri xanuun badan oo ku timid iyada iyo xubno ka tirsan qoyskeeda.

Aasiya waxa ay ku nooleyd magaalada Doolow ee gobolka Gedo, ka dib muddo badan oo ay xiriir wadaag ahaayeen wiil lagu magacaabo Maxamed Xasan Khaliif waxa ay ugu dambeyn ku heshiiyeen guur.

Asiya oo maalmo fasax ah ku tagtay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxa ay dib ugu soo noqotay Doolow, halkaa oo uu meherkoodii si habsami leh uga dhacay.

23-kii bishii aynu ka soo gudubnay ee Diseembar ayuu dhacay arooskoodii, hase yeeshee xilligaasi wixii ka dambeeyay waxaa farxaddii guurka hareysay murugo iyo tacsi waa saddex toddobaad gudahood.

Isla maalmihii guurkooda uu dhacay waxaa geeriyootay Aasiya ayeydeed, waxaana halkaa ka dhacday tacsi sababtay in ay soo gaabtaan maalmihii dabaal degga ee arooska.

Tacsida kadib Aasiya iyo seygeeda waxa ay ku heshiyeen in ay soo baxdo oo ay timaado Nairobi, waxa ay soo gaartay Ismaamulka Mandera halkaas oo loogu diyaariyay tigidkii ay diyaaradda kusoo raaci lahayd si ay Nairobi oo gurigii looga kireeyay ay u timaaddo.

Maxamed Khaliif oo ah seyga Aasiya ah waxa uu xilligii uu meherka dhacayay ku sugnaa dalka Koonfurta Sudan oo ah halkaas oo uu ka shaqeeyo, adeerradiis ayaana dhameeyay howsha guurka iyo doonista gabadha waxaana ay ku ballameen in ay Nairobi timaaddo si ay ugu aqal galaan.

Maxamed oo BBC-da u warramay ayaa yiri, "Anigu waxa aan kaga soo hormaray Nairobi si aan aqalkii noogu diyaariyo, gabadha waxaa safarka la soo gashay habaryarteed oo dooneysay in ay Nairobi Keento, balse wixii intaa ka dambeeyay musiibo ayaa dhacday.

Diyaaraddii ay subixii kasoo raaci lahaayeen Mandera ayaa loo sheegay in ay dib u dhacday iyadoo maalmahaas ay diyaaraduhu hakad galeen, waxa ay go’aansadeen in ay gaari soo raacaan, hase yeeshee amar Alle ayaa dhexda ku helay oo shil ayey galeen”.

Magaalada Garissa oo ay nabad ku yimaadeen markii ay ka soo baxeen ayuu shilku dhacay oo xitaa markii hore gaarigii ayaa cillad ku timid markaa Maxamed iyo Aasiyo way wada hadleen si farxadi ku jirto maadaama ay dareemayeen in is aragoodu uu dhow yahay.

Maxamed Seygii Aasiya

Maxamed ayaa sheegay in ay gabadha habaryarteed oo lagu magacaabayay Faadumo ay shilkaasi ku naf weyday Aasiyana uu soo gaaray dhaawac daran.

Maxamed ma uusan jecleyn in Aasiya iyo habaryarteed ay ku soo safraan gaari maadama ay waddadu dheereyd safarkuna uu khatar badnaa, wuxuu isku dayay in uu ku qanciyo in ay diyaaradaha sugaan, hase yeeshee markii dambe waxaa la’isku af gartay in safar dhulka ah la soo galo.

"Markii iigu dambeysay waxaan isla hadleynay in kabadan 30 daqiiqo oo ay taagnaayeen meel uu gaarigu kaga cilladoobay, markii uu u hagaagay ayey soo bexeen oo aan is macsalaameynay, 12 daqiiqo kadib waxaa i soo wacday gabar saaxiibteed ah oo Iyana safarka ku wehlineysay oo aad u ooyeysa waxana ay ii sheegtay in ay qaddari dhacday”, ayuu yiri Maxamed Khaliif.

Waxa uu sheegay in ay gabadhii ku war gelisay in habaryar Faadumo ay xaaladeedu aad u adag tahay Aasiyana ay gacan ka go’day isla markaana aysan wax gurmad ah heysan.

Garissa ayaa dib loogu celiyay si halkaa loogu dabiibo xaaladooda.

Saacad kadib ayaa lasoo sheegay geerida habaryar Faadumo, waxaana Nairobi loola soo cararay Aasiya.

Markii habaryar ay geeriyootay waxaan Maxamed iyo dadkii kale ay xoogga saareen in Aasiyo loo soo qaado Nairobi si loola tacaalo xaaladeeda.

Aasiya

"Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in gabadha uu maskaxda dhiig uga furmay isla markaana loo baahan yahay in qalliin deg deg ah lagu sameeyo, intaa ka dibna qalliinkii ayaa lagu guuleystay, ka dib ayaa naloo sheegay haddana in maskaxda iyo wadnaha gabadha aysan wada shaqeyneyn oo xaalad culus ay gashay markale”, ayuu yiri Maxamed.

Waxa uu codsaday in loo fasaxo in uu gudaha ugu galo qolka ay ka jiiftay isbitaalka isagoo tilmaamay in habeenkii oo dhan uu dul taagnaa marka gacanta saaro meel ka mida jirkeedana uu ka dareemayay qabow badan. "Subixii ayaa dhakhtarku noo yimid, waxa uu xoogaa ka dib noo sheegay in gabadhu ay xaaladeeda sii cuslaaneyso, xogaa uu gudaha ku jiray ka dibna waa uu noo yimid waxana uu nagu war geliyay akhbaarka geerideeda”, ayuu yiri Maxamed Xasan Khaliif.

Maxamed waxa uu sidoo kale sheegay in geerida ayeeyadeed oo ay aad u jecleed ay Aasiya ku abuurtay murug badan, isla markaana ay wakhti ku qaadatay in uu dejiyo ama samirsiiyo.

Waxa uu ku ammaanay in ay ahayd gabar af gaaban oo aqlaal badan, isla markaana uu u duceynayo.

Waxa uu sheegay in uu hilmaami waayay hadal ay ku tiri ka hor inta aysan soo gelin safarka dhulka ah ee ay shilka ku galeen.

"Waxa ay igu tiri waan ogahay in aadan jecleyn safar dhulka ah mana rabo in aan sameeyo wax aadan raalli ka ahayn, laakiin niyada ii fur, anigana waxa aan ku iri wan ku fasaxay waana idiin duceeyay ee Allaha idin nabad keeno”, ayuu sii raaciyay Maxamed.

Dorraad ayaa Aasiya lagu aasay magalaada Nairobi oo ugu dambeyn ay ku geeriyootay.

XIGASHO:-BBC

D/Itoobiya oo soo bandhigtay Diyaarado dagaal oo casri ah

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay soo iibsatay diyaarado dagaal oo nooca jiilka shanaad ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo casri ah, kuwaas oo ay ku sheegtay inay ku xoojinayso ciidamadeeda cirka.

Warkan oo lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee Facebook kuleeyihiin Ciidamada Itoobiya ayaa lagu sheegay inay Itoobiya hantiday Diyaaradaha dagaalka ee jiilka shanaad noocooduna yahay SU-30 oo casri ah, kuwaas oo la sheegay inay difaaci doonaan weerar kasta oo lagu soo qaado Dowladda Itoobiya, sida uu sheegay Taliyaha Ciidamada Itoobiya Birhanu Julla.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay mar uu ka hadlayay munaasabadda lagu soo bandhigayay Diyaaradahan in qalabaynta ciidamada cirka ee Itoobiya ay wax badan ka tari doonta adkaynta iyo xoojinta ciidamada cirka ee Itoobiya, waxa kale oo Taliyuhu xusay in Diyaaradahan dagaal ee ay hadda heshay Itoobiya ay yihiin kuwii u dambeeyay ee dunida laga isticmaalo.

Dhinaca kale Taliyaha guud ee ciidamada cirka Itoobiya Yilma Meredassa ayaa sheegay in Diyaaradahan dagaal ee ay Itoobiya heshay ee SU-30 iyo nooca aan duuliyaha lahayn ee Drone-ta ay awood buuxda u leeyihiin inay gaystaan weeraro degdeg ah, isla markaana ka hortagaan waxa uu ku tilmaamay cadowkasta oo kusoo duula Itoobiya, waa siduu hadalka u dhigay Taliyaha guud ee Ciidamada cirka Itoobiya.

Bandhiggan Itoobiya kusoo bandhigtay Diyaaradahan dagaal ee cusub ayaa kusoo aad aya xilli xiisadda u dhaxeysa Dowladda Itoobiya iyo Soomaliya ay meel xun marayso, taas oo ka dhalatay heshiiskii is afgarad ee dhinaca Badda ee billowgii bishan Addis Ababa ku dhex maray Dowladda Itoobiya iyo Somaliland, taas oo wali

aan degin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip