Chile Oo Rogoorayaal Argentina Kaga Qaaday Copa America Xilli Messi Iyo Vidal Darbooyinkoodii Ay Qasaariyeen

0
Monday June 27, 2016 - 12:51:11 in Sports News by
  • Visits: 641
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chile Oo Rogoorayaal Argentina Kaga Qaaday Copa America Xilli Messi Iyo Vidal Darbooyinkoodii Ay Qasaariyeen

    Labada qaran ayaa qeybta hore soo bandhigay ciyaar adag oo jir ahaan iyo maskaxiyan ka dhisneyd . Chile mararka qaar kubadda iyaga ayaa maamulkeeda hayay sidaas oo ay tahay ma jirin halis gilin gaar ah oo ay ku sameeyeen shabaqa Argentina . Argen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada qaran ayaa qeybta hore soo bandhigay ciyaar adag oo jir ahaan iyo maskaxiyan ka dhisneyd . Chile mararka qaar kubadda iyaga ayaa maamulkeeda hayay sidaas oo ay tahay ma jirin halis gilin gaar ah oo ay ku sameeyeen shabaqa Argentina . Argentina waxaa fursad gool xaqiiq aheyd ka qasaariyay biloowgii Gonazalo xilli uu goolhayaha kaligiis ku noqday

Argentina si waliba oo ay kubadda u dhisaan oo uu Messi u seex seexiyo ciyaartooyda Chile waxa uu waayay meel uu kubadda marsiiyo , waxa ayna Chile ku qasbeen in kaarka cas uu ka qaato Marcelo Díaz daqiiqaddii 28-aad ka dib qalad uu ku galay Messi xilligaas oo uu qabay kaarka digniinta .

Argentina dhankooda waxaa kaarka cas ka qaatay dhamaadkii Rojo kaasi oo qalad weyn ku galay Vidal waxa ayna aheyd daqiiqaddii 43-aad , iyadoo nasiinada lagu aaday bar bar dhac bilaa goolal ah .

Qeybta labaad waxa ay ciyaarta aheyd mid ku biloowday qaab deggan waxa ayna koox waliba raadineysay waddo ay ku fur furaan ciyaarta

Marka la eego hanaanka ciyaarta waxa ay aheyd mid isu dheeli tiran awoodda labada koox balse Argentina ayaa laga filan karay goolka 1-aad , waxa ayna Argentina daqiiqaddii 56-aad badaleen Di Maria oo aan soo bandhigin kulankaan heerkii laga rabay maadaama uu dhaawac ka soo kacay waa ay ku adkeyd ciyaarta

chiii - Copy

Chile si waliba kubadda u baas baasaan waxa ay weysanayeen meel ay marsiiyaan oo daafaca Argentina waxa uu ahaa mid adag xilli saaxibada Vidal u nuglaayeen Offside .

Argentina si dadaalkooda gool ugu turjumaan waxa ay soo giliyeen Aguero daqiiqadii 69-aad xilligaas oo loo badalay Gonzalo


Chile waxa ay ciyaarayeen kubadda kalsooni ay ka muuqato waxaana kaliya ka maqnaa in ay si sax ah u tagaan goosha Argentina isla markaana gool u turjumaan
Chile daqiiqadii 79-aad gool cajiib noqon lahaa ayaa waxaa laga bad baadiyay Vargas iyadoo goolhayaha Argentina uu saaray banaanka xilli dadaalkaas uu ku yimid kubad rogaal celis aheyd oo ay soo jiideen halka Argentina iyana uu ka qasaariyay Aguero
Si waliba oo ay labada qaran u dadaalaan ayna u qasaariyaan fursado waxa ay ciyaarta ku dhamaatay bar bar dhacaas bilaa goolasha ah waxaana lagu daray 30 daqiiqo oo dheeri ahaa.

Qeybtii hore ee waqtigii dheeriga ee 30-ka daqiiqo Argentina ayaa cadaadis badneyd waxaana goolal xaqiiq ahaa si mucjiso uga bad baadiyay goolhayaha Chile halka sidoo kale Chile ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah .

waxaana nasiinada ku aadeen mar kale bar bar dhac bilaa goolal ah xilli Chile dhamaadkii qeybtaas badaleen Alexis Sánchez kaasi oo u muuqday mid dhameystran waayay ciyaarta maadaama u nuglaa jibis iyo carqaladeyn .

Qeybta labaad waxii gool ahaa waxaa Argentina u diiday goolhayaha Chile ee Claudio Bravo kaasi oo aan si aan la aamini karin u bad baadiyay kubad waliba oo ay helaan Argentina , waxa ayna Chile qeybta labaad ee waqtiga dheeriga ku tiirsanayaane kubadaha rogaal celiska ah , waxa ayna ugu dambeyn ku dhameysteen bar bar dhacaas bilaa goolasha ah waxa ayna aadeen rigoore tuurasho

Waxaan rigoora tuurashadii ku badisay Chile xilli Messi uu darbadiisii u qasaaiyay oo hawada ay marsiiyay halka Chile dhankooda hal laad uu ka qasaatiyay Vidal.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip