Maqaal: Midowga Yurub (EU): Aqoon Guud

0
Sunday June 26, 2016 - 13:52:53 in Maqaallo by
  • Visits: 1183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqaal: Midowga Yurub (EU): Aqoon Guud

    David Cameron waxa uu u muuqdaa raysal wasaare dhaxalkiisu ku suntanaan doono burburinta laba midow oo is barkanaa: Midowga Yurub iyo Boqortooyada midowdey ee UK.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

David Cameron waxa uu u muuqdaa raysal wasaare dhaxalkiisu ku suntanaan doono burburinta laba midow oo is barkanaa: Midowga Yurub iyo Boqortooyada midowdey ee UK.
Scotland iyo Waqooyiga Ireland oo labadooduba u codeeyey in ay ku jiraan xerada Midowga Yurub, waxa hadda ka socda dhaqdhaqaaq u darban in la qaado afti lagaga baxayo Midowga UK, ka dib guushii Brexit ee Juun 23, 2016.

Dhinaca kale, meelo badan oo Yurubta kale ka mid ahna, waxa ka shidmay oog horseed ka ah laab-la-kac lagu baafinayo afti loo qaado in lagaga baxo Midowga Yurub. Denmark, Holland iyo France ayaa ka mid ah meelahaas.

Yurub oo dhan waxa ka aloosan neecaw u dhacaysa dhinaca axsaabta midigta fog ee cunsuriyiinta ah oo arrintan Brexit na ay shidaal ku sii shubtay.

euFlag

Midowga iyo Aasaaskiisii

1951 waxa la aasaasay The European Coal and Steel Community (ECSC). 1957 waxa dhidibbada loo taagey The European Economic Community (EEC).

Labadan urur oo lahaa dano dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed waxa ay gundhig u ahaayeen The European Union (EU) ama Midowgan Yurub ee maanta.

Waxa ururradan isku bahaystay oo dhidbay lixda waddan ee France, West Germany, Italy, Belgium, Holland iyo Luxembourg.

Magaca cusub ee The European Union (EU) waxa loo bixiyey 1993 xilligii mucaahadaddii Maastricht.

Waddamada Ireland iyo Denmark ayaa ku biiray 1972, halka UK na ay kaga mid noqotay 1973. Creece waxa ay ka mid noqotay 1981, halka waddamada Spain iyo Portugal na kaga soo biirayaan 1986.

Intii u dhaxaysay 1993 – 1995 waxa ururkaas ka mid noqday waddamada Aaland Islands (jasiirado ku yaal Sweden iyo Finland dhexdooda), Austria, Finland, Sweden iyo Cyrus.

Midowga Yurub waxa ballaadhintii ugu weynayd lagu sameeyey ka dib burburkii gaashaanbuurtii Warsaw iyo kala daadashadii Midowgii Soofiyeetiga.

2003 waxa ku soo biiray Malta, Hungary, Lithuania, Latvia, Stonia, Poland, Groatia, Slovenia, Slovakia iyo Czech Republic. 2007 na Romania ayaa gashay.

28 waddan ayaa ka mid ahaa wixii ka horreeyey Khamiistii Juun 23, 2016 oo UK cod aqlabiyad ugu aftiyaysay in ay midowgaas kaga baxdo.

Waddamada ka maqnaa Midowga Yurub

Waddanka Norway laba jeer ayuu afti u qaaday in ay ku biiraan midowgaas, labadii jeerbana dadkiisu way diideen in ka mid noqdaan.

Waddamada Iceland, Liechtentein iyo Switzerland na abidkood ma soo jalleecin midowgaas in ay ka mid noqdaan.

Hase yeeshee, waddamada Norway, Iceland iyo Liechtentein waxa ay xubno ka yihiin Suuqa Dhaqaalaha Yurub (The European Economic Area "EEA’). Swirzerland se iyadu xitaa EEA kuma jirto.

Si kastaba ha ahaato’e midowgani waa ka ugu weyn, uguna saamaynta badan ee adduunyada ka jira. Waxa hoos yimaadda hay’ado iyo macaahid xooga badan oo kale oo kala duwan.

Marka laga soo dab-qaato Hay’adda Lacagta Caalamiga ah (IMF), dhaqaalaha Midowga Yurub (GDP) dhaliyaa sannadkii waxa lagu qiyaasaa €14.303 Trillion. Tirada dadka ku nool xerada Midowguna waa 508 milyuun.

GDP-ga UK waa 2.85 Trillion, tirada dadka ku noolina waa 65 milyuun.

Si uu uga badbaado kala daadasho iyo feedho-guran ku yimaadda, waa in Midowga Yurub hore daaqadda uga saaraa UK oo cidla’ ku go’doomiyaa marka ay timaaddo, gaar ahaan, arrimaha Yurub iyo kuwa caalamkaba, guud ahaan, iyada oo ay haddaba saraakiisha Midowga Yurub ka dalbadeen UK in hore loo bilaabo wada hadallada ay labada dhinac ku kala guranayaan.

France iyo Germany oo ah labada waddan ee udub-xoogga u ah midowgan Yurub ayaana ciyaari doona doorka ugu weyn ee Ingiriiska lagu garbin doono.

Si uu taas isaga caabbiyo, Ingiriiskuna waa awr hayin ah oo gaboobay. Waxa uu sii xoojin doonaa xidhiidhkiisa Ameerika iyo dib boodh-uga-jafidda Barwaaqo Sooranka (Commonwealth).

Commonwealth waxa uu ka kooban yahay 53 waddan oo ku abtirsada Boqortooyadii aanay cadceeddu ka dhici jirin oo ayay hadda ku nool yihiin 2.1 bilyan qof, GDP-na lagu qiyaasay $14.623 Trillion.

Wixii ka dambeeyey tallaabadan Brexit, waxa Ingriiska soo foodsaaray khalkhal hoggaamineed, qalalaase dhaqaale oo saamayn xun ku yeeshay suuqyada ganacsiga iyo sayladaha sarrifka lacagaha.

Rag is gurayee !!!!

"Wankayga madaxa Madow ayuun baa la isku haystaa !!!!”

Adduun Caaryaale!!!

Waxaa Qoray Maxamed Baashe Xaaji Xassan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip